Sign in to follow this  
Somalia

Former Somali Parliament Speaker and Interim President dies

Recommended Posts

AYOUB   

Nairobi (Berberanews)-Allaha u naxriistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyoodey Marxuum Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen oo Soomaaliya mudo shan maalmood ah ka ahaa madaxweyne KMG ah, xiligaasi oo aheyd sannadkii 1969-kii markii la dilay Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

 

Sheekh Mukhtaar ayaa maanta 7:30-kii subaxninmo ku geeeriyooday gurigii uu deganaa oo ku yaal magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya halkaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyey uu ku xanuunsanaa.

Sheekh Mukhtaar Allaha u Naxriistee wuxuu xiligaasi ahaa Gudoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya waxaana sida uu qabey dastuurkii Soomaaliya ee xiligaasi markii uu dhintey madaxweynaha uu noqdey Madaxweyne KMG ah inta laga soo dooranayo madaxweyne cusub, laakiin shan maalmood ka dib geeridii Madaxweyne Sharma’arke waxaa talada wadanka afgambi kula wareegay koox saraakiil oo uu horkacayey Jeneral Maxamed Siyaad Barre oo ahaa taliyihii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

NAIROBI: Halgamaa Sheekh Mukhtaar maxamed Xuseen oo ku geeriyoosday Nairobi

June 12, 2012 1:21 pm GMT - Written by PP - Edited by PP*Print

Nairibi: (pp)- Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Guddoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya xilligii dowlada rayidka ahayd Halgamaa Sheekh Mukhtaar maxamed Xuseen oo loo yaqaanay (Sheekh Mukhtaar), kaddib markii u sanidihii u danbeeyey ee ku xanuunsanaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

 

 

 

Inaa Li Laahi Wa inaa Ileyhi Raajicuun

Halgamaa Sheekh Mukhtaar maxamed Xuseen ayaa ahaa Muwaadin* ehlu-diin ah oo Soomaalidu ay aad u jeclahyd , waxaana uu noqonayaa guddoomihii baarlamaan ee Soomaaliya soo maraa kii ugu wanaagsanaa marka laga fiiriyo Wadaninimada, Diinta iyo Akhlaaqdii suubanaa ee uu lahaa.

 

Anagoo ku hadlayna magaca howlwadeenada Puntlandpost, waxaan halkaan tacsi ugu diraynaa Awlaadii , Qaraabadii iyo shacabkii soomaaliyeed ee uu ka tegay Halgamaa Sheekh Mukhtaar maxamed Xuseen, anagoo ilaahay uga baryeyna inuu naxasti jano ka waraabiyo , eheladii iyo qaraabadii uu ka tegayna samir iyo iimaan ka yiiyo Amiin :: Amiin.

 

Daabacaadda: Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

So MMA is related-to late sheikh AUN Innaa Lilaahi waina ileyhi raajicuun. Samir iyo Imaan to the family.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aamiin, aamiin ayaa leeyahay ducooyinkiina dhammaantooda. Aad iyo aadna waa ugu mahadsantihiin tacsidiina.

 

Here is madaxweyne Shariif oo ugu tacsiyeynaayo dadweynaha Soomaaliyeed geerida Sheekh Mukhtaar.

 

 

 

And here is warka Universal ee maalintii Talaadada:

 

 

 

And another clip by VOA:

 

 

 

And more on BBC Soomaali.

 

Marxuum Sh. Mukhtaar Maxamed Xuseen beri oo Jimco ah ayaa aas qaran loogu sameyn doonaa magaala madaxda Muqdisho hadduu Eebbe idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Brief biography of Sh. Mukhtaar written by Maxamed Xaaji Mukhtaar (no relations):

 

Sheikh Mukhtar Mohamed Hussein (1912-2012). Presidente (speaker) of the Assemblea Nazionale (AN) the National Assembly from 1967 to 1960.

 

He was born in Caasho Gaabo near Baidoa in the **** clan in which he was later the Malak (chief). He was educated in Harar, Ethiopia, then the education center of the Horn of Africa.

 

In the late 1940s, he becomes sheikh-malak of his clan. During the British Military administration (BMA) in Somalia (1941-1950) he was the general secretary of the Somali Youth League branch in Huddur.

 

In 1952, he was appointed to the Consiglio Territoriale (the Territorial Council), the first Somali national political experience, and in 1956 he became a qadi administering Islamic law, and also was elected to the Assemblea Legislativa (the Legislative Assembly) where he became the undersecretary of justice in the first Somali cabinet formed by the first Prime Minister Abdullahi Issa Mohamud.

 

He was elected vice president of the Assemlea Nazionale in 1960 and served until 1967 when he was elected president (speaker) of the body.

 

After the assassination of President Abdirashid Ali Shermarke on October 15 1969, Sheikh Mukhtar became the constitutional interim president of the Somali Republic. When the military took over power on October 21 1969, Sheikh Mukhtar was put under house arrest.

 

In the late 1980s, he was released and immediately became politically active, signing the Manifesto Declaration. After the collapse of Siad Barre’s military regime in 1991, he was a notable mediator in reconciliation efforts, especially in the Inter-Riverine region.

 

He was a significant figure at the first Djibouti Conference of June-July 1991, because technically he was still president of the republic. He remained an active peacemaker.

 

Unlike the Somali sheikhs, he did not belong to any tariqa (order) but was a Sunni Muslim. He used to speak Arabic language in his address to the parliament, because his mother tongue Afmaay was not recognized as a national language.

Share this post


Link to post
Share on other sites

TACSIDA: Halgamme Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen

 

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday 12-06-2012 Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya xilligii Dowladdii rayidka ahayd Halgamaa Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen,wuxuuna xilkaasi hayey 1965-1969. Wuxuu ku dhashay Miyiga degmada Baydhabo abbarihii 1912 wuxuuna ka soo jeeday qoys ehludiin ah, wuxuu ahaa Caalim Mufti ah.

 

Wuxuu ku biiray Halgankii Xoriyadda ee ay hormuudka ka aheyd xisbigii SYL, wuxuuna ahaa Xoghayihii SYLee Gobolkii jubbada Sare ( Alto Giubba) oo maanta kala ah Gobolada Bay,Bakool iyo Gedo. Waxaa loo doortay Afhayeenka Baarlamaankii Rayidka ahaa sannadkii 1965, wuxuuna beddeley Mudane Axmed Sheekh Maxamad Cabsiiye.

 

Waxaa lagu xusuustaa sidii qiimiga badneyd ee uu u maareeyey doorashadii madaxweyne-nimadii Soomaaliya 10 June1967 ee ay ku tartamayeen Allah u wada naxariistee Mudane Aadan Cabdille Cusmaan iyo Mudane Dr. Cadirashiid Cali Sharmaarke, doorashadaas oo ay guusha ku raacday Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke wareegii saddexaad markii uu helay cod dhan 73, halka Mudane Aadan Cabdille Cusmaan uu helay cod dhan 50.

 

Doorashadaasii waxey aheyd tii ugu horreysey nooca dimuqaraadiga ah ee ka hirgasha qaaradda Afrika, ama dunida Saddexaad Xilligaas isaga ah.

 

Waxaa kale oo lagu xusuustaa inuu si Rasmi ah Ummadda Soomaaliyeed ugu soo gudbiyay Geeridii Madaxweyne Dr.Cabdirashiid Cali Sharmaarke 15 oktoobar 1969,xilligaas oo uu madaxweynahuu booqasho ku marayey Magaalda Laas-caanood, wuxuuna Mudane Sheekh Mukhtaar ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha.

 

Wuxuu xilka madaxweyne-nimada kuwareegay isla maalinkaas sida Dastuurkii Jamhuuriyadda Soomaaliya uu qabay oo aheyd haddii uu Madaxweynaha geeriyoodo in xilkiisa uu ku wareegayo si toos ah afhayeenka Baarlamaanka, Afhayeenka Barlamaanka wuxuu hayn karaa xilkaasi muddo 40 cisho ah, waana inuu muddaadasii gudaheeda ku qabtaa doorasho ninkii xilkaasii qaban lahaa.

 

Nasiib darro maalinkii la aasay Madaxweyne Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ku beegneyd 20 oktoobar 1969,maalinkii ku xigay ayey ciidamadii qaranka Afgembi ku qabsadeen Talada Dalka,waxaa xabsiga loo taxaabay Golahii wasaariida iyo Ra´iisal wasaare mudane Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal, waxaa la kala sii daayey Golahii Baarlamaanka,sidoo kale waxaa gebi ahaanba la laalay Dastuurkii Qaranka.

 

Mudane Sheekh Mukhtaar Maxamad Xuseen waxaa la geliyey Xabsi guri, waxaana la dul dhigay gaar adag,waxaa laga xayiray guud ahaan dhaqdhaqaaqa Siyaasadda & xiriirka Bulshada.

 

Muddo kaddibna waxaa laga qaaday xayiraadii, waxaana lagu wargeliyey inuu xor u yahay inuu noloshiisa maareeyo,laakiinse uu dhaqdhaqaaqa Siyaasadda ka fogaado, taasna wuu meelmariyey kaddib markii uu u wareegay Beertiisa oo ku tiilay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

 

Allaha u naxariistee Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen, wuxuu ku soo noqday masraxa siyaasadda 1991-kii , shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee lagu qabtay jabuuti , kaas oo garabyada Siyaasadda Soomaalida uu ku marti qaaday madaxweynihii hore ee Jabuuti Allaha u naxarsiitee Xasan Guuleed Abti-doon.

 

Shirkaasi dib u heshisiinta wuxuu ka mid ahaa Sheekh Mukhtaar raggii shir-guddoonka u hayey oo kala ahaa Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan , Mudane C/risaaq Xaaji Xuseen, Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, iyo Marxuumka Sheekh Mukhtaar.Wixii shirkaasi ka danbeeyey Sheekha laguma arag, kama-na soo xaadirin shirarkii badnaa ee is-daba marka ahaa ee lagu kala qabtay dalalka Ethiopia, Masar, Kenya iyo Jabuuti.

 

Halgamaa Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen ayaa ahaa Muwaadin ehlu-diin ah oo Soomaalidu ay aad u jeclayd , waxaana uu noqonayaa guddoomihii baarlamaan ee Soomaaliya soomaraa kii ugu wanaagsanaa marka laga fiiriyo Wadaninimada, Diinta iyo Akhlaaqdii suubanaa ee uu lahaa.

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this