Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Breakingnews Raskambooni removed from Kismayo. Ahmed madoobe flies to Nairobi to meet Kenyatta

Recommended Posts

Ciidamadii Raaskanbooni oo Magaalada Kismaayo laga saaray iyo Sheekh Axmed madoobe oo Magaalada Nairobi u soo aaday wada tashi.

 

Dagaalamayaasha Jabhada Raaskanboni ayaa habeenkii xalay ahaa laga saaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose kadib markii ay shacabka magaaladaasi xalay fowdadii ugu darneyd ay kula dhaqaaqeen. Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo ay amar ku siiyeen maleeshiyaadka in ay duleedka ka tagaan magaalada Kismaayo oo ay ku luga aruursadaan Madaxtooyada kadib markii ay shacab mudaaharadayay ay jir dil u geesten boorarkii mudaaharadkana ay ka jeex jeexeen. Goob joogayaasha ayaa waxa ay xaqiijiyeen in amarkaasi si dhaqsa ah ay ugu hogaansameen Ciidamadii Raaskanbooni ayna dubrbadiiba magaalada ka bexeen, magaaladana ay amaankeeda sugayaan ciidamada Kenya halka ciidamadii meleteriga ahaa ee dowlada Soomaaliya ay u dirtay xilligaa ay ku suganyihiin Garoonka diyaaradaha Kismaayo. Goob joogayaasha ayaa waxa ay xaqiijiyeen in amarkaasi si dhaqsa ah ay ugu hogaansameen Ciidamadii Raaskanbooni ayna dubrbadiiba magaalada ka bexeen, magaaladana ay amaankeeda sugayaan ciidamada Kenya halka ciidamadii meleteriga ahaa ee dowlada Soomaaliya ay u dirtay xilligaa ay ku suganyihiin Garoonka diyaaradaha Kismaayo. Dhanka kale, Amxed Madoobe, Cabdi Naasir Seeraar iyo saraakiil kale oo dhamaan kamid ah hogaanka Raaskanooni ayaa looga yeeray Kenya iyaga oo shalayna ka duulay garoonka Kismaayo, iyada oo lafilayo in loo soo yeeriyo waxa ay ku dhaqaaqi lahaayeen. Ilo xog ogaal ah waxa ay xaqiijinayaan in kadib wada hadal dheer oo dowlada Soomaaliya iyo Kenya ay yeesheen leesla afgartay in meesha laga saaro waxa loo yaqaanno Jabhad si deris wanaaga labada dal uu u sii jiro, lana filayo in Axmed Madoobe uusanba kusoo laaban doonin Kismaayo, dagaalamayaasha Raaskanboonina hubka laga dhigayo magaalada amaankeedana ay la wareegayan ciidamada meleteriga ah ee garoonka diyaradaha ku sugan, kuwaas oo qorshaha in ay ka qeyb qaataan markii horaba loo sii diyaariyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha Gobolka Gedo oo ka hadlay Boqollaal Ciidamo ah oo dhawaan gaaray Magaalo Xeebeedda Kismaayo

Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ka hadlay boqollaal ciidammo oo dhawaan gaaray degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo cabsi badan ka dhaliyay degmadaas.

 

Maxamed Kaliil ayaa sheegay in ciidamadan ay ahaayeen kuwo dowladda Soomaaliya ya u bedeshay degmadaas, balse aysan ahyan kuwo inay dhibaato sameeyaan halkaas u tagay.

 

“Ciidamadan waxay ahaayeen kuwo dowladda Soomaaliya ay u bedeshay gobolka Jubbada Hoose, umana tegin halkaas inay dhibaatooyin abuuraan,” ayuu yiri Kaliil oo u warramayay VOA-da isagoo ku sugan gobolka Gedo.

 

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka taagan cabsi weyn oo ka dhalatay in ciidamadan iyo kuwa maamulka KMG ah ee degmada uu dhexmaro isku-dhac hubeysan.

 

Su’aal ahayd halka ay ciidamadaas u mareen Kismaayo oo la weydiiyay ayuu kaga jawaabay inay mareen soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayna hadda ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

 

“Intii ciidamadan ay kusii socdeen jidka wax dagaal ah lama kulmin, mana aysan sii marin dhulka ay Al-shabaab ka taliso,” ayuu Kaliil hadalkiisa ku daray. Isagoo xusay in ciidamadan ay ogaayeen maamullada dowladda balse maamulkii aan dowladda ka tirsanayna maba oga.

 

Sidoo kale, mar la weydiiyay su’aal ahayd fikirka ay ka qabaan maamul u sameynta Jubbooyinka ayuu sheegay in maamulkaas aan loo dhameyn, mana jirto jabhad maamul u sameyn karta Jubbooyinka, waayo dalka lagama aqoonsano buu yiri jabhado.

 

“Dalka dowlad ayuu leeyahay waana inay dowladdu hoggaamiso maamul u sameynta gobollada dalka, ciidamada Kismaayo tagayna waxay ku tageen qorshe dowladeed,” ayuu guddoomiyaha gobolka Gedo ku daray hadalkiisa.

 

Ugu dambeyn, Maxamed Cabdi Kaliil wuxuu dowladda Soomaaliya ka codsaday inay maxkamad soo taagto xildhibaan baarlamaanka ka tirsan oo uu sheegay inuu ciidamada dowladda ee Kismaayo tagay ku tilmaamay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

 

Maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaan weli ka hadlin ciidamadan soo gaaray degmada, inkastoo wararka ka imaanaya xarunta Jubbada Hoose ay sheegayaan in cabsi weyn ay ka jirto degmadaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Xaaji Xunjuf;926026 wrote:
Ma Axmed madoobe , maya doqon maha eeh xaalada ku yara jiq ah.

:D :D

Xaaji, inuu NBI u cararay ma la hubaa?.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^ :D sheekada Kismaayo haddey xiise yeelatay!.

 

Kn:Sida aan saakadii hore tabinnay, maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo oo looga yeeray Nairobi ayaa soo gaaray halkaasi kadib markii diyaarad loo diray ay Kismaayo ka soo qaaday.

 

Dhamaan xubnaha uu ka koobanyahay maamulka ku meel gaarka ah, intooda muhiimka ah ayaa iska soo xaadiriyay Nairobi, waxaana xubnahaasi kamid ah, Sh. Axmed Madoobe oo ah Gudoomiyaha maamulka, Yaasiin Raadaar, kuxigeenka Gudoomiyaha, Gen. Saxardiid, taliyaha ciidamada qalabka sida ee Jubbooyinka iyo Gedo, Muungaab, Seeraar iyo xubno kale.

 

Lama oga sababta dhabta ah ee ka danbaysa masuuliyiinta la soo wada dheelmay, walow ay tan iyo bari wax kala caddaan doonaan, laakiin hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in loogu yeeray sidii xal looga gaari lahaa arimaha maamul u samaynta Jubbooyinka oo u muuqda kuwo ajuuro cunsan.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maaddeey;926049 wrote:
^
:D
sheekada Kismaayo haddey xiise yeelatay!.

 

Kn:Sida aan saakadii hore tabinnay, maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo oo looga yeeray Nairobi ayaa soo gaaray halkaasi kadib markii diyaarad loo diray ay Kismaayo ka soo qaaday.

 

Dhamaan xubnaha uu ka koobanyahay maamulka ku meel gaarka ah, intooda muhiimka ah ayaa iska soo xaadiriyay Nairobi, waxaana xubnahaasi kamid ah, Sh. Axmed Madoobe oo ah Gudoomiyaha maamulka, Yaasiin Raadaar, kuxigeenka Gudoomiyaha, Gen. Saxardiid, taliyaha ciidamada qalabka sida ee Jubbooyinka iyo Gedo, Muungaab, Seeraar iyo xubno kale.

 

Lama oga sababta dhabta ah ee ka danbaysa masuuliyiinta la soo wada dheelmay, walow ay tan iyo bari wax kala caddaan doonaan, laakiin hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in loogu yeeray sidii xal looga gaari lahaa arimaha maamul u samaynta Jubbooyinka oo u muuqda kuwo ajuuro cunsan.

 

KismaayoNews.com

Aad bay hada xiiso u yeelatay , hada waxa la sugaya uun ciidamada cusub eeh Shabaab oo dhan so dhex maray Sida Kismayo ula dhaqmaan , iyo warku Axmed madoobe kala so noqdo Kenya. Beesha Azania ,hankoodi mamuul waxa ka qasay Hassan culusow oo tageero fara badan ku leh beesha gedo,oo nidaamki mamuul samaynta jubooyinka isbaaro u dhigtay. Waleh tani wa isu qayileysa..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masuuliyiinta maamulka Kismaayo oo Nairobi gaaray & askartii Ceelwaaq ka timid oo lagu heesto aagagii cadawga ay soo baneeyeen

 

Dhamaan masuuliyiinta maamulka ku meel gaarka Kismaayo ayaa shir wada tashi loogu yaarey magaalada Nairobi oo ay horey ugu sugnaaneen masuuliyiin kale. Tagitaanka masuuliyiintan oo uu sh Axmed Madoobe hogaaminayo ayaa lagu sifeeyay in ay salka ku heeyso hoowlihii dhismaha dowlad goboleedka oo si rasmi dardar leh dhawaan uga bilaaban doona caasimada J/Hoose ee Kismaayo.

Waxaa jira durbaba road map la isla wada aqbalay oo ku saabsan sida wax u dhici doonaan waqtiga dhaw iyo kan fogba oo ay ugu horeeysa doorashada masuuliyiinta dowlad goboleedka iyo sidii loo dardar galin lahaa in gacanta ciidamada dowlada ee Jubbooyinka iyo Gedo la soo galiyo deegaanada wali maqan.

Dhinaca kale askartii la soo lugeeyay oo ay soo direen rag iyaguba ku haray Gedo ayaa Amisom ku heeysaa xero duleedka Kismaayo. Waxaa jira waxyaabo badan oo muujinaya in askartan qaarkood la qiyaameeyay loona sheegay in ay Kismaayo aadaan sidii iyadoo Kismaayo tahay meel la iska iman karo ujeeda la’aan. Waxaa sii xoogeeysanaya cadeeymaha jiritaanka mu’aamurad Xasan Culuso, Saacid iyo qaar Gedo jooga dhacdadan isla meel dhigeen iyagoo doonayay in qas laga rido Kismaayo. Askarta Gedo ka timid ayaa lagu hub iyo maal galiyay hantida shacabka Jubbooyinka hase ahaatee rabeen in ay adeegsadaan kuwa danaha shacabka Jubbooyinka ka soo horjeeda.

Wararka uga danbeeyay oo aan deegaanka ka helnay ayaa sheegaya in ragan intoodii qorshaha aaga dagaalka lagu ogaa soo faarujiyay lagu qaadi doono sharciga ciidamada halka kuwa kalana u badan tahay in la cafiyo dibna looga celiyo halkii ay ka hoowl gali jireen waxaase xaqiiqa ah in aanay Kismaayo galin hubkana lagaga wareegayo. Tan ayaa ah dhacdadii sadexaad oo ay kuwa Xamar hantidii shacabka Soomaaliyeed xaaraanta ku heeysta soo qorsheeyeen iyagoo isticmaalaya kuwa lagu hoowl galiyay hantida shacabka ay u soo duulaan tagayaan. Si walbaba dadka arrimaha Soomaaliya ku xeel dheer ayaa saadaalinaya in colaado waaweeyn oo madaxda Soomaalida ku lug leeyihiin ku soo fool leeyihiin Jubooyinka iyo Gedo waxeeyse wax walba ku xirn yihiin gardaro in aan guul laga gaarin iyo sida shacabka, siyaasiyiinta iyo dhamaan qeeybaha Jubbooyinka isku kaashadaan uguna diyaar garoobaan in aay dhiciseeyaan colaadaha Culusoow soo hurinayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

The Zack;926057 wrote:
The Irirs are getting excited LOL.

Zack, adaa ugu daran!. kuwii aad waagii hore colka la ahayd aa hadda dadka ugu jeceshahay!. Puntland u guur nooh, waa idinku filanyahay reer kalax haddaa tihiin!. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this