Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Dr. Baadiyow For President!

Recommended Posts

Munaasabad ballaaran oo ay ka qeyb galeen Xildhibaano, Aqoonyahano, Wasiiro hore, qeybaha bulshada ayaa maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho, kaasoo Dr. C/raxmaan Macalin C/llaahi oo loo yaqaano C/raxmaan Baadiyow ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan doorashada dhaceysa bisha Agosto ee soo socota.

 

Waxaa Munaasabada hadalo qiimo leh ka jeediyay Mas'uuliyiin isugu jiray Xildhibaano, aqoonyahano iyo qeybaha bulshada, kuwaasoo ku tilmaamay Dr. Baadiyow inuu yahay shaqsi hogaamin kara dalka, isla markaana aqoon yahan ah.

 

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay inuu u arko musharaxan inuu yahay mid dadka iyo dalka bad baadin kara, isla markaana aqoon, iyo aqlaaq wanaagsan u leh howsha hogaaminta dalka

 

Sidoo kale waxaa hadalo ka jeediyay C/waaxid Cilmi Goonjeex oo horay u sii noqday sii haye Ra'iisul Wasaare, ayaa sheegay in Dr. C/raxmaan Baadiyow oo saaxib u ah aqoonta uu nin gudan karo howsha madax tinimada iyo inuu dalka ku dhaqo cadaalad iyo sinaan

 

Xildhibaannadii iyo Mas'uuliyiintii ka hadlay Munaasabada ayaa waxaa ka mid ahaa Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla iyo C/llaahi Maxamed Shirwac, kuwaasoo soo sheegay inay qabaan in murashaxan uu yahay mid dalka iyo dadka badbaadin kara, sidoo kalena leh aqoon, karti iyo aqlaaq fiican oo uu howsha madaxnimo ku gudan karo.

 

Dr. C/raxmaan Baadiyow oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu u istaago tartanka Madaxtinimada Soomaaliya ee bisha Agosto ee sanadkan dhici doono.

 

"Sharaf weyn ayay ii tahay inaan u istaago tartanka madaxweynimo ee Soomaaliya ka dhici doona dhawaan, si aan u badbaadiyo dalkeyga iyo dadkeyga," ayuu yiri Dr. Baadiyoow.

 

Dr. Baadiyow ayaa sheegay inuu tiigsanayo in Soomaaliya ay yeelato xukun ka fog musuq maasuq, isla markaana lagu wada noolaado nabad iyo xasilooni sida uu yiri.

 

"Waxaan tiigsanayaa Soomaaliya oo yeelata xukun ka fog musuqmaasuq, dadkeeduna kuwada nool yihiin nabad, isla markaana dariskeeda kula nool nabad, waa waajib Islaami ah iyo mid wadaniyadeed inaan isku sharraxo xilka madaxweynimo ee dalkeyga"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomaalida aysan u lahayn dhaqan inay is-faaniso, isagoo xusay inuu rajeynayo in Umada Soomaaliya ka samata bixiyo xaalada adag ee ay hada ku sugan yihiin, waxaana uu cadeeyay in xilligii qoriga uu dhamaadan, lana joogo xilligii aqoonta dalka u talin laheyd.

 

Inkastoo Xilli kala guur uu dalka ku jiro, hadana waxaa la filayaa in 20-ka bisha Agosto ay dhacdo Doorashada madaxtinimada Soomaaliya, kaasoo musharaxiin badan u taagan yihiin tartanka madaxtinimada Soomaaliya.

Musharaxan ayaa noqonaya musharaxii u horeeyay oo Muqdisho kaga dhawaaqo inuu u taagan yahay xilka Madaxtinimada Soomaaliya, xilli Dowladda KMG waqtigeeda uga harsan yahay wax ka yar 90-maalmood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Contact Us

Stay Connected

 

Tuesday, June 5th, 2012 | Posted by carab

Waa nin ceynkee ah Musharax Dr Baadiyow ????

 

CabdiRaxmaan Macalin Cabdullaahi : oo ku caan ah (C/raxmaan Baadiyow).

 

Wuxuu ku dhashay Magaaladda CEEL-DHEER Ee ka tirsan Gobolka GAL-GADOOD, SOOMAALIYA, Sanadkii 1954-kii. Wuxuu ka dhashay Qoys Wanaagsan oo Ahlu Diin ah, Isla Magaaladaas Ayuu Kusoo qaatay Tacliintiisii Aas’aasiga ahayd.

 

Markii Uu Dhameeyay Taxfiidkii Qu’aanka iyo Tacliintii Aasaasiga ahayd wuxuu Usoo Wareegay Magaaladda MUQDISHO, oo uu kaga biiray Dugsigii Sare Ee JAMAL C/NASIR.

 

Wuxuu ku Biiray Ciidanki Xoogga Dalka Ee Soomaaliya Sanadkii 1971-kii, Wuxuuna Ka qalin jabiyay Kulliyaddii Milatariga Ee JANARAL DAA’UUD Ee KISMAAYO, Dabadeedna Wuxuu Safar waxbarasho oo Dhanka milatariga iyo Tababarka ah ugu Baqoolay Dal Weynihii la isku oran jiray Midowgii Soofiyeed Ilaa laga soo gaaro Sanadkii 1977-kii. Kadib Qilaafkii soo kala Dhexgalay Soomaaliya Iyo Midowgii Soofiyeeti, Wuxuu Tacliintii Dhanka Militariga u aaday Dalka MAREYKANKA.

 

Wuxuu ku biiray Xarakadda Islaamiga ah Ee ISLAAX (Taasoo Matasha Dhaqdhaqaaqa Dhexdhexaadnimada Islaamka Ee Soomaaliya ) Sanadkii 1985-kii.

Wuxuu isaga tagay Ciidankii Xoogga Ee Dalka Sanadkii 1986-kii Kadib Markii uu arkay in la marin habaabinayo Mu’asasadii Militariga iyo Howlihii Loo igmaday Oo Ahayd Ilaalinta Shacbiga Soomaaliyed, Balse Dadkii Shibilka ahaa Dib ugu soo laabatay.

 

Kadib Wuxuu Daraasadda Sare U Aaday Jaamacad ku Taal Dalka CANADA Ee La yiraahdo McGill University in Montreal, Canada, Halkaasoo uu Ku Diyaariyay master’s degree Iyo PhD Oo Ku Saabsanayd Taariikhda Islaamka Ee Casrigan aynu Noolnahay.

 

Intii uu ku sugnaa Qurbaha, Wuxuu Ahaa Xubin Firfircoon oo Wax ka aas’aasay Ururo Bulsho oo aad u tira Badan Oo leh Waxbarasho, Howlaha Bini’aadanimadda iyo kuwo kale ba Waxaana Kamid ahaa intii uu ardayga ahaa Urur la yiraahdo “the Somali University Students Association (SUSA) in Canada”.

Kaasoo ilaa hadda Shaqeeya 22 sano kadib. Sidaasoo Kale Wuxuu Wax Ka Aas’aasay Ururka Dhawrayaasha Qaanuunka (UDHAQ) IYO Ururo kale oo Bulsho oo fara badan.

 

Wuxuu dalka Dib ugu soo laabtay Sanadkii 1993-kii Isagoo ah Agaasime Goboleedka Hay’adda Mercy-USA for Aid and Developments’ East Africa Program, Taasoo Wax badan ka qabatay Baahiyaha Dhanka Waxbarashadda iyo Caafimaadka Ee Xiligaas Jiray, Iyagoo Dhisay Xarumo Caafimaad iyo Iskuulo .

 

Kadib Wuxuu Qabtay Xilka Guddoomiyaha Golaha Wadaniga ah ee Dib-uheshiiniinta Umadda Soomaaliyeed Sanadkii 1994-kii, Wuxuuna ka Shaqeeyay Dib-u heshiisiinta Qabaa’iladda Soomaaliyeed, Gaar ahaan Qabiiladdii Dagaalka Sokeeye Ku Dhex Maray Caasumadda MUQDISHO.

 

Ilaa Dadaalkii uu ka mira dhalay kaasoo Gun-dhig U Ahaa Shir-Weynihii CARTA Ee Lagu Qabtay Dalka JABUTI Sanadkii 2000,

Wuxuuna Ka Mid Ahaa Dr Baadiyow Xubnaha Firfircoon Ee Shirka Ka Howl Galayay isagoo ku jiray Xubinna Ka ahaa Guddigii Diyaarinta Dastuurka.

 

Wuxuu Noqday Ku Xigeenka Muraaqibka Guud Ee Xarakadda ISLAAX Sanadihii 1999-2008-da iyo Guddoomiyaha Xafiiska Dhanka Siyaasadda Ee Isla Xarakadaas intii u Dhaxeysay 2008-2012-dii. Wuxuu Ahaa Xubin Kamid ah Golaha Shuuradda Ee Xarakada Tan iyo 1995-tii.

 

Sidasoo Kale Wuxuu Ahaa Maamule Guud iyo Xubin Ka Mid ah Hay’adda Bulshadda Ee (INXA), Taasoo Kaalin weyn ku lahayd Arimaha Bulshada ilaa hadana xoog ku leh Bulshada Soomaliyed Dhexdeeda.

 

Wuxuu Ka Mid Ahaa Aas’asayaashii Jaamacadda Muqdisho Oo La Aas’aasay sanadkii 1996-kii, Jamacadda Muqdisho Waa jaamacad can ka ah Guud ahaan Gayiga Soomaaliya Waana Jaamacaddii ugu Horeysay Ee Soomaaliya Ka Shaqa Bilowday Kadib Burburkii Dowladii Dhexe iyo Xiligii Uu Dagaalkii Sokeeye Socday, Waxayna Numberka 35-aad kaga Jirtaa Jaamacadaha Afrika Sanadkan 2012-ka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Munaasabad lagu taageerayo musharaxa Dr. C/raxman Baadiyow oo ka dhacday Magaalada Nairobi.

 

Xaflad si heer sare loosoo agaasimay oo lagu soo dhaweynayo musharaxa Dr. C/raxman Maxamed Cabdulahi Baadiyow ayaa waxa ay maanta ka dhacay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

 

Aqoonyahano, Saraakiil, Haween, Dhalinyaro iyo waliba Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DKMG Somalia ayaa kusugnaa goobta ay ka dhaceysay xaflada ayadoona dhamaantooda ay aad usoo dhaweeyeen xiligaan in uu isku soo sharxo xilka madaxtinimo Dr. Baadiyow. Xubno ka tirsan baarlamaanka oo goobta ka hadlay ayaa si kooban uga hadlay maraxiisha uu soo maray Dr. Baadiyow ayadoona Baadiyow uu ahaa wixii ka danbeeyay burburkii wadanka mid aan lagu tirin dadkii danbiyada ka geystay wadanka.

 

Xildhibaan Cawid Casharo oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka KMG Somalia oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ku boorinayo musharaxa in hadii uu ku guuleysto xilkaasi ay sugayaan caqabado badan oo wadanka ka taagan waxa uuna ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo xilkaasi.

 

Cali Mahadi Maxamed oo ahaa madaxweynihii hore ee Somalia ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii halkaasi soo gaarayay waxa uuna sheegay in aqoon hoose uu u leeyahay Dr. Baadiyow ayna mudo dheer is yaqaaniin waxa uuna ku amaanay maamul wanaag iyo wadanimo xiligaan ka muuqato Dr. Baadiyow.

 

Masuuliyiin fara badan oo goobta ka hadashay ayaa isku waafaqay in xiligaan Dr. Baadiyow uu yahay mid wax ka qaban kara dhibaatooyinka dhanka siyaasadeed iyo waliba mida dhaqaalaba ee wadanka uu la ciirciiraya ayagoona ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo xilkaasi hadii uu ku guuleysto, dhamaan dadkii goobta isugu yimid ayaa mar qura u istaagay markii lagu soo dhaweeyay Dr. Baadiyow mikirifoonka ayadoo oo aad moodo in dhamaan dadkii halkaasi isugu yimid ay aqoon gaar ah u laayeen Dr. Baadiyow.

 

Dr. C/raxman Cabdulaahi Baadiyow ayaa la hadlayay dadkii halkaasi isugu yimid isagoona ku amaanay sida quruxda badan ay u muujiyeen in ay siiyaan codkooda si uu ugu guuleysto xiligaan in uu madaxweyne ka noqdo wadanka oo u muuqanayo midkasii baxay marxalado badan oo uu soo maray.

 

Baadiyow ayaa u balanqaaday shacabka Soomaaliyeed hadii ay doortaan in uu wax ka qaban doono meelaha ay ka liitaan shacabka Soomaliyeed haba ugu horeysee dhanka siyaasada, amaanka iyo waliba dhanka dhaqaalaha oo uu sheegay in wax badan uu aqoon u leeyahay waxa uuna sidoo kale shaaca ka qaaday in uu dalka dib ugu soo celin doono dhamaan saraakiishii hore ee wadanka si ay wax badan uga qabtaan dhanka amaanka oo Soomaaliya aadka loogu xasuusto xiliyo hore dhanka amaanka sida ay ka aheyd.

 

Dr.Baadiyow ayaa mar qura waxaa indhihiisa lagu arkay Oohin isagoona aad uga damqaday xaalada Soomaalida ku nool wadamada qurbaha iyo waliba sida loola dhaqmo caruurta isagoona sheeagay in uu dhisi doono goob lagula xisaabtamo siyaasiyiinta Soomaalida taa oo dadkii goobta soo wada buuxiyay aad ula dhaceen waxa uuna sidoo kale sheegay in uu sameyn doono laan si toos ah ila shaqeyso dadka qurba joogta iyo waliba kuwa ku nool gudaha si ay isugu xirmaan.

 

“ been idiin sheegi maayo, ma idin qiyaani doono, ma idiin kala eexan doono” ayuu yiri Dr. Baadiyow oo xiligaasi ilmada ay ka socotay, Baadiyow waxa uu dhashay 1954 isagoona ku dhashay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxa uuna ka mid ahaa Somali National Army 1971-1986 xiligaasi oo aad loogu xasuusto waxa uu qabtay. 1981-1983 waxa uu ahaa Assistant lecturer Jaamacada Somali National University. DR. Baadiyow ayaa aqoontiisa ku dhameystay wadanka Mareekanka halkaasi uu kusii sugnaa xiligii burburka uu dhacay waxa uuna ka mid ahaa Soomaalida qurba joogta in muda ah isagoona markii danbe gudaha ka guliyay dhaqdhaqaayo badan oo dadka wax loogu qabanayo oo ay dadka reer Muqdisho gaar ahaa ay xasuustaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/raxmaan Maxamed C/llaahi Baadiyow " waxaan balan qaadayaa in aan Been idiin sheegin, waxaan Balan Qadaa in aan idin Qayaamin, waxaan balan qaadaa in aan idiin kala eexan iyo in aan Xoolihiina la Cunin"

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;842772 wrote:
C/raxmaan Maxamed C/llaahi Baadiyow " waxaan balan qaadayaa in aan Been idiin sheegin, waxaan Balan Qadaa in aan idin Qayaamin, waxaan balan qaadaa in aan idiin kala eexan iyo in aan Xoolihiina la Cunin"

:D :D

 

Reminds of Chris Rocks and "you suppose to do that" routine - here watch below (from 2.15)

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ The revolution in Egypt has unearthed lots of amazing talents in almost all areas of society. But, mostly, the art seems to have had the lion share of these discoveries. One of the funniest I've seen is Mr Mahamed Fowzi Bakoos (from an area called Bakoos). He, was watching an interview with a candidate for the Egyptian presidancy in which this candidate claimed he was only running for president to spite someone else. This annoyed Mr Bakoos and made him release his own youtube videos putting himself up for the presidancy too.

 

Here is a still image of the video:

 

1337109251.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOL@ the Egyptian comedian with his soft drinks microphones an all.

 

Oba - the part of the promises you highlighted for mr Baadiye is ......how should put it delicately?.........sorry but only 'moronic' comes to mind :D

 

In fairness - i have not watched the videos or read the full articles.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Oba, the chap has "Dr Gabbose" written allover him. He too seem to have had his fingers in many cookie jars. Is he really multi talented or chameleon like Gabbose? I made up my mind after getting clues from girl standing beside him. Her tongue hints "jirjiroole". :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

The new president must come from Puntland, they never have the position and it should be shuffled between two responsible entities. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Somalia;842808 wrote:
The new president must come from Puntland, they never have the position and it should be shuffled between two responsible entities.
:)

 

That is only gonna happen if Puntland agrees to share the oil revenues with the rest of the country.:P

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this