Sign in to follow this  
Liibaan

AhluSunna oo Sheegtay Ansixinta Dastuurka Mahiga Inuu Khatar Ku Yahay Shacabka Qaranka Soomaaliya

Recommended Posts

Liibaan   

Ahlu2.jpg

 

 

http://warbahinta.com/?p=29986

 

madaxda sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameecaha gobolada dhexe ee dalka ayaa ka hadlay shirka odayaasha uga socda magaalada Muqdisho, wuxuuna ka warbixiyay ansixinta dastuurka iyo cida ay tahay inay ansixiyaan dastuurka dalku yeelanayo.

 

Sheekha oo u waramayay saxafadda ayaa sheegay isagu inuusan garaneynin waxa looga tallaabsaday dastuurka iyo Baarlamaanka wadanka ka jira ee hadana dastuur cusub dalkii loo sameynayo, taasi oo uu sheegay inuu yahay mid dano gaar ah laga leeyahay.

 

”Anagu ma garaneyno waxa dastuurkii dalku lahaa looga tallaabsanayo ee dastuur cusub loogu ordayo” ayuu yiri Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir oo sheegay in 130-oday oo meel la isugu geeyay dastuur ay ansixiyeen aan dalka lagu maamuli karin.

 

Waxaa kale oo uu Sheekhu qeexay dastuur dalka lagu maamulayo sida uu ku dhaqan geli karo oo uu sharci ku noqon karo, wuxuuna caddeeyay in dastuur loo baahan yahay marka hore in afti dadweyne loo qaado, isagoo sheegay in xilligaan aanay dhici karin afti dadweyne.

 

Isagoo ka hadlayay odayaasha dhaqanka ee la leeyahay waxay soo xulayaan ergadii ansixin lahayd dastuurka, ayuu sheegay in qaabka xulitaanka odayaasha ah aanu ahayn mid waafaqsan cadaaladda, waayo buu yiri dhaqanka Soomaaliyeed wuxuu leeyahay Ugaas, Wabar, Malaaq, Isim IWM.

 

”Waxaa jira oday dhaqameed geeriyooday oo dhinaciisa ay ka soo baxeen 20-oday kale oo qaarkood walaalo yihiin mid baa laga soo qabtay oo la yiri shirka ka qeyb gal, keenso cidii adiga warkaaga maqleysa” ayuu yiri Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir.

 

Isagoo ka hadlayay mustaqbalka dastuurka la doonayo in dalka lagu maamulo, waxa uu sheegay inuu yahay mid kala geynaya shacabka Soomaaliyeed iska hor keenaya oo cadaawad iyo xiqdi kala dhex dhigaya Soomaalida.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ahlsuna said no

Puntland said no

The Mogadishu elders said no

The professors said no

Galmudug said no

Galguduud people demonstrated and said no

Ximan iyo xeeb said no

Alshabaab said no

 

yaa baas eeh dastuurkan wata hada?

 

Somali ileen ma wadato eh.

 

 

Diidnay Diidnay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

I love this saga. Hebel iyo heblaayo ma diideen? Haa way diideen! Naww! War maxaa umadda naga reebay inagu? DIIDNAY INAGUNA!

 

Waxaan ku diidnay se Allaa og. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ethiopian mercenaries rejecting a draft constitution intended to expedite the process to end the transition does not surprise me

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Xunjuf is a sincerely concerned citizen of Somalia, he has the right to express his views in all matters affecting his beloved country SOmalia. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this