Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Parliment Sworn in- Speaker election 26-27 of August!

Recommended Posts

Xildhibaannada cusub oo lagu wado in maanta lagu dhaariyo Garoonka A. Cadde

Updated About:7 mins ago 0

 

 

 

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in galinka dambe ee maanta la filayo in la dhaariyo in ka badan 220 xubnood oo ka mid noqon doona baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

*

Wararka ayaa sheegaya in kulanka baarlamaanka uu ka dhacayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho sababo la xiriira ammaanka, waxaana shir guddoomin doona mudanaha ugu da’da weyn oo xildhibaannada ay iska soo dhex xulan doonaan.

Waxaa la adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamo isugu jira milateri iyo boolis ay gaaf wareegayaan hareeraha waddooyinka.

Guddiga farsamada soo xulidda xildhibaannada ayaa sheegay in ilaa hadda ay diyaar yihiin 225 xildhibaan*– kuwaasoo ka badan tirada ugu yar ee fadhiga baarlamaanka uu ku ansixi karo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diinwaan gelinta xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka ayaa goor dhow soo gaba gabowday, iyadoo saacadaha dhow lagu wado inay bilaabato dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka, iyagoo ninka ugu da'da weyn uu shir gudoomin doono Kalfadhiga ay yeelanayaan Baarlamaanka.

 

Tirada Xildhibaanada ayaa lagu qiyaasay ilaa 225, taasoo rasmi ka dhigeysa kooramka uu ku fariisanayo, waxaana laga dareemayaa magaalada qaban qaabada Munaasabada lagu dhaarinayo Xildhibaanada cusub.

 

Barxad weyn oo ku taal Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa la dhigay kuraas, waxaa soo uruuray Xildhibaanada cusbaa oo la siiyay kaararkooda, waxaa ku sugan garoonka Xubno ka tirsan beesha Caalamka, Gudiga farsamada iyo Odayaasha dhaqanka.

 

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ku gedaaman garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo agagaarihiisa Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo saacadihii la soo dhaafay magaalada oo dhan looga dareemay ammaanka guud ee Caasimada.

 

Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu goor dhow gaaro garoonka diyaaradaha Muqdisho, si uu uga qeyb galo munaasabada lagu dhaarinayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka.

 

Dadka reer Muqdisho ayaa dhegaha u taagan waxyaabaha socda, iyo dhaq dhaqaaqyada ku aadan soo xulista Baarlamaanka iyo dhaarinta Xildhibaanada oo galabta marka saacada geeska Afrika tahay 5:30 la dhaarin doono.

 

Wixii ku soo kordha daqiiqad kasta kala soco Jowhar.com

Riix halkan(CLICK HERE)Soo booqo bogeena Ciyaarah ee jowharsport.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ His term has ended and should he lose the election, he will be accorded all the respect that comes with being the last President of transitional Somalia...

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^dukey, I wouldnt count out sharif just yet.....

 

where is the live feed? Sntv is not streaming live

 

 

 

Also, there are some serious security concerns, which is why the gov is being vague...

 

 

Live feeds pple

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

oba hiloowlow;858409 wrote:
He will be known as the Aden Cadde of this era

When did you give up on your sheikh, Oba?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiligii Dowlada KMG ah oo Dhamaaday iyo Baarlaman cusub oo lagu dhaarinayo Muqdisho

August 20, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster

Ciid wanaagsan,, Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 20/8/2012 waxa ay ku beegantahay maalintii loo asteeyay in uu soo dhamaado xiliga DKMG ah ee Soomaaliya islamarkaana la gudagalo sidii loo soo dhisi lahaa Dowlad Qaran oo Soomaaliyeed sida ay qeexayaan heshiisyadii Raod mapka.

Inkastoo aan weli soo dhamaanin dariiqadaha loo marayo howsha soo dhisida Madax cusub oo uu dalku yeesho hadana waxaa ay ku dhawaaqday dowlada KMG ah ee Soomaaliya in uu dhamaaday jiritaankii dowlada ,

Waxaa isla maanta lagu wadaa in gudaha magaalada Muqdisho lagu dhaariyo ku dhowaad 250 xubnood oo ka mid noqonaya Baarlamanka DKMG ah ee Soomaaliya sida ay sheegeen in gudiga Farsamada.

Xubnahaasi ayaa maanta loo sameeyay oo la siiyay kaararkii aqoonsiga Baarlamannimo, iyadoona saacadaha soo socda ay bilaabaneyso dhaarintooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this