Sign in to follow this  
Liibaan

Wufuuda Maamul Goboleedka KHaatumo State oo SiWeyn Logu SooDhoweeyay Mogadishu[PICs]

Recommended Posts

Liibaan   

 

Realtaleex: Wufuuda Maamul Goboleedka Khaatumo State oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada Mogadishu

 

 

Muqdisho{RT}:-Xubno Ka Tirsan Golaha Sarre ee Madaxda Dhaqanka Maamulka Goboleedka Khaatumo State Of SOomaaliya ayaa galabta gaaray magaalada muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya .

 

Xubnahan oo kala ah Garaadka Guud ee khaatumo State Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Ugaas C/laahi Ciise Nuur oo manta ka anbabaxay magaalada Nairobi oo mudooyinkii danbe ay ku sugnaayeen ayaa galabta ka degay garoonka aadan cadde ee muqdisho waxaana ismadan garoonka ku soo dhaweeyey mas;uuliyiinta ka tirsan dowlada soomaaliya, iyo xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee khaatumo ee horre ugu sugnaa magaalaadaas.

 

Isimada maanta gaaray muqdisho ayaa ku biiraya isimo ka socday maamulka khaatumo oo harre ugu sugnaa magaalada muqdisho ugana qayb gelayey shirka oday dhaqameedka soomaaliyeed ee sabtidii ka furemay magaalaada muqisho laguna soo xulayo ergada ansixinta dastuurka qabyo qoraalka soomaaliya.

 

__________________________________

 

 

 

Horufadhi.com: Daawo Sawirada Sida Loo Soo Dhoweeyey Wafuudii Khaatumo State Of SOmalia uu Hogaaminayey Garaadka Guud Garaad Jaamac Garaad Cali {Sawiro}.

 

 

 

 

Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Garaadka Guud ee Khaatumo oo isku jira Golaha Sare ee Dhaqanka Khaatumo,G10 iyo Waxgarad kale ayaa soo gaadhay magaaladda Muqdisho iyada oo ay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen madax ka tirsan Dawlad Fedraalka ah, Khaatumo, Golaha sare ee dhaqanka khaatumo ee horay u sii joogay iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan oo isku jira reer Muqdisho iyo reer khaatumo

 

 

DSC08421.jpg

Garaad Jamaac Garaad Cali, Aqoonyahan Xassan Axmed Ciise, Iyo Dr. Abdulkareem Hasan Wasiirkii TFG Hore ee Wasaarada Warfaafinta Boostaha & Isgaadhsiinta, Kana Mid Ah Hada Golaha Sare ee KHaatumo State - G10

DSC08422.jpg

Garaad Jamaac Garaad Cali, Aqoonyahan Xassan Axmed Ciise, Iyo Dr. Abdulkareem Hasan Wasiirkii TFG Hore ee Wasaarada Warfaafinta Boostaha & Isgaadhsiinta, Kana Mid Ah Hada Golaha Sare ee KHaatumo State - G10

DSC08448.jpg

 

Laba Garaad Jaamac - Garaad Jaamac Garaad Cali & Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Iyo Garaad AbShir SaalaX

 

DSC08435.jpg

Madax Dhaqameedka KHaatumo State Of SOmalia oo Is Gacan Qaadaya - Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Jamaac Garaad Ismaaciil, Garaad AbShir SaalaX, Iyo Ugaas Cabdulahi Ciise Nuur

 

DSC08409.jpg

Garaad Abshir Saalax oo Horkacaya Dadkii Soo Dhoweeyay Wufuuda KHaatumo State Of SOmalia

DSC08408.jpg

Garaad Abshir Saalax oo Horkacaya Dadkii Soo Dhoweeyay Wufuuda KHaatumo State Of SOmalia

 

DSC08451.jpg

 

Ugaas Cabdulahi Ciise Nuur oo Dhex Taagan Wufuuda KHaatumo State Of SOmalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

mashallah si wanaagsan aya loo soo dhoweeyay garaad jama garaad cali iyo dhamaan wafdiga ka socday Khaatumo. Ilaahay hadaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Ugaaska KHaatumo State Of SOmalia, Ugaas Cabdulahi Ciise Nuur waxa uu leeyahay Bakoorad aad u Qurax badan

 

DSC08435.jpg

DSC08472.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Wafti Culus oo Ka Socda Maamul Goboleedka KHaatumo State Ayaa Soo Gaadhay Caasimada Muqdisho {sawiro}

 

wafti culus oo uu hogaaminayo garaadka guudee khaatumo oo gadhay muqdisho si aada loogu soo dhaweeyey

 

wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Garaadka Guud ee Khaatumo oo isku jira Golaha Sare ee Dhaqanka Khaatumo,G10 iyo Waxgarad kale ayaa soo gaadhay magaaladda Muqdisho iyada oo ay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen madax ka tirsan Dawlad Fedraalka ah, Khaatumo, Golaha sare ee dhaqanka khaatumo ee horay u sii joogay iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan oo isku jira reer Muqdisho iyo reer khaatumo

sidoo kale waxaa waxaa isna ku soo wajahan magalada muqdisho garaad c/laahi garaad soofe sidoo kale waxaa isla shalayba loo qaybiyey waftiga khaatumo ee ay kagaga midnoqon lahaayeen golaha dhaqanka somaliyed

 

 

 

DSC08416-495x331.jpg

2.jpg

1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Wafuuda Ka socota Golaha Wasiirada Khaatumo Iyo Golaha Sare ee dhaqanka Khaatumo ayaa gaadhay Caaasumadda muqdisho maalinkii Isniinta ee Todobaadka waxana garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Airpot ku soo dhaweeyey madax ka tirsan labadda Gole ee DFKM,Odayal dhaqameedyo Soomaaiyeed, Siyaasiyiin, Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

 

waxaana Golaha sare ee dhaqanka Khaatumo islaan iyo mar xabaysi ka dib loo galbiyey Hoygii loogu talo galay in ay dagaan oo ahaa Hotel Ambasator Muqdisho halkaas oo ay isku sugayeen dadweyne fara badan oo si aad ah ugu soo dhaweeyey

 

DSC08278.jpg

DSC08313.jpg

DSC08306.jpg

DSC08301.jpg

DSC08300.jpg

 

DSC08297.jpg

DSC08287.jpg

DSC08315.jpg

DSC082791.jpg

DSC08295.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo Muqdisho si diiran loogu soo dhaweeyey ( Ishii buktaay ku bikaacso) + Sawiro

 

 

Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe iyo Caaqil Cali Cabdi Cali ayaa maanta soo gaadhay magaaladda Muqdisho waxaana Garoonka Aadan Cadde International Airpot ku soo dhaweeyey Golaha Sare ee dhaqanka Khaatumo,G10 iyo waxgarad badan oo ka tirsan dawladda Khaatumo waxana Garaadku uu muddo ku nastay Qolka VIP-da ee Garoonka

 

Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe ayaa ka soo kicitimay magaaladda Buuhoodle ee xarunta Gobalka Cayn waxana socdaalka Garaadku uu yahay sidii hawlaha muqdisho ka socda ee Khaatumo uu uga qayb qaadan lahaa isla markaasna uu garab istaagi lahaa Xubnaha Golaha Sar ee dhaqanka ka tirsan ee Shirka ka qayb galaya waxana Garaadka la dajiyey Hotelka ay dagan yihiin madaxdda Khaatumo ee Ambasator, wada tashi fara badan oo Golaha sare ee dhaqanka Khaatumo yeesheen ayaa ay ku go’aansadeen in shirka ay u matalaab aftar Ergay oo kala ah

 

Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac

 

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud

 

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

 

Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur

 

 

 

Socdaalka Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe ayaa ku noqonaya Cadaawaha Khaatumo falaadh kaga dhacda Wadna maadaama ay maalmihii u danbeeyey la wareegayeen warar aan waxba ka jirin oo ah in Garaadku uu damaanad soo siiyey Maxamed Xaaji Cumar taasina ay noqotay been abuur cad

 

Shirka wada tashiga Odayasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa la filayaa in uu bari si rasmi ah u bilawdo waxana socday labadii maalmood ee la soo dhaafay khilaaf saarid beelaha **********,Digir iyo Mirifle iyo *** oo isku haystay ka qayb galka shirka sidoo kalena waxaa ka soconayey hoolka shirarka wacyi galino iyo Siminaaro ku saabsan Dastuurka Soomaaliya ee ma jirto wax shir ah oo wali si rasmi ah u bilawday

 

Cabdiqani Makhtal Maxamed

 

 

 

DSCN1223.jpg

DSCN1224.jpg

DSCN1225.jpg

DSCN1226.jpg

DSCN1228.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

From the picture, yes he is.. I would suggest though Katuumo to drop off these fight on Mogadishu and focus on liberating its lands first..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

Its nice to see garaad sofe because i heard one elder was brought to mogadishu pretending to represent the garaad.I totaly agree khaatumo should concentrate on liberating the lands still not in their hands.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

MoonLight1;828245 wrote:
Kaalay garaadadan habeen walba ma mid baa dhasha, war wuxu tira badanaa.

Are you trying to be funny or just posting for the sake of it???Either way,its just a waste of time and space.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this