Sign in to follow this  
Aaliyyah

Faroole Oo Diyaarsaday Boqol Ergey Iyo Dawladda Somalia Oo Ka Diiday-

Recommended Posts

Well peasant some of us remember 2010 as yesterday, When Faroole and Puntland government ay tarxiilayen shacabka soomaliyeed ee kaso jeeda Konfurta somalia gar ahaan the people of Bay and Bakool and minority groups, tarxiil kaliya maheen, dukaamadda ayaa laga burburiyay, qaar xitaa waala dilay, why cause they where ''Al shabaab'', while it was Maxamed siciid Atam nin tolka. Marka waa kaas faroole

Share this post


Link to post
Share on other sites

Coming back to the topic of this thread...

 

How many 'Ergo' did Faroole finally get to send to Mogadishu ? How about the elders from Puntland camping in Mogadishu with the Prime Ministers request ? How many did they get to submit ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

Oba puntland had a legitimate reason to imprison and deport people whom it suspected had ties or were collaborating with Alshabab and much of your accusations are baseless as there were no government killings of civilians. The man you mentioned Mohamed Saciid Atam was just a figure head and it was later proven the people who were pushing much of the bulk work i.e the assassinations and the bombings through out puntland were people from southern somalia and particularly folks from Bay and Bakool. In 2010 a lot of people were blaming puntland for targeting these people but it became clearer and clearer as alshabaab's plan to destabilize puntland grew bigger and it was executed in multiple fronts.

 

Here is a group of fighters captured in the Galkacyo war of Sept 2011 and these were folks who were caught in action. Surprisingly 14 out of the 18 were mainly from southern Somalia which proved the government's case.

http://horseedmedia.net/2011/09/08/soo-bandhigidda-maxaabiistii-lagu-qabtay-howlgaladii-iyo-dagaalkii-magaalada-galkacyo/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho[RBC Radio]Waxa goordhow Muqdisho soo gaaray ilaa 102-ergo oo ka mid ah kuwa ansixinaya dastuurka cusub ee Soomaaliya yeelan doonto mustaqbalka dhow.

 

Ergadan oo maanta barqadii diyaarad gaar ah, ay ka soo qaaday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa ka soo degan garoonka diyaaradaha Muqdisho, oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda.

 

Ergada Puntland ka socota ayaa waxa ku wehliyay imaatinkooda ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Dowladda KMG ah Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo shaley isaga iyo wafdi kale ay gaareen magaalada Garoowe.

 

Wasiirka oo ay la socdaan wasiiro kale oo uu ka mid yahay ra’iisal wasaare ku-xigeenka wasaaradda Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah dowladda KM ah Soomaaliya Cabdilaahi Qoodax Barre ,wasiir ku xigeenka gadiidka iyo howlaha guud Xareed Cali , la taliyaha raysal wasaaraha dhinaca Siyaasadda Keenadiid Khaawe iyo weliba wasiirka Amniga Puntland Gen.Khaliif Ciise Mudan oo Muqdisho kala yimid wafdigan.

 

Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo kamid ah Issimada reer Puntland ee soo xulay ergada ayaa sheegay in si isku mid ah loo soo xulay oo ay ugu qanacsan yihiin dhamaan dadka ku nool Puntland oo dhan.

 

” Waxa maanta Garoowe ka dhoofay ilaa 45-ergo oo ka socda Puntland, inta kalena diyaarada ayaa u soo laaaban doono, waxa guud ahaan ergada halkan ka baxeysa ay gaarayaan ilaa 102-xubnood.

 

Mar la weydiiyay qaabka loo soo xulay ergada waxa uu yiri garaadka” Ergada waxa lagu soo xulay siddii ku qornaa Roud-map-ka oo ahaa in ergada ay soo xulaan odayaasha gaar ahaan isimada, wixii odayaasha ay soo xulaan, ismidana ay saxiixaan sidaas ayaa lagu soo xulay,sidaasna ayey ku dhaqan galeen.

 

Mar la weydiiyay in uu ka jiray khilaaf beelaha gaar sida soo xulida ergooyinka waxa uu yiri ” Khilaaf badan ma jirin, laakin wax waa ay iska jireen waxyaabihii jirayna waa la xaliyay,hadana wixii khilaaf ah waa ay dhamaadeen,

 

Mar la weydiiyay Garaad Maxamed Cilmi Shirwac, waxa jira ismo badan oo ka soo jeeda Puntland oo ku sugan Muqdisho, marka sidii yahay xiriirka idinka dhexeeya, sidoo kale maku lee yihiin door soo xulida ergadan waxa uu ku juwaabay garaadka ” Haa xiriir fiican ayaan lee nahay, waan wada xiriirnaa, wax qilaaf ahan ma jiro, wixii la soo xulay waa wax la isku afgartay.

 

Waxa uu sheegay in ay jireyn ismaan dhaaf aan sidaas u badneen oo kalaa ahaa in isimida qaar ay ku sugnaayeen Gaalkacyo, kuwa kale oo isaga ku jirana ay ku sugnaayeen Garoowe,

 

Ergada ka socota Puntland ayaa la filayaa in ay ku biiraan kuwa kale ee ka qeybgalaya sirka lagu anisinaayo.

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii Ansaxinta dastuurka oo si rasmi ah maanta Uga Furmay School Boolisaya ee Muqdisho Iyo Ergadii SSC oo ka qayb gashay.

 

Arbaco July 25, 2012 Mogdisho, Somalia: (Kln)

 

Wararka naga soo gaadhaya Muqdisho ayaa sheegaya in shirkii si rasmi ah u furmay maanta ergadii ansixinta ee la soo xulayna ay 90% diyaar ku yihiin goobta shirku ka furmay. Wariyaha Kalshaalenews ee jooga goobta shirku ka furmay ayaa noo xaqiijiyey in ergadii reer SSC ee ka oo kicintay Garoowe ay shirka ka qayb galeen, ergo diyaaradu ka buuxsantayna la filayo in ay beri soo gaadhaan goobta shirka.

 

Wararka kale ayaa sheegaya in ergo uu watay Garaad Jaamac Garaad Ali in laga celiyey gelitaankii goobta shirka, loona diiday in ay shirka ka qayb galaan inkastoo wararkale noo xaqiijieen in uu jirto heshiis loogu ogolaaday ilaa iyo 12 xubnood oo kamid noqondoona ansaxiyayaasha dastuurka, halka ergadda reer SSC iyana loo qoondeeyey 12 ergay oo ka mid noqondoona ansixiyayaaha.

 

Heshiiskaasi oo ay gadhwadeen ka ahaayeen ergo heer wasiir ah oo ka socday dawladda faderaalka oo dhawaan booqasho ugu kicitimay magaaladda Garoowe. Wararka ka soo kordha sababta ergadda Garaad Jaamac looga celiyey shirka ayaan ilaa iyo hada aan cadayn, balse waxaa la filayaa in uu watay ergo ka badan intii loo qoodeeyey oo ah 12 xubnood, wixii war ah ee arinkaasi ka soo kordha waanu idiin oo tebin doonaa. Sidoo kale,

 

Magacyadda ergadda reer SSC ee ansixiyayaasha waxaan idiin oo gudbin doonaa sida ugu dhakhso badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wariyaha Kalshaalenews ee jooga goobta shirku ka furmay ayaa noo xaqiijiyey in ergadii reer SSC ee ka oo kicintay Garoowe ay shirka ka qayb galeen, ergo diyaaradu ka buuxsantayna la filayo in ay beri soo gaadhaan goobta shirka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wararka kale ayaa sheegaya in ergo uu watay Garaad Jaamac Garaad Ali in laga celiyey gelitaankii goobta shirka, loona diiday in ay shirka ka qayb galaan inkastoo wararkale noo xaqiijieen in uu jirto heshiis loogu ogolaaday ilaa iyo 12 xubnood oo kamid noqondoona ansaxiyayaasha dastuurka, halka ergadda reer SSC iyana loo qoondeeyey 12 ergay oo ka mid noqondoona ansixiyayaaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland alone got over 70 delegates. The first batch flew out today, around 45 and the next one will fly out tomorrow god-willing including some Khaatumo/Sool ones.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Ergadii uu Faroole Qortey kana soo jeedey Khaatumo ayaa maanta Diyaaradii laga reebey.

 

Garoowe(Allssc) Waxaa maanta ka duuley magaalada Garoowe xubno gaadhaya 35 xubnood ka mid noqonaya gudiga ansixinta dastuurka ee ka socda maamulka Farole. Ergadan Maamulka Faroole oo baryahan ka tagnaa muran weyn ka dib markii uu faroole damcey in uu isagu isku dayo in maroorsado soo xulida gudigan. Faroole ayaa soo gudbistey 104 xubnood oo isagu soo xulay ayna ku jiraan 25 xubnood oo ka soo jeeda asal ahaan deeganada Khaatumo. Liiskan Faroole soo qortey ayaa waxaa ganafka ku dhuftey Dowlada Somaliya iyagoo faroole u sheegey in uu faraha kala baxo soo xulidda ergooyinka taasoo loo igmadey in ay soo xulaan madax dhaqameedyada Somaliyeed.

 

Faroole ayaa la hor dhigey heshiiskii saxiixayaashii road mapka taasoo sheegaya in odayaasha ay xaq u leeyihiin in ay soo xulaan ergadda ansixinta taasoo Faroole uu wax ka saxiixey. Dhawaan ayaa wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga DFKM ay soo gaareen Garoowe si ay ugu qanciyan Faroole in joojiyo qaska kuu ku dawo soo xulida ergadan iyagoo ugu hanjabey in uu ka mid noqonaya qaswadayaasha hadii uu ku adkeysto in uu soo xulo ergadaas.

 

Waxaa ka soo degay garoonka muqdisho wafdi ka kooban 45 xubnood iyadoo Garoowe lagaga soo tegay xubnihii uu macaan jecesha ahaa ee ka soo jeedey Khaatumo kuwaas oo gaadhayey ilaa 25 xubnood iyagoo lagu sasabey waa la idin soo noqonayaan.

 

Xubnahan macaan jecesha ah ayaa waxay hadeer ku sugan yihiin Garoowe iyagoo la fileyn in tagaan magaalada Muqdisho.

 

Waxaan idiin soo gudbin doonaa magacyada xubnaha macaan jecesha ah ee ka soo jeeda deeganka Khaatumo iyagoo la doonayo in loo soo adegsado in ay fur fur iyo qas ka bilaabaan deeganada Khaatumo.

 

Cismaan Qandala

 

Garoowe

 

allssc@allssc.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

xiinfaniin;852985 wrote:
It is official, Faroole sent 102 delegates to Mogadishu.

The article you posted says 45 sent. Eti Mahiga will send another ndege for the rest.:)

 

” Waxa maanta Garoowe ka dhoofay ilaa
45-ergo
oo ka socda Puntland, inta kalena diyaarada ayaa u soo laaaban doono, waxa guud ahaan ergada halkan ka baxeysa ay gaarayaan ilaa 102-xubnood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Faroole caadi maha. dhinac Abdiwali iyo odayaashi Galkacyo, dhinacna Khatumo ayuu dagaal siyasadeed kula jira.

I would be really suprised if he gets all of his 102 delegates in the Conference. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this