Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Breaking News: : Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lala beegsaday Mas'uul ka tirsan Dowladda

Recommended Posts

Waxaa goordhow qarax xooggan ka dhacay Hotel ku yaala Degmada Xamar Weyne, kadib markii uu halkaasi uu ku qarxay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.Qaraxa ayaa ahaa mid aad u xoogganm, waxa uuna ka dhacay agagaarka hotel ku yaala degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho, iyadoo goobtaasna laga maqlayo rasaas aad u xoogan, uuro madow oo cirka isku shareertay.

 

Warar kala duwana oo hordhac ayaa ka soo baxaya qaraxaas kuwasoo qaarkood ay sheegaya in qaraxaas uu ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo la dhigay jid cade yar oo dhex mara bacadlihii hore ee Xamar weyne iyo dhismaha daartii Uunlaay oo loo bedelay hotel ay degan yihiin xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

 

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, iyadoo xaalada goobtaas cakiran tahay , welina lama oga khasaaraha qasaaraha ka dhashay qaraxaas, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in halkaas ay yaalaan meydadka ilaa shan qof oo gubatay, ciidamo ka tirsan dowlada ayaa rasaas hareeraha u furaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax loo geystay gaari uu saarnaa Wasiirkii hore ee Ganacsiga Dowladda KMG ah Maxamuud Cabdi Garweyne, waxayna wararku sheegayaan in gaariga Wasiirka uu ka soo baxay guri ku yaala Degmada xamar Weyne, kaddibna uu ku hakaday Hotel lagu magacaabo Al-Khaliij, hoteelkaas oo uu Wasiirku galay.Sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay Wasiirka ayaa miino loogu xiray mudadii uu ku jiray Hotelka Al-Khaliij, kaddibna markii uu ka soo baxay Hotelka oo uu galay gaarigiisa daqiiqado kaddib uu qarxay gaarigiisa.

 

Gaariga oo sida ka muuqata sawirka ahaa nooca Garib ayaa la sheegayaa inuu ka badbaaday hal nin oo gaariga ka saarnaa gadaal, hase yeeshee waxaa dhaawacyo ka soo gaareen nin iyo haweeney ku dhowaa halka uu qaraxu ka dhacay.

 

 

 

Allaha u naxariistee Maxamuud Garweyne oo markii ugu dambeysay noloshiisa ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka, ayaa horay u soo noqday Wasiirka Ganacsiga, waxaana goobta saakay lagu khaarajiyay la soo dhoobay ciidamo fara badan, kuwaasi oo bilaabay baaritaano ay ku raadinayaan kooxihii ka dambeeyay qaraxaasi.

 

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamuud Garweyne ayaa horay uga badbaaday isku day qarax miino oo lala damacsanaa, waxaana falalka noocaan ah had iyo goor lagu yaqiinay ururka Al-Shabaab, inkasta oo aanay weli sheegan inay iyagu ka dambeeyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kadib markii uu soo shaac baxay qaraxii dhawaan ka dhacay degmada xamarweyne ee lagu dilay wasiirkii hore ee ganacsiga Garweyne ayaa war kasoo baxay Xarakada Mujahidiinta Al Shabaab waxay ku sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.

 

Sarkaal sare oo dhanka warfaafin u qaabilsan XMSH oo xiriir lasoo sameeyay Shabakadda wararka SomaliMeMo ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi ay fuliyeen ciidamo ka tirsan sida uu xaqiijiyay.

 

“Ciidanka mujaahidiinta ayaa howl gal maanta ay ka fuliyeen muqdisho waxay ku dileen sarkaal ka tirsan DKMG waxaana howl galkaasi uu ahaa mid heer sare ah oo hadafkiisu ahaa garweyne ayuu sii raaciyay masuulkaasi ka tirsan maktabka warfaafinta XMSH”.

 

Dhanka TFG-da marka qaraxu uu dhacay waxay ku sheegtay Inay fashilisay weerar istish-haadi ah oo dhici rabay iyadoo ku dhawaaqday in wax qasaare ah uusan ka dhalan laakan arrinkaas ayaa beenoobay.

 

Qaar ka tirsan ehellada wasiirka la dilay oo aan la hadalnay ayaa dhankooda inoo xaqiijiyay in geeridiisa ay shaki weyn abuurtay isla markaana ay fajaciso ku noqotay qaabkii weerarkaasi u dhacay.

 

Shabakada SomaliMemo ayaa heshay xogta qaabka qaraxa uu udhacay waxaana wararku ay sheegayaan in weerarka uu ahaa mid aad loo soo agaasimay, isla markaana u muuqday nuucyada qaraxyada oo la hormariyay.

 

XDKMG ah ayaa hore ugu weysay dagaalka ay kula jirto Mujaahidiinta wasiiro fara badan iyo xildhibaano, iyadoona maamulka Shariif uu noqonayay midkii ugu badnaa ee wasiiro looga laayo Muqdisho, wasiirkii arrimaha gudaha ee sanadkii hore gurigiisa lagu dilay ayaa ahaa midkii ugu danbeeyay oo wasiir isagoo ah la khaarijiyo.

 

Source: Somalimemo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

AUN, I did not know him personally but looked at his bio. Wuxuu ahaa shakhsi qayb ka ahaa dadkii dedaalka ugu jirey inay bulshada Soomaaliyeed u adeegaan. Ilaah kuwa dadka waxgaradka ah baabi'inaya Soomaaliya haka qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^waxtar?, yey wax taraan?.

 

Ninkaan masjidka Qudus uu tafsiir ka akhrin jiray, suu siyaaso u galay Allaa og xaalkiisa. Allah yarxamhu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Maaddeey muxuu tarayna waad leedahay, Masjidka Qudus-na tafsiir buu ka akhrin jirey bal dib iskugu noqo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Allah ha u naxariisto. Al shabaab is mistaken if they thing these cowardly assasinations will

Stop the peace ringing throughout Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maaddeey;851310 wrote:
^waxtar?, yey wax taraan?.

 

Ninkaan masjidka Qudus uu tafsiir ka akhrin jiray, suu siyaaso u galay Allaa og xaalkiisa. Allah yarxamhu.

Heerka uu waxbarashadda ka galay ma la socotaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

"waxyalaha qarxa" can be fireworks, popcorn or even a balloon. Could whoever wrote this not come up with a better phrase to use? Somali is a very poor language when it comes to practical things (it's very rich when talking about every last bone in a camel or goat). :(

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Maaddeey;851310 wrote:
^waxtar?, yey wax taraan?.

 

Ninkaan masjidka Qudus uu tafsiir ka akhrin jiray, suu siyaaso u galay Allaa og xaalkiisa. Allah yarxamhu.

Garweyne AUN wuxuu ahaa maareeyaha Xarunta Xanaaneynta Agoonta. Sidoo kale nin kitaabada laga raacduu ahaa. So yuu wax tari jiray? Agoonta, hooyooyinkooda, bulshada..dhamaanteen. Remember ninkan ******** sooma saarin, sida ragga qaarkood. Allaha u Naxariisto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this