Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Gala Dinner held tonight In Garowe

Recommended Posts

Xaflad lagu qabtey caawa Madaxtoyada Garowe

 

28 Apr 28, 2013

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa si wadajir ah uga qaybgalay xaflad ka dhacdey madaxtoyada taasi oo lagu soo dhoweynayay casho sharag madaxda ka socotey DF Somalia.

 

Madaxweyne ku xigeenka ,gudoomiyaha Barlamanka, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan DF iyo Puntland ,madaxda safaarada Ethiopia ,marti sharaf isku jirtey culimo ,nabadoono ,aqoonyahano ,dhalinyaro iyo haween ayaa intuba ka soo qaybgalay.

 

Kooxda Waaberi Puntland ee Abwaan Shube hogaamiyo ayaa heeso iyo riwaayado soo bandhigtey ka tarjumaya xaalada dalka ,halka Gabayo ay soo jeedsheen abwaano uu ka mid yahay Jaaamac Kadiye ,Xaliimo Puntland iyo Cawdgale.

 

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre ayaa ka waramay bilowgii geedi socodka Dimoqraadiyada Puntland heerarkii kala duwanaa ay soo martey iyo halka ay beegsaneyso.

 

Dhankiisa ayaa wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa wax ka tilmaamay waxbarashada Puntland heerkay gaarsiisantahay ,isagoona ka codsadey DF inay Puntland saamigeeda ka siiso deegaha caalamiga ee lagu helo magaca Somalia iyo guud ahaan wixii arrimaha bulshada horumarinaya.

 

Madaxweyne Cabdiraxman Farole ayaa ka soo jeedshay khudbad dheer uu kaga hadlay Puntland ,DF Somalia ,Amaanka ,hirgelinta nidaamka Federaalka ,wax soo saarka khayraadka dabiiciga iyo Xisbiyada Puntland.

 

Xildhibaaan Faarax Sulub oo ka mida barlamanka Puntland ayaa ugu yeerey madaxweyne Xasan Shiikh inay tixgelin u yeelaan arinta gobollada Sool ,Sanaag iyo Cayn oo ka mida Puntland doonaya Somalinimo,waxana uu raacshay in muddo lix sanno ciidamo ay dul joogaan iyagoona aan helin wax horumarin ah oo ku saabsan noloshooda sida uu hadalka u dhigey.

 

Waxa uu sheegey inay muhiim tahay Puntland inay qayb ka noqoto wadahadal kasta oo DF Somalia ay la yeelanayso Somalida kale qaybaheeda ,maadaama ay qayb ka yihiin Dowladda Soomaliyeed sidoo kale waxa uu ku baaqey dhamaystirka Dastuurka iyo in lagu dhaqsado dhismaha maamul goboleedyada kale ee ka mid noqonaya DF.

 

Dadaalada caalamiga ee la-dagaalanka Al-shabaab iyo burcad badeeda ayuu sheegey Farole in maamulkiisu soo dhoweynayo ,waxana uu sidoo kale soo dhoweeyey cid kasta oo Somalia maamul iyo dastuur u gaar ah dhisaneysa iyagoo ka mid ah DF Somalia.

 

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo soo xirey xafladan ayaa ka hadlay Federaalka Somalia,waxana uu sheegey in xalka Somalia uu ku jiro gacanta Somalida.

 

''Booqashadan iyo hadaladii laga jeedshay caawa meeshan waa mid xasuus gaar ah igu reebeysa'' ayuu yiri Xasan Shiikh oo Somalida ugu yeerey iskaashi iyo isku dulqaadasho sidi loo gaari lahaa dowladnimo iyo soo celinta qarankii burburey.

 

''Somalia in la gaarsiiyo dalcad aan dib loogu soo noqon karin ayaanu taaganahay maanta ,waxyaabaha xanuunka leh ee shalay dhacay in lagu laabto dib ayay u dhigeysaa Somalia'' ayuu Xasan Shiikh yiri.

 

Cunaqabadeynta Hubka ee Somalia laga qaadey ayuu ku sheegey madaxweynaha Somalia in micneheedu yahay qabiil gaar ah in la hubeeyo balse ku tilmaamay mid ay ku doonayaan la-dagaalanka kooxda Al-shabaab.

 

Ujeedka Booqashadiisan Garowe ayuu ku micneeyey Xasan Shiikh wadatashi ku aadan shirka London oo Somalia lagu taageerayo islamarkaasina dib loogu soo celinayo dalka wajahada dalalka caalamka.

 

Ugu danbeyntii ayuu ku bogaadiyey dadweynaha reer Puntland go'aanka ay ku dhisteen maamulkan ,waxana sidoo kale uu guul ku tilmaamay geediga dimoqraadiyada Puntland mudadii koobneyd ee shaqada baaxada lagu talaabsadey.

 

Lama shaacin ilaa iyo hada intay qaadaneyso booqashada Xasan Shiikh ee magaalada Garowe ,waxana war ka soo baxay xafiiskiisa lagu sheegey inay qayb ka tahay socdaal uu ku marayo gobollada dalka isagoona horey u tagay gobolada Hiiraan iyo Bay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Puntland was already in peace, and its surroundings were peaceful, as well as Mogadishu, what else did you had in mind!

Share this post


Link to post
Share on other sites

I see Jaamac Kadiye, an Abwaan of Reer Lasanod. Puntland's Vice President is also Reer Lasanod/Talex. The question is, don't tribes from Puntland that have their territories part of Puntland 100% deserve to be given the VP or Presidential position, instead of Cabdisamad, who's entire tribe is against Puntland and is supporting Khaatumo?

 

This is the problem of Somalis. Here, they are today crying about Xassan's signature with Somaliland in Turkey, claiming that he is not being fair, thus meeting only one tribe from the North. Now, if Xassan signs some sort of deals with Puntland, will they cry about that too?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaji,

 

The Garaad clan is claimed by Somaliland enclave, too. At least in 1998, the Garaad clan signed agreements to be part of Puntland. They never signed anything with the SNM tribes, other than peaceful co-existence and cease fire. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Looks great, look at the president laughing with the regional leader, wallee it's just a top time, I wish I was there to witness this baashaal odey style.

 

Where are the secessionists, Xaaji where's your ilk, this must be bad news to see unity within Somalia. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this