Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Parliment Sworn in- Speaker election 26-27 of August!

Recommended Posts

War deg-deg ah : 211 Xildhibaan oo si rasmi ah loo dhaariyey

August 20, 2012 19:43 0 Comments

--------------------------------------------------------------------------------

 

Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi u horeeyey ku yeeshey hool weyn oo ku yaala bartamaha Garoonka diyaaradaha ee Caalamiga ah “Aden Cadde”. Kulankaas waxaa ka qaybgalaey wufuud heer sare ah oo ka socotey beesha caalamka, Madaxda Xilkoodi dhamaadey ee Faderaalka Soomaaliya, diplomaasiyiin caalami ah iyo marti sharaf kale.

 

Amaanka ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana amaanka xoogiisa sugaya ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM.

 

Garsoorayaasha Maxkmadda sare iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa goobta ku sugnaa kuwaas oo iska lahaa masuuliyadda dhaarta.

 

Ilaa 211 Xildhibaan oo si rasmi ah loo siiyey aqoonsiga Xildhibaan ayaa goobta ku sugfnaa waxaana si koox koox ah loogu dhaariyey kitaabka quraanka ah iyaga oo gacanta ku haya.

 

Warkan oo faahfaahsan gadaal ayaan ka so daabacaynaa.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

So if those others aren't put forward by their elders they forfiet the chance to select the speaker and the president? Maybe they should put this as a condition - get your act together or risk not participating in the process to select the next government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baarlamaanka cusub oo la dhaariyey iyo gudoomiyaha baarlamaanka oo la dooranayo 26-ka

Updated About:35 mins ago 0

Waxaa goor dhaw la dhaariyey xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

 

Munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah Adan Cade ayaa lagu dhaariyey 225 xildhibaan kuwaasi oo noqday talaabadi ugu horeysay oo ay Dowlada Federaalka Soomaaliya qaado.

 

Dowlada cusub oo ay hordhac u noqdeen xildhibaanada ayaa waxaa xaadir ku ahaa munaasabada madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Shariif Sheekh Axmed, iyo saraakiil ka socotay beesha caalamka oo uu ugu horeeyo Mahiga.

 

Kulan ay isla caawa ku yeesheen goobta lagu dhaariyey ayey xildhibaanada gudoomiye kumeel gaar ah ugu magacaabeen Jan. Muse Xasan Cabdullle.

 

Gudoomiyaha Maxkamada sare Caydiid Ilkaxanaf ayaa goobta uga dhawaaqay in gudoomiyhaa baarlamaanka la dooran doono 26-ka bishaan August si kadibna loo doorto madaxweynaha cusub.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this