Sign in to follow this  
Liibaan

Wufuuda Maamul Goboleedka KHaatumo State oo SiWeyn Logu SooDhoweeyay Mogadishu[PICs]

Recommended Posts

Liibaan   

Madaxdhaqanka-ee-kHataaumo3.jpg

 

Madaxdhaqameedkii Khaatumo State oo Noqday , Madaxdhaqameedkii ugu horeeyey ee qaatay Kaadhadhka AqoonsigA

 

Waxaa saaka dhamaan madaxdhaqameedka Soomaaliyeed u dareereen gurashada iyo is diiwaangelinta, maadaba maalmahan ay isku xanibnaayeen hawluhu ka dib markii odayaasha Beelaha ******, Digil iyo Miriflle iyo weliba kuwa ********** isku haysteen Kuraasta wakiilnimo ama Isimnimo.

 

 

 

Arintaas ayaa maanta la soo afjaray, waxaana si rasmi ah maanta Kaadhadkii aqoonsiga loo siiyey dhamaan dadkii la saxay ee ka socday Odayaasha dhaqanka, waxaana ugu horeeyey oo maanta kaadhadhkii qaatay Madaxdhaqameedka Khatumo maadaba ayagu aysan marnaba is Khilaafin Ergadooduna diyaar u ahay.

 

Madaxda qaadatay Kaadhadhka aqoonsiga ayaa kala ah,

 

- Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac.

 

- Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud.

 

- Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

 

- Ugaas Abdullaahi Ciise Nuur.

 

 

 

Arintan ayaa waxay soo afjaraysaa ficiladii Faroole ee uu ku doonayey inuu khal khal ku geliyo ergada ***********, asagoo markale ku hor kufay shaxda Siyaasada ee heerka qaran. Waxaana meesha ka baxday warar been abuur ah oo shabakadaha u adeega maamulka faroole isku maaweelinayeen.

 

Waxaana maalinimada sabtida ah, xerada Xallane ka furmaya shirka odayaal dhaqameedka, kuwaasooo laga bedel;ey Ex School Polizio. Sababo dhanka amaanka ah.

 

Goor filo waraysi ku saabsan arimaha oo aan la yeelan doono, mas’uuliyiinta Khaatumo ee ku sugan Muqdisho.

 

Horufadhi News , ka dhigo Hoygaaga xaqiiqda iyo wararka sugan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this