Sign in to follow this  
Saalax

Axmed Karaash oo Dhalinyaro kaso jeeda Taleex xasuuqay

Recommended Posts

Saalax   

Xaaji Xunjuf;838735 wrote:
Taleex media is losing it he is now trying to divide the Garaad clan into subclans to please the garowe clan enclave.

 

Axmed Karaash killed Tukaraq locals.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che -Guevara;838737 wrote:
Do you scan every site to look for bad news regarding these folks?

for them they call it daily orgasm ritual.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saalax;838741 wrote:
Axmed Karaash killed Tukaraq locals.

 

Not Tukaraq locals but Faroole agents and i don't think there were many casualties.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

Che -Guevara;838737 wrote:
Do you scan every site to look for bad news regarding these folks?

A sign of desperation if you ask me.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Maleeshiyaad Ka Amar Qaata Hor-joogaha Koowaad Ee Khaatumo Oo Dhalinyaro Ku Laayey Tukaraq Iyo Madax-dhaqameed Ka Gar-helay Axmed Karaash Maxkamad Dhaqan Ka Dib.

 

Tukaraq (Ramaas) June 7,2012 – Axmed Karaash oo ah ninka ku magacaaban Madaxwaynaha koowaad ee Maamul ku sheega Khaatumo ee lagaga dhawaaqay degmada Taleex ee gobolka Sool ee Somaliland ayaa waxa uu waajahayaa jaho-wareer siyaasadeed.

 

Axmed Karaash ayaa waxa ku kacay qaybo ka mid ah beesha deegaanada bariga Sool iyo Buuhoodle, kuwaasi oo ku eedeeyay inuu ka dambeeyay dil gaadmo ah oo Maleeshiyaad taabacsani ku dileen laba dhalinyaro ah oo Isbaaro dhigtay tuulada Tukaraq ee koonfurta gobolka Sool, kuwaasi oo Maleeshiyaad si gaar ah uga amar qaata Karaash ay dileen wakhti habeenimo ah, iyagga oo doonaya inay kala wareegaan kaantaroolka si ay gaadiidka u socdo dhanka Puntland u dhacaan.

 

 

 

Axmed Karaash oo hadda ku sugan Magaaladda Taleex ee Gobolka Sool, ayaa waxa gar la dhigtay qaar ka mid ah Madax-dhaqameedkii hore u taabacsanaa isaga, waxayna ka dalbadeen sida la sheegay inuu cadeeyo sababta uu Maleeshiyaadkiisu gaadmada ugu dileen dhalinyaradaasi oo midna dhintay, midkoodna dhaawacmay 5-tii bishan June 2012-ka.

 

Axmed Karaash, ayaa la sheegay inuu aqbalay in Maleeshiyaadkiisu dileen dhalinyaradaasi isla-markaana uu bixinayo magta wiilka dhintay oo magaciisu yahay Axmed Juqdhow, halka uu ka dhaawaca ahna ka garaabay dhaawaca gaadhay.

 

Qaar ka mid ah Odayaasha la garnaqsaday oo warbaahinta qaarkeed la hadlay ayaa sheegay in Axmed Karaash uu gaadiidkii iyo hubkii qurba-joogta SSC lacagtooda soo ururiyeen uu u adeegsanayo laynta dadka rayidka ah, taasina ay tahay mid aan la aqbali Karin.

 

Dhanka kale, Maamul ku sheega Khaatumo, ayaa waxa ku kacsan inta badan dadka qurba-joogta ah ee deegaanada SSC, kuwaasi oo lacag badan lagaga qaaday in Somaliland laga xoreynayo Magaaladda Laascaanood, taasi oo noqotay Hal-bacaad lagu lisay sida ay sheegeen qurab-joogta qaarkood oo la hadlay warbaahinta taageerta Khaatumo, waxaana la soo baxaysa inay gabaabsi tahay riyadii Khaatumo ay ku aas-aaseen siyaasiyiinta dibad-wareega ah ee nabadgalyo darada iyo qaska ka abuuray deegaanada Sool iyo Buuhoodle, iyagga oo isticmaalaya dhaqaale ay qurba-joogta kaga soo ururiyeen qorshe malo-awaal ahaa.

 

Sidoo kale, waxa jirta in inta badan siyaasiyiintii dibad-wareega ahaa ee Khaatumo ay si xidhiidh ah dib ugu laabanayaan wadamadii qurbaha ee ay markii hore kala yimaadeen fikirka aan midho dhalin ee Khaatumo State.

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this