Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

Sultan faisal cali waarabe got it right this time. Waxa weye caruurtada u talin meysid ayahooda eeh aniga u talinaya. Maya caruurtayda aniga u talinaya adigu kuwaga u tali.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland brushes off unity call ahead of key meeting

Somaliland+image.jpg

Britain-based Somalilanders wave the flag of the internationally unrecognised self-declared republic of Somaliland as they hold a pro-independence rally outside Downing street in London on February 22, 2012. The country's leadership is not ready for unity talks with Somali

 

Posted Friday, June 15 2012 at 13:28

 

Somaliland, a self-declared republic in north-western Somalia , is not ready to engage Somalia’s Transitional Federal Government on matters related to its independence from the rest of Somalia.

 

This is according to Abdi Yusuf Du’ale, the region's Minister for Information of Somaliland, who made the pronouncement while naming a five-member delegation from his territory that will hold talks with a team from the Mogadishu-based TFG later this month in London.

 

The Somaliland team led by its foreign minister, Dr Mohamed Abdullahi Omar, includes Mr Faysal Ali Warabe, the chairman of Ucid Party, one of the opposition political parties in Somaliland.

 

Mr Du’ale who is also the official spokesman of the authority insisted that the talks will only dwell on the bilateral relationship between the two sides.

 

"Somaliland’s decision to break away from the rest of Somalia will remain indestructible," said Mr Du’ale.

 

Somaliland unilaterally declared independence from the rest of Somalia on May 18, 1991, following the collapse of the General Mohamed Siad Barre's regime. Since then, there have been several failed efforts to re-unite the two sides.

 

Earlier this week, while in Nairobi, Kenya, Somalia prime minister, Abdiweli Mohamed Ali, said that the process of holding a meeting between the TFG and the authority in Somaliland were at an advanced stage.

 

Pitch for talks

At international level, a meeting between the two Somali sides was first suggested at the end of a Conference on Somalia on February 23 in London, UK. The proposal was also repeated during the conference on Somalia in Istanbul, Turkey on June 1.

 

In both cases, conference participants that included more than 40 representatives from the international community recognised the need to support any dialogue that Somaliland and the TFG or its replacement may agree to establish in order to clarify their future relations.

 

http://www.africareview.com/News/Somaliland+dismisses+unity+call/-/979180/1428054/-/o3jwh0/-/index.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda Somaliland oo sheegtay inay madaxda Dawladda Somaliya U Balan Qaadeen Bedelaada Xubnihii Puntland Ee Wada Hadalka Fashiliyay

 

Jun 17th, 2012

Hargeysa, (Geeska)- Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in hogaamiyeyaasha Soomaaliya u cadeeyeen inay qiimayn doonaan dalabkooda bedelaada xubnahii muranka keenay, haddii natiijo ka soo bixi weydana uga raadin doonaa aqbalaad iyo taageero dhinacyo kale.

Wasiirka Arrimaha dibedda Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar ayaa hoosta ka xariiqay inay Somaliland guul u tahay maadama ay miiska wada hadalka isku soo horfadhiisan doonaan Soomaaliya iyagoo laba qeybood oo siman ah.

Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar oo wareysi gaar ah uu wargeyska Geeska Afrika wax kaga weydiiyey wada hadalka dhowaan ku dhexmari doona Soomaaliya ayaa mar labaad ku celiyey in ka qeybgalka Somaliland ku xidhan yahay fulinta shuruudahii ay hore ugu xidheen, su’aalahii la weydiiyey iyo jawaabahii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan:

S: Dhowaan waxa loo ballansan yahay wada hadal dhexmara Somaliland iyo Soomaliya, maxaad nooga sheegi kartaa mowqifka Somaliland shirkaa la tegi doonto?

Waxaan dhowaan London kula yeelan doonaa wada hadalo siyaasadeed oo fool-ka-fool ah Soomaaliya markii koowaad 21-kii sannadood ee Somaliland jirtay. Fursad wanaagsan ayey noo tahay aan ugu soo bandhigno go’aankayaga iyo hiigsigayaga Soomaaliya annagoo miis wada fadhina, oo laba qeybood oo siman ah. Wada hadalkaa laftiisa ayaa guul u ah Somaliland. Waan sii wadi doonaa wada hadaladaa si aan ugu gaadhno hadafkayaga.

Hore, Somaliland waxay ku xidhay shuruud ka qeybgalka wada hadalada Soomaaliya bedelaada xubno u dhashay Somaliland oo Madaxweyne Shariif ku soo daray xubnahii uu magacaabay, welina ma hayno meel lagu bedelay xubnahaa, miyey isbedeshay shuruudii hore ee Somaliland? Hadiise mar kale la soo celiyo maxaa idiinka meel yaal?

Ka qeybgalka Somaliland ee wada hadalada London waxa shardi u ah shuruudaha aad sheegtay. Xukuumada ku-meel-gaadhka Soomaaliya waxay noo sheegeen inay qiimayn doonaan dalabkayaga bedelaada.

Wada-hadalada noocyadan oo kale hore dalal badan ayaa soo maray ugu danbeeyeen kala go’ii labada Sudan, waxaana jiray wadamo qeyb ka ahaa ama dhexdhexaadinayey, wada hadalada idiin qorshaysan ma jiraan wadamo qeyb ama markhaati ka noqonaya wada hadalkiina?

Xukuumada Somaliland waa u diyaar inay wadahadal la yeelato Xukuumada ku-meel-gaadhka ee metelaysa Soomaaliya. Waxaan si quman u derisnay dhamaan fursadahayaga, waxaanan la tashiyo iyo wada xaajood la yeelanay qaar ka mid ah daneeyaasha ay khusayso.

Rajo intee le’eg ayaad ka qabtaan inay idiinka soo baxaan wada hadalada dhowaan dhici doona, ma jirtaase xal labaad oo idiin qorshaysan haddii natiijada aad filaysaan ku gaadhi weydaan wada hadalada?

Waxaan dib ugu cadeyn doonaa go’aankii qaranimada Somaliland iyo danahayaga, isla markaana uga raadin doonaa aqbalaad iyo taageero dhinacyo kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weftigii qaranka Uga qeyb galaya wada hadalka Somaliland iyo Somalia oo dalka ka ambo-baxay

 

June 17th, 2012

 

Hargeysa(Somaliland.Org)- Weftigii Somaliland uga qayb gelayay Somaliland wadahadalada Somaliland iyo Somalia ayaa maanta ka ambabaxay dalka iyagoo ku sii jeeda dalka Ingiriiska oo ay wadahadaladu ka dhacayaan dhawaan.

 

Wasiirka wasaaradda arimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo weftigaasi hogaaminaya oo saaka shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa ka waramay shirkaasi iyo qaabka ay u dhici doonaan wadahadalada labada dhinac, waxana uu sheegay in wadahadaladani ay ka dambeeyeen baaqii ka soo baxay shirkii London oo beesha caalamku ku baaqday in Somaliland iyo Somalia ka wada hadlaan xidhiidhkooda mustaqbalka, shirkan hadda la qabanayaana uu yahay mid hordhac ah oo ay soo qabanqaabiyeen dawladaha Ingiriiska, Norwey iyo guud ahaan Midowga Yurub.

 

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu sheegay in Somaliland go’aansatay inay ka qayb gasho shirkaa oo ah mid laga filayo in Somalia ku garwaaqsato xuquuqda, dawladnimada iyo madaxbanaanida Somaliland, maadaama ay Somaliland tahay dal madaxbanaanidiisii la soo noqday, beesha caalamkana ka doonaya ixtiraam iyo ictiraaf buuxa.

 

“Somaliland waxay u caddayn doontaa weftiga TFG-da Somalia mowqifkeeda siyaasadeed iyo waxii ay bulshada Somaliland go’aansadeen waxana uu noqon doonaa wadahadalo labo geesood ah oo ay tashiilaadkiisa bixinayaan wadamada reer Yurub qaarkood,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibada ee Somaliland.

 

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in wadahadaladaasi oo ay ka dhalan karaan talaabooyin muhiim ah oo Somaliland gaadhsiin kara hadafka aynu tiigsanayno.

 

Xubnaha weftiga oo uu dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kana kooban Shan xubnood ayaa waxay kala yihiin:

1. Wasiirka wasaaradda Arimaha Dibadda Dr Maxamed cabdilaahi Cumar.

2. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland Md.Baashe Maxamed Faarax.

3. Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Engineer faysal cali waraabe

4. Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Md. Xirsi Cali X xasan

5. Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre Garaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wadahadallada dhexmaraya DKMG Soomaaliya iyo Somaliland oo Arbacada soo socota ka furmaya Magaalada London

 

Axad, June 17, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in wadahadallada dhexmaraya DKMG Soomaaliya iyo Somaliland ay maalinta Arbacada ah ka furmayaan magaalada London ee dalka Britain.

 

Somaliland ayaa waxaa shirkan uga qaybgalaya shan xubnood, waxaana maanta ay ka dhoofeen Somaliland iyagoo kusii jeeda dalka Ingiriiska, iyadoo dowladda KMG ah aysan wax hadal kasoo saarin shirkan.

 

"Waxaanu doonaynaa inaan wadahadallada kusoo bandhigno madaxbannaanida iyo himilada shacabka Somaliland," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, isagoo sheegay in xubnaha dowladda ay ka filayaan inay ixtiraam uga helaan himilada shacabka Soomaaliyeed.

 

Kulankan oo socon doona laba maalmood ayaa waxaa looga hadli doonaan arrimmo ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya, inkastoo Somaliland ay ku adkeysanayso inay tahay dowlad ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale, ayna doonayso in shirka uu noqdo mid horseed u noqda in Somaliland ay madaxbannaani taam ah hesho.

 

"Dowladda Soomaaliya way nagu soo wargelisay xubnaha dhankooda ka imaanaya, waxaana rajeynayanaa in shirkan oo billow u ah shirar kale oo dhici doona ay kasoo baxaan qodobbo muhiim ah," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.

 

Wasiirku wuxuu sheegay inay fikrado badan ay shirkaas ku wadaagi doonaan iyaga iyo xubnaha dowladda KMG ah ka socda, kuwaasoo ay ka mid yihiin mustaqbalka guud ee Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna sheegay in shirkan uu yahay kii ugu horreeyay oo dhexmara Somailland iyo Soomaaliya muddo 20-sano ah.

 

Mar la weydiiyay go'aankooda haddii loosoo bandhigo inay federaalka qayb ka noqdaan ayaa wuxuu yiri: "Nidaamka Somaliland kuma dhisna federaal mana ogolaan karno, waayo waxaanu nahay dowlad madaxbannaan."

 

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland wuxuu sheegay in shirkan ay ka qaybgalayaan xubno ka socda dalalka Ingiriiska, Norway iyo Midowga Yurub oo leh qaban-qaabada shirka, balse wadahadalladu uu yahay mid dhexmara iyaga iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Siilaanyo Oo Wejiga labaad Ee Wada Hadalka Kulan Ku Horfadhiisan Doona Madaxweyne Shariif

 

Guddoomiye-Siilaanyo.jpg

 

June 17, 2012 Hargeysa(Cadceed)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu isu diyaarinayo wejiga labaad ee wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, ka dib marka uu 21 June dalka Ingiriiska ku qabsoomo wejiga koowaad ee wada hadalkaas oo ay furi doonaan guddiyo ka kooban labada dhinac oo ka kala tagi doona Hargeysa iyo Muqdisho, kuna kulmi doona magaalada London ee Ingiriiska.

Wada hadalkaas ayaa daba socda shirkii Ingiriiska ee bishii Febarwari, waxaanay xukuumadda Somaliland khamiistii doraad magacowday shan xubnood oo dhinaceeda u meteli doona furitaanka wada hadalada. Xubnahan ayaa waxa ay kala yihiin Wasiirada arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar, arrimaha bulshada iyo shaqaalaha Maxamuud Axmed Barre, madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, guddoomiye xigeenka Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe. Xubnahan ayaa la filayaa inay labada maalmood ee soo socda u ambo baxaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ay uga sii gudbi doonaan dalka Ingiriiska oo uu shirku ka furmi doono. Madaxweynaha Somaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa inkastoo aanu weli waxba ka beddelin ergadii uu hore ugu magacaabay wada hadallada oo ay Somaliland ka biyo diiddaya, haddana waxa la filayaa inuu sida ugu dhaqsaha badan u magacaabo shan xubnood, si uu wada hadalku u bilaabmo.

Maxaa ka soo bixi kara?

Dad badan oo siyaasadda lafo-gura ayaa aaminsan inaanay natiijo ka soo bixi doonin wada hadalkaas, marka la eego ajandayaasha kala fog ee ay labada dawladood isla soo horfadhiisan doonaan. Tusaale ahaan dawladda Somaliland waxa ay shirkaas la tagi doontaa in qaranimada Somaliland iyo madaxbanaanideedu tahay mid muqadas ah oo ku timid go’aan shacab iyadoo ka duulaysa aftidii ay shacabka Somaliland sameeyeen sanandkii 2001 iyo weliba go’aankii ay beelaha Somaliland isla qaateen sannadkii 1991, halka ay dawladda Somaliya iyana la iman doonto qodobkeeda ugu horeeya oo ah inay midnimada Somaliya muqadas tahay. Waxase la filayaa beesha caalamka oo uu Ingiriisku wakiil uga yahay wada hadaladan in ay labadan qodob ka dhigto kuwa ugu dambeeya ee ay labada dawladood ka wada hadli doonaan, marka horena la isla falanqayn doono waxyaabaha la wada qabsan karo iyo dhinacyada la iska kaashan karo ee dhaqaalaha iyo nabadgelyada gobalka. Waxase aan meesha ka madhnaan doonin xod-xodasho iyo dedaalo diblomaasiyadeed oo uu dhinacba dhinaca kale ku waajihi doono.

Kulanka Xiga

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in marka uu wejiga koowaad ee shirku ku qabsoomo magaalada London, uu wejiga labaadna dhex mari doono labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Md. Shariif Sheekh Axmed. Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu isu diyaarinayo kulankaas. Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay inuu kulankaasi ka dhici doono dal Carbeed oo la sheegay inuu yahay dalka Imaaraadka Carabt,, waxaana wada hadalkan abaabulaysa dawladda Ingiriiska oo uu xafiiskeeda Addis Ababa qaabilsanyahay dhinaca Somaliland.

Gunnaanad:

Wada hadalladan dhex mari doona Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ah kuwii ugu horreeyey tan iyo markii ay Somaliland la soo noqotay madax bannaanideeda, waxaana la filayaa in ajandayaasha labada dhinac ay noqdaan kuwo aad u kala fog, taasina ay sababto in wada hadalku muddo qaato.

Bulshada Somaliland ayaa si taxaddar leh u dhowraya midhaha ka soo bixi doona wada hadallada oo ay filanayaan inay u horseedi doonto qarannimo buuxda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland Oo 21 Sano Ka Dib La Filayo In Ay Si Fool Ka Fool Ah U Hor Fadhiisato Masuuliyiin Ka Socda Dalkii Ay Madaxbanaanida Kala Soo Noqdeen Iyo Weftiga Shirka Ka Qayb Galaya Oo Dalka Ka Ambabaxay

 

Shacabka Somaliland oo sanadkii 1991-kii ku dhawaaqay in ay ka madax banaan yihiin dalkii la isku odhan jiray..............

 

Hargeysa (GNS)- Somaliland ayaa tan iyo intii ay madax banaanideeda mar labaad la soo noqotay oo ay ka soo wareegeen 21 sano ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay markii u horeysay si fool ka fool ah arrimaha madaxbanaanidooda ugala xaajoodaan wadankii ay hore midawga ugu wada jireen ee Somaliya.

 

Shacabka Somaliland oo sanadkii 1991-kii ku dhawaaqay in ay ka madax banaan yihiin dalkii la isku odhan jiray Somaliya oo ay la midoobeen sanadkii 1960-kii ayaa 21-kaasi sano ee ka soo wareegay waxa ay dedaal badan ugu jireen sidii ay u heli lahaayeen aqoonsi caalami ah, balse dedaalo badan oo ay galeen kuma ay guulaysan in ay si buuxda u helaan hiigsigoodaasi.

 

Xukuumadda haatan talada haysa ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa qaaday talaabooyin ay sheegtay in ay wax ka bedel ku sameynayso nidaamkii hore ee ay xukuumaddihii hore ee dalka soo maray ku doonayeen inay caalamka kaga helaan aqoonsi caalami ah, waxaana ay sheegeen inay fadhiisan doonaan shirar kasta oo lagaga hadlayo qadiyada Somaliya si ay u helaan uguna bandhigaan xaqooda ay u leeyihin in ay noqdaan dawladd madax banaan.

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) waxa uu la shiray si uu go’aankaasi uga midho dhaliyo golayaasha sharci dejinta iyaga oo isla qaatay in la bedelo sharci Somaliland u yaalay oo dambiile ka dhigayey qof kasta oo ka qayb gala shir Somaliya lagaga hadlayo, waxaanay maalmo ka dib isla qaateen golayaashu in la bedelo sharcigaasi.

 

Maalmo yar ka dib markii la bedelay sharcigaasi ayaa waxa uu Madaxweynaha Somaliland ka qayb galay shirkii London ka dhacay 23 Feberuary, shirkaasi oo lagaga hadlayey xaalada amni darro ee Somaliya ee daba dheeraatay, isla markaana laga soo saaray qodobo ka hadlaya arrimahaasi.

 

Shirkan ayaa qodobada ka soo baxay waxa ku jiray sidii Somalilad iyo Somaliya uga wada hadli lahaayeen mustaqbalkooda, taasi oo keentay midho dhalka in ay Somaliland iyo Somaliya arrimahaasi isku soo hor fadhiistaan markii u horeysay labaatan iyo kaw sano ka dib.

Masuuliyiinta labada dal ayaa hadalo kala duwan oo isku lidi ah warbaahinta isku marinayey tan iyo intii ka dambaysay wakhtigaasi, iyada oo masuuliyiinta Somaliland carabka ku cel celinayeen in ay Somaliya kala hadlayaan sidii ay u noqon lahaayeen dal madax banaan, isla markaana looga heli lahaa dalka dagaaladu aafeeyeen inay gar waaqsadaan qaranimada iyo horumarka Somaliland, balse masuuliyiinta kala duwan ee dawladda taagta daran ee Somaliya ayaa waxa ay badidoodu ku doodeen in shirka Somaliland lala galayaa noqon doono mid lagaga hadlayo midaynta Somaliweyn.

 

Shacabka, Siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ayaa qaba fikiro kala duwan oo arintan ku aadan, waxaanay dadka qaar qabaan Somaliland ka gudubtay xabsi ay isku xidhay mudadaasi 21 sano ahayd, taasi oo keentay in ay markii u horeysay shirar caalami ah ku soo bandhigto qadiyadeeda, halka dadka qaar qabaan in ay xukuumaddu madaw galisay masiirki umadda ee ay u hanqal taagayeen in ay noqdaan dal madax banaan oo wadamada caalamka ka mid ah.

 

Si kastaba ha ahaatee waxa maanta dalka ka dhoofay guddi uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar, kuwaasi oo madaxweynaha dalku u igmaday in ay wakiil uga ahaadaan hordhaca wada hadaladani.

 

Wasiirka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay ka hor intii aanu dalka ka dhoofin xarunta madaxtooyada ayaa ka war bixiyey qaabka ay shirkaasi uga qayb galayaan iyo qodobada ay ku soo bandhigi doonaan.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Somaliland waxay u caddayn doontaa weftiga TFG-da Somalia mowqifkeeda siyaasadeed iyo wixii ay bulshada Somaliland go’aansadeen waxana uu noqon doonaa wadahadalo labo geesood ah oo ay tashiilaadkiisa bixinayaan wadamada reer Yurub qaarkood”.

 

 

Guddidan uu dhawaan madaxweynuhu u magacaabay in ay noqdaan xubnaha Somaliland uga qayb galaya hordhaca shirkani ayaa waxa ay yihiin

 

1. Wasiirka wasaaradda Arimaha Dibadda Dr Maxamed cabdilaahi Cumar.

2. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland Md.Baashe Maxamed Faarax.

3. Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Engineer faysal cali waraabe

4. Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Md. Xirsi Cali X xasan

5. Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre Garaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah–Madaxweyne Shariif oo magacabey 5 Xubnood oo cusub oo TFG uga qaybgalaya Shirka London ee Somaliland iyo TFG

Posted by Pi on June 17th, 2012

 

Warar dublamaasi oo rasmi ah ayaa noo xaqiijiyey in Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed uu magacaabey Shan xubnood oo cusub kuwasoo lagu badalay todobadii uu horey u magacaabey iney Dowlada KMG ah uga qayb galaan wadahadalada London ku dhexmari doona Maamulkan Soomaaliland iyo Dowlada KMG ah.

 

Wararkaan aan helney waxay kaloo noo cadeeyeen in xubnahaan cusub aysan Dowlada Puntland waxba ku lahayn, warar kaloo hoose oo ilo dublamaasiyadeed aan ka helney ayaa iyana sheegaya in Dowlada Puntland ay bari ka hadli doonaaan isbadalka uu Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ku sameeyey Xubnihii wada hadalka uga qayb gali lahaa.

 

Xubnaha cusub waxaa ka mid ah sida aan wararka ku helney Wasiirka Waxbarashada Dowlada KMG ah Axmed Ceydiid Ibraahim.

 

Dhinaca kale warar kaloo waxaa jira sheegaya in Dowlada Puntland ay la socoto isbadalka lagu sameeyey xXubnaha matalaya TFG, mar aan wax ka waydiiney Dowlada Puntland way ka gaabsadeen iney tafaasiil ka baxshaan wararkaan ay Puntlandi.com heleen.

 

Inkastoo warar aan ku kalsoonahay noo xaqiijiyeen in Dowlada Puntland ay bari ka hadli dooanaan arimahaan kasoo kordhey shirka Somaliland iyo TFG?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland and Somalia talks to start in London on June 20

 

Jun 17, 2012 at 05:56 PM

 

The proposed talks between the governments of Somaliland and Somalia will start in London on June 21, 2012 . The talks have been postponed earlier due to disagreement between the two nations on the representing committees in the meeting.

It has now become possible for the talks to start after the government of Somalia withdrew two members from their list of representatives after the objection of Somaliland. The two members are said to have come from Sool region of Somaliland and were coming on behalf of Puntland region of Somalia.

Somaliland has made it clear that the talks will only focus on the mutual relations between the two countries and that there will be no discussions on the issue of re-union with Somalia .

A Press Release issued by the Somaliland government few days ago outlines the framework of the talks and the technical committee to represent Somaliland as follows :

 

“The only agenda of the proposed talks will be :

I.To bless each other for a prosperous nationhood

II.To establish brotherly relations of two neighbouring countries and

III.To discuss future cooperation as two sovereign countries.

To this effect, the government of Somaliland has appointed a technical committee with the mandate to prepare and lay down the guidelines for the talks with Somalia.

The talk’s technical committee is composed of:

1.Dr Mohamed Abdilahi Omar Foreign Minister – Committee chair

2.Hon Bashe Mohamed Farah- 1st Deputy speaker of parliament (House of representative)

3.Hon Feisal Ali Warabe - Chairman of UCID Political party (Opposition)

4.Hon Hirsi H Ali Hasan – Presidency minister

5.Hon Mahmoud Ahmed Barre (Garaad) – Minister of Labour & Social Affairs ''

 

London Somalia conference in Feb, 22, 2012 outlined in article 6 of its communiqué that :

“ The Conference recognised the need for the international community to support any dialogue that Somaliland and the TFG or its replacement may agree to establish in order to clarify their future relations.”

The talks may be doomed to fail if the Somali government insists that Somaliland is part of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.