Sign in to follow this  
oba hiloowlow

BREAKING NEWS:Terrorist group Al shaydadiin Attacks Baar Liido again

Recommended Posts

Labo qarax oo mid uu ahaa qof isa soo miidaamiyay iyo qarax gaari waxyaabaha qarxa ay ka buuxeen ayaa goor dhow ka dhacay Maqaaxida Indian Ocean oo ka soo horjeeda Baarka Liido oo todobaad ka hor qarax lala eegtay.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa, iyadoo lagu soo waramayo in qasaare uu jiro, hase ahaatee si dhab ah looma oga.

 

Gawaarida gurmadka deg dega ee Ambalaaska ayaa goobta qaraxa ka dhacay ku qul qulayay, si ay dhaawacyada u soo daabulaan.

 

Qof goob jooge ah ayaa sheegaya in qaraxyada ay ahaayeen labo, oo ay daqiiqado u kala dhaxeeyeen, iyadoo qaraxa hore uu ahaa qof is qarxiyay, midka labaadna uu ahaa gaari meel Parkin ah yaalay.

 

Qaraxyadan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalinta Jimcaha ay xeebta Liido u dalxiis tagaan dadweyne qurbaha ka yimid iyo kuwa degmooyinka ka soo kalaha, si ay ugu dabaashaan, waxaana maqaaxida laga furay Nawaaxiga xeebta u badan dad ka yimid qurbaha oo ka cunteeya.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

As long the Liido is an open place and anyone can come and do whatever they like bomb isku qarxin then I guess it would be like this unless the government makes a security check on all entry points to the Liido places(I suggested the same when the last qarax occured).

 

Last qarax should have being a lesson and extra security should have being in place, a real checkpoint that detects everything, hand by hand anyone men and women loo check-gareeyo.

 

Intii dhimatey Ilaah ha u naxariisto, the same will happen and conitnue to happen if the government don't address the huge population that are crowded there every Friday, few checkpoints won't hurt.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good points Nuune, walahi al shabaab are focked in the head why target innocent people okay if they attacked a government building or something i would understand but a suicide attack intending to kill innocent children,women and men who wanna enjoy their weekend walahi taa wax maskaxda geli karto maaha kaaga darane people like Maadeey and che supports Al shabaab.:eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maaddeey and Co, why are you attacking a privately owned businesses? What have they got to do with the government or AMISOM? Amisom waa laga cararaayaa shacab masaakiin ahna geesiyo aa loo yahay. Illaahay meel daran idinka tuur Shayaadiin.

 

Shacabka dhintay Alla ha unaxariisto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inaa-lilaahi wa inaa ileehi raajicuun.

Kowaan maskaxda laga soo dhaqey ee ismiidaaminaayaa ilaahey jidaka saxda ah ha ku soo celiyo.

Cidna shaki uguma jiro in ficiladan kuwan lamaran habaabiyey fuliya in Ilaahey raali ka aheyn oo ciqaab aakhiro iyo mid aduunyaba ineey ku muteysanayaan.

hadii run ay ka tahay al-Shabaab iyo kuwa la hal maala ineey ayagoo SHUHADA ah dhintaan oo maxey uga cararaan meel walboo looga daba tago oo ay u digaalami karin ilaa ay ka dhintaan.

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan leeyahay yaan la idin marin habaabin, mustaqblakiinan ha ku ciyaarinna oo aakhira iyo aduunyana ha seegina ee ka fogaada al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this