Sign in to follow this  
Daqane

Madaxaweynaha Somalia oo amar ku bixiyey in la qaado lixdan isbaaro oo yaala jidadka Muqdisho

Recommended Posts

Daqane   

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Max’uud ayaa amar ku bixiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qaado Isbaarooyinka kooxaha hubeysan iyo maamulada qaarkood u yaala magaalada Muqdisho iyo gaar ka mid ah gobolada iyo degmooyinka dalka.

 

Isagoo ka hadlayey kulan casho sharaf ahaa oo uu xalay xarunta madaxtooyada ugu sameeyey gudoomiyeyaasha maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka qaarkood ee ay maamusho dowlada ayna ku jirto caasimada ayaa maadaxweynuhu waxaa uu intaa ku daray in isbaaro iyo dowladnimo aysan meel wada galeynin, loona baahan yahay in isbaarada laga taqaluso.

 

“Dowlad kasta horumarkeeda waxaa lagu qiimeeyaa amaanka haddii uusan amaan jirin horumar kale ma iman karo, inta wiil qori wata uu jidka taagan yahay baadna qaadanayo amaan ma jiro, waa in isbaarooyinka aan la dirirnaa oo deg deg loo qaadaa dowladnimo iyo isbaaro meel islama geli karaan waa inaan mid qaadanaa mida kalena ka taqalusnaa” ayuu yiri madaxweynaha oo intaa ku daray in uusan jiri wax khiil ah oo loo raadin karo isbaarooyinka duruuf kasta oo jirtana ay tahay in la qaado.

 

“Muqdisho oo caasimadii dalka ah lixdan isbaaro ayaa taala, waxaan ognahay cida ay u taalo, shaqsiyaadka ka dambeeya, kooxaha is ka leh, dhaqaalaha ka soo xarooda tiradiisa, iyo jeebabka ay kala gasho, faro iskuma fiiqeyno, iskuma dacaayadeyneyno, waxaan rabnaa inaan ka shaqeyno sidii aan isbaarooyinkaas u qaadi laheyn dariiqyadana nabad loogu mari lahaa" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladu ay u baahan tahay kalsoonida shacabka haddii ay taas heli weysana aysan shaqeyn karin, wuxuuna xusay in dowlada awood kasta oo ay leedahay uu shacabku ka awood badan yahay, wax uusan raali ka aheyna aysan socon karin, isagoo tusaale u soo qaatay dowladii milateriga ee burburtay 22 sano ka hor.

 

“Waxaan u baahanahay kalsoonida shacabka, iyo awoodiisa inaan adeegsano, haddii uu naga hor yimaado shacabku wax aan qaban karno ma jirto, taageerada shacabkana suuqa ma taalo oo ma soo iibsan karno, waxaan ku heli karnaa inaan kalsooni badan siino, kalsoonidaasna ma iman karto inta hooyada Soomaaliyed marka ay meel aadeyso ay reerka ku leedahay ii soo duceeya in ILAAHAY i soo nabadceliyo” ayuu intaa ku daray madaxweynaha Somalia.

 

Dhinaca, kale madaxweynaha ayaa ku eedeeyey heyadaha nabad sugida iyo Booliska iney ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda ayna ku fashilmeen iney ka hor tagaan ama soo qabtaan kooxaha dilalka qorsheysan geysanaya.

 

“Nabad sugida waxaa laga doonayaa iney ka hor tagto dembiga inta uusan dhicin ka hor, Booliskana waxaa laga rabaa inuu dembiilaha ka daba tago soona qabto marka uu dembi dhaco, waxaad maqleysaa qof baa la dilay kuwii geystana waa baxsadee,n ka hortag ma leh, ka daba tagna ma leh meeshaas ayey ku dhamaatay dhaqankaas waa in wax badan laga bedelaa” ayuu yiri madaxweynaha.

 

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay caasimadii dalka haddii ay amaan noqotana uu dalka oo dhan amaan noqonayo “Waxaa la aaminsan yahay in Muqdisho ay tahay meesha ugu dhibka badan Somalia, xumaan kastana ay iyadu ka bilowdaan haddii hadda gobol uu dagaal ka dhaco waxaa la leeyahay Xamar ayaa laga hogaaminayaa, haddii iyadana aan xalino amnigeeda, ayna joojiso dabka ay meelaha kale ku shideyso waxaa hubaal ah in dalka uu amaan noqonayo” ayuu intaa ku daray madaxweynaha.

 

“Qoys iyo qaran ahaan, gabdhaha waa sharafta aan leenahay, in si fudud wiil edeb daran uu u kufsado wax la aqbali karo maaha, dowladu waxay soo wadaa sharciyo, ninkii kufsi sameeya waa dil toogasho haddii ay kiu cadaato, shareecada islaamka waa qabtaa, wiilasha waan inaan u sheeganaa oo aan dhannaa, xaalka xaalkii hore ma ahan hadhow yeysan jirin cid soo daba kacda oo qabiil ugu soo hiilisa" ayuu yiri Madaxweynaha.

 

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

Webmaster@dayniile.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

I wonder if the ones behind these isbaaros were invited to this casho sharaf (:D)! I mean why else is the president saying these words:

 

“Muqdisho oo caasimadii dalka ah lixdan isbaaro ayaa taala, waxaan ognahay cida ay u taalo, shaqsiyaadka ka dambeeya, kooxaha is ka leh, dhaqaalaha ka soo xarooda tiradiisa, iyo jeebabka ay kala gasho, faro iskuma fiiqeyno, iskuma dacaayadeyneyno, waxaan rabnaa inaan ka shaqeyno sidii aan isbaarooyinkaas u qaadi laheyn dariiqyadana nabad loogu mari lahaa". :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Oba they've recently started getting their salaries. That's not an excuse anymore. Put it simply, they're not soldiers but maleeshiyaadkii qabqableyaashii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Oba, Soomaalida ayaa waxay ku maahmaahdaa "Ratiga dambe midka hore saanqaadkiisa ayuu leeyahay". Anigu waxaan qabaa meeshaan hoggaan ma jiro. Markii nimankii 1990-kii Isbatooreyaasha ahaa iyo kuwii isbaarooyinka xukumey laga dhigo Jeneraallo dhibkaan ayaa dhacaya. Haddii markii hore ujeeddadu ahayd sidii warlords-ka wasiirrada looga dhigay waa lagu meel-gaarayaa xaalladda lagu jiro awgeed, hadda wax baahi ahi ma jirto oo waa in nimankaas laga taqalusaa haddii kale meesha ciidan kuu joogi maayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;893083 wrote:
Oba, Soomaalida ayaa waxay ku maahmaahdaa "Ratiga dambe midka hore saanqaadkiisa ayuu leeyahay". Anigu waxaan qabaa meeshaan hoggaan ma jiro. Markii nimankii 1990-kii Isbatooreyaasha ahaa iyo kuwii isbaarooyinka xukumey laga dhigo Jeneraallo dhibkaan ayaa dhacaya. Haddii markii hore ujeeddadu ahayd sidii warlords-ka wasiirrada looga dhigay waa lagu meel-gaarayaa xaalladda lagu jiro awgeed, hadda wax baahi ahi ma jirto oo waa in nimankaas laga taqalusaa haddii kale meesha ciidan kuu joogi maayo.

+1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

oba hiloowlow;893081 wrote:
war this has been going on since Abdullahi yusufs day the only solution is to pay them simple.

Even the alleged resident HAG didn't buy this line, these isbaaros were brought by none other than your own kind.

 

That said, this is not the president's job but the mayor and district commissioner.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;893113 wrote:
Even the alleged resident HAG didn't buy this line, these isbaaros were brought by none other than your own kind.

 

That said, this is not the president's job but the mayor and district commissioner.

yeah bruv cause the soldiers of yeey didn't loot bakaara market i dont wanna mention what darwiish did too stop the BS right there son.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this