Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

I like it.

 

This is a significant departure of how things has been. With Turkish arrival, the equation has significantly changed , the variables are about to be reorg'ed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir looga hadlayo Mustaqbalka Soomaaliya oo DKMG ah iyo Somaliland uga furmay duleedka Magaalada London

 

Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Shirkan oo looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya ee ay yeelanayaan xubnaha ka socda Soomaaliya iyo Somaliland oo socon doona laba maalmood ayaa looga hadli doonaa sidii labada dhinac ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinac walba ah.

 

Dublamaasiyiin ka socda dalalka midowga Yurub, Norway iyo Britain oo shirka marti-gelinaysa ayaa lagu wadaa inay goobjoog ka ahaadaan wadahadallada maadaama ay ujeedooyinka dhinacyadu yihiin kuwo aad u kala fog.

 

Shirka ayaa socon doona gellinka dambe ee maanta iyo berri oo dhan, waxayna isku dayayaan dalalka ka qaybgalaya inay labada dhinac isku soo dhaweeyaan, iyadoo xubnaha ka socda Somaliland ay sheegeen in ujeeddada ugu weyn ee ay shirka ka leeyihiin ay tahay sidii ay aqoonsi ku heli lahaayeen.

 

Xubnaha ka socda dowladda KMG ah ayaa iyaguna sheegay in qorshahoodu yahay sidii ay labada dhinac heshiis uga gaari lahaayeen is-faham-waaga muddada dheer soo jirtay ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo iskeed ugu dhawaaqday in ay ka go'day Soomaaliya.

 

Kulankan ayaa wuxuu qayb ka ahaa qodobbadii kasoo baxa shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ee bishii Feberaayo sannadkan ka dhacay magaalada London ee dalka Britain, iyadoo aan saadaal laga bixin karin waxa kasoo bixi shirkan.

 

Haddii shirkan la isku af-garto waxaa lagu wadaa in madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay ku kulmaan magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta inkastoo aan la ogeyn waxay kulankooda uga hadli doonaan.

 

Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale bishii May ee sannadkii 1991-kii ayaa waxay muddo badan baadi-goob ugu jirtay sidii ay ku heli lahayd madaxbannaani, halka madaxda dowladda KMG ah ay sheegeen in shirkan ay uga faa'iideysanayaan in dib loo mideeyo Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

page7-300x150.jpg

 

Wada Hadalada Soomaaliya Iyo Somaliland Oo Ka Bilaabmay Magaalada London.

 

London (Ramaas) June, 20, 2012- Wada Hadalada u dhexeeya Somaliland iyo dalka deriska ah ee Soomaaliya, ayaa goordhaweyd ka bilaabmay Magaalada London,iyada oo dhinacyada ay is hor fadhiisteen markii ugu horeysay 20 sanno ka dib oo ay ka wada xaajoonayaan arrimo xasaasiya oo aanay u eekayn in la isla meel dhigi doono wakhtigan.

 

Wada hadaladan oo qayb ka ahaa shirkii arrimaha Soomaaliya lagaga wada hadlayay ee bishii Febuary ee sannadkan lagu Magaalada London, ayaa ay labada dal mid walba uu doonayaa in uu ku soo bandigo maslaxadiisa siyaasadeed.

 

Somaliland waxa ay doonaysaa in ay weftiga ka socda dhanka xukuumada Soomaaliya ay u bandhigto aqoonsiga ay raadinaysay muddada dheer, halka kooxda ka socota dhan kale iyana ay doonayaan in ay Somaliland ku qanciyaan sidii ay dib ugu soo laaban lahayd midnimadii ay ka baxday sannadki 1991-kii .

 

Si kastaba ha ahaate wufuuda shirka fadhida ayaan la ogayn illaa hadda, waxyaabaha ay isla soo qaadeen, iyaga oo ku shiraya meel aanay goob joog ka ahayn saxaafadu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia Somaliland oo kulmay

120620122948_chevering_house_384x216_che

20 June, 2012, 12:36 GMT 15:36 SGA

 

Chevering House hoyga wadahadalka Somalia iyo Somaliland

Ergooyin ka socda Somalia iyo Somaliland ayaa wadahadal uga furmay Britain. Waxaa la geeyay meel ka baxsan London oo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain u ah hooy uu ku nasto kuna munaaqashoodo. Inkasta oo laga fogeeyay isha saxaafadda, Yusuf-Garaad oo la hadlay ergooyinka qaarkood ayaa warbixintan ka diyaariyay.

Wadahadalkan Wuxuu ka dhacayaa Chevering House oo ku yaal Kent oo u dhow London.

Wuxuu daba joogaa shirkii London loogu qabtay Soomaalida oo ay ku jirto Somaliland bishii Fberuary.

Waa kii ugu horreeyay ee ay Somalia iyo Somaliland si rasmi ah isu soo hor fariistaan tan iyo markii ay Somaliland iskeed ugu dhawaaqday in ay gooni isu taagtay oo ay tahay dal madax bannaan.

Waxaa martigeliyay garwadeenna ka ah dowladdan Britain, waxaana goobjoog ka ah diplomaasiyiin ka socda Midowga Yurub iyo dhinacyo kale.

Ergada Somaliland waxaa hoggaaminaya, Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda waxaana wehliya Wasiirro iyo mudanyaal baarlamaanka iyo siyaasiga mucaaradka ah Feysal Cali Waraabe.

Dhinaca TFG waxaa hoggaaminaya, Cabdisamad Macallin Maxamud, oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga waxaana ka mid ah Wasiir, General hore oo hadda safiir ah iyo xildhibaanno.

Wadahadalku wuxuu soconayaa galabta iyo berri oo dhan.

Ma cadda in ergooyinka Soomaalidu ay keligood ahaan doonaan marka ay wadahadlayaan laakiin waxay ilo shirka ku dhow dhowi ii sheegeen in ay taasi iyaga ku xirnaan doonto.

Haddii wadahadalku is afgarad ku dhammaado waxaa la hadal hayaa in toddobaadka soo socda ay Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, ay ku kulmaan dalka isu tagga imaaraadka carabta.

Wadahadalkan Soomaalidu aad ayay u daneyneysa, waxayna in badani u hayaan niyad sami in uu abuuro is faham iyo iskaashi.

Somaliland waxaa uga weyn ee meel walba ay ka baadi goobeysaa waa in ay hesho aqoonsi caalami ah.

Fadhiganina kama duwanaan doono. Ma cadda dowladda Soomaaliya ee maanta jirtaa ay dooneyso ama ay haysato sharciyad ay arrintaa ku furdaamiso.

Waxay markaa u muuqataa in wadahadalladu ay ku aga wareegi doonaan iskaashiga xagga amniga ah oo haddii la isku af garto isaga laftiisu noqon kara tallaabo weyn oo hore loo qaaday.

 

source bbc

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii wada xaajoodkan Somaliland iyo Somalia oo ka furmay Chevering House

 

June 20th, 2012

 

LONDON (Somaliland.Org)- shirkii wada hadalka Somaliland iyo Somalia ee ay marti-gelisay dawladda Ingiriisku ayaa maanta ka furmay Chevering House oo ku yaala duleedka Magaaladda London.Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxa la sheegay inay ka qeyb galeen Wasiirka Arrimaha dibadda Britain William Hugue iyo dublamaasiyiin ka socda dalalka reer galbeedka iyo daneeyeyaasha mandaqadda Geeska Afrika.

 

Waxa shirkan ka qeyb galaya toban xubnood oo ka kala socday Somaliland iyo dawladda wakhtigeedu gabaabsiga yahay ee Somalia.

 

Ergadda Somaliland waxa hoggaaminaya Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaana xubno ka ah Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda Md. Maxamuud Axmed Garaad.

 

Somalia waxa uga matelaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga Cabdisalam Macalin Maxamed Mohamed, waxaana xunbo ka ah Wasiirka waxbarashadda Axmed Caydiid Ibraahim, Safiirka Somalia u fadhiya Jabuuti Cabdi Xuseen Guul-wade iyo laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka dalkaasi oo kala ah Xuseen Xasan iyo Maxamed Xasan Aadan.

 

Weftiga Somaliland waxay shirka la tagayaan qaraar cad oo ka turjumaya maslaxadda madax-banaanidda Somaliland, iyagoo xalayba u gudbiyay Wasiirka Arrimaha dibadda Britain, kaasi oo ay ugu bal-balaadhiyeen rajada ay ka qabaan midho ka soo baxa shirkan iyo mowqifkooda ku wajahan gooni isu taaga iyo madax-banaanidda Somaliland oo ay tilmaameen inaanay wax gor-gortan ah ka galayn.

 

Ergadan Somalia iyaga qudhoodu waxay miiska la soo fadhiisanayaan inay ku doodaan in midnimadda Somalia ay muqadas tahay. taasi oo haddii ay dhacdo suul-daari doonta shirka oo ku dhammaan doona natiijo la’aan.

Illaa imika ma jiro war ka soo baxay dawladda Britain iyo labada dhinac ee wada hadalku u furmay ee Somaliland iyo Somalia.

 

Shirkani wuxuu ka dhashay go’aamadii ka soo baxay shirweynihii dawladda Ingiriisku u qabatay xasilinta Somalia bishii Feberwari ee sanadkan oo qodobaddii laga soo saaray ay ku jirtay inay Somaliland iyo Somalia ka wada hadlaan mustaqbalkooda.

 

Wada hadalkani waa kii u horeeyay ee Somaliland ay ku hor fadhiisato 21-kii sanadood ee ay Somaliland jirtay dalka qalalaasuhu hadheeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Shir looga hadlayo Mustaqbalka Soomaaliya oo Dowladda KMG ah iyo Somaliland uga furmay duleedka Magaalada London

Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Shirkan oo looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya ee ay yeelanayaan xubnaha ka socda Soomaaliya iyo Somaliland oo socon doona laba maalmood ayaa looga hadli doonaa sidii labada dhinac ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinac walba ah.

 

Dublamaasiyiin ka socda dalalka midowga Yurub, Norway iyo Britain oo shirka marti-gelinaysa ayaa lagu wadaa inay goobjoog ka ahaadaan wadahadallada maadaama ay ujeedooyinka dhinacyadu yihiin kuwo aad u kala fog.

 

Shirka ayaa socon doona gellinka dambe ee maanta iyo berri oo dhan, waxayna isku dayayaan dalalka ka qaybgalaya inay labada dhinac isku soo dhaweeyaan, iyadoo xubnaha ka socda Somaliland ay sheegeen in ujeeddada ugu weyn ee ay shirka ka leeyihiin ay tahay sidii ay aqoonsi ku heli lahaayeen.

 

Xubnaha ka socda dowladda KMG ah ayaa iyaguna sheegay in qorshahoodu yahay sidii ay labada dhinac heshiis uga gaari lahaayeen is-faham-waaga muddada dheer soo jirtay ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo iskeed ugu dhawaaqday in ay ka go'day Soomaaliya.

 

Kulankan ayaa wuxuu qayb ka ahaa qodobbadii kasoo baxa shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ee bishii Feberaayo sannadkan ka dhacay magaalada London ee dalka Britain, iyadoo aan saadaal laga bixin karin waxa kasoo bixi shirkan.

 

Haddii shirkan la isku af-garto waxaa lagu wadaa in madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay ku kulmaan magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta inkastoo aan la ogeyn waxay kulankooda uga hadli doonaan.

 

Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale bishii May ee sannadkii 1991-kii ayaa waxay muddo badan baadi-goob ugu jirtay sidii ay ku heli lahayd madaxbannaani, halka madaxda dowladda KMG ah ay sheegeen in shirkan ay uga faa'iideysanayaan in dib loo mideeyo Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland talks set to start in secret UK location

 

Leaders from Somalia and Somaliland are due to start the first ever formal discussions on the future of the self-proclaimed Somaliland republic.

 

It broke away in 1991 and wants to be a separate country - but it has not been internationally recognised.

 

Mogadishu wants the northern territory to be part of a single Somali state.

 

Since declaring independence, Somaliland has enjoyed relative peace in contrast to the rest of Somalia, which has been plagued by conflict.

 

Timing of talks

The talks are to be held over Wednesday and Thursday in a secret location near London.

 

Britain, Norway and the European Union have said they want the two sides to negotiate a settlement.

 

Somaliland agreed to enter into the talks during a February meeting in London, when 40 global leaders met to tackle piracy, terrorism and political instability in Somalia.

 

But its administration says its priority is to remain separate from the rest of Somalia - and wants Mogadishu to recognise its independence.

 

Analysts have questioned the timing of the talks - the mandate of Somalia's transitional government expires in August when it is due to hand over to an elected president.

 

Somaliland unilaterally declared independence 21 years ago after the overthrow of Somali military dictator Siad Barre.

 

It is relatively stable and holds regular elections, which have seen peaceful transfers of power.

 

Source the BBC

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Fursad Ku Sheegay Wada Hadalka Somaliland iyo Somalia

 

June 20th, 2012

 

Hargeysa (CNN)- Gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadalay dareenkiisa la xidhiidha wada hadalada Somaliland iyo Somalia.

 

Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaayey munaasibad lagu soo dhawaynaayo murashax u tartami doono doorashooyinka golaha deegaanka xisbiga Kulmiye dhexdiisa ayaa si weyn uga hadlay arrimaha wada hadalka Somaliland iyo Somalia.

 

Gudoomiyaah Kulmiye ayaa sheegay in wada hadalku maanta ka duwan yahay sidii kii 1960-kii, isaga oo hoosta ka xariiqay in waagaas Somaliland Somalia oo dawlada ka raadisay midaw, maanta’se sida uu sheegay la kala yahay labada dawladood.

 

Muuse Biixi oo arrintaas ka hadlayaana waxa uu yidhi:-

 

“Waxaan maanta umada u sheegayaa in aanu Somalia kala nahay sidii markii gumaystihii ingiriisku naga kacay, iyagan Talyaanigu ka kacay, sidaas daraadeed wax iskaga kaayo jiraana ma jiraan maanta”

 

Mar uu ka hadlaayey shirka ka dhacaya maanta Londonwaxa uu yidhi:-

 

“Shirka lagu qabanaayo dalka Ingiriisku waxa uu horseed u yahay qorshe ay beesha caalamku ku rabto inay ku kala saaraan Somaliland iyo Somalia”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dalka Ingiriiska waxaa kafurmay maanta Shirkii dhinacyada Soomaaliya iyo Somaliland kaas oo lagu qabtay meel banaanka ka ah magaalada London.

 

Shirka ayaa waxaa uu yahay Mid albaabada loo xiray iyadoo saxaafadana ay dibad joog katahay Shirka.

 

Ilo ku dhow Shirka ayaa Allpuntland uxaqiijiyay in Shirka uu furmay oo laysku soo hadal qaaday Arimo ay kamid ahayeen waxyabihii Madaxda Soomaalida iyo Somaliland ay ka dhaqan geliyeen Shirkii 23 kii February ee London ka dhacay.

 

Somaliland waxaa shirkaan Xubnaha ugu qaybgalaya Gudoomiye loo dhigay Wasiirka Arimaha Dibada Dr.Maxamad Cabdulaahi Cumar halka Dhanka Dowlada KMG Soomaaliya uu horboodayo Xubnaha kasocda Dowlada Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga qaranka Cabdi Samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax.

 

Shirkaan Soomaaliya iyo Somaliland waxaa garwadeenka ah Dowlada Britain oo hada siwayn u doonaysa inay wanaajiso Xiriirka kala dhaxeeya Soomaalida.

 

Wararkale oo shirka London laga helayo Caawa ayaa sheegaya in Wadahadalada labada dhinac ay meel fiican marayaan oo qaybtii hore meel wax laysla dhigay,hadii wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya lagu guulaysto kulan ayaa lagu wadaa in Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Somaliland ay kuyeeshaan Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

 

Waxii warar oo kasoo baxo Shirka London kala Soco Allpuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Carafaat;843378 wrote:
Confederation sxb. 2 States under one Nation for x number of years, till there is a referendum.

Come on! You are joking

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.