Sign in to follow this  
xiinfaniin

Roadmap Spoilers Warned

Recommended Posts

Ururka Midowga Afrika, Qarammada Midoobay iyo IGAD oo u digay cid walba oo kasoo horjeeda dhameystirka Roadmap-ka

 

Talaado, May 01, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ayaa warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen maanta oo Talaado ah waxay digniin ugu jeediyeen kooxaha kasoo horjeeda dhameystirka Roadmap-ka iyo in laga gudbo xilliga KMG ah.

 

Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay inay socdaan dadaallo xooggan oo lagu doonayo in dalka uu ka baxo xilliga KMG ah laguna ansixiyo dastuurka, balse ay jiraan kooxo diiddan in marxaladdii adkeyd ee Soomaaliya ay kusoo jirtay aan doonayn in laga baxo.

 

Sidoo kale, warka ay soo saareen ururradan waxay sheegeen in in kooxahaas aysan marnaba hor-istaagi karin dadaallada socda in la sii xoojiyo mooyaane, iyadoo lagu xusay war-saxaafadeedka qoraallo horay loo ansixiyay oo ku saabsanaa sidii dalka looga gudbin lahaa xilliga KMG ah.

 

"Waxaan si wadajir ah ugu digaynaa kooxaha qaswadayaasha ah kuwaasoo xilligan doonaya inay carqaladooda u isticmaalaan qaabab kala duwan balse aan laga yeelayn oo laga hortagayo. Toddobadyada soo socda waxaa la qaadayaa tallaabo cad oo wax looga qabanayo kooxahan qaswadayaasha ah." ayaa warka wadajira ah lagu yiri.

 

Ugu dambeyn, ururradan waxay kusoo gabgabeeyeen qoraalkooda inay door muhiim ah ka qaadan doonaan dadaallada lagu dhameystirayo Roadmap-ka ka hor 20-ka Ogoosto 2012.

 

Qoraalkan wadajirka ah ayaa waxaa ku saxiixnaa; ergayga xoghayaha guud ee UN-ka uga wakiilka ah Soomaaliya, dajire Augustine Mahiga, wakiilka Midowga Afirka ee Soomaaliya, dajire Abubakar Diarra iyo mas'uulka IGAD u qaabilsan dib u heshiisiinta Soomaaliya, Kiprutu Arab Kirwa.

 

Warsaxaafadeedkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay soo kordhayaan dadka kasoo horjeeda dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo dowaldda KMG ah oo soo saartay war ay ugu digayso kuwa kasoo horjeeda ansixinta dastuurka sida khaldanna u fasiraya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diyaarad Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo kasoo qaadi lahayd odayaal ka Qaybgeli lahaa shirka Muqdisho oo la Rasaaseeyay

 

Talaado, May 01, 2012 (HOL) — Diyaarad maanta kasoo qaadi lahayd Degmada Doolow ee gGedo odayaal ka qayb-geli lahaa shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya oo Muqdisho ka dhici doona ayaa lagu rasaaseeyay, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dowladda ee gobolka Gedo.

 

Guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG ah, Maxamed Cabdi Kaliil oo arrintan uga warramay saxaafadda ayaa sheegay in diyaaradda markii ay soo dagtay lagu furay rasaas nala waaweynna lagu shiday, taasna ay keentay inay dib uga duusho garoonka.

 

"Waxaa garoonka la dhex-dhigay gaari tikniko ah, ciidammo badanna waa lagu wareejiyay... markii ay diyaaraddu soo cago-dhigatay ayaa waxaa lagu furay rasaas waxayna ka carartay garoonka iyadoo ku laabtay Nairobi," ayuu yiri Kaliil oo sheegay in odayaashii si xun loola dhaqmay.

 

Guddoomiyaha gobolka Gedo wuxuu falkaan ku eedeeyay dad diyaasbaro ah oo uu sheegay in gobolka ay carqalad ka wadeen, inkastoo aysan jirin cid uu si gaar ah carrabka ugu dhuftay, isagoo xusay inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo kuwii ka dambeeyay falkan.

 

Afhayeenka dowladda KMG ah ee gobolka Gedo, Aadan Axmed Xirsi (Rufle) oo isana la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in kooxihii falkan geystay ay qaarkood gacanta ku dhigeen kuwii kalena ay raadinayaan, wuxuuna xusay in falkii lagula kacay ay aad uga xumaadeen.

 

"Diyaaraddu odayaal dhaqan ah oo shirka Muqdisho u socday ayay qaadi lahayd waana la xabbadeeyay taasoo keentay inay dib uga dhoofto garoonka," ayuu yiri Aadan Rufle.

 

Xukuumadda Soomaaliya aya waxay toddobaadyadii ugu dambeeyay odayaal ka keenaysay gobollada dalka si ay uga qaybgalaan shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee dowladda kaasoo ay dad badan mucaaradeen, iyadoo falkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo lagu horjoogsado odayaal doonaya inay ka qaybgalaan shirka Muqdisho.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaan Muuse Suudi iyo Waxgarad kale oo si adag uga soo horjeestay dastuurka cusub ee Soomaaliya sheegayna inaysan aqbalayn

 

Talaado, May 01, 2012 (HOL) — Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow oo ka mid ah waxgaradka iyo xildhibaanno ku shiray Muqdisho kana soo horjeestay dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay inaysan aqbalayn dastuurka.

 

Mudane Muuse Suudi ayaa ku tilmaamay dastuurka mid aanay ogolaan karin isla markaana uu yahay gogol-dhaaf aanay kasoo baxayn wax ay dani ugu jirto dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

"Dastuurkan lala rooraayo waa mid aanay dani ugu jirin dadka, innagu mas'uuliyiin ayaan nahay waana na weydiinayaan dadka aan xildhibaannada u nahay, marka wax aan u jeedno inaysan wanaagsanayn ma ogolaan karno," ayuu yiri xildhibaanka oo si cad u sheegay inay dadka reer Muqdisho kasoo horjeedaan dastuurka.

 

Xildhibaan Muuse Suudi ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen in lagu tilmaamo dad qas-wadayaal ah haddii ay ka hadleen dastuur ay u jeedaan inaysan dani ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

"Annagu ma ogolaan karno in dastuur ay ku qoran tahay qofkii ajnabi ah ee dalka jooga shan sano wuxuu noqonayaa muwaadin. Waxaan nahay 10-Milyan haddii ay 100-milyan oo Shiine ah ay nasoo dul-dagaan shan sanana ay dalka joogaan waxay noqonayaan muwaadiniin, dalka waa nalaga qaaday markaas," ayuu yiri xildhibaan Yalaxoow.

 

Mudane Muuse Suudi ayaa gabagabadii hadalkiisa ku sheegay in haddii la ogolaado in wax laga bedelo khaladaadka ay ka tabanayaan datuurka cusub ay soo dhaweyn doonaan kuwaasoo uu ku sheegay inay ka mid yihiin waxyaabo diinta islaamka ka horimaanaya balse uusan ka sheegin goobta.

 

Ugu dambeyn, waxaa iyana ka hadlay kulanka looga horjeeday dastuurka ee ka dhacay Muqdisho xubno uu ka mid yahay Prof. Maxamed Faarax Jimcaale oo hoosta ka xariiqay in dastuurkan uu yahay mid ay dalal shisheeye ah wataan lana doonayo in lagu kala googoosto Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afhayeenka Dowladda KMG Soomaaliya oo ku tilmaamay Qas-wadayaal dadka kasoo horjeeda dastuurka sheegay in tallaabo laga qaadi doono

 

Talaado, May 01, 2012 (HOL) — Afhayeenka xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ahna la-taliyaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Inj. C/ramxaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo si kulul uga jawaabay hadallo kasoo yeeray kooxo uu ku tilmaamay qaswadayaal kuwasoo uu sheegay inay maalmahan bulshada Muqdishu ku kiciyaan hab beel iyagoo si khalad ah ugu fasiraya qabyo-qoraalka-dastuurka.

 

Inj. Yarisow ayaa sheegay in dowladda KMG ah iyo beesha caalamka ay ka go'an tahay in kooxaha qas-wadayaasha ah ee sida bareerka ah uga soo horjeeda in laga gudbo xilliga KMG ah oo la helo isbedel dhab ah oo shacabka u keena horumar iyo maamul wanaag in lagu dari doono liiska qas-wadayaasha, taasoo keeni karta in lagu soo rogo cunno-qabateyn, isla markaana la hor-geeyo maxkamadda caalamiga ah.

 

"Beryahan waxaa Muqdisho isku abaabulayay kooxo doonaya in xaaladihii murugada lahaa ee laga soo gudbay ay shacabka Soomaaliyeed dib-ugu celiyaan iyadoo ay shacabku heleen amni iyo nabad, sidoo kalena ay dib-u-dhis xoog leh ka wadaan Muqdisho si ay u soo celiyaan bilicdii iyo rajadii caasimadda.

 

Afhayeenka xukuumadda KMG ah wuxuu sheegay in shacabku aysan diyaar u ahayn in dib loo noqdo dhibaatadii laga soo gudbay, isagoo ku eedeeyay in kooxaha kasoo horjeeda dastuurka ay diiddan yihiin isbedel iyo in la ansixiyo dastuurka sidoo kalena aysan doonayn in la helo dowlad rasmi ah oo ku dhaqanta shareecada Islaamka iyo maamul wanaag.

 

Inj. Yariisow wuxuu sheegay in 23-kii Febraayo ee sannadkan ay Hillary Clinton sheegtay in qas-wadayaasha isku-dayaya inay is-hortaagaan barnaamijka xilliga kala guurka ah in caalamku uu kusoo rogayo cunaqabateen, sidoo kale Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika in badan ayay sheegeen buu yiri inaan marna la aqbali karin in kooxo ama shaqsiyaadka caqabadda ku noqda horumarka, nabadeynta iyo xasilinta dalka.

 

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in kooxahan ay caadeysteen inay si khaldan u sharaxaan qabyo-qoraalka-dastuurka ayna ujeeddadoodu tahay inaan la ansixin dastuurka.

 

"Dastuurku waxuu ku ansixi karaa oo kaliya afdi dadweyne, shaqsi walbana wuxuu heli doonaa fursad uu ku sameeyo isbedel, ku daris iyo ka dhimis. kooxdan iyagoon akhrisan dastuurka ayay ayay ka been abuurayaan qodobbada arrimaha dastuurka sida jinsiyada iyo diinta. Qabyo-qoraalka dastuurka ayaa sheegaya dhanka jinsiyada sidan: (Shacbiga Soomaaliyeed waa mid lamana kala qeybin karo, waxuuna ka kooban yahay dhammaan muwaadiniinta. Jinsiyadd Soomaaliyeed waa mid qur ah, sharci gaar ah ayaana xaddidaya sida lagu helayo, lagu laalayo ama lagu waayayo. Qof leh jinisyadda Soomaaliyeed lagama qaadi karo jinisiyadiisa, xitaa hadduu qaato jinsiyad dal kale. Diidmada, laalista iyo ka qaadista jinsiyadda laguma xiri karo arrimo siyaasadeed," ayuu yiri Inj. Yariisow.

 

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: "Dastuurku wuxuu dhina diinta ka yiri sidan: "Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka Kariimka iyo Sunnada Nabigeenna Muxammed (NNK), waxuuna ilaalinayaa maqaasidda (ujeeddooyinka) shareecada iyo caddaaladda bulshada. Soomaaliya waa dal Islaam ah, kana mid ah ummadaha Afrika iyo Carabta. Islaamka waa diinta dowladda. Diin aan ahayn diinta Islaamka laguma faafin karo dalka."

 

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu sheegay in sababaha keenaya in kooxahan ay been-abuur cad ka sheegaan dastuurka ay tahay iyagoo diiddan in isbedel dhaco rabana inay sii-joogaan oo ay sidii hore Soomaaliya kusoo noqoto sida collaado, dagaallo iyo amni-darro waarta.

 

Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an inay sii xoojiyaan horumarka ballaaran ee dhan walba ah isla markaana lasoo afjaro xilliga kala guurka ah bisha Ogoosto si loo helo dowlad caadil ah oo karti iyo hufnaan leh, awoodna u leh inay dalka u horseeddo midnimo, walaaltinimo, horumar iyo barwaaqo.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Adeer, let them give warnings to pirate and secessionist Faroole. We won't accept this attempt to abduct the Somali people, why Muqdisho is recovering and rebuilding. And hope is returning, pirates are attempting to abduct Somali's for ever through their constitution.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Are you saying Xaaji Muuse suudi Yalaxow is not one of the influential people of Mogadisho ama waxgarad ugu yeedh ama aqoonyahan ugu yeedh xaajigu dee wuxu ah Xildhibaan hadana wa oday reer Mogadisho ah oo waxgarad ah.

 

its sad though shuruucda Somalia lugu hagayo ina dusha laga keenayo oo la leeyahay qaata wa ayaan daro xita xiliga ay dawladoodu dhamanayso wakhti ba lo cayimay hadi kale hanjabaad iyo bahdilaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat, adeer you are have been complaining about abduction for the last twenty years. It is not an abduction, it is a rescue. You are danger to your self and pose a real threat for the well-being of others.

 

Xaaji Xunuf, I understand you are nearing a deal with Yalaxow to support your 'quest of recognition'. That aside, Yalaxow is not an intellectual in anyone's books. He is a former warlord. That he is opposed to the constitution does not surprise at all.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

To call a man whose history started when a civil war started a 'intellectual' is an insult to the world and real intellectuals.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adeer Xiinfaniin sii deg deg uu jooji propogandada aad buunbuunineysid, adeer muuse suudi kaliya ma diidin, 700 odayaal oo ay ku jiraan Malaaqa,ugaaska,Imaamka tolka iyago shir ku qabtay Hotel Naaso-Hablood 2 waxey dhaheen ''Anaga waaa diiiidnay''..

 

Reer goboladda dhexe iyagana 600 oo odayashood ugu caansan Hotel Saxafi bey ku kulmeyn, sidoo kale bey ku yiraahden.

 

Haye marka Xiinfaniin dadka fikradooda ka hadla waa nabad-diid yaah,

Share this post


Link to post
Share on other sites

But Xiin its not just Yalaxow its prof cali khalif galaydh its galmudug its President sharif Hiilqaran is Ali Mohammad geedi the gedo elders the Mogadishu elders. As for Dr Yalaxow he is not a bad guy he visited hargeysa many times he is a friend of sultan Faisal, me and Yalaxow understand each other very well, marka aqoonyahanka cayda ka da fadlan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Adeer malaaqyadu iyo reer goboladda dhexe labaatan sano 'maya' lahaayeen, maanta waa inaan laga yeelin.

 

Beesha Caalamka oo digniin u direy qaswadayaasha

1 May 1, 2012 - 6:50:22 AM

 

Qaramada Midoobay Ururada Midowga Afrika, iyo IGAD ayaa war-murtiyeed ay soo saareen maanta 1,May 2012 waxay ugu digeen kooxo ay ku sheegeen inay yihiin qaswadayaal aan doonayn in Somalia ay ka gudubto marxalada adag ee ay ku jirto.

 

Warmutiyeedka ayaa lagu sheegay in kooxaha kasoo horjeeda fulinta heshiiskii lagu gaaray Muqdisho ee Roadmap iyo dhameystirka xiliga kala guurka ah talaaboyin laga qaadi doono, iyagoo sheegay inaan loo dulqaadan doonin in kooxahaas ay qas ku abuuraan ka bixitaanka xiliga meel ku gaarka ah.

 

Ururadan waxay ku sheegeen qoraalkooda inay ka go'an tahay inay qaybtooda ka qaataan hirgelinta Roadmap iyo dhameystirka xiliga kala guurka ah ee ay Somalia ku jirto si loo helo dowlad joogto ah.

 

Sidoo kale Warmurtiyeedkan wadajirka ah ayay IGAD, AU iyo UN waxay ku xuseen in Sitimaanada soo socda ay talaabo ka qaadi doonaan cid walba oo carqalad ku ah hanaanka nabad iyo dhameystirka heshiisyada ay Somalia uga gudbayso Marxalada ay ku jirto.

 

Warkan ayaa lagu soo beegay iyadoo ay maalmahan ka jireen Muqdisho shirar looga horjeedo Dastuurka iyadoo qaybo dastuurka ka mid ah laga been abuurtay, balse dowlada ayaa sheegtay inay ka go'an tahay meel marinta dastuurka cusub.

 

Ururada Warmurtiyeedka soo saaray ayaa waxay ku xuseen qoraalkooda inay tix-raacayaan qaraaro horay ay u ansixisay Qaramada Midoobay kuwaasoo ku saabsan sidii Somalia ay uga bixi lahayd xiliga kala guurka ah.

 

Ambassador Mahiga, Ambassador Diarra iyo Kipruto Kirwa ayaa qoraalkan saxiisay, waxaana sadexdooda ay sheegeen inay ka go'an tahay inay dowlada Somalia gacan ku siiyaan sidii xilliga KMG ah looga gudbi lahaa isagoo aan carqalad la kulmin.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Peace ‘spoilers’ threaten Somalia progress: brokers

 

AFP

Tuesday, May 01, 2012

 

Peace “spoilers” threaten to wreck fragile progress in war-torn Somalia, the United Nations, African Union and East Africa's main diplomatic body IGAD warned Tuesday.

 

In a rare joint statement, the three organizations said they were “greatly concerned” at efforts to undermine a “roadmap” signed by Somalia's disparate leaders, the latest effort to bring peace after more than two decades of war.

 

“The roadmap continues to be jeopardized by the actions of individuals and groups in and out of Somalia, working to undermine the fragile progress we have collectively made in recent months,” the statement read.

 

“We have come too far, and too much is at stake, for us to allow the process to backslide at the exact moment Somalia has its best opportunity for peace in decades.”

 

Somali leaders signed in September the agreement for the formation of a government by August 20 to replace the weak transitional body that has failed to bring peace to the anarchic country, and is accused of rampant corruption.

Under the agreement, the latest among more than a dozen attempts to resolve the bloody civil war, lawmakers must agree on a system of government for Somalia's fragmented regional -- and often rival -- administrations.

 

Somalia must also adopt a new constitution, select a new parliament and convene the national assembly.

 

The U.N., AU and IGAD - the Inter-Governmental Authority on Development - said their statement was a “warning and a final opportunity” for those standing against peace.

 

The “unambiguous warning to all potential spoilers” did not specifically name any people or groups, but said non-compliance with the order would result in requests for sanctions from IGAD nations, or from the U.N. Security Council.

 

The trio would take “concrete action” in coming weeks if it continued.

Share this post


Link to post
Share on other sites

AFP

Tuesday, May 01, 2012

Bomb attacks in Somalia killed at least eight people including twolawmakers Tuesday, as the international community warned that peace "spoilers" threaten to wreck fragile progress in the war-torn nation.

 

A suicide bomber killed at least six people in an attack in the central Somali town of Dhusamareb as lawmakers met with the public, while a car bomb in the anarchic capital Mogadishu killed two, the latest in a wave of violence.

 

The attacks came shortly after the United Nations, African Unionand East Africa's main diplomatic body IGAD warned in a rare joint statement that efforts at establishing peace in Somalia were at risk.

 

The three organisations said they were "greatly concerned" at efforts to undermine a "roadmap" signed by Somalia's disparate leaders, the latest effort to bring peace after more than two decades of war.

 

"The roadmap continues to be jeopardised by the actions of individuals and groups in and out of Somalia, working to undermine the fragile progress we have collectively made in recent months," the statement read.

 

"We have come too far, and too much is at stake, for us to allow the process to backslide at the exact moment Somalia has its best opportunity for peace in decades."

 

In Dhusamareb, witnesses said a man entered a restaurant where lawmakers were meeting with the public to discuss the setting up of a regional administration, before blowing himself up.

 

"The explosion hit a hotel in the town and it killed several people, many others were also injured," said Mohamed Abudlahi Moalim, a senior commander with the Ahlu Sunna Wal Jamaa militia, which controls the area.

 

"The people killed are two lawmakers and four civilians... among the wounded are two other MPs," said witness Mohamud Ibrahim.

 

Witnesses of the car bomb in Mogadishu said the front of the vehicle had been ripped apart by the blast.

 

"I was driving behind the car...there was big explosion that rocked and twisted the car, I saw the mangled dead bodies of the two victims," said Ali Abukar, a witness.

 

No group immediately claimed responsibility for either bombings, but the Al-Qaeda allied Shebab insurgents have launched a series of guerrilla attacks and vowed to topple the Western-backed government. They oppose the roadmap deal.

 

Somali leaders signed in September the agreement for the formation of a government by August 20 to replace the weak transitional body that has failed to bring peace, and is accused of rampant corruption.

 

Under the agreement, the latest among more than a dozen attempts to resolve the bloody civil war, lawmakers must agree on a system of government for Somalia's fragmented regional -- and often rival -- administrations.

 

Somalia must also adopt a new constitution, select a new parliament and convene the national assembly.

 

The Shebab have been fighting for five years to topple the government, but under pressure from African Union and government forces they have retreated from their fixed bases in the capital.

 

However, analysts warn that the rebels, Somalia's most brutal, still remain a serious threat to international efforts aimed at stabilising the war-torn country.

 

The UN, AU and IGAD -- the Inter-Governmental Authority on Development -- said their statement was a "warning and a final opportunity" for those standing against peace.

 

The "unambiguous warning to all potential spoilers" did not specifically name any people or groups, but said non-compliance with the order would result in requests for sanctions from IGAD nations, or from the UN Security Council.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

xiinfaniin;825191 wrote:

 

The attacks came shortly after the
United Nations, African Unionand East Africa's main diplomatic body IGAD warned in a rare joint statement
that efforts at establishing peace in Somalia were at risk.

 

The three organisations said they were "greatly concerned" at efforts to undermine a "roadmap" signed by Somalia's disparate leaders, the latest effort to bring peace after more than two decades of war.

 

"The roadmap continues to be jeopardised by the actions of individuals and groups in and out of Somalia, working to undermine the fragile progress we have collectively made in recent months," the statement read.

 

"We have come too far, and too much is at stake,
for us to allow the process to backslide at the exact moment Somalia has its best opportunity for peace in decades."

They are watching it all unfold. When do those three organizations ever make a joint statement?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this