Sign in to follow this  
Positive

Kobcinta Af-soomaaliga: bar ama baro (qaybtii 1aad)

Recommended Posts

Positive   

Waxaan door-biday inaan taxane cusub oo la xiriira: soomaalida, dhaqankooda iyo af-soomaaliga halkan idiinku soo gudbiyo. Waxaan rajeynayaa in qofkii awoodaa uu wax ku darsado.

 

U fiirso micnaha iyo dulucda dhaqan ee erayada aan calaamadiyey ay xambaarsan yihiin. Wixii ra’yi ahna waad nagu kordhin kartaa.

 

Gacmo furan oo kor u jeeda ayaa Ilaahay lagu baryaa.

 

Wiil yar ayaan ahaa oo ku dhow12 jir ah. Aabbahay ayaa maalin maalmaha ka mid ah ii yeeray. Wuxuu yiri “orodoo intaad mayrato oo dhar wanaagsan oo nadiif ah soo gashato soo carar meel ayeynu qabanaynaa”. wuxuu ku daray “ hooyo u sheeg walaashaa Fadumo iyo Keerow way ina raacayaan”. Anigoo aan waxba weydiin ayaan is-dhigay. Wax yar ka dib anigoo neef-tuuraya oo ay ila socdaan walaalahay ayaannu aabbo u nimi isagoo jooga daaradda hore ee guriga halkaas oo uu ku diyaarinayey gaarigii aannu raaci lahayn. Markaannu shirka dambe galaynay aabbe intuu si taxadar leh u xiray daaqaddii oo soo wareegay ayuu dhaqaajiyey baabuurkii.

 

Kadib markuu dad kale oo ay asxaab yihiin ka soo ururiyey magaalada safarna ka soo qaatay ayuu nagu riday waddo weyn oo bari uga baxda magaalada. Abaara 30 daqiiqo markuu xawaare dheeraynaya ku socday ayuu nasoo geliyey meel xeri deggan tahay oo aan xusuustay inuu mar hore na keenay. Sheekh ayaa xerta meesha ku hayey.

 

Intaannu ka degnay gaarigii oo cabbaar la ciyaarnay carruur kale oo meesha joogtay ayaa markii dambe aabbe oo isagu sheekha u tegay noo yeeray. Inkastoo aan qalbiga aad uga jeclaa inaan carruurta la ciyaaro haddana anigoo aan xagga iyo xagga midna eegin ayaan orod ugu imi iyadoo ay i dabo ordayaan labadii kale ee walaalahay ahaa. Gacmaha intuu si waalidnimo ku jirto noo qabtay ayaannu galnay mundul weyn halkaas oo aannu ugu tagnay shiikhii guud ee xerta oo ay la joogaan dad badan oo qaar xertiisa yihiin qaarna booqasho ugu yimaadeen. Markaannu salaanay ee shiikhii si diiran noo soo dhoweyey oo uu na fadhiisiyey agtiisa ayaa waxaa naga soo dabo galay labo nin oo hor leh oo muuqaalkooda aad ka arkaysay inay xoolo-raacato yihiin.

 

Iyaguna markay marxabayn iyo soo dhoweyn diiran ka heleen shiikhii iyo dadkii kale ee meesha fadhiyey ayaa labadii nin mid ka mid ahi hadlay oo yiri “ Shiikh abaar ayaa nagu habsatay; dadkii iyo duunyadiina way riiqday. Waxaannu u nimi inaad noogu ducayso in raxmaad Ilaahay na siiyo”.

 

Shiikhii baa yiri “ ducadaydu roob ma keento ee roobka Ilaahay baa keena idankiisa ayuuna ku da‘aa; laakiin gacmo furan oo kor u jeeda ayaa Ilaahay lagu baryaa ee dhammaanteen aan ku ducaysano in abaarta uu inaga dulqaado“. Halkii ayaa shiikhii hoggaamiyey duco loo dhan yahay oo qofkastaa qushuuca iyo jacaylka Alle uu qalbigiisa u furay. Markii faatixadii lagu khatimay ducadii ayaa shiikhii ku yiri nimankii “ sida Alle looga bartay roobku wuu di’i karaa ee reerihii qabta. Adiguna kexee carruurta yeydaan halkan ku xayirmine” ayuu ku yiri aabbahay.

 

Labadii nin dhego nuglaan ayey isla markiiba waddada cagta ku sareen halka aabbahay ka dhego adaygay. Inkastoo ay jilaal bartamihiis ahayd cirkii ayey daruuro isla markiiba is-qabsadeen waxaana curtay roob ma-hiigaan ah oo xaruntii xerta nagu xayiray saddex habeen iyo saddex maalmood.

 

Dhammaad

 

Micnaha erayada haddaad nala wadaagi karto way kuu furan tahay.

 

Toosiye2

 

 

 

 

 

.

Share this post


Link to post
Share on other sites

micnaha literalka wa kan

 

 

neef-tuuraya .............. breathing hard/orod ka bacdi

is-dhigay .............. orday

safarna .............. travel

nagu riday ............. na saaray/raacnay

xeri ............. ?

xoolo-raacato ............... herder

marxabayn ............. salaan

habsatay .............. qabsatay camal/na heshay

riiqday .............. baa bi'isay

qushuuca .............. wey adagtahay sida loo micneeyo tan

xayirmine ............. inaad meel katagi wey sid

dhego nuglaan .............. ogolaansho

dhago adeyg ............. wax maqal la aan

jilaal .............. season

ma higaan .............. kala joogsi la aan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wadani   

Ill do the two u missed.

 

Xer- qoox meel wada degan oo diinta ka hoos barata sheekh sufi ah.

Qushuuc- jubbo ama qiiro dheeraad ah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

Waa Qormo aad u tafatiran, Ereyada uu "Positive" adeegsaday ayaa ah qaar aan xujjo ku jirin balse qof walba oo soomaali ah dheehan karo murtida iyo dulucda sheekada...

 

We await for more

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Waad mahadsan tihiin: Somali Ph., Wadani, Che, iyo Coofle.

 

Che-Gueravara: maya ma lihi bog-mareegeed (web site) aan ku qoro tix-qoraalo (blog). Waqtigan magac yeelo iyo manfac hel midna iguma jiro. Marka sidaan wax u qoro iyo meesha aan ku qoraa waa isku mid.

 

Haddaan ku noqdo erayada si wanaagsan ayaad micnaha isula qaadaa dhigteen waana sax. halka eray ee aan ku noqonayaa waa erayga safar. Micnaha caadiga ah ee eraygu waa kaad sheegteen oo ah in aad ka tagto gurigaaga ama meesha aad deggan tahay oo aad u kacdo ( qabato ) meel kale oo durugsan oo muraad kaa galay .

 

Micno labaad oo dhaqankii hore loo isticmaali jiray wuxuu ahaa marka qofka reer miyiga ahi ka soo iibsado magaalada badeecado sida: dhar, timir, sonkor iwm. Tusaale qofka baayac-mushtarka ahi wuxuu oran jiray " safar baan keenay " ama waxaa la yiraahdaa " safar baa yimi ". oo loola jeedo badeecado iib ah ayaa la keenay.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Soo noqod wanaagsan macalin ardadii intaad maqnayd farahay ka baxday(xamdillah ca'salaama)

wax badan baan aniga iyo caruurtuba qoraalkaaga ka faa'iidnaa jisa- ka -lah

 

Ma aqaan inaan saxanahay iyo in kale balse waxaan moodayay erayada laban laabma inay ku jireen oraahda

(MANALA GARAADBAA) coofle'libaax erayga xujjo waa xujo, haduusan xujjo ahayna waa xujo, haduu xujjo yahayna waa xujo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

gooni;842618 wrote:
Soo noqod wanaagsan macalin ardadii intaad maqnayd farahay ka baxday(xamdillah ca'salaama)

wax badan baan aniga iyo caruurtuba qoraalkaaga ka faa'iidnaa jisa- ka -lah

 

Ma aqaan inaan saxanahay iyo in kale balse waxaan moodayay erayada laban laabma inay ku jireen oraahda

(MANALA GARAADBAA) coofle'libaax
erayga xujjo waa xujo, haduusan xujjo ahayna waa xujo, haduu xujjo yahayna waa xujo
.

odhaahda Manala Garaadbaa, ayaa koobsata xarfaha laba laabma, Hilmaan Hadal kuma jiro Typing error ha laga soo qaado..kk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Salaan celin kash iyo laab ah Gooni.

 

cimriga bini-aadamku waa iska kooban yahay marka waa muhim in qofku waayihii uu soo maray iyo wuxuu bartay u tebiyo jiilka soo koraya iyo kuwa kaleba. Taas weeyaan tan qoraaladaydu ku socdaan laakiin adiguba wax badan ayaad ku kordhisay qoraaladan ee inaad sii waddo ayaan rajeynayaa.

 

Mahadsanid mar labaad.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this