Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Amed supporters attack Farmaajo Demo shooting killing civilians

Recommended Posts

Ugu yaraan hal ruux oo ka tirsanaa taageerayaal maanta u bannaanbaxayey Musharax Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa geeriyooday saddex kalana way dhaawacmeen kadib markii taageerayaasha madaxweyne Shariif oo careysani ay weerar ku qaadeen barxada Sayidka oo uu ka socday mudaaharaad lagu soo dhoweynayey Farmaajo oo maanta Muqdisho soo gaaray.

 

Ruuxa dhintay ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah oo watay sawirka Maxamed C/laahi Farmaajo waxaana toogtay rag ku hubeysan bastoolado iyo qoryo oo watay baabuur lagu soo xiray sawirka Sheekh Shariif.* Illaa saddex ruux oo kale oo mid ka mid ah yahay raggii amaanka Farmaajo ilaalinayey ayaa dhaawacmay oo isbitaalka loola cararay.

Weerarkan ayaa dhacay duhurnimadii maanta kadib markii 800 ruux oo u dibadbaxayey Farmaajo ayaa galeen barxada Sayidka oo ku taalla degmada Wardhiigley halkaasoo ku dhow xarunta madaxtooyada Villaa Soomaaliya, waxaana goobta markiiba soo weeraray rag hubeysan oo wataty sawirada Sheekh Shariif kuwaasoo rasaas ku furay taageerayaasha Farmaajo u banaanbaxayey.

Bannaanbixii lagu taageerayey Farmaajo ayaa lagu kala cararay kadib markii uu shilku dhacay, waxaana goobta markii dambe la wareegay ciidamada ilaalada madaxtooyada oo kala ceyriyey dibadbaxayaashii.

Wariyahe kusugnaa tagay ayay u suurtagashay inuu sawiradii ugu horeeyay ka soo qaado marxuumka la dilay inkastoo amaanka dartiis aysan noo suurtagalin in wariyaheenu uu sawiro dhaawacyada.

Farmaajo oo hadlay

 

Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta si weyn loogu doo dhoweeyay magaalada Muqdisho ayaa goordhow shir jaraa’id* ku qabtay hoyga uu ka degan yahay Muqdisho, wuxuuna cambaareeyay dilka loo geystay muwaadinka Soomaaliyeed.

“Waa nasiib daro in muwaadin Soomaaliyeed oo dareenkiisa muujinaya in xabad lagu dhufto. Ma ahan wax dimuqraadiyada iyo ra’yiga xorta ah uu qabo, waxaana ugu baaqayaa dawlada hadda jirta inay baarto kiiska maanta dhacay ee dilka ah ayna maxkamad horkeento gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo wuxuu wariyaasha u sheegay inuu maqlay in madaxda sare ee DKMG Soomaaliya ay saxaafadda ku amreen inaan la siideyn karin wararka ku saabsan musharaxnimada Farmaajo iyo ololihiisa uu ka wado Muqdisho taasoo uu ku tilmaamay inay ceeb weyn ku tahay dawlada iyo madaxdeeda.

Waxaan ka codsanayaa qalabka warbaahinta iyo wariyaasha Soomaaliyeed inaysan ka cabsan hanjabaadaha loo jeedinayo ee la leeyahay ma siideyn kartaan ololaha Farmaajo, waxaad xaq u leedihiin wixii RUN ah* ee wadanka ka jira inaad sheegtaan” ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed C/laahi Farmaajo.

Xaalada Muqdisho iyo maanta

 

Magaalada Muqdisho ayaa maanta gashay jawi u muuqday fawdo iyadoo banaanbaxyo iska soo horjeeda ay ka dhecee.* Saaka gelinkii hore ayaa inta badan wadooyinka magaalada waxaa xirtay kumanaan dadweyne ah oo gacmaha ku wata sawirada Farmaajo halka goor dambe oo barqadii ah ay soo bexeen dad gawaari watay oo iyaguna watay sawirada Sheekh Shariif.

Fagaaraha KM4 illaa wadada Sayidka iyo tan tagta garoonka diyaaradaha ayay dibadbaxyada saameeyn ku yeesheen.

Illaa hadda ma jirto ciod ka tirsan DKMG ah oo ka hadashay dilka maanta dhacay iyo eedeynta uu jeediyey musharax Maxamed C/laahi Farmaajo oo mar raysul wasaare ka soo noqday DKMG ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

This is really sad. AUN intii dhimatay inta dhawacana alle ha caafiyo.. It's last 10 days of Ramadan yet innocent people are killed. War umadani aakhiro ma iska ilowday..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho (RBC) Ugu yaraan hal ruux oo ka tirsanaa taageerayaal maanta u bannaanbaxayey Musharax Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa geeriyooday saddex kalana way dhaawacmeen kadib markii taageerayaasha madaxweyne Shariif oo careysani ay weerar ku qaadeen barxada Sayidka oo uu ka socday mudaaharaad lagu soo dhoweynayey Farmaajo oo maanta Muqdisho soo gaaray.

Ruuxa dhintay ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah oo watay sawirka Maxamed C/laahi Farmaajo waxaana toogtay rag ku hubeysan bastoolado iyo qoryo oo watay baabuur lagu soo xiray sawirka Sheekh Shariif.* Illaa saddex ruux oo kale oo mid ka mid ah yahay raggii amaanka Farmaajo ilaalinayey ayaa dhaawacmay oo isbitaalka loola cararay.

Weerarkan ayaa dhacay duhurnimadii maanta kadib markii 800 ruux oo u dibadbaxayey Farmaajo ayaa galeen barxada Sayidka oo ku taalla degmada Wardhiigley halkaasoo ku dhow xarunta madaxtooyada Villaa Soomaaliya, waxaana goobta markiiba soo weeraray rag hubeysan oo wataty sawirada Sheekh Shariif kuwaasoo rasaas ku furay taageerayaasha Farmaajo u banaanbaxayey.

Bannaanbixii lagu taageerayey Farmaajo ayaa lagu kala cararay kadib markii uu shilku dhacay, waxaana goobta markii dambe la wareegay ciidamada ilaalada madaxtooyada oo kala ceyriyey dibadbaxayaashii.

Wariyaha Raxanreeb oo goobta tagay ayay u suurtagashay inuu sawiradii ugu horeeyay ka soo qaado marxuumka la dilay inkastoo amaanka dartiis aysan noo suurtagalin in wariyaheenu uu sawiro dhaawacyada.

Farmaajo oo hadlay

Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta si weyn loogu doo dhoweeyay magaalada Muqdisho ayaa goordhow shir jaraa’id* ku qabtay hoyga uu ka degan yahay Muqdisho, wuxuuna cambaareeyay dilka loo geystay muwaadinka Soomaaliyeed.

“Waa nasiib daro in muwaadin Soomaaliyeed oo dareenkiisa muujinaya in xabad lagu dhufto. Ma ahan wax dimuqraadiyada iyo ra’yiga xorta ah uu qabo, waxaana ugu baaqayaa dawlada hadda jirta inay baarto kiiska maanta dhacay ee dilka ah ayna maxkamad horkeento gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo wuxuu wariyaasha u sheegay inuu maqlay in madaxda sare ee DKMG Soomaaliya ay saxaafadda ku amreen inaan la siideyn karin wararka ku saabsan musharaxnimada Farmaajo iyo ololihiisa uu ka wado Muqdisho taasoo uu ku tilmaamay inay ceeb weyn ku tahay dawlada iyo madaxdeeda.

 

“Waxaan ka codsanayaa qalabka warbaahinta iyo wariyaasha Soomaaliyeed inaysan ka cabsan hanjabaadaha loo jeedinayo ee la leeyahay ma siideyn kartaan ololaha Farmaajo, waxaad xaq u leedihiin wixii RUN ah* ee wadanka ka jira inaad sheegtaan” ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed C/laahi Farmaajo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is Been Shariifka sumcadiisa baa la rabaa in lagu dilo, Wixii falkaan geystay waa Nabad-diid aan ogoleyn kala dambeyn iyo nabaddii ka dhacdo Geyiga Soomaliyaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka qaar ayaa sheegaya in rasaasta ay bilaabatay markii qaar ka mid ah taageerayaasha Farmaajo uu sawirka Madaxweynaha oo qof ku sitay nawaaxiga Sayidka ka xoogeen, dabadeedna dhulka ku riday, taasoo gaari kuwa raaxada ah oo ku sugnaa goobta uu rasaas ku furay, halka Ciidamada sugayay ammaanka dadka dibad baxayay ee taageersanaa Farmaajo ay iyana rasaas fureen.

This is what really happened dukie boi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Oba, waxaad soo qortay ma fahantay?. Sawirka Shariif baa dad fujiyeen kabacdina rasaasaa lagu furay!. Dabcan kuwa rasaasta furay Shariif bay taageersanyeen, sax?,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Maaddeey;855802 wrote:
Oba, waxaad soo qortay ma fahantay?. Sawirka Shariif baa dad fujiyeen kabacdina rasaasaa lagu furay!. Dabcan kuwa rasaasta furay Shariif bay taageersanyeen, sax?,

Waa ayaandarro in qof masawir dhulka lagu tuuray loo diley, waa haddii ay run tahay. Waxaan miyaa la difaaci karaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;855800 wrote:
This is what really happened dukie boi

...........................................................................................................................................................................................................

Wararka qaar ayaa sheegaya in rasaasta ay bilaabatay markii qaar ka mid ah taageerayaasha Farmaajo uu sawirka Madaxweynaha oo qof ku sitay nawaaxiga Sayidka ka xoogeen, dabadeedna dhulka ku riday, taasoo gaari kuwa raaxada ah oo ku sugnaa goobta uu rasaas ku furay, halka Ciidamada sugayay ammaanka dadka dibad baxayay ee taageersanaa Farmaajo ay iyana rasaas fureen.

...............................................................................................................................................................................................................

 

Oba, adeer thank you for corroborating the story.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this