Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

AKHRISO warqad uu Madaxwaynaha Puntland u qoray Midowga Yurub iyo dawladda Ingiriiska oo kusaabsan wadahadalladii dhex maray TFG iyo Somaliland.

 

Posted by pi English on June 22nd, 2012

Taariikhdu markay ahayd 19-kii bishan aynu ku jirno ee Juun , madaxwaynaha Puntland oo ku hadlaya magaca dawlddiisa iyo dadkiisa wuxuu warqad u qoray dawladda Britian, dawladda Norway iyo waliba midowga Yurub .Warqada oo English ah riix halkaan

 

 

Ujeedada warqaddu ay ka hadlaysay ayaa waxay ahayd shirkii magaalada London ku dhex maray TFG iyo Somaliland, oo dawladda Puntland ay saluugsanayd waxyaabo si ula kac ah loo khalday.

 

Warqaddan xubnaha ay sida gaarka ah ugu socotay waxay ahaayeen, Matt Bough oo ah safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaliya , Alex Rondos wakiilka gaarka ah ee midowga Yurub ee Afrika, iyo Per Ludvig Magnus oo ah ambassador-ka Norway u fadhiya Kenya.

 

Sidan ayaa madaxwaynuhu hadalkiisu u dhignaa:-

 

Mudanayaal

 

Xukuumadda Puntland waxay taageero u muujisay dawladda Britain isku daygii iyo qabashadii shirkii Soomaalida ee London ka dhacay 23-dii Feberaayo 2012, kaasoo Soomaalidu ku kulantay qodobbo dhaxal gal ahna laga soo saaray.

 

Ayadoo isla shirkaasi London laga shidaal qaadanayo , madaxwaynaha dawladda kumeel gaark ah ee Soomaaliya wuxuu magacaabay 7 xubnood oo dar dargaliya wada hadallo u dhexeeya TFG iyo Somaliland.

 

Go aankaasi uu madaxwaynuhu ku magacaabay guddigaasi 15-kii April 2012 , wuxuu ahaa go’aan uu madaxwaynuhu qaatay oo mudnaantiisa lahaa marka la eego xaaladaha adage ee dalka ka jira.

 

Dawladda Puntland waa ay aqoonsatay guddiga uu madaxwaynaha dawladda federaalku magacaabay oo ka koobnaa 7 xubnood oo ay ku jireen 2 xubnood oo aad u sareeya oo ka tirsan dawladda Puntland. Tixgalintan gaarka ah waxay ahayd mid saxan marka la eego waxyaabaha 10-kii sano ee lasoo dhafay soo dhex marayay Puntland iyo Somaliland, gaar ahaan Somaliland barakicinta ay ku haysay qoysas badan . Cabashooyin adag oo ka dhan ah Somaliland-na waxay kallifeen in dagaalo lagala horyimaado Somaliland , taasoo khal khal galisay xasiloonida gobolka.

 

Dadka kunool gobollada Sool iyo Sanaag iyo waliba Buuhoodle oo daris la ah waxay milatariga Somaliland kala kulmeen dhibaatooyin iyo tacaddiyo badan , xilli ay beesha caalamku ay ka aamusan tahay wali. Hadda oo la joogo Somaliland way waddaa siyaasado rabshad iyo qas kusalaysan oo is ballaarin ah.

 

Mudanayaal

 

Waxaan ognahay inay London marti galinayso wada hadal u dhexeeya TFG iyo Somaliland, waxaana ogaannay in TFG ay si kadis ah booska uga saartay xubnihii dawladda Puntland u matali lahaa wada hadalka sabab aan la garan Karin, ayadoo ka dhigtay 5 xubnood xubnaha wada hadallada ka qayb galaya.

 

Liistiga cusub ee laga tagay xubnihii matalayay dawladda Puntland waxay ku tusinaysaa in madaxda TFG cadadis siyaasadeed kadib inay isku dhiibeen dalabkii Somaliland ee ahaa wada hadallada fool ka foolka ah.

 

 

Waxaan u aragnaa arimaha soconaya kuwo kuwo aan sharci ahayn, oo si khalad ah ay isku naas nuujinayaan labada dhinac TFG iyo Somaliland, waxaana arintani ay si cad meel uga dhacaysaa oo dhaawacaysaa yididiiladii loo qabay shirkii London ee 23-kii Feberaayo ka dhacay magaalada London.

 

 

Sida saadaasha ah wada hadallada dhex maraya koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland waxay siinayaan awood aysan u qalmin iyo mudnaansho dheeri ah Somaliland oo doonaysa inay ku dooddo helidda madax bannaani , ayadoo si indho adayg ah ku sheeganaysa xudduuddii gumaystayaashu ay xilli hore sameeyeen , isla markaana si cad isaga indho tirayso runta iyo xaqiiqada meesha k ajirta.

 

Puntland waxay horay tanaasulaad uga gashay kabixidda guddiga wada hadallada inta ka harsan xilliga kumeel gaarka ah oo ahaa 4 bilood, laakiin sidaas oo ay tahay , Puntland ma aqbali doonto is beddelada hadda socda iyo wixii kasoo baxa shirka wada hadallada ee TFG iyo Somaliland taasoo meesha ka saartay xubnihii Puntland, si ay Somaliland jaanis ugu hesho daneheeda go’itaanka.

 

Mudanayaal

 

Dawladda Puntland waxay ka codsanaysaa Dawladda boqortooyada Ingiriiska inay dib u milicsato marti galinta iyo soo dhawaynta shir noocaan oo kale oo aan loo dhammayn, Puntland-na ma aqoonsan doonto, raallina kama noqon doonto waxa kasoo baxa shirkaasi tan iyo inta waxa khaldan laga saxayo.

 

Tan iyo markii la aasaaasay Puntland 1998-dii , Puntland waxay ku hawlanayd xasilinta deegaannadeeda ayadoo adeegsanaysa dadkeeda iyo ciidankeeda, iyo waliba habkooda gaarka ah . Puntland way sii wadi doontaa dadaalkii wanaagsanaa ee looga bartay si loo helo dawlad awood leh oo Federaal , waxayna ugu yeeraysaa beesha caalamka inay ka qayb qaataan dhiiri galinta nabadda ,dib u heshiisiinta iyo horumark Soomaaliya ayadoo la isticmaalayo hab wanaagsan oo nadiif ah loona samaynayo dadka Soomaaliyeed taageero la taaban karo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Sh Shariif oo ku guulaystay muddo xileedkooda inay Albaabada u furaan wadahadalo 21 sano lagu dhici la’aa

 

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Madaxweynaha Dawladda ku meel gaadhka ah ee Somaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa ku guulaystay 20 sano kadib inay wadahadalo u furan labada Xukuumadood ee midoobay 1960 kii ee Somaliland iyo Somaliya sida ku xusan qoddobada go’aamadii ka soo baxay Shirarkii Caalamka ee Ingiriiska iyo Istanbul iyo kan u danbeeyay ee ay isku soo horfadhiisteen Somalida laftigeedu.

Qoddobada lagu heshiiyay ee hordhaca ah ayaan wali sarin halka ay sartu ka qudhunsanayd 20 ka sano iyo ka horba balse waxay u muuqdaan kuwo bilow u ah natiijo fiican oo ay mustaqbalka labada dhinac ku wada gaadhi doonaan xal kama danbays ah oo u cuntama labada dhinac.

Qodobada wadahadalka koowaad ka soo baxay waxay kala yihiin:-

1. Iyadoo la raacayo dedaaladdii iyo go’aamadii ka soo baxay bayaankii shirkii London iyo bayaankii shirkii Istanbul ee ahaa in beesha caalamku taageerto wada hadal dhex mara dawladda ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya (ama cidda bedeli doonta) iyo Somaliland si ay u heshiis uga gaadhaan xidhiidhkooda ay yeelanayaan mustaqbalka, labada dhinac waxay yeesheen kulan farsamo 20-kii bishani June 2012 ilaa 21-kii bishii June 2012 kulankaasi oo ka dhacay guriga Chevening

2. Kulankani waxaa marti-geliyey Dawladda ingiriiska waxaana ku wehelinaayey dawlada Norway iyo Midawga Yurub.

3. Ujeedada kulankani wuxuu ahaa sidii loo diyaarin lahaa qodobo ajande u noqda wada-hadal mustaqbalka dhex mara labada dhinac.

4. Ka soo qayb-gallayaasha shirkani ee labada dhinac waxay soo dhaweeyeen furitaanka wada-hadalada waxaanay muujiyeen siday uga go’antay inay sii wadaan horumar laga gaadho wada-hadaladani oo ay wada hadaladu sii socdaan.

5. Ka soo qayb gallayaasha Kulankani waxay isla garteen:

b) In kulankani uu dhex marayo laba dhinac oo kala ah Dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya (ama bedelkeeda mustaqbalka) iyo Somaliland iyadoo la tixraacayo ama la eegayo qodobka 6-aad ee baaqii ka soo baxay shirkii London iyo qodobka 10-aad ee baaqii shirkii Istanbul

t) Waxay labada dhinac isla meel dhigeen in meel dhexe la iskugu yimaado si looga hortago wax kasta oo carqaladayn kara sii socodka wada-hadaladani.

J) Waxaa la isku af-gartay inay labada Madaxweyne (Somaliland iyo TFG-du) Kulmaan si loo darso loona sii ambaqaado horumaka wada hadaladda kulankaasi oo dhici doona sida ugu dhakhsaha badanleh

X) waxaa la soo jeediyey baaq ah in beesha caalamku sii wado fududaynta wada-hadaladani iyadoo ay fududayntaasina ay ka mid tahay in beesha caalamku u fidiso wada-hadaladani khubaro dibadeed oo dhinaca sharciga, ammaanka iyo dhaqaalaha ah.

Kh) Waxaa la isku afgartay la iskuna waafaqay in la wadaago khibradda ah in lagala shaqeeyo beesha caalamku sidii ay gacan dhinaca gargaarka, horumarinta iyo dibu dhiska ah ugu fidin lahayd dadyawga labada dhinac (Somaliland iyo Soomaaliya) waxaana loogu baaqay inay bulshada caalamku kordhiso gargaarka ay siiso labada dhinac.

K) Waxaa la isku raacay la iskuna waafaqay in si wada jir ah loola dagaalamo kooxaha argagixisadda, xagjirka iyo kooxaha danbiyada culus gaysta.

L) Waxaa la isku raacay oo la isku waafaqay in si wada jir ah loola dagaalamo budhcad badeeda oo lagala dagaalamo bedda, beriga, in lala dagaalamo danbiyadda bedda ka dhaca, kalluumaysiga sharci darrada ah iyo sunta lagu daadiyo bedda.

M) Waxaa lagu celiyey taageeradda ah in loo baahanyahay in wakhtiga ku meel-gaadhka ahi dhamaado.

 

Ma jirto ilaa had acid naqdiday qoddobadaasi oo dhinacyada mucaaradka labada Xukuumadood ee Somaliland iyo Somaliya, waxaanay u muuqdaan labada siyaasi ee kala hogaaminayaa inay dhinac iskaga riixeen ama muquuniyeen Mucaaradadii ka hor iman lahayd, maadaama oo aan ilaa hada wax hadal ah laga haynin.

Arrintan waxa loo macnaysan karaa Mucaaradada labada dhinac ee naqdiyi lahaa inay culays ku noqotay Hanjabaadii beesha Caalamka ee ahayd cidii ka hortimaada in talaabo lagu xayirayo dhaqdhaqaaqooda iyo Hantidoodaba lagu soo rogayo.

Dhinaca kalaena waxa la odhan karaa kooxihii Somaliya Xukuumadda talada haysa ee Sh Shariif ee ay Ciidamadda Amisom ka bar-bara dagaalamayaan guulo aamusiiya Mucaaradkooda ayay ka gaadhay haday tahay dhinac Milatari iyo mid siyaasadeedba.

Dhinaca Madaxweyne Siilaanyana Mucaaradadiisu waxay noqdeen kuwo ka dhacsan xaalada Siyaasadeed ee Dalka ka taagan. Tusaale ahaana wadahadalada noocan oo kale ahi waayo waayo haddii la soo hadal qaado waxay noqon jireen kuwo Buuq iyo Qaylo siyaasadeed Dalka ka kiciya, hase yeeshee sida muuqata waxay noqdeen Xisbiyadii iyo Ururadii Dimuquraadiyaddu keentay kuwo afka biyo uga buuxsameen oo tahli kari la’ inay wax aka yidhaahdaan mustaqbalka siyaasadeed ee ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dalka ku Hogaaminayso.

Ma cada sababta dhabta ah ee keentay wakhtigan inay Mucaaradka Somaliland ka hadli waayaan waxyaabaha ka dhacaya Dushooda maadama ay yihiin kuwo sharciyan u jira oo uu Dastuurku damaanad qaaday balse marka aad la sheekaysato waxaad kala kulmaysaa inay baqdin fara badani ka hayso xukuumaddu inay biqilka ku jarto inta aan la gaadhin Doorashada Dawladaha Hoose, taasoo hogaamiye kastaa ka war-warsan yahay haddii uu Siyaasadda Xukuumadda naqdiyo inay dagaal boqnaha goysa la galayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Foreign Secretary welcomes historic talks between Somaliland and Transitional Federal Government of Somalia

william-hague-semi-serious

22 June 2012

Foreign Secretary William Hague: "I congratulate the Somali Transitional Federal Government and Somaliland representatives on agreeing the Chevening House Declaration yesterday."

 

Representatives of Somaliland and the Transitional Federal Government of Somalia met at Chevening House on 20-21 June. The purpose of the talks, the first of their kind, was to establish a framework for future substantive talks. At the request of both parties the meeting was facilitated by the UK government, along with the EU and Norway.

 

Following the meeting the Foreign Secretary William Hague said:

 

“I congratulate the Somali Transitional Federal Government and Somaliland representatives on agreeing the Chevening House Declaration yesterday. We hope this will be a landmark in the process of clarifying their future relations and achieving peace, security and stability in the region. I congratulate both sides on their willingness to continue the talks and to cooperate on areas of common interest. I am pleased that the UK, along with Norway and the EU, was able to build on commitments at the London and Istanbul Conferences on Somalia to support dialogue by facilitating these talks. Britain will work with international partners to support their efforts as they continue this important and historic dialogue.”

 

http://www.fco.gov.uk/en/news/latest-news/?view=News&id=779032582

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Pirate leader, the Amputee, wants to have a foot in every circle. Ha loo sheego in Sheekh Shariif madaxweynehiisi yahay oo talada u go'aynaayo, haduu diidona ha loogu dhaarto in saxeexyo waa waayn laga hayo. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdigii Somaliland Ee Wada-hadalada Ka Qaybgalay Oo Warbixin Siiyay Baaralamanka Britain.

 

Wafdigii ka socday Jamhuuriyada Somaliland ee wada hadalada la yeeshay Soomaaliya ayaa shalay galabtii lagu soo dhaweeyay xarunta Baarlamaanka Britain iyaga oo warbixin buuxda ka siiyay wada hadaladii taariikhiga ahaa ee dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya iyo qodobadii ay ku heshiiyeen labada dhinac.

 

Xubnaha Baarlamaanka dalkan UK ee shirkan soo abaabulay oo ay hormuud ka ahaayeen Mudane Alun Michael MP oo laga soo doorto Koonfurta magaalada Cardiff iyo Penarth ahna gudoomiyaha xubnaha baarlamaanka UK ee u ololeeya qadiyada Somaliland ee loo yaqaan All-Party Group oo ay wehelisay Marwo Kerry McCarthy MP oo iyadana laga soo doorto dhinaca Bari ee magaalada Bristol ayaa waxa ay si heer sare ah wafdiga ugu soo dhaweeyeen xarunta Baarlamaanka

Wasiirka Arrimaha Debada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa si qoto dheer uga warbixiyay wada hadalada dhex maray wafdiga ka socday Soomaaliya, waxaana uu wasiirku tilmaamay in uu rajo weyn ku qabo in wada hadaladan bilowday ay horseed ka noqon doonaan in la helo laba dal oo Somaliland iyo Soomaaliya ah oo si nabadgelyo iyo deris wanaag ah ku wada noolaada.

 

 

Wasiirka arrimaha debadu waxa kale oo uu ka hadlay in Xukuumada ay Somaliland ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii loo soo dabaali lahaa nabdgelyada Soomaaliya, caalamkana ay Somaliland kala shaqayn doonto sidii xal loogu heli lahaa mushkilada dabada dheeraatay ee Soomaliya ka jirta, sidoo kale waxa uu wasiirku ka hadlay in Madax banaanida Somaliland ay tahay mid dadweynaha reer Somaliland ay ku ansixiyeen afti qaran oo ay tahay lama taabtaan.

 

Mudane Michael Walls oo ka socday ururka loo yaqaan Progressio oo wafdiga waydiiyay su’aal ku saabsanayd in xubno ka tirsan Xisbiga UDUB aanay ku qanacsanayn wada hadalada ay Somaliland la yeelatay Soomaaliya ayaa waxaa jawaab balaadhan ka bixiyay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Xirsi Xaaji Xasan oo tilmaamay in xukuumad ahaan ay la tashiyo balaadhan la sameeyeen Xisbiga UDUB gaar ahaan Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa Madaxweynihii hore ahna gudoomiha xisbiga UDUB oo uu taageersan yahay wada hadalada, waxaa kale oo tilmaamay in xukuumadu ay sii wadi doonto inay Asxaabta mucaaridka mar walba kala tashato danaha qaranka, waxa uu wasiir Xirsi tilmaamay in uu filayo in xubnahaUDUB ee wada hadalada diidani ay fikrkooda ku kooban tahay ee aanay ahay siyaasad ay Xisbiga UDUB isku raacsan yihiin, xukuumad ahaana ay xisbiyada ka talo galiyeen shirarkan Soomaaliya lala yeelanayo.

Shirkan waxaa ka qayb galay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax, wasiirka Arrimaha Debada Dr. Maxamed Cabdilaahi, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda Md. Maxamuud Axmed Garaad, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Somaliland Mudane Cali Xaamud, Ganacsade Maxamed Yuusuf, Danjiraha Somaliland u fadhiya UK mudane Cali Aadan cawaale, iyo Danjiraha Wareega ee Somaliland Kaysar Cabdilaahi Maxamed. Dhamaadkii shirka waxaa iyaguna madasha Baarlamaanka soo galay wafdigii Soomaliya ka socday oo warbixin Toban daqiiqo qaadatay oo wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya ka hadlay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
People of Sool, Sanag and Awdal are for the union and against the secession. And their ‘will’ should be equally respected.]

 

BAcaaaaaaaaaaaaaac

 

the majority of these regions r still somalilanders,what you call SNM ,your game of this belongs to me & that belongs to me is up...only sool could be close to 50-50 and if you don't come to your senses & admit these pro unionists r not even one percent then the only solution is war.

kismayo is mine,erigavo is mine,jigjiga is mine is what made you go down the drain in the first place...remember siyad barre claimed hargeisa,burao,berbera and in between for his family...he insist it belong to him & already had the plan of which of his clan will settle & take ova particular area or town.

on the otha hand claiming these regions for the union when you know full well pro unionists r tiny minority in those regions itself is an act of war...we won't make it easy for you any longer to live & exercise deceit to reach your dubios goal of so called greater somalia which nothing was great about except death & destruction...if you have to learn twice,so be it.

 

Dawaco halkay macal ku bartay macluul ugu bakhtidaa....

 

Come up with anotha game.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka khaatumo State oo sicad iga soo horjeestey Qodobada shirkii london ku dhexmaray Dowlada KMG ah Iyo Maamulka Lamagac baxay Soomaaliland

 

Maamulka Khaatuma State ayaa sicad ugasoo horjeestay shirkii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ku dhexmaray dalka ingiriiiska.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Maamulka khaatuma State Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ayaa sheegay in qodabadii kasoo baxay shirkii London uusan waxba ka jirin islamarkaana Maamulka Khaatuma dad u matalaya aysan jirin.

Wuxuu sheegay in shirkaasi iyo qodobadii kasoo baxay uu ku eegyahay kaliya dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Silaanyo islamarkaana dhankooda aysan jirin wax ka khuseeya.

Agaamaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Maamulka khaatuma State Maxamuud Sheekh Cumar Xasan waxa uu sidoo kale ka hadlay dastuurka iminka dowladda ay ku mashquulsan tahay.

Wuxuu sheegay in dastuurka inta aan la ansixin ka hor loo baahan yahay in la horgeeyo odayaasha dhaqanka si ay u eegaan islamarkaana wixii qaladaad ee Soomaalinimada dhaawacaya hadii ay ku jiraan dastuurka ay ka saaraan.

Dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa xukuumadda KMG Soomaaliya iminka ay ku mashquulsan tahay waxaana la wadaa dadaalo lagu doonayo ka hor August in la ansixiyo dastuurkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Oo Si Mug Leh Uga Hadlay Faa’iidada Iyo Khasaaraha Ay S/Land Dhaxalsiin Karaan 8-da Qodob Ee Ka Soo Baxay Wada-Hadalada Somaliland Iyo Somalia

9kmh3q.jpg

“Dawladd Iyo Dawladd Inaynu U Wada Hadalnaa Waa Shay Wanaagsan, Qodobka Odhanaya Waa In La Soo Afjaraa Arinka Ku Meelgaadhka Ahi Inama Khuseeyo Inaga”

Hargeysa, June 22, 2012 (Haatuf) – Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa soo dhaweeyey in Somaliland iyo Soomaaliya ay u wada-hadlaan qaab laba dawladood ah, kaas oo tilmaamay inay Somaliland Mihiimad wayn u leedahay hadii loo dunidu taageerto inay arimahooda uga wada-hadlaan qaab laba dawladood ah.

Eng. Maxamed Xaashi waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu Xalay Wargeyska Haatuf khadka tilifoonka ku siiyey isaga oo ku sugan Magaalada Hargeysa, kaas oo sido kale ka hadlay qodobo ka mid ah 8-dii qodob ee shirkii gogol xaadhka ee Somaliland iyo Soomaaliya laga soo saaray, isla markaana sheegay inaanu shacbiga Somaliland khusaynin arinta soo afjarid dawladda ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi waxa kale oo uu soo dhaweeyey qodobka isaguna ka hadlaya qaabka ay Mucaawinooyinka u qaybsanayaan labada dhinac, kaas oo tibaaxay inay Somaliland u wanaagsan tahay hadii deeqaha dunidu siin jirtay Soomaaliya loo qaybsado la dawladood ahaan. Ugu horayna isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu yidhi “Marka inaga oo wax nidhi ay iyagiina wax inaga daba yidhaahdaan waxaynu noqonaynaa sidii dad aan dhinac u wada soconin, isla markaana waa inaynu kolay wax yar xeer-xeerinaa oo way wanaagsan tahay. Marka aynu inaga oo Somaliland ah iyo iyaga oo ah TFG ama dawlad kaleba ah kolay wada hadal wuu imanayaa marka xaqiiqada laga hadlayo inta aynu inagu laba dawladood isku horfadhiisanayno oo aynu u wada hadlayno runtii inaga Somaliland ahaan inooma xuma oo waa wax aanu soo dhawaynayno oo hadii wixii ay yidhaahdaana aynu wax ka daba nidhaahdno waynu yar doqonoobaynaa. Markaa inaga waxa inoo wanaagsan inaynu mar walba danayno oo aynu mihiimada siino danta Caamka ah in mar walba la yidhaahdo way is haystaana waa laga fiican yahay, markaa waa inaynu woxogaa dulqaad ah la nimaadno, waanan soo dhawaynayaa hadii aynu laba dawladood ahaan u wada hadlayno oo aynu dawlad rasmi ah helno waa wax fiican”.

Eng. Maxamed Xaashi isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Mar hadii aynu inaga iyo Soomaaliya qaab laba dawladood ah u wada hadlayno oo uu Madaxwaynaheenu la kulmo Sh. Shariif ama mid ka danbeeya wax ku jaban ma jiraan, laakiin hadii ay woxoogii kale inoola imanayaan waxa halkaas ku jiraa inaga inooma fiicna. Marka waxa mihiim ah inaynu mar walba danta umadeena ka wada fikirno oo aynaan inagu mar walba is qabqabsan”.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi mar uu ka hadlayey arinka ku meelgaadhka iyo waxa Somaliland ka khuseeya, waxa uu yidhi “Inaga inama khuseeyo qodobka odhanaya waa in la soo afjaraa arinka Ku-meelgaadhka ah, mida kale in la wada hadlo waa loo baahan yahay oo waxaana mihiim ah in dawlad wax ka go’aan marka hore la helo taas ayaa mihiim ah”.

Maxamed Xaashi mar uu ka hadlayey qodobka ka hadlaya Mucaawimooyinka, waxa uu yidhi “Qodobkan isaguna ka hadlaya Mucaawimada, hadii la leeyahay Deeqaha dunidu bixinayso qaab laba dawladood ah ha loo qaybsado wax inoo xun maaha oo hadii wax la ina kala siinayo waanu soo dhawaynaynaa oo waa dhaqaale inoo kordhaya”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muhammad Hashi is on point talks should continue and Somalia ending its transition doesn't concern Somaliland.

Muhammad Hashi fighting for Somaliland since 1981

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Its a start everything has a beginning so good so far there is nothing to oppose Somaliland has nothing to lose talking to Somalia Muhammad hashi knows that he is just against talking about their issues.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maamulka khaatumo State oo sicad iga soo horjeestey Qodobada shirkii london ku dhexmaray Dowlada KMG ah Iyo Maamulka Lamagac baxay Soomaaliland

 

Maamulka Khaatuma State ayaa sicad ugasoo horjeestay shirkii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ku dhexmaray dalka ingiriiiska.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Maamulka khaatuma State Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ayaa sheegay in shirkaasi iyo qodobadii kasoo baxay uu ku eegyahay kaliya dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Silaanyo islamarkaana dhankooda aysan jirin wax ka khuseeya.]

 

 

 

so now khaatumo is not part of TFG & is not represented by sharif...so how is that blue flag flying high ....confused lot!

puntland also againest...sow reero lama noqon? your game quite clear now for the whole somalis to see...good enough:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Puntland left out of Somaliland and TFG talks

 

23 Jun 23, 2012 - 10:47:58 AM

 

GAROWE, Somalia Jun 23 2012 (Garowe Online) – The Transitional Federal Government (TFG) and Somaliland talks that wrapped up in England, excluded the Puntland government which criticized the secluded meeting, Garowe Online

 

The meetings held somewhere outside of London between TFG and Somaliland cabinet ministers wrapped up on Thursday, to the disapproval of the Puntland government after two ministers were excluded from the talks.

 

The Puntland government issued a letter to the EU and UK ambassadors who were overseeing the talks, requesting that the meetings be reconsidered because of the lack of Puntland representation at the conference.

 

The Puntland letter issued a day before the talks began in England, stated that if Puntland is left out of the meeting that it would not accept the outcome of the dialogue.

 

“Puntland will not accept the new development or outcome of the proposed meeting in London, which entails dialogue with Somaliland that excludes Puntland to satisfy separatists’ demands,” read the letter, signed by Puntland President Abdirahman Mohamed Farole.

 

The letter also discusses the fact that the meeting between south Somalia and Somaliland could help legitimize a false precedent of what Puntland calls “defunct colonial boundaries” which, “attempts to deny the reality on the ground.”

 

In the letter also talks about Somaliland and Puntland’s continuing dispute over territories and the need for dialogue between the two. For the past 10 years the two governments have contested over regions in northern Somalia which both governments lay claim to.

 

Puntland’s response to the proposed meetings fell on deaf ears as the meeting wrapped up in England on Thursday.

 

The outcomes of the meeting have not been released but officials did say they agreed to continue talks in the future.

 

Earlier this year Somaliland pulled out of talks with the TFG after President Sharif Sheikh Ahmed appointed two ministers from Puntland to join the discussions.

 

The meeting which was thought to be cancelled, convened after the two Puntland ministers were left out of the delegation.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.