Sign in to follow this  
General Duke

Prof: Mohamed Sheikh Osman Jawaari: Declares race for speaker: PICS

Recommended Posts

jawaari4.jpg

 

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo u sharaxan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Goodax oo kaaftoomey

 

Posted by Pi on August 23rd, 2012

Nairobi– Pi–23 Augs. 2012—- Warar rasmi ah oo soo gaarey warbaahinta Puntlandi ayaa xaqiijinaya in Prof. Maxamed Sheekh Jawaari uu u taagan yahay xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana si toosa nalooku cadeeyey in Mudane Jawaari uu yahay ninka ugu cadcad jagadaan marka la eego Xildhibaanada uu heysto. Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan xilka guddoomiyenimada baarlamaanka Soomaaliya.

 

Prof. Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in haddii loo doorto xilka guddoomiyenimada baarlamaanka, uu wax weyn ka badali doono waxqabadka golaha baarlamaanka, uuna muujin doono xiriir joogta ah oo dhex mara madaxda qaranka.

 

Wuxuu sheegay inuu ka fogaan doono wax kasta oo keeni kara khilaaf u dhaxeeya baarlamaanka ama baarlamaanka iyo madaxda kale ee dowladda.

 

Prof. Maxamed Cismaan Jawaari waa aqoonyahan xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

 

Sidoo kale, wuxuu ahaa guddoomiyihii guddiga qubarada ee madaxa bannaan ee diyaarinta dastuurka Soomaaliya. Dhinaca kale C/laahi Goodax Barre oo ahaa Wasiirka qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Xukuumada Cabdiwali ayaa isagana naloo cadeeyey inuu ka kaaftoomey musharaxnimadisii gudoomiyaha Baarlamaanka, Goodax Bare ayaa maalmahaan isu diyaarinayay inuu u tartamo jagadaas balse wada tashi dheer wuxuu go’aan sadey inuu ka kaaftoomo isagoo hada kadib u ololeyn doona muasharax kale oo aan la shaacin balse ay isku siyaasad iyo mowqif yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilaa afar musharax ayaa si horu dhac ah isugu soo sharaxay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo lagu wado in 26-ka bishan ay dhacdo doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen.

 

Musharaxiintan oo ahaa siyaasiyiin horay uga soo mid noqday Xukuumadihii hore ayaa xilligan diyaar u ah tartanka loogu jiro xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka.

 

Musharaxiintan ayaa waxaa ka mid ah Prof. Cali Khaliif Galeyr oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare, haatanse ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ahaa Gudoomiyihii Gudiga madax banaan ee Dastuurka, C/risaaq Jurile iyo Cabdi Cabdulaahi Xaashi oo horay u soo noqday Maareeyihii Golihii Murtida iyo madadaalada ee National Theatre

 

Inkastoo qaabka awood qeybsiga iyo sida looga bartay cida isku soo sharaxeysa Gudoomiyaha Baarlamaanka ay sanadihii u dambeeyay aheyd mid Beelaha Digil iyo Mirifle ay isugu soo taagayeen xilkaas, ayaa hadana waxaa uu markan Tartanka saddex Mas’uul ugu sareysa dalka uu noqday mid furan oo beelaha ay u kala xusul duubayaan.

 

Labada Musharax ee kala ah Prof. Cali Khaliif Galeyr iyo Jurile waxay ka soo jeedaan beesha *******, waxaana hadii ay guuleystaan ay dhaawici doontaa rajada Madaxtinimada ama Ra’iisul wasaare ka qabaan Beesha ******* inay helaan.

 

Sidoo kale Prof, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka soo jeeda **** ayaa hada la saadaalinayaa inuu yahay ninka loo badinayo jagada

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu ku guuleysanayo, waxaana hadii uu qaato noqon doontaa mid Shariif Xasan ka samri doona jagada Madaxweynenimo oo uu haatan u hanqal-taagayo.

 

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka soo jeeda Beesha ***, waxaa uu horay ula tartamayay Shariif Xasan markii labaad oo loo dooranayay Gudoomiyaha Baarlamaanka sanadkii 2010, doorashadii ka dhacday xarunta Golaha Shacabka.

 

Xaaladaha taagan ee siyaasada marba dhan u jiitameyso ayaa ah mid aan saadaal rasmi ah laga bixi karin, iyadoo wax walba isu bedeli karaan saacado gudahood, hadana dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in loolanka siyaasadeed ee ka socda Muqdisho uu yahay kii ugu ballaarnaa abid soo marta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

what did Miskin macruf say? jawaari is not running and its only duke imagination? loool.

 

i said and will say again, galeyr has least chance from information i gathered.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mooge;859880 wrote:
what did Miskin macruf say? jawaari is not running and its only duke imagination? loool.

 

i said and will say again, galeyr has least chance from information i gathered.

MMA, was admanet and was parroting the false story that Sharif Sakiin had a great deal of power on his sub clan... Nonsense as Jawaari is not only running but is an actuall favourite..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke and Mooge

 

 

If Galayre Wins speaker of the Parliament , What is Puntland stand on that and also are you guys going to accept new Government.

 

Prof: Mohamed Sheikh Osman Jawaari supporters are abdiwalli subclan on seriouse note you and I now this . Rest of the Parliament will vote for Galayre most likely jus to eliminate Gas politics .

Share this post


Link to post
Share on other sites

malistar2012;859896 wrote:
Duke and Mooge

 

 

If Galayre Wins speaker of the Parliament , What is Puntland stand on that and also are you guys going to accept new Government.

 

Prof: Mohamed Sheikh Osman Jawaari supporters are abdiwalli subclan on seriouse note you and I now this . Rest of the Parliament will vote for Galayre most likely jus to eliminate Gas politics .

You know I will hold all of you on these prediction come Sunday..:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jawaari Ha loo doorto G/miyaha Baarlamaanka:Norway oo taageero u muujisay Professor si weyn looga qadariyo Dalka Norway

 

Dawladda Norwey iyo Wadamadda Iskandaneefiyaanka loo-yaqaan ayaa taageero buuxda u muujiyay inay dhaqaalo maaliyadeed siin-doonaan Dawladda Soomaaliya ee dhalan-doonto,hadii Gudoomiyaha Baarlamaanka loo doorto Professor Maxamed Jawaari oo heysta jinsiyadda Dalka Norwey,si weyna looga qadariyo dhamaan Jaamacadaha wadamadda Iskandaneefiya.

Proffessor Jawaari ayaa ka mid ahaa gudigii loo xilsaaray inay soo saxaaan khaladaadka ku jira Dastuurkii la ansaxiyay ee (Road-Mapka)loo bixiyay,waxaana la filayaa inuu ka mid noqdo xubnaha u tartami-doono Jagadda Gudoomiyaha Baarlamaanka oo la saadaalinayo inuu ku guuleesto sida ay ku rajo-weyn-tahay Dawladda Norwey oo Proffessor Maxamed Jawaari si weyn ay u taageersan-tahay inuu ku soo baxo Jagaddan.

Hadii ay dhacdo inuu Professorkan ku guuleysto doorashadda,waxaa loo badiinayaa in Madaxweynaha iyo Reysalwasaaraha la dooran-doono ay noqon-doonaan kuwa heysta Shahaadada Professornimada,taasi hadii ay dhacdana markii ugu horeysay taariikhda Soomaaliya,waxay 3-da mas'uul ee Dawladda Soomaaliya u dhalan-doonto ay ahaan-doonaan 3-Professorro,taasoo noqon-doonto mid taariikhda gasha,waaba hadii ay dhacdo in Professor Maxamed Jawaari loo doorto xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka,inkastoo aan la hubin in Gudooomiyaha Baarlamaanka Shariif-Sakiin uu hor-istaagi-doono doorashada Mudane Jawaari oo hadii uu guuleysto ay ku farxi-doonaan Soomaalidda-Norway iyo Dawladda uu jinsiyadiisa heysto ee Norway oo ixtiraam gooni-ah u-heyso Proffessorkan laga qadariyo dhamaan Jaamacadaha wadamadda iskandaneefiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaan Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo isku soo sharaxay Gudoomiyaha Baarlamaan Soomaaliya.

Kadib shir jara’id oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho Prof. Maxamed Shiiq Cismaan Jawaari ayaa shaaciyay inuu u taagan yahay jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka Cusub.

Goobta uu isku soo sharaxayay Prof. Jawaari ayaa waxaa goob jog ahaa xubno katirsan Baarlamaanka Cusub.

 

Waxa uu shegay prof. Jawaari inuu wax adan ka badali karo howsha baarlamaanka yahayna sharci yaqaan baarlamaanka dalka ku hogaamin kara dariiqa toosan.

 

Sidoo kale waxa uu beeniyay in arintan uu madaxweynaha ku taageerayay gadaalna uu ka riixayay isagoo sheegay in uu isaga gartay.

 

Xildhibaan prof. Maxamed sh. Cismaan ayaa hore u ahaa gudoomiyihii guddiga quburada ee dastuurka soomaaliya.

--

Best Regards,

 

Ahmed Muse Gure

Mogadishu - Somalia

 

Mobile +252 618302727

+252698302727 Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Prof. Jawaare oo isna u sharraxan xilka guddoomiyaha baarlamaanka

 

Bar-Kulan

 

August 23, 2012 Markacadeey

--------------------------------------------------------------------------------

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan xilka guddoomiyenimada baarlamaanka Soomaaliya.

 

Prof. Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in haddii loo doorto xilka guddoomiyenimada baarlamaanka, uu wax weyn ka badali doono waxqabadka golaha baarlamaanka, uuna muujin doono xiriir joogta ah oo dhex mara madaxda qaranka.

 

Wuxuu sheegay inuu ka fogaan doono wax kasta oo keeni kara khilaaf u dhaxeeya baarlamaanka ama baarlamaanka iyo madaxda kale ee dowladda.

 

Prof. Maxamed Cismaan Jawaari waa aqoonyahan xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu ahaa guddoomiyihii guddiga madaxa bannaan ee diyaarinta dastuurka Soomaaliya.

 

Waxaa musharrixii labaad ee isu soo taaga qabashada xilka guddoomiyenimada baarlamaanka, kaddib markii shalay Prof. Cabdirsaaq Cismaan Juurille oo isna ah aqoonyahan siyaasadda in muddo ah ku soo jiray, uu isu soo taagay qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka.

 

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa ayaa lagu wadaa inay dhacdo 26-ka bishan, iyadoo markaas kaddib la guda gali doono doorashada madaxweynaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is guy Jawaari is a joke. Every Non-block tribe is voting for Cali Khalif Galaydh to become the Speaker of the Parliament, including Khaatumo, Maakhir, A-bsame tribes.

 

You see, Farmaajo's camp and Faroole's camp both want to use the TRIBE card to further advance their own clan's agendas and interests. Cali Khalif noticed that and simply ran for the Speaker Position, destroying any PM or Presidential chance the Farmaajo-Faroole camps ever had. This is getting naaaaasty. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this