Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Parliment Sworn in- Speaker election 26-27 of August!

Recommended Posts

Wareysiga Wasiirka Dastuurka oo dhameystiran halka ka dhageyso

 

Wasiirka Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in dib u dhac ku yimid doorashooyinka Gudoomiaya baaralmaan iyo madaxweynaha, Wasiirka oo goor dhow wareysi siiyaya VOA ayaa sheegay in tirada ilaa hada la hayo y tahay 225 kuwas oo la diwaan gelin doona lana dhaarin doon, wuxuu kaloo sawiirka sheegay in ” Gudoomiyaha Barlamaanka iyo ku xigeenkiisa la dooran doono 26 iyo 27 bishaan dorashada iyo in ay cadeyn weli waqtiga doorashada madaxweynaha….”

Wasiirka ayaa sheegay sid laga yeeli doono dadka maqan iyo qaabka wax dowlada dhacday howsha u sii wadi lahaayeen inta uu dhamaanayao xiliga kala guurka si aan qal qal amaandaro *u dhincin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

oba hiloowlow;858453 wrote:
Madaxweyne Sheikh Shariif
up.gif

Insha Allah, MadaxWeyne Sheikh Shariif Sh. Axmed mar labaad ayuu guuleesanyaa hogaanka dalkeena Soomaalia.up.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

What is the isku dhexyaac with some SOLers? President Sharif was never elected or called himself to be a president for life. His term has ended. Wixii uu qabtay taariikhda ayaa xusaysa. At least process Soomaali oo dhan la socotey iyo caalamkuba ayuu ku baxay and he wasn't told you have a week to go then leave the country. The man has a responsibilty which is to transfer the seat to whoever is elected in the next few days insha Allaah. I personally do not want the too three top leaders to come back. We need a change but we need to repect them too provided that they leave peacifully.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulankii Xidhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Goor dhow ka furmay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho goor dhow ka furmay shirka xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo lagu dhaarin doono ayna ku dooran doonaan guddoomyaha kulammada si KMG ah u guddoomin doono inta laga dooranayo guddoomiye cusub.

 

Xidhibaanada uu kulanka u furmay ayaa waxay ka kooban yihiin 225 mudane, kuwaas oo isla maanta qaatay kaararkooda aqoonsiga, waxaana si aad ah u baaray intii aysan kulankooda u fariisan ciidamada dowladda KMG ah.

 

Inkastoo ay jireen xidhibaanno aad uga biyo diidan in laga reebo liiska xildhibaanada kulanka yeeshay ayaa waxaa laga dareemayay gudaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo kulankan oo lagu waday inuu gallinkii hore maanta furmo ayaa la sheegay inuu dib ugu dhacay bixinta kaararka aqoonsiga ee xildhibaannada.

 

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu xilligeeda ku eg-yahay maanta, taas oo keentay in dadaallo badan lagu bixiyo in kulanka baarlamaanka uu qabsoomo si ay u doortaan guddoomiye KMG ah oo howsha dowladda la wareega.

 

Guddiga farsamada ayaa waxay sheegeen inay rajeynayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan laug soo xulo baarlamaanka ka dhiman, iyagoo horay u celiyay xildhibaanno loo haysto dambiyo kala duwan.

 

Odayaasha dhaqanka ee laga sugayo inay xildhibaannada dhiman soo gudbiyaan ayaa iyaguna waxay sheegeen inay u gudbin doonaan guddiga xildhibaannadii horay loogu soo celiyay oo ay ku jiraan xubno la sheegay inay hoggaamiye kooxeedyo yihiin.

 

Xidhibaannada cusub ayaa dhaarta kaddib waxay guddoomiye cusub u dooran doonaan ninka ugu da'da weyn, kaasoo howsha wadi doona inta laga dooranayo guddoomiye cusub oo uu baarlamaanku yeesho.

 

Dhanka kalena, waxaa goor dhaweyd billaabatay dhaarinta mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo marka ay dhaarintooda dhammaatana ay dooran doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

Wixii ku soo kordha kulanka socda kula soco wararkeena dambe haddii Alle idmo.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this