Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Breaking news: Somali Government captures Buur Hakaba in the Baay Region

Recommended Posts

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa saaka la wareegay degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay, kadib markii maalmihii u dambeeyay ay isu diyaarinayeen sidii ay u qabsan lahaayeen.

 

Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-badan aayaa sheegay in la wareegitaanka Buurhakaba ay muhiimad gaar ah ugu tahay isku xirka wadada Muqdisho iyo Baydhabo, isagoo tilmaamay in Al-Shabaab ka carareen deegaankaas.

 

“Buurhakaba gacanta Ciidamada xooga dalka ayay soo gashay, kooxihii jid iyo jaha-diidka waa ka carareen, waa meel muhiim ah, ujeedada ay leedahay waa saldhiga inay tahay marin muhiim ah, waxaan u aragnaa in halbowlihii iyo dhuuntii jid iyo jaha-diidka inuu saakay go’ay”ayuu yiri Jen. Dhegabadan.

 

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo maalmo ka hor ka dhaqaaqay deegaanka Leego ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay wadada hareeraheeda ku lugeynayay, iyadoo Shabaab ay isaga baxeen.

 

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Fiqi ayaa ugu hambalyeeay ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM guusha ay soo hoyeen, isagoo xusay in mudooyinkii u dambeeyay la qorsheynayay sidii la isugu furi lahaa jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo, si loo fududeeyo isu socodka ganacsiga ee wadadaas.

 

Mr Fiqi ayaa sheegay inay haatan u dhiman tahay inta u dhaxeysa Daynuunay iyo Buurhakaba, waxaana uu tilmaamay inay uga dhiman tahay wax ka yar 30-KM, sida uu hadalka u dhigay.

 

Dhinaca kale Xoogaga Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday deegaanka Daynuunay oo Baydhabo dhinaca bari kaga beegan 30-KM, iyadoo dagaalka uu ahaa mid xoogan oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

somali government with assistance from Amisom captured the city waryaa xishood our soldiers are risking their life everyday for the nation and you are against giving them cred.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Che -Guevara;922098 wrote:
You mean AMISOM captures Buur Hakaba?

:D The government will be in charge of the city not AMISOM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

burn the khawariij scum which ever hole they run down, be it amisom bullets or SNA, a bullet in the head is not a philosophical argument :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this