Sign in to follow this  
Carafaat

299 Rape cases reported in Hargeysa in the last two years

Recommended Posts

Carafaat   

War-bixin: 299 Kufsi Oo Hargeysa Ka Dhacay Labadii Sano Ee U Danbeeyey

 

Falalka kufsiga ayaa sare u kacay magaalada Hargeysa iyadoo sannadkii 2012 iyo afartii bilood ee sannadkan horreeyey oo aanay bishan May ku jirin ay dhaceen 299 kufsi oo kala duwan.

 

Xarunta Baahi-koob oo hoos tagta wasaaradda caafimaadka Somaliland kana shaqaysa wax-ka-qabashada iyo daba-galka falalka kufsiga, ayaa idaacadda Hirad u xaqiijiyey in sannadkii hore ee 2012-kii inay Hargeysa ka dhaceen 195 Kufsi oo 67 ka mid ahi ahaayeen hablo caruura oo da'doodu ka yarayd shan iyo toban jir iyo 19 wiil, halka afartii bilood ee sannadkan 2013-ka ay dhaceen 104 kufsi.

Caasha Cabdi Rooble oo ah madaxa xarunta Baahikoob ayaa noo sheegtay in marba marka ka sii danbaysa ay falalka kufsigu kor u sii kacayaan, iyadoo tilmaantay in afartii bilood ee ugu danbeeyey sannadkii hore ay dhaceen 94 kufi, taasoo marka la barar-dhigo afarta 4-tii bilood ee sannadkan oo ay dhaceen 104 ay u dhaxayso 10 kufsi.

 

Waxa kale oo ay Caasha Cabdi sheegtay in sannadkii hore guud ahaan kufsiyadii dhacay in 67 dacwado ay Maxkmadda galeen, halka ay maxkamaddu go'aan ka gaadhay 17, 24 kalena booliska dib loogu ceeliyey si ay baadhitaan qotodheer ugu sameeyaan. 28 kalena lagu xalliyey xeer-dhameed amma hab dhaqan. Waxaana ay Caashi sheegtay in inta badan falalka kufisiga dadka gaystaa ay baxsadaan.

 

Marka la sii dhex galo xog-uruurinta iyo war-bixinaha ay Baahi-koob ka diyaariso falalka kufsiga waxa ku cad in sannadkii 2012kii gaar ahaan afartii bilood ee ugu danbeeyey ay kufsiyadani dhaceen; Sebtember 25 kufsi, October 22 kufsi, November 24 Kufsi iyo December oo ay dhaceen 23 Kufsi. Marka la barbar-dhigo afartii bilood ee sannadkan 2013-kan sida ay wax u kala dhaceen oo ah; January 27 kufsi, February 25 kufsi, March 28 kufsi iyo April oo ay dhaceen 24 kufsi. Bishan aynu ku jirno ee May weli war-bixinteedii lama soo saarin. Waxa idiin muuqanaysa in faraqu yahay 10 kufsi.

Garyaqaan Cabdi Maxamuud oo ka mid garoorayaasha maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa noo sheegay in maxkamaddu afartii bilood ee sannadkan ay go'aan ka gaadhay 6 fal-danbiyeed oo kufsi ah, isla markaana ay jiraan dacwado kale oo maxkamaddu gacanta ku hayso.

 

Haddaba, maxaa sababay in kufsigu sare u kaco magaalada Hargeysa, Maxaase is beddelay. Waxa aanu su'aashan waydiinnay Caasha Cabdi Rooble madaxa xarunta Baahi-koob: “Daba-gal badan kumaannaan samayn, balse waxa aanu isleennahay dhalinyaradii oo kooxo samaystay oo xaafad kasta waxa ka jira kooxo dhalinyaro ah oo isgaashaan-buuraysta oo waxa ay rabaan samaynaya. Ta labaad waxa kordhay soo gudbinta wararka ku saabsan kufsiga ka dib markii aanu wacyigelin badan samaynnay isla markaana aanu meelo kala duwan ku dhejinnay boodhadh, tabaro badanna la bixiyey ayay dadkii fahmeen inay adeeg heli karaan.” Ayay tidhi Caasha Cabdi Rooble.

 

Dad badan oo Somaliland ku nool ayaa aaminsan haddii aad looga sheekeeyo dhibaatada kufsiga in lacag lagu raadinayo, balse sidaa xaqiiqadu way ka duwan tahay sida ay Caasha Cabdi sharxayso; “Dad badan ayaa dafirsan in dhibaatan kufsigu tahay waxa jira. Waxaana dadkaasi ku odhanayaan 'hay'ado ayaa lacag lagaga doonayaa, falalkani ma dhacaan oo magaalada (Hargeysa) kama dhacaan ee waa laa buun-buuninayaa.' markaa waxa aan bulshada odhan lahaa waa inay xaqiiqsadaan in waxani uu yahay dhib waddanka ka jirta inta aanay guryahooda ka dhicin oo qof kastaa ku baraarugo inta aanay gurigiisa ka dhicin.”

 

Waxay Caasha Cabdi sheegtay in inta badan uu kufisigu ka dhaco xaafadaha kala duwan ee magaalada gaar ahaan meelaha deggan yihiin dadka IDP-yada ahi amma xaafadaha ay ku badan yihiin dadka danyarta ahi, dadka kufsiga ku kacayaana ay isugu jiraan dad shakhsiyaad ah iyo kooxo dhalinyaro ah oo habeenkii hablaha meelaha waddooyinka ah ka qaata, iyadoo waalidka gaar ahaan hooyooyinka kula dardaarantay inay caruurtooda ilaashadaan oo aanay habeenkii dibadda u dirin.

 

Garyaqaan Cabdi Maxamuud Cali ayaa qiray in kufsigu ka mid yahay dembiyadda ciqaabta ah ee maxkmadu sida weyn ugu hawlan tahay, isagoo tilmaamay in falalka kufsiga lagaga adkaan karo sharciyadda oo lagu dhaqmo iyo in ciqaab la marsiiyo dadka ku kacaya. “Waxa kufsiga lagaga taqalusi karaa iyadoo lagu dhaqmo sharciga iyo qodobada ciqaabta ah ee qabanaya ciddii wax kufsata in lagu xukumo. Taasi waxay yaraynaysaa in falalka kufsiga ahi dib u soo noqnoqdaan. Tusaale ahaan todobankii kiis ee ugu danbeeyey haddii lagu xukumi lahaa xukunnada ciqaabta ah waxay yarayn lahayd dhalinyarada kale ee doonaysa inay wax kufsadaan. Laakiin haddii maalin kasta la yidhaahdo waxa lagu xallinayaa dhaqan, inankii yaraaa ee shalay wax kufsaday dee berrina wuu kufsanayaa oo waxa uu og yahay in la soo daynayo.” Ayuu yidhi Cabdinajiib.

 

Ururada dagaalka kula jira kufsiga ku soo badanaya Hargeysa waxa ka mid ah guddida xuquuqalka Insaanka Somaliland oo bishii April ee saqnnadkan soo saaray baaq ka dhan ah Kufsiga, kaas oo ay ugu muhiimsanaayeen in dadka kufisga ku kacaya in la marsiiyo ciqaab adag si ay uga waantoobaan falalka tacaddiga ah ee ay kucayaan, iyo in madax-dhaqameedku faraha kala baxaan falalka kufisiga haddii ay maxkadda galaan, isla markaana maxkamadaha ku tixgeliyaan inay xukun adag saarto dadka wax kufsanaya.

Dadka la kufsado aya xarunta Baahi-kood u fudisaa adeegyo ay ka mid yihiin baadhitaan caafimaad, talo siin, wada-shaqayn ay la sameeyaan CID-da, iyadoo sida ay Caasha Cabdi Rooble sheegtay dadka ku qanciya inay dhibtani tahay wax qof kasta ku dhici kara si ay dadka uga saaraan cuqdaddadii iyo tacaddigii ka soo gaadhay xilliggii kufsiga.

 

Fal-danbiyeedka kufsiga oo meel halis ah maraya magaalada Hargeysa ayaa guddida xuquuqal iinsaanka qaranku waxay u aqoonsadeen inuu yahay AAFO QAARAN. Waxaana ay u soo jeediyeen bulshada reer Somaliland in dagaal culus lala galo dadka ku kacaya dhaqannada qarriban ee KUFSIGA. Walaw ay weli maqan tahay tirakoobka kufsiyada kale ee dalka intiisa kale ka dhaca.

 

Ugu danbayntii xubnahani waxay maxkamadaha Somaliland ugu baaqeen in tallaabo adag oo ciqaab ah lagu qaado dadka kufsiga ku kacaya, oo ay sheegeen in dadka qaar imaan beeleen oo ciyaal iyo qof weyn aanay kala eegayn. Waxa kale oo ay bulshada ku booriyeen in aan laga aamusin la iskana indha tirin falalka kufsiga ee sii badanaya.

 

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

cabdiheersare@hotmail.com

Oodweynenws.com, Hargeysa Office

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

These numbers are quite shocking. I only imagine the real numbers are much higher and rape cases are mostly nor reported. So this is only the tip of the iceberg.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

90% of rapes are committed by men the women know, at least here in the west, only 9% are strangers. Since Hargeisa is not a warzone, outside of a more visible police presence, and stronger punishments there is very little that can be done from a Law & Order perspective, and more has to be done in terms of workshops, tv and radio awareness as well as a change in cultural perception towards women in Somali society.

 

That is my unqualified 2 cents on this issue.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Haddaba, maxaa sababay in kufsigu sare u kaco magaalada Hargeysa, Maxaase is beddelay. Waxa aanu su'aashan waydiinnay Caasha Cabdi Rooble madaxa xarunta Baahi-koob: “Daba-gal badan kumaannaan samayn,
balse waxa aanu isleennahay dhalinyaradii oo kooxo samaystay oo xaafad kasta waxa ka jira kooxo dhalinyaro ah oo isgaashaan-buuraysta oo waxa ay rabaan samaynaya.
Ta labaad waxa kordhay soo gudbinta wararka ku saabsan kufsiga ka dib markii aanu wacyigelin badan samaynnay isla markaana aanu meelo kala duwan ku dhejinnay boodhadh, tabaro badanna la bixiyey ayay dadkii fahmeen inay adeeg heli karaan.” Ayay tidhi Caasha Cabdi Rooble.

 

Waxay Caasha Cabdi sheegtay in inta badan uu kufisigu ka dhaco xaafadaha kala duwan ee magaalada gaar ahaan meelaha deggan yihiin dadka IDP-yada ahi amma xaafadaha ay ku badan yihiin dadka danyarta ahi,
dadka kufsiga ku kacayaana ay isugu jiraan dad shakhsiyaad ah iyo kooxo dhalinyaro ah oo habeenkii hablaha meelaha waddooyinka ah ka qaata, iyadoo waalidka gaar ahaan hooyooyinka kula dardaarantay inay caruurtooda ilaashadaan oo aanay habeenkii dibadda u dirin
.

It seems that most cases are committed by groups of young men.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is very sad i hope the religious people speak up the taboo of rape needs to be broken in the society. And girls should not be ashamed ofcourse they are shamed but still they should talk about these problems.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The police need to be given explicit instructions by the leadership to robustly go after these criminals, or else nothing will deter this epidemic.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Chimera;955239 wrote:
90% of rapes are committed by men the women know, at least here in the west, only 9% are strangers. Since Hargeisa is not a warzone, outside of a more visible police presence, and stronger punishments there is very little that can be done from a Law & Order perspective, and more has to be done in terms of workshops, tv and radio awareness as well as a change in cultural perception towards women in Somali society.

 

That is my unqualified 2 cents on this issue.

Two useful cents:)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat adna ma ku biirtay xertii xumaan ku dawarsiga saaxiib Somaliland waxa jira police report and this is what nr in that report:

 

The number of rape cases dropped by 26% in the same period (131 compared to 176 in the 2011 reporting period). Duale said 150 of the 162 accused rapists have appeared in court.

Maxaa namber laba sano la isagu soo darayaa oo loo kala sheegi waayay si loo arko hoos u dhaca

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Why is everyone focussing on rapes? the most despised form of attack is pedophilia in the west. Do you all condone the pedophilia occurring in hargeisa or are you trying to use rape and say well it happens all over somalia. Sure rape happens all over somalia but i doubt u see rape happen to peoples tribes. I doubt ali mahdi will rape jowhar, or abdullahi yusuf will rape galkayo. It happens to un-armed clans. But in hargeisa its happening to your women and babies for god sakes. Wake up and stop comparing a crisis is occuring in hargeisa and even babies arent spared.

 

I know u guys like to ignore the pedofilia fact because u cant point and say it happens in somalia too but that wont save the babies bleeding in hospitals. Some call me ruthless but I call myself the doctor

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this