Sign in to follow this  
xiinfaniin

Day 1 of Jubbaland Conference

Recommended Posts

Maalinka 1-aad ee shirka Kismayo oo soo dhamatey

28 Feb 28, 2013 - 6:05:34 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Waxaa si hufan u soo dhamaaday Duhurnimadii maanta 28 February,2013 maalinkii 1-aad shirwaynaha looga tashanayay dhismaha mamul ka hano qaada Gobalada Jubbooyinka & Gedo.kasoo furitaankiisa ay kasoo qayb galeen ergo gaarayasa 400-oo qof oo siyaasiyiin.cuqaal.aqoonyahano iskugu jira.

 

Inkastoo shirkaasi uu socday mudo 4-saac oo xidhiidh ah,hadana waxaa khudbado kala duwan kasoo jeediyay Wakiilo matalayay ergooyin ka socday Gobolada Jubadda hoose-dhexe iyo Gedo.waxayna tilmaameen inay ku faraxsan yihiin qaabka shirka loo soo agaasimay,raalina ka yihiin in mamulka Jubbaland la unko oo gobaladaani ka taliya.

 

Sidoo kale masuuliyiin mamulka KMG-ah ee kismaayo gacanta ku haysa ayaa hadalo dardaaran iyo baraarujin soo jeediyay,waxayna tilmaameen inay lama huraan tahay dhismaha mamulka iyo taageeridiisa,waxana sidoo kale hadalo soo dhawayn ah soo jeediyay siyaasiyiin si qoto dheer uga soo shaqeeyay mamulkaan.

 

Cabdinaasir Jeer oo ka mid ah siyaasiyiinta Kismaayo kana mid ahaa ergadii shirka ka qayb galay ayaa Radio Garowe mar dhowayd u xaqiijyay shirku inuu kusoo dhamaaday is afgarad,balse uu ku koobnaa furitaan iyo isbarasho.wuxuna sheegay maalmaha soo socda in si balaaran loo guda gali doonan dhismaha mamulka iyo soo xulista dadka ka mid noqonaya.

 

Dhinaca kale Jeer waxa uu sheegay sida uu qorshuhu yahay maalinta barito ah ,waxana magalada Kismaayo iaanaya wafdi ka socda urur-gobaleedka IGAD oo qayb wayn ka qaatay howsha socota.

 

DF Somaliaayuu ugu baaqay inay wali u furan tahay kasoo qayb galayka shirka,iyo waliba taageeristiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Jubaland state formation conference underway in Kismayo

28 Feb 28, 2013 - 2:13:06 AM

 

KISMAYO, Somalia Feb 28 2013 (Garowe Online) – The Jubaland state conference is under way in Kismayo on Thursday, officials and dignitaries from all three regions and abroad are in attendance, Garowe Online reports.

 

The Jubaland state conference which was postponed to allow Somali Federal Government (S.F.G.) officials to attend has begun and is underway in the port city of Kismayo.

 

On Wednesday, Sheikh Mohamud Dauud Odweyne Spokesman for Ahlu SunnahWal Jama in Gedo and the Jubbas and a member of the technical committee for the Jubaland state process, stated to Somali media that officials from Gedo and the Jubbas were attending the conference.

 

"Residents in the regions have welcomed the conference very much, and delegates from all over are arriving in Kismayo to attend the Jubaland conference," said Sheikh Odweyne.

 

Sheikh Odweyne had been attending meetings in Garbaharey over the past week where there were politicians from that region who were opposed to the community led Jubaland conference and wanted the S.F.G. to play a more direct role in the Jubaland state formation.

 

"We had meetings in Garbaharey and were successful in getting the politicians who were against the [Jubbaland] state formation process to understand and realize the importance of the community led process, and the finally agreed to take part," said Sheikh Odweyne who spoke to Somali media on Wednesday.

 

The spokesman also said that he welcomes any official or politician who is concerned about the Jubaland process to attend the conference.

 

S.F.G. Minister of Interior Abdikarim Hassan Guled after returning from leading a delegation to visit Kismayo on Monday, tweeted that, "All parts must be aware of that no clan or an armed group can have the decision of creating admin to a great town like Kismayo".

 

The SFG ministerial delegation that visited Kismayo on Monday, requested that the state formation conference be held in Mogadishu which was rejected by interim authorities in Kismayo and Jubaland state organizers.

 

The community led Jubaland state formation process has been underway for the past few years and has come under pressure by Somali government officials in Mogadishu, who have opposed the state formation process, despite the legitimacy of state-building under the country's Federal Constitution.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa maanta saacaddu markey ahayd 11:00 barqanimo ka fumey Xarunta Jamacadda magaalada Kismaayo shirweynihii kowaad ee maamul u samaynta Jubbooyinka.

 

Boqolaal ergo ah ayaa shirka furitaankiisa fadhiyey kuwaas oo ka kala yimid Gobolada Jubooyinka & Gedo. Waxa madasha shirka ku sugnaa Salaadiin, cuqaal, nabadoono, ganacsato culimada diinta, aqoonyahano, qurbo joog, haweenka iyo marti sharaf kale oo badan.

 

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada shirka Maxalin Maxamed Ibraahim oo wacdiga iyo Quraanka kadib halkaas ka hadley ayaa sheegay in Shirkii Jubbooyinka maamulka loogu samayayey oo muddo qaban-qaabadisu socotey uu si rasmi ah u fumrey maanta oo taariikhdu tahay 28 Feberaayo2013.

 

Macalin Maxamed ayaa sheegay in shirka ay ka qayb-qaadanayaan ergooyin kor u dhaafaya 800 ergey, maantana la sugaayo ergo ka imaaneysa Dowladdas federaalka Soomaaliya iyo Gobolka Gedo meelo kamid ah.

 

Shirka ayaa maanta u badnaa khudbado ay halkaas ka so jeediyeen qaban-qaabiyaasha iyo masuliyiin kale, waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii halkaas ka hadley Shiikh Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) oo ku dheeradey muhimaddu shirku lee yahay iyo sida ay uga go’antahay in bulshada wada degta goboladaas oo dhan ay qayb uga noqon lahaayeen maamulka la doonayo in la dhiso, waxa uu aad uga hadley dicaayadaha la fidinaayey, “haddii aan niri shir hala isugu yimaado dhamaan dadka ay khuseyso isla markaana maamul aan u dhanahay aan dhisano maxay tahay waxa arintaas loo ceebeeyaa ayuu yiri isaga meesha ka saaraya in shirkaan dad gaar ah keliya leeyihiin.

 

Dhegayso waraysi uu BBC siiyey Axmed Madoobe

Play

Shirka Maamul u samaynta Jubbooyinka ayaan la ogeyn inta uu socondoono, waxaana loo badinayaa in uu qaato muddo aan ka yarayn 30 maalmood, waxaana la sheegay in ay ku bixi doonto lacag gaareysa $2milyan oo dollarka maraykanka ah taas oo ay bixinayaan ganacsadada Jubooyinka.

Dowlada Federaalka ayaa dhankeeda dhaliilsan habka loo waday maamul u sameynta gobalada Jubooyinka, waxaana labo maalmood kahor magaalada Kismaayo gaaray wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudah iyo Amniga ee Soomaaliya.

 

Wafdigaasi oo la kulmay maamulka Kismaayo ayaan faah faahin ka bixin kulankii ay la yeesheen dhinaca Kismaayo, inkastoo ay uu Wasiirka Arrimaha Gudaha si guud u sheegay inay kala hadleen arrimaha siyaasada iyo Amniga.

 

Dowlada Federaalka ayaa dhankeeda ku baaqday kulamo ka dhacaya magaalada Muqdisho oo looga hadli doono arrimaha gobalada Jubooyinka, arrintan oo aan laga soo dhaweyn gobalada Jubooyinka.

 

Horseed Media 2013

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ahmed Madoobe's Speech

 

 

KISMAAYO: Shiikh Axmed Madoobe oo ka hadlay Shirkii maanta ka furmay Magaalada Kismaayo.

February 28, 2013 1:37 pm GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

 

 

Kismaayo: (pp)- Gudoomiyaha KMG ee Maamulka Jubbaaland Shiikh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka warbixiyey shirkii maanta ka furmay Magaalada Kimaayo ee Maamulka Jubbaland wuxuuna sheegay in shirkani u furmay si habsimi leh loogana hadlay wax yaabo kala duwan oo la xiriira shirka iyo Ajandayaashiisa, Gudoomiyaha ayaa sheegay maadama ay maanta ahayd furitaankii shirka inaysan jirin wax ajandayaaal ah oo laga dooday hase ahaate halkaas laga jeediyey khudbado kala duwan oo ku saabsan sida uu u socon doono shirka Maamul u samaynta Jubbaland oo ay kasoo qayb galeen boqolaal erago kala matalaysay Gobalada Maamulka loo dhisaayo, Waxaana laga hadlay ajandayaasha laga doodi doono mudada uu shirkani socdo.

 

Axmed Madoobe ayaa sheegay inaysan maanta imaan qaar kamid ah ergadii gobalka Gedo wuxuuse sheegay in la sugaayo wakhtiyada soosocda ayna kusoo wajahan yihiin Magaalada Kismaayo si ay qayb uga noqdaan Shirka Maamulka loogu dhisaayo Gobalada Jubbaland , sidoo kale Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay inaysan madasha furtitaanka shirka kasoo xaadirin Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya isagoo Dawlada ugu baaqay inay kasoo qayb gasho shirka Maamulkan lagu unkaayo isla markaana ay noqoto hogaanka Shirka wuxuuna balan qaaday inay Dawlada ku tixgelin doonaan hogaaminta shirka hadii ay raali ka noqoto Maamul u samayn Gobalada Jubbaland.

 

Shiikh Axmed Madoobe waxa uu tilmaamay inaysan jirin Beel ama cid kasoo jeeda Gobalada Maamulka loo samaynaayo oo diidan shirkan wuxuuna sheegay inay ku dhan yihiin dhamaan Beelihii degaanka ayna si isku mid ah uga qayb galayaan Shirkan isagoo dadweynaha reer Jubbaland iyo Guud ahaan umadda Soomaaliyeed ka codsaday inay door muhiim ah ka qaataan shirka Maamulka looga dhisaayo Gobaladan isla markaana ay taageero isla garab taagaan.

 

Gudoomiyaha KMG ee Gobalada Jubbooyinka ayaa sheegay in dhaqaalaha ;lagu socodsiinaayo shirka ay iska soo ururiyeen dadka kasoo jeeda degaanka Maamulka loo dhisaayo sida Ganacsatada iyo Qurba-joogta wuxuuna cid walba oo dan kaleh Maamul loo dhiso gobalada Jubbooyinka ugu baaqay inay taageero isla garab taagaan Shirkan.

 

Shirkan maanta ka furmay Magaalada Kismaayo oo ah mid xasaasi ayna dhegta u dhigaayeen inta badan umadda Soomaaliyeed ayaa u muuqda inuu ku bilowday jawi aad qurux badan waxayna tani waji-gabax ku tahay Shaqsiyaad iyo Nidaamyo siyaabo kala duwan u diidanaa Shirkan filaayeyna inaysan suuroobayn inuu shirkani ka furmi Magaalada Kismaayo waxaase shirkan waji farxad leh kusoo dhaweeyey dadweynaha reer Jubbaland iyo inbadan oo kamid ah umadda Soomaaliyeed ee jecel wanaaga guud ahaan umadda Soomaaliyeed siiba inay gobaladaasi helaan Maamul ka badbaadiya dhiig dambe oo ku daata.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo (RBC Radio) Shirkii maamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose kulanka oo ka dhacaya xarunta Jaamacada Kismaayo University halkaas oo maalmihii danbe ay ka socotay qabanqaabada qabashada shirka samaynta maamulka Jubbaland oo ay ku hawlanaayeen gudiga farsamada maamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Munaasabadii lagu daah furayey shirka ayaa kusoo dhamaatay xarunta Jaamacada Kismaayo University oo ku taala duleedka Kismaayo waxaana ku dhawaaqay in shirku uu furan yahay Afhayeenka maamulka kumeelgaarka ah ee Kismaayo C/naasir Seeraar isagoona tilmaamay iney jiraan ergooyin kasoo daahay shirka oo laga sugayey magaalooyinka Garoowe iyo Nairobi.

 

Shirka maamul u samaynta ee maanta laga furay magaalada Kismaayo ayaa hore dhowr jeer dib u dhac uu ku yimi waxaana maanta ugu danbeyntii ay go’aansadeen gudiga farsamada samaynta maamulka Jubbaland iney shirka daah furaan.

 

Furitaanka shirka oo lagu waday iney xariga ka jaraan masuuliyiin ka socda dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaan meelmarin waxaana furitaanka shirka maanta goob joog ka ahaa 5 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka mid yahay C/rashiid Xiddig oo ka mid ahaa golihii wasiirada xukuumadihii dalka soo maray isla markaane kamid ah Siyaasitiinta deegaanada Jubbaland.

 

Waxaa muuqata in maamulka kumeelgaarka ah uu ku guuleystay furitaanka shirka xili dagaalo siyaasadeed oo badan lala galay maamul u sameynta Jubbaland iyada oo la rabay in la fashiliyo qabsoomida shirka maanta ka furmay Kismaayo.

RBC Radio

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

xiinfaniin;922666 wrote:
I have yet to heard the names of candidates for the top post. I guess Ahmed Madoobe is the default front runner.

Tanna ma lays weeydiin awoowe? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this