Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Mudane Faarmaajo Welcome To Mogadishu

Recommended Posts

Yunis   

^^ At first image overwhelmed by the crowd with Dr Maryam. Wlc home Farmaajo...win or lose he does enjoy respect among Xamar residents.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, oo uu hal sano ka maqnaa markii bishii June ee sanadkii hore iska casilay xilkiisa, iyadoo markii uu soo gaaray Caasimada ka hadlay ujeedada uu u yimid.

 

Shir jaraa'id oo uu qabtay waxaa uu ugu horeyn u mahadceliyay dadweynihii soo dhoweeyay, isagoo xusay inuu diyaar u yahay in howshii uu horay shacabka u qabanayay inuu dhameystiro.

 

Soo dhoweynta loo sameeyay ayaa aheyd tii u horeysay oo nooceeda aan horay loo arkin, waxaana markii uu ka soo degay diyaarada ku xoomay dadweyne fara badan oo jiiray Ilaaladii garoonka, waxaana goobta ay noqotay mid saxmad ah.

 

Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay dowladda inay mushaaraadka siiyaan 10-ka maalmood ee soo socota Ciidamada qalabka sida oo uu sheegay in aanay wax mushaaraad ah aysan helin muddo shan bilood ah.]"Waxaa igu maqaal ah in ciidamada qalabka sida muddo shan bilood mushaar la siin, waxaana dowladda ugu baaqayaa inay xooga saarto mushaarka inay siiso Ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha dowladda, waxay aheyd in bil walba si joogto ah loo siiyo"ayuu yiri Farmaajo.

 

Mr Farmaajo ayaa sheegay inay muhiim tahay in fadliga bishan Ramadaan ee 10-ka berri ee soo socota ay xooga saaraan mushaaraadka Ciidamada, si ay qoysaskooda maalinta ciida si farxad ah ula ciidaan caruurtooda.

 

"Waxaan halkan u imid inaan ka qeyb galo tartanka madaxtinimada oo aan ku soo biiray, oo halkan (Muqdisho) ka dhici doona 10-maalmood kadib, waxaana dooneynaa aniga iyo kooxdeyda inaan ka qeyb galo si howshii aan shalay bilownay inaan dhameystirno"ayuu yiri Farmaajo oo horay u sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya.Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu soo saari doono waxyaabaha qorshihiisa yahay, iyo sida uu u doonayo inuu ugu qeyb galo tartanka musharaxnimada ee 20-ka bisha Agosto dhici doonto.

 

Dhinaca kale Banaan bax lagu soo dhoweynayay Ra'iisul Wasaarihii hore Farmaajo ayaa waxaa ka dhashay shaqaaqo, kadib markii Askar ka tirsan dowladda ay rasaas ku fureen dadkii taageerayay soo dhoweynta Farmaajo.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in rasaasta ay bilaabatay markii qaar ka mid ah taageerayaasha Farmaajo uu sawirka Madaxweynaha oo qof ku sitay nawaaxiga Sayidka ka xoogeen, dabadeedna dhulka ku riday, taasoo gaari kuwa raaxada ah oo ku sugnaa goobta uu rasaas ku furay, halka Ciidamada sugayay ammaanka dadka dibad baxayay ee taageersanaa Farmaajo ay iyana rasaas fureen.

 

Ilaa labo ruux ayaa ku dhimatay uu mid ka mid ah uu askari ka tirsan dowladda, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana goobta kadib isku bedeshay mid kacsan, dadkuna ay kala yaaceen.

 

Kadib markii shaqaaqada ka dhacday goobta ayaa waxaa soo gaaray Ciidamo ka tirsan Hey'adda Nabadsugida qaranka, kuwaasoo dadka farayay inay kala tagaan oo aysan ka dhalan Fagaaraha Sayidka Amni xumo iyo iyo fowdo.

 

Waa markii u horeysay oo Musharax ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya, boqolaal dadweyne ay ku soo dhoweeyaan, iyagoo sawirkiisa iyo boorar ay ku taageerayeen watay, iyadoo la sheegayo in aanay ka marneyn dhaqaalo lagu bixiyay dadweynaha la isugu keenay inay soo dibad baxaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

You know what they say pictures speak 1000 words, these pics warm my heart. Mashallah, Farmaajo definitely has a strong support in Mugadishu.

 

Good luck Mr Farmaajo on the coming presidential election ilaahay haku garab galo.

 

Macalinka you are right that our elections are never 100% fair, the international governments are always mingling and deciding the outcome. But, then again as somalis the blame rests on our shoulders. We have to get our sh** together, then slowly we can free ourselves from the shackles put on us by the west and those they work with.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Narniah   

He actually looks like a Somali president and has a good chance of winning, unlike the criminal looking punks we had run our country this long.

 

He has my vote!

 

InshaAllah he'll win, the people clearly love him no matter what tribe they hail from.

 

I hope they don't kill him though! May Allah protect him ameen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

We’ve been told by email via government aides in the Somali capital that President Ahmed is subtly threatening a return to open conflict if his camp loses the top seat.

 

DissidentNation.com

 

Sharif is a disgrace...he needs to thrown out ASAP ...it will be very unfortunate should he continue as President ...

 

 

I

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this