Sign in to follow this  
General Duke

Who is A/Qadir Macalin Nuur why was he kicked out of the Parliment meeting? ..lol

Recommended Posts

Abdulqadir Macali Nur oo samaystay kaar aqoonsi xildhibaan oo been ah, lagana eryay shirka 2aad ee kalafadhiga Baarlamaanka,

 

AUGUST 22, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Gudoomiyaha Ahlu sunnah Wajaamaca Mudane Cabdulqadir Macalin Nuur uu samaystay kaar been abuurasho (Somali MP False Card) ah ee Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka.

 

Kaarka been abuukarka (Somali MP False Card) ayaa waxaa ku saxiixnaa , Sheikh Shariif iyo Imaamka Beesha Mudulood, ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu kaarka yahay been abuur dabadeedna uu Jeneral Muuse Xassan, Gudoomiyaha KMG Barlamaanka uu sidaa uga eryay goobtii ay ku sugnaayeed xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka.

 

Xildhibaanada Cusub ee Barlaanka Soomaaliya ayaa ilaa iyo haata ay tirada saxda ah ee la haayo ay tahay 220, halka ay 55 xubmood ay ka maqan yihiin, xubnaha maqan ayaa waxaa ay yihiin xubno ay gudiga xulista Barlamaanka ay dib udhigeen, sababo la xiriira eedeymo dembi oogayaal iyo caqabad qaran owgeed. Xubnaha kale ee gibi ahaan meesha ka maqan ama aanan Duubabkooda soo gudbin ayaa waxay kala yihiin Beesha Mudulood iyo qayba kale oo kamid ah 5ta beelood ee soomalida.

 

Cabdulqadir Cosoble iyo Cabdulqadir Macalin Nur oo katirsan beesha Mudulood ayaa waxaa ay ku doodayaan iney xubno Baarlamaanka Cusub ee Soomaliya ay yihiin, taasi oo ah wax aan sal iyo raad toona lahay, Cid soo gudbisay ama cid ay metelaana ma jirto.

 

Beesha Wacaysle iyo Beesha ********** ****** ayaa si toos ah u cambaareynaya, sheegashada Xildhibaanada Cusub, Beesha Mudulood cid ay soo gudbisay majirto, waxa ay wax u soo gudbin waayeena waxaa ugu horeeya cabaqada ay ku hayaan shaqsiyaadka aan ku ku soo sheegnay.

 

Beesha Mudulood ayaa baaq iyo fariin u direysa Imaamka Beesha Mudulood, Ugaaska , Suldaanka iyo Malaaqa , Gudoomiyaha KMG Mudane Muse Hassan Abdulle iyo Augustine Mahiga iney ka hortagaan shaqsiyaadka faragelinta joogtrada ah ku haya Baarlamaanka Cusub.

 

 

 

Radiofreeomalia.com - Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Haddii ay arrintaani run tahay, war ninku indho-adakaa, hadhoow bay dhihi doonaan reer Mudug keliya baa indho adag.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;859496 wrote:
Haddii ay arrintaani run tahay, war ninku indho-adakaa, hadhoow bay dhihi doonaan reer Mudug keliya baa indho adag.
:D

hooyadiisaa reer mudug ah;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

AN UPDATE ON THIS: He and 6 others are in now.

 

From Jowhar.com:

 

7-ka mid ah ilaa 64-mudane oo ay dib u celiyeen Gudiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka ayaa maanta dib u helay kaararkooda aqoonsiga, kadib dadaal ballaaran oo uu sameeyay Madaxweynaha.

 

Xubnaha 7-da ah ayaa ahaa garabyada Madaxweynaha ee Aala-Sheekh, iyadoo loo heystay arrimo la xiriira dambiyo iyo inay ahaayeen Islaamiyiin sida ay sheegayaan wararka.

 

Inkastoo Madaxweyne Shariif saddex maalmood ee u dambeeyay waday dadaalo arrimahan la xiriiray iyo sidii xayiraada lagu qaadi lahaa ayuu xubno ka mid ah ku guuleystay.

 

Xubnaha helay Kaararka aqoonsiga ee Xildhibaanimada ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha C/qaadir Cali Cumar, Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Xasan Macalin Maxamuud, Maxamed Cabdulle Faarax, Maxamed Maxamuud Ibraahim, Naciimo Maxamed Gacal, sidoo kale xubnaha qaar waxaa ku jira xubno horay Xildhibaano u ahaa sida C/rashiid Maxamed Xidig.

 

Arimahan oo dhami waxay ka danbeeyeen marki guu madaxweynaha shalay kulan adag la qaatay xubno ka socday beesha caalamka oo uu u sheegay in arrintu aysan wanaagsanaan doonin hadii la diido xildhibaanada la celiyey.

 

Maantana kulan ay Muqdisho ku yeesheen madaxweyne Sharif iyo Augustine Mahiga ayey kaga hadleen dhameystirka xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka.

 

Wali waxaa dhiman Xildhibaano kale oo gaaraya kontomeeyo oo ay ku jiraan raggii hogaamiye kooxeedyada horay u ahaa, iyadoo ay isugu jiraan beelaha kala duwan ee Soomaaliyed, kuwaasoo liiskooda ay horay u celiyeen Gudiga farsamada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this