Sign in to follow this  
Maaddeey

Ethiopian invaders gang-rape IDPs

Recommended Posts

Maaddeey   

Ciidamada Xabashida ee xoogga ku heysta magaalada Baladweyne ee Xarunta Wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan ayaa kufsi u geystay dumar Muslimaad ah oo ku nool Xero qaxooti ah oo ku taalla magaaladaasi.

 

 

Falkani kufsiga ah ayaa Ciidamada Xabashida waxay ka geysteen Xero ay ku jiraan Boqollaal qaxooti ah oo ku taalla bartamaha magaalada Baladweyne, waxaana haweenka Muslimaadka ah ee Kufsiga lagula kacay ku jira kuwo waayeel ah.

 

“ Seddex ka mid ah haweenka Xerada ku nool ayay kufsadeen, waxaa jira Hooyo waayeel ah, dadkuna aad bay falkaasi uga careysanyihiin, wax noo haray oo Itoobiyaanku ay nagu sameeyeen ma jirto” sidaas waxaa yiri Axmed Xasan oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Baladweyne oo Warbaahinta la hadlayay.

 

Ciidamada Xabashida ee ku sugan magaalada Baladweyne ayaa dhibaato xoogan ku haya Shacabka Muslimka ah ee magaaladaasi ku dhaqan, waxaana bishii Sideedaad magaalada saaran Bandow habeen iyo maalin ah.

 

Xuseen Ibraahiim oo ku magacaaban Gudoomiyaha magaalada Baladweyne ee DKMG-ka ayaa sheegay inaysan jirin wax dhibaato ah oo Ciidamada Xabashida ay ku hayaan dadka ku dhaqan magaalada, hase yeeshee falkan kufsiga ah ee Itoobiyaanku ay geysteen waxa uu kusoo beegmayaa maalin kadib markii uu Warbaahintu ka sheegay in Itoobiyaanku ay gobolka Hiiraan u joogaan inay sugaan ammaanka dadka gobolkaas ku nool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Ciidamada Itoobiyaan ah ee jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay kufsi u geesteen haween baraka(ca)yaal ah.

 

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaha ay galeen gudaha xero ay dagan yihiin dad barakayaal ah ka dibna ay kufsi u geesteen ilaa iyo sadax ka mid ah haweenka ku jira xeradaasi.

 

Sheekh C/raxmaan Sheekh Cabdulle oo kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya ay si ula kac ah u kufsadeen ilaa iyo haween ay ku jiraan kuwo da’ah.

 

Wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya ay dhibaato ku hayaan dadka shacabka taasina ay usii dheer tahay kufsi bareer cad ah oo ay ugeestaan haweenka ku sugan Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan.

 

Sheekh C/raxmaan ayaa wuxu intaasi uu ku sii daray in haatan magaalada ay ka jirto xaalad cabsi ah, maadaama ciidamadaan aysan jirin cid ay ka baqayaan guryahana ay ugu galayaan haweenka.

 

Waxgaradka magaalada Baladweyne ayaa sidoo kale waxay baaq u jeediyeen maamulka gobalka waxayna ugu baaqeen in loo baahanyahay in arintaan ay wax ka qabtaan.

 

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Beladweyne ayaa dhibaatooyin kala duwan waxa ay ugeestaan shacabka ku nool Magaaladaasi,waxaana dhibaatooyinkaasi kamid ah in xilliyada qaar ay xiraan wadooyinka iyo sidoo kale marka qarax lala eegto inay xabsiga utaxaabaan dhalinyaro badan.

 

Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com

Wararka Ciyaaraha kala soco Dhaliye.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

heartbreaking walaahi, -but what do you except from phony & uninspired leaders who do not think even beyond their pockets & penises? Women, children & the elderly have by far suffered the casualties of this absurd & comatose Somali war. Allow no sahal IA. Maxaaba wadankii ku soo hare...qasiis, qurbo-joog, qaduuc iyo qudhun baas.

 

***Pardon me Maaddeey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Lol @ qasiis, qudhun!.

 

Raule, waxaa kaaga daran kuwii qaylin jiray oo xabashiyaa na qabsatay, ciidamo shisheeye, fatuuut dhihi jiray halkoo dhibaatadaan ka hadlaayo hadda maleh!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Ilaahay kuwaan ummadda haka qabto, siyaasiyiinta Soomaalidu ma lahan karti ay dadkooda ku difaacaan or many don't even care. I do not want Ethiopian forces in Somalia. I was always against them. There are forces from other countries and you do not hear kufsi inay ku keceen.

Maaddeey adiga laftaadu gabdhaha 12 jirrada ee reerahooda laga kaxaysanayo iyaga soo kufsi dadban ma ahan maad wax ka sheegtid?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

No one likes xabashi iyo qurunkooda laakiinse waa lagu meel gaareyaa un. Sheekadda waxey gaarte heerka lesser of the two evils. Markaan khawaarijta iska ridno baanu xabashi caarsan doonnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Abwaan, adiga kuwaan pl iyo sl ka yimid oo weligoos Xamar arag, aqoonta ay u leeyihiin Xamar iyo Shabaabba media-ha uun tahay sidood ha iila dhaqmine, xaggeed ku aragtay 12 la guursanaayo? (naasba maba qabtee), wax la boobayna ma jiraan, farsamooyin kalaase jira!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loool@weligoodba Xamar arag, Maaddeey oo darbooyin gemaya...Maadka dad ka soo jeeda degaannada Shabeellada iyo Jubbada Hoose ayaa ii sheegay oo ka cabanaya arrimahan iyadoo siday ii sheegeen ay qaraabadoodu ku wargeliyeen in arrimahaani dhacayaan, ee adigu maxaad ka leedahay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^ :)

 

Horta Abwaanow, waxaa jira in dhallinta bistooladaha wata ay 'hit'(*) ka noqdeen koonfurta!. oo foodleyda dhan aa ku daadatay, markii la sheekeysto, waxa lagu heshiinaa guur, iney isla fakadaanna ma rabaan saa iyagaa dadka ku karbaashee!. duqa see laga yeelaa, ni aabaheey guur ma ii ogola, siiba nin aan la kaseenin, oona shiid eh!. 'taas xal ey leedahay, hadduu diido, hortiisaan kugu mehersanaa, diintaa qabto saas!'. lakin sidaas maba dheceysoo, markii gabadha la soo doono dad hubeysan ayaa guriga imaanaaya, gabadhaa la weydiinaa; 'gewerteey, igaarkaan ma rabtaa?' 'haa, abaa' eey leedahay!. Odayguna markaas wax uu sheego aan ahayn inuu reer xididkiis cusub la xaalo ahayn ma jirto! (hadhow, cabsi aa ii geysay ha dhaho) sheekadaan mid la mid ah ayaa jirta. ani saasaan ogahay!.

 

__________________

(*) Hit & flop ey reer xamarka isticmaalaan, markey ragga kala dooranayaan!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Maaddeey, wiilasha hit haba noqdeen ma xuma laakiinse soo ma habboona inay sharciyaystaan guurka oo uusan noqon mid cabsi darteed reerku aysan talo badan ka dhiiban karin? Maxaa dad hubaysan gabar u soo doonayaan? Ma guur baa? Mise waa colaad iyo xoolo la dhacayo amase la soo celinayo. Xoogaa waan isku soo dhawaanney oo hadalladaada waxaa laga dhadhansan karaa in meesha boob iyo cabsi cilmiyeysan ay jiraan. See waaye, guurka xarragadiisii aaway? Gabdhahana xoogaa inay koraan soo in la sugo ma ahan mise 12 iyo 14 baa lagu boobayaa?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^^ 12 ma jirto see camal yaaqey (post-gayga kow aan kuugu jawaabay fiiri) salla calayh!.

 

Nimanku waa dagaalyahanno, odaygooda & yariiskoodaba qoryo ey wada wataan!. (odayga 'Maya' ha dhaho kadib ha ka sheekeeyo, lakin hadduu 'nacam' yiraahdo guurkaas waa ansax!. teeda kale gabadha waa rabtaa ninka (boob maaha markaas).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this