Sign in to follow this  
AYOUB

Prof: Cabdirizaaq Juurile for New Speaker of Somalia Parliament

Recommended Posts

AYOUB   

juuurile.jpg

 

 

 

Prof: Juurile “Waxaan u sharaxanahay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya” (Warbixin + Waraysi gaar ah) + UPDATE

AUGUST 21, 2012 23:11**27 COMMENTS

 

 

Prof: juurile wuxuu ku dhawaaqay inuu yahay Musharaxa xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka

Prof: Cabdirizaaq Cismaan XasaN ( Juurile ) oo ah Siyaasi rug cadaa ah kana soo jeeda Deegaanadda Puntland horayna xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladda Federaalka Ku meel gaarka Soomaaliya kana mid ah Xubnihii Baarlamaanka ee shalay la dhaariyey ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u tartami doono Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka.

 

Waraysi uu siiyey Horseed Media wax yar ka hor wuxuu ku cadeeyey jiritaanka warar hoose oo ilaa maanta gelinkii danbe soo baxay kuwaas oo sheegayey in uu damacsanyahay inuu isu sharaxo Jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka .

 

Wuxuu si adag u difaacay go’aankiisa isagoo sheegay inuu san jirin sharci ama xeer u diidaya inuu xilkaas u tartamo wuxuuna sheegay in loo baahan yahay maanta is bedel siyaasadeed si Dalka looga saaro dhibaatada ayna ka tanaasulaan Kursiga Madaxweynaha beelihii horay u soo hayn jiray fursadna la siiyo Beelaha kale ee Soomaaliyeed.

 

Prof: Juurile wuxuu sheegay hadii loo doorto Jagadaas Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu wax badan qaban doono uuna xooga saari doono sidii Baarlamaanku u qabsan lahaa Shaqooyinkiisa Dastuuriga ah.

 

Wareysiga Prof.Juriile oo cod ah

Waxaa na haysata cilad farsamo oo xaga Maqalka ah taas oo aan hada xalinteeda ku jirno waxan isku dayeynaa sida ugu deg dega badan in aan waraysiga idiin so gudbino.

 

Waa Kuma Prof: Cabdirizaaq Juurile.

 

Prof: Juurile waa 63 jir xaga da’da wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa Deeganadda Puntland gaar ahaan Gobolka Bari Waxbarashadiisii Dugsiga hoose & Dhexe wuxuu ku qaatay isla boosaaso *markaas ka dibna wuxuu aaday Magaaladda Muqdisho si uu u sii wato Waxbarashadiisi markii u dhameeyey Dugsiga sare wuxuu Deeqa Waxbarasho ka helay Dalka*Hungary halkaas oo uu ka so qaatay*( Bachlor’s degree of Chemical Engineering) waxa kale oo uu sameeyey Masters degree in Chemical Engineering &*PHD in Chemical Engineering and Pharmaceutical Technology.

 

Dowladda Kacaanka 21 October wuxuu ka soo noqday Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibada & Iskaashiga Caalamiga ah sidoo kale wuxuu soo noqday*Gudoomiyaha Hayadda Qaranka(ENFAIS) ee u xilsaaran hirgelinta**mashaariic**gaar ah ee ay maalgelineyso Dawladda Taliyaaniga Mashaariicdaas oo ay ku jireen Dekeda Boosaaso & Wadada Maaliga ah ee isku jirta Garoowe & Boosaaso.

 

Burburkii wuxuu xubin Baarlamaan ka soo noqday Dowladii Federaalka ee lagu soo dhisay Kenya Xukuumadii Raysal Wasaare Cali Maxamed Geedi wuxu ka soo noqday Wasiirka Qorshaynta & Xiririka Caalamiga ah halka uu Xukuumadii Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali ka soo qabtay Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta.

 

Saaxiibadiisa Siyaasadda.

 

mudada dheer ee uu ku soo jiray siyaasadda wuxuu ka faa’iday inuu ka samaysto saaxiibo siyaasadeed hada sida la rumaysan yahay wuxuu saaxiib dhow la yahay Madaxweynaha Maamulka Puntland & Gudoomiyaha wakhtigiisii dhamadaay ee Shiriif Xasan .

 

Dr. Faroole oo shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Garoowe bishii July mar uu safar kaga soo laabtay Jabuuti wuxuu sheegay in uu safarka ku weheliyo siyaasi horay TFG uga tirsanaa hadana anaga nala aragti ah kaas oo loo fasirtay Prof. juurile oo weftiga Madaxweynaha ka mid ahaa.

 

Hase ahaatee wuxuu si kulul u beeniyey in is sharaxaadiisa ay ku lug leeyihiin Siyaasiyiin kale .

 

Doorashada Madaxda cusub ee Dowladda Federaalka.

 

Waxaa la filayaa inay Dalka Soomaaliya ka qabsoomaan 26 Aug Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka & Ku xigeenadiisa markaas wixii ka danbeeyana loo diyaar garoobo sidii loo dooran lahaa Madaxweyne cusub kaas oo soo magcaabi doona Raysal Wasaare soo dhisa Golaha Xukuumadda.

 

Doorashadan waxay kaga duwan tahay doorashooyinkii hore arrimo badan waxay ka dhacaysaa Gudaha Soomaaliya, qorsheheeda waxaa lahaa Saxiixayaasha Ro’ad map oo taageero iyo kalsooni ka haysta Beesha Caalmka, musharaxiinta isu soo sharaxday Madaxweynaha waxay kor *dhaafayaan 40, markii u horaysay waxaa la iska hortaagay Baarlamaanka cusub inay xubno ka noqdaan siyaasiyiin awood badan oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Soomaaliya qaarkoodna ka tirsanaa dagaal oogayaashii & Horjoogayaashii Midowgii Maxkamadaha, Baarlamaanka la soo xulayna wuxuu u badan yahay xubno aqoontoodu aad u sarayso dhamaan talaabooyinkaas & kuwo la mid ah waxay dhiirigelinayaan Umada Soomaaliyeed iyagoo muujinaya ifi faalo wanaagsan.

 

Doorashadan waxaa si isku mid ah ugu sharaxan Xafiiska Madaxweynaha Madaxda DFKS ee wakhtigoodii dhamaaday kuwaas oo kala ah Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha & Gudoomiyaha Baarlamaanka masuul kastaana wuxuu xusul duub ugu jiraa sidii uu Xafiiska ugu guulaysan lahaa ugana tuuri lahaa tareenka Siyaasada labada kale.

 

Musharaxnimada Shiriif Xasan Sh. Aadan.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka ee wakhtigiisu dhamaaday Sh. Xasan Sh. Aadan wuxuu u sharaxn yahay Jagada Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu aaminsan yahay in maanta beesha uu ka soo jeedo ee (Digil & Mirifle ) xaq u leeyihiin in looga tanaasulo jagadaas.

 

Waa siyaasi rug cadaa ah saamayn aan qarsoonayna ku leh Siyaasada is bedbedlka badan ee Soomaaliya wuxuu wakhtigan leeyahay rajo fiican isagoo haysta inta badan codadka xubnaha beeshiisa wuxuu loolan adag kula jiraa saaxiibkiisii ay mudo dheer so wada shaqeeyeen Madaxweynaha hada wakhtigiisi dhamaaday & Raysal Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali si uu uga guulaystana wuxuu u baahan yahay ugu yaraan in Xubnaha Beeshiisa uu ku qanciyo inaysan u tartamin Gudoonka Baarlamaanka taas bedelkeedana loo daayo inay xilkaas ku tartamaan beelaha ay ka soo kala jeedaan Madaxweynaha & Raysal Wasaaruhu si meesha looga saaro rajadooda.

 

Halkan ka akhri Warbixin Horseed Media ka diyaarisay Sh. Xasan.

 

Aragtida Beesha Caalamka.

 

Qaar ka mid ah Beesha Caalamku waxay taageerayaan qorshaha Shiriif Xasan waxayna qabaan in beelihii horay u soo qabtay kursiga Madaxweynaha loo baahan yahay inay maanta ka tanaasulaan taas bedelkeedana lagu tijaabiyo beelaha kale sida (Digal & Mirifle) rayi kaas la mid ah waxaa qaba siyaasiyiin & Waxgarad Soomaali ah .

 

Is shabahaada Doorashadii 2009 ee Puntland & Doorashada Soomaaliya ee 2012.

 

Waxaa is shabaha Doorashadii Madaxtinimada Puntland 2009 iyo Doorashada Dowladda Federaalka 2012 sidii caadada ahaan jirtay Maamulka Puntland 3 xil ee u sareeya waxaa loo kala qaadan jiray, Madaxweynaha waxaa yeelan jiray beelaha dega (Bari, Karkaar, Nugaal ama Mudug), Madaxweyne ku xigeenka waxaa qaadan jiray Beelaha Dega (Sool & Cayn) halka Gudoomiyaha Baarlamaanka ay yeelan jireen beelaha daga (Sanaag & Hayland) .

 

Beesha degta Gobolka Sanaag waxay ka tanaasushay inay qaataan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyadoo ku qanciyey xunihii u metelayey Baarlamaanku inaysan u tartamin jagadaas taas bedelkeeda waxay u soo sharaxdeen musharax jagada Madaxweynaha kumase guulaysan isku daygaas sidaasna waxay ku lumiyeen jagadii Gudoonka Baarlamaanka.

 

Sida muuqata doorashada hada ee Soomaaliya waxay u muuqaal eg tahay tii 2009 ee Puntland beeshii horay u qaadan jirtay Gudoonka Baarlamaanka sidii caadada ahaan jirtay hada waxay u tartamaysaa jagada Madaxweynaha inkasta oo aan la qiyaasi karin inay ku guulaysan karaan hindisahoodaas iyo in kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr jurile dad badan ba ku kacsan inaalilaah

 

Soo kuwa cadho ku seydhiyey

 

Beritoole iska sug marku dr cisman so tooso yaryarka boosaaso oo dhan bu liqaya

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^ :)

 

 

War Hada Soo Dhacay: Prof: Juurile Oo Ku Dhawaaqay Inuu U Sharaxanyahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

 

 

 

juuurile.jpg

Xildhibaan Prf Cabdirisaaq Cismaan Xasan Juurille oo ah Xildhibaan Katirsan Barlamaanka Cub ee Somalia ayaa Shaaciyay Inuu Yahay Musharax utaagan Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Cusub ee Somalia .

 

Prfka ayaa SBC u Xaqiijiyay Jiritaanka inuu Yahay Musharaxa Xilka Gudoomiyaha Somalia Xili Maalintii Shalay uu Kamid ahaa Xildhibaano kor u dhaafay Labaqol oo Xildhibaan oo Ladhaariyay .

 

Xildhibaan Juurille Wuxuu Rajo wayn Kamuujiyay inuu Kuguu Laysto Xilka Gudoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Somalia oo Maalmo Kooban oo Qura Ay Naga Xigaan Doorashadiisa.

 

“Aniga Waxaan Xilka Gudoomiya Nimo Aan Udoorat ayaa ah In Baarlamaanku uu Yahay Hay,ada Kaliyah ee Laga Dheehan Karo Sharfta Dalka Marka Waxaan Doonayaa Inaan Soo Celiyo Nidaamkii Baarlamaan Lahaan Jiray Barlamaan Kuna uu Noqdo Mid Guta Waajibaadka Loo Doortay” .

 

Cabdirisaaq Cismaan Juurrille Waa Rugcadaa Siyaasi ah Saameyn Weenyan Kuleh Siyaasada Somalia Xilal Badana Kasoo Qabtay Dawladihii Soomaray Somalia Barisamaadkii iyo Kuwii Kumeel gaarka ahaa Ee Mudatii Bur Burka.

 

Juurrille Waa Xildhibaan Dawlada Faderaalka Somlia Kasoo Galay Deegaanad Puntland Waana Siyaasi Magac Weyn Kuleh Dhulka uu Kasoo Jeedo .

 

Hadii Prf Juurrile uu Ku Guulaysto Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Waxay Dhabar Jab Ku Noqonaysaa Siyaasiyiin Badan oo Beeshiisa Kasoo Jeeda Kuwaaso oo Dadaal ugu Jira Hanashada Xilka Madaxweynaha Somalia.

 

Somalia Waxay Wax Kuqaubsatay Nidaamka 4.5 Nidaamkaas oo Xilalka ay Ku Kala Qaybsadaan Somalidu

 

Madaxd Ugu Saraysa ee Waqitgoodii Dhamaaday ayaa Waxaa Caqabad Kunoqon Karta Siyaasiyiin Kale oo iyan Beelahooda Kasoo Jeeda oo Iyaguna Hunguriyeynaya In ay Helaan Xilka Gudoomiyaha Barlmaanka Somalia Taas oo Dhirbaaxo Kunoqon Doonta Siyaasiga Beeshiisu ay Qaadato Kurisiga Barlmaanka

 

Sikastaba Gudoomiyaha Ku Meel Gaarka ah ee Barlamanka ayaa Maanta Ku dhawaaqay in Maalinta Bari ah Wuxii Laga Bilaabo Laqaban Doon Araajida Mushariixiinta Utaagan Gudoonka Baarlmanaaka Somalia.

 

Source >>

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

i am sure all northern secessionists MPs would vote for Juriile just to see the D-bloc relegated to the speaker of parliament. But so far the candidate with the best chance to win this post is Pro;Jawaari who wants the job desperately.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^ :)

 

MoonLight1;859269 wrote:
so far the candidate with the best chance to win this post is Pro;Jawaari who wants the job desperately.

Desperately wants the job? Apart from desperation, what else does he bring to the table. Desparation might be a good quality for piracy, but this is not piracy, Mr Moonshine.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is my the first time Dr. Juriile has ran for office. Mr. Jawari is a fresh face and seems to be the buzz of the time even Amin Amiir is a fan of the man and he has some support within the chattering class...

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

General Duke;859270 wrote:
Shib deh moonlight don't destroy Ayub's day dream..
:D

A dream for a many Puntlanders, not mine. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this