Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

Xukuumadda oo magacowday Guddi gogol xaadh oo u metala wada hadalka Somaliland iyo Somalia

 

Somaliland sidii maqal dabayl raacday dib isuma dadbi karto, go’aankii shacbiga ee ay qaadatayna waa mid aan ka noqosho lahayn oo dalqad qaran ayaa ka taal”

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa afar xubnood u magacowday shirka gogol xaadhka ah ee wada hadalka Somaliland iyo Somalia. Waxaanay sheegtay in wada hadalka labada dal yeelan doonaan uu ku salaysnaan doono sidii la iskugu ducayn lahaa.

Xukuumadda Somaliland waxay *****lka ka qaaday inaanay waxba iska bedelin Karin go’aankii iyo iraadaddii shacbiga, sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed is fasiraya oo uu maanta soo saaray Wasiirka Warfaafinta iyo wacyi-gelinta Md. Cabdi Yuusuf Ducaalle (Boobe) ahna Afhayeenka xukuumadda, waxaanu war-murtiyeedkaasi u dhignaa sidan:-

 

“Todobaadkan oo kaliya tiraba laba jeer ayuu Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda TFG-du ka hadlay wada hadaladda dhex mari doonaSomaliland iyo Soomaaliya, Isagoo mar walba hoosta ka xariiqayay In kullamaddasi ubucdoodu noqon doonto in dib loo midoobo. Malahayga Mudan e Cabdi-weli Maxamed Gaas, waa da;dii dambe balse waxaan xasuusinaynaa inaanay waligeed dhicin ama hirgelinba midnimo Soomaaliyeed. Haddii uu u jeedo isu tagii labadii gobo lee Soomaaliyeed ee lixdankii, dhacdadaas waxay dadweynaha Soomaaliyeed ku suntadeen “ isku darkii” ama israacii.

 

Dadkii Soomaaliyeed ee beryahaasi xiisaha iyo bohol-yowga baas isku qabay, ergayga midnimo waxay u keydsadeen marka la xaqiijiyo midnimadii shantii gobo lee Soomaaliyeed ee xiliyadaas hilaadda iyo saadaashuba ahaayeen in meel kaliya la iskugu keeno. Waayadaa dadkii Hoggaanka siyaasadeed ee Soomaaliyeed hayay ayaa qeexay macnaha midnimadda Soomaaliyeed, haddii maanta dib loo macneynaayana dadkii Soomaaliyeed ee ay berigaasi khusaysay ayay u taallaa. cid la qasbi karaana ma jirto, anaguna Somaliland ahaan waanu ka sii xag-jirnaaba.

Hal-abuurkii wadaniga ahaa ee Ibraahim Gadhle sowkii lahaa:

 

Lixdankii dadkaygoow Maydaan dambaabine,

Markaa dawladnimadii, Shanta kala dab raacdaa

Diiqadda u bixiseen, Darmo qudha u gogosheen

Deg-degsiimo mooyeee Isku duubnideeniyo

Doqoniimo ma ahayn Daacad baad horseedeen

 

Taasina ciyi waa ka baryay ayay noqotay oo shantii Soomaaliyeed way kala danaysteen, anaguna inaanu danaysano oo taayadda ka tallino cid naga horjoogsan kartaa ma jirto.

Waa 21 sanadood inta ay Somaliland tahay qaran madax-banaan oo horumar lagu daydo ku tallaabsatay. Lixdankii laba gobol isma raaci karayn ee anagga ayaa danta guud xeerinaynay oo is raac aan sidkiisii go’in ama shinkiisiiba dhammaan qasab kaga dhalinay waa markii aanu lahayn “Dharaartii walaalkay loo dhisay, een hortii dhashay sow ma soo dhicin.” Maantana meel aynu iskaga darsano oo iska raacno ma joogno oo cirka iyo dhulka ayaan kala taagan nahay. Xaaladaheenuna waa kaaf iyo kala dheeri.

 

Halka ay Soomaaliya maanta taagan tahay iyo heerarka heegadda haabanaya ee ay Somaliland ransanaysaa waa laba aan is qabanayn.

 

Wada tashi qaran oo balaadhan ka dib Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay shirka gogol xaadhka ah ee ugu horeeya uga qeyb geli doona:-

1- Maxamed Cabdilaahi Cumar Wasiirka Arrimaha dibadda Guddoomiye.

2- Baashe Maxamed Faarax Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda.

3- Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha xisbiga UCID.

4- Xirsi Cali Xaaji Xasan Wasiirka Madaxtooyadda.

5- Maxamuud Axmed Barre (Garaad) Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda.

 

Jamhuuriyadda Somaliland sidii maqal dabayl raacday dib isuma dadbi karto, go’aankii shacbiga ee ay qaadatayna waa mid aan ka noqosho lahayn oo dalqad qaran ayaa ka taal. Mid kaliya ayaanu diyaar u nahay oo iskugu iman karnaa: waa sidii aynu iskugu ducayn lahayn, samaha iyo mustaqbalkana uga wada hadli lahayn ee aynu walaalo is garabsada u noqon lahayn. Idinkuna (Soomaaliya) hiyigiina iyo hadal hayntiina wax kale oo dhanba ka saara. Waynaada oo noqda walaalihii jira. Cadowgeen ma siraato, sidaana waanu ku ducaynay.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

WARBIXINTII SIILAAYO OO SOOMAALIDIIDKU ISI SIIYEEN

IT BOWLS DOWN TO: GAAL CAD OO INGIRIISKA AYAA MIDNIMADA SOOMAALIYA DABA KA RIIXAYA, CAJIIB

 

Siilaanyo oo badka soo dhigay Ajeendaha shirka London iyo dalkay Sheikh Shariif ku kumi doonaan

Written by Qaran news

Jun 13, 2012 at 05:20 PM

Madaxweynahu waxa uu Rayaale,Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe u soo dhigay miiska kulankaasi oo ayna ka madhnayn midnimo Somaliweyn.

 

Hargysa,(Qaran news)-Kulan heerkiisu sareeyo oo maanta ka dhacay qasriga madaxtooyada Somaliland ayey mar labaad isa soo hor fadhiisteen gudoomiyayaayasha sadexda xisbi qaran ee Udub Daahir Rayaale Kaahin,Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Ucid Faysal Cali Waraabe,kulankani wuxuu ahaa mid aad uga duwan kii ay xalay ku qaateen madaxtooyada sadexda hogaamiye xisbi qaran Iyo Madaxweyne Siilaanyo oo ay dhankiisa ku wehelinayeen wasiirada arimaha debeda Maxamed Cabdilahi Cumar iyo wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan oo u badnaa warbixino ay soo jeedinayeen labada wasiir kagana waramayeen shirar iyo safaro ay ku tageen Nairobi iyo Istanbuul iyo waxyaabihii ay kala soo kulmeen madaxdii dalalkaa ee ay la kulmeen balse kulankan maanta wuu ka duwanaa kaa hore oo wuxuu ahaa mid xasaasiya oo laga hadlay laba arimood oo kala ah maxaan somaliya wadaagi karnaa ee ku heshiinaa iyo midnimada maxaynu ku bedelanaa!

 

Kulankan maanta ayuu madaxweyne Siilaanyo sadexda hogaamiye xisbi hortooda si saraxaad ah oo aan gabasho lahayn u soo hordhigay Ajeende u diyaarsanaa oo uu sarbeebay in dawlada ingiriiskuna la ogtahay oo ku saabsan wixii ku-talo-gal ah ee uga meel yaal wadahadalo dhexmara Somaliya iyo Somaliland iyo natiijada laga fili karo inay ka soo baxaan kulamadooda taas oo aan midnimada Somaliweyna ka madhnayn.

 

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu si dhiiranaani ku jirto u soo bandhigay,ulana socodsiiyey sadexda gudoomiye xisbi inuu dhawaan diri doono wefti ka kooban shan wasiir oo tegi doona magaalada London, wadahadalo gogol xaadhana la yeelan doona dhigooda ama wefti ka kooban shan xubnood oo ka iman doona xukumada Sheikh Shariif,wuxuu kaloo wax ka taataabtey Ajeendayaasha kulankooda inkastuu gogolxaadh ku soo koobay,Tu kale wuxuu Madaxweyne Siilaanyo daaha ka feyday in arintan wadahadalada u dhexeeya xukumada Somaliya iyo xukumada Somaliland ay dabada ka riixayso dawlada Ingiriiska oo doonaysa inuu kulankaasi degdeg u qabsoomo,layskuna af-garto, natiijo wax ku ool ahina ka soo baxdo.

 

Sidoo kale wuxuu M.Siilaanyo intaas raaciyey in dawlada Ingiriisku dhex joogi doonto labada dhinac oo wixii farqi ah ama qodobada laysla fahmi waayo isu soo jiidjiidi doonto,wuxuu kaloo hadalkiisa ku daray inuu filaayo in shirkaas gogol xaadhka ahi natiijo wanaagsan dhalo, islamarkaana ka soo baxaan Ajeendayaal hordhac ah oo lagu lafu guri doono shirka London shir ka danbeeya oo la filaayo inuu ku qabsoomo dal carbeed.

 

Waxaa xusid mudan intii M.Siilaanyo warbixintiisa waday inuu dhawr jeer carabka ku balaadhiyey in qadiyadan ama arintan wadahadalo dhexmara xukumada Somaliya iyo Somaliland dawlada Ingiriisku aad u danaynayso oo iyadu kulankaba gadhwadeen ka tahay, ku darsoo wuxuu Siilaanyo dulka xaadiyey in madaxda Ingiriisku u sheegeen in Ingiriisku danaynaayo, kana go'an tahay midnimada Somaliweyn taas oo hakad yar gelisay habsami u socodka warbixintii Siilaanyo markii mid ka mid ah sadexda hogaamiye xisbi qaran weedh diidmo ahi ka soo fakatey balse Siilanyo uma joojin ee warbixintiisuu halkii ka sii waday.

 

M.Siilaanyo wuxuu kaloo u soo bandhigay sadexda hogaamiye xisbi qaran in shirkan mid daba socda laysagu iman doono ama ku qabsoomi doono wadan carbeed oo aanu sheegin balse uu ka maagey inuu waqtigan xaadirka ah kashifo balse wuxuu ku tiraabay "Carab baa dhexdhexaadin wada waad garanaysaan waxa miiska yaalaa waa midnimo Somaliweyn".Kulankan uu Siilaanyo sheegay inuu wadan Carbeed ka dhici doona ayaa wuxuu cadeeyay inay ku kulmi doonaan isaga iyo Sheikh Shariif,kulankaana lagu lafo guri doono midnimada Somaliweyn iyo wixii Somaliland iyo Somaliya isku raaci lahaayeen.

 

Dhinac kale wuxuu Siilaanyo ugu bushaareeyay sadexda hogaamiye xisbi inay weftigiisa ka mid noqon doonaan shirka labaad oo uu sheegay in lagu qaban doono wadan Carbeed oo isaga iyo Sheikh Shariif laysa soo hor fadhiisin doono islamarkaana talo ku yeelan doonaan halka masiirka Somaliland lagu tiirin doono iyo waxay midnimada ku bedelan lahaayeen.

 

M.Siilaanyo wuxuu ka codsadey sadexda hogaamiye xisbi inay taageerayaashooda ku qanciyaan inay taageeraan shirka dhawaan ka dhici doona London oo dhexmari doona wefti ka socda xukumada Siilaanyo iyo xukumada Sheikh Shariif dawlada Ingiriiskuna dhex joogi doonto ,sidoo kale wuxuu Siilaanyo ka codsadey inay taageeraan natiijada shirka iyo weliba Ajeendayaasha shirka kan ku xigi doona ee isaga iyo Sheikh Shariif isa soo hor fadhiisan doonaan oo iyagana ugu balanqaadey inuu ka qeyb gelin doono.

 

 

Isku soo wada duuboo intii M.Siilaanyo warbixinta siinaayey gudoomiyayaasha sadexda xisbi qaran waxaa carabkiisa ku badnaa weedho odhanaaya ama la macno ah dawlada Ingiriiska ayaa dabada ka riixaysa wadahalada Somaliya Iyo Somaliland,wuxuu kaloo maldahay in dawlada ingiriisku doonayso midnimada Somaliweyn,wuxuuna intaas ku daray in dawlada Ingiriisku ku dirqiyeyso inay tanaasulaad badan sameeyaan si midnimadu Somaliweyn u meelmarto,shirkuna u midha .dhalo

Arintani kama farxin doonto shicibka Somaliland waxana ay abuuri doontaa xasilooni daro iyo dhiig ku daata hadii midnimo Somaliweyn la keeno oo ay xukumadda Siilaanyo ay dadka iyo dastuurka ay afduubto, go'aanka Somaliland gooni isu taagiisa ayaa ah mid lama taabtaan ah waxana ay arintani u taalaa shicibka iyo xisbiyada mucaaridka.

 

Qarannews

Hargeysa

 

Last Updated ( Jun 13, 2012 at 05:52 PM )

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda oo magacawday Shanta xubnood ee uga qayb gali doona wadahadalada Ingiriiska iyo Wasiir Boobe oo ku adkaystay gooni isutaaga Somaliland

 

Hargeysa(Waaheen) xukuumadda Somaliland ayaa magacawday shan xubnood oo uga qayb gali doona wadahadaladaHordhaca ah ee21 bishan ka qabsoomaya dalka Ingiriiska ee dhex mari doona Somaliland iyo Somaliya.

Xubnaha la magacaabay waxay kala yihiin Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi X Cali Xasan, Wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed C/laahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Bulshada Maxamud Axmed Barre Garaad iyo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladda Somaliland.

Boobe Yuusuf Ducaale Wasiirka Wasaaradda WarfaafintaSomaliland ayaa wadahadalada Somaliya iyo Somaliland ku tilmaamay midf dhjinaca Somaliland ay ku doonayso madax banaani, isagoo ku adkaystay inaanay gor-gortan galayn jiritaankeedu.

Boobe waxa uu sheegay wadahadaladu inay socon doonaan muddo dheer isla markaana ka ingiriisku noqon doono bilow, cida ay wax ka dhaxeeyaan ee wadahadlaysaana waxa uu sheegay inay yihiin Somaliland iyo Somaliya isagoo xusay Iskudarkii labada Dawladood inay Somaliland xageeda ka timi oo ay doonaysay shan Somaliyeed markii ay suurtogali weydayna ay dib ulanoqotay madax banaanideedii.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa waxa dadka lagu khaldo oo caruurta iyo caqligaabka loogu sheekeeyo. shan Soomaaliyeed marka ay timaado baa soo laabaneyaan.. Asaaskii Jamhuuriyadda Soomaaliya ku xirneyn in haddii la waayo shanta Soomaaliyeed la kala tago ee ballanto waxa ay ahyd in ilaa abid ka abid ka bid ka bid la doondoonno sidii Soomaali layskugu keeni lahaa...

Share this post


Link to post
Share on other sites

GaadhHaye;841872 wrote:
Waa waxa dadka lagu khaldo oo caruurta iyo caqligaabka loogu sheekeeyo. shan Soomaaliyeed marka ay timaado baa soo laabaneyaan.. Asaaskii Jamhuuriyadda Soomaaliya ku xirneyn in haddii la waayo shanta Soomaaliyeed la kala tago ee ballanto waxa ay ahyd in ilaa abid ka abid ka bid ka bid la doondoonno sidii Soomaali layskugu keeni lahaa...

Dee dhibaatada hada jirta waxa weye dawladan kumeel gaadhkan Somalia shan Somaliya ma raadiso waxay si cad u aqoonsantahay xuduuda raskambooni iyo NFD u dhexeysa the Italian anglo border with Kenya. Waxay si cad u tageersantahay xuduuda Italian Abyssinian border xuduuda U dhexeysa Somalia iyo Ethiopia. Marka dee iyadi baba ka tanasushay shanti Somaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali iyo maangaabnaantooda.

 

Sida loo fariisto muhiim maaha, in la wada HADLO ayyaa muhiim ah.

 

There is a reason why our good Oodweyne is no longer on this forum :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xiinfaniin, Faroole wuxu yiri la lama hadli karo Somaliland, hadaan Puntland ku jirin. Ma weydiisay wuxu ugu jeeday marka u tagtay odayga. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Xaaji Xunjuf;841887 wrote:
^^ Carafaat dadka cidlada lagaga tagay maxaad kala sheekeysanaysa?

The most ironic statement to date.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland: Government sets its agenda for Somalia Talks

 

Thursday, 14 June 2012 18:10

Hon Boobe asked TFG PM to stop reunification dreams"As of today and henceforth the gap between Somaliland and Somalia is like the sky and earth thus no ground for neither unification nor discussions of re-unification" Hon Boobe ,Information Minister

 

HARGEISA (Somalilandsun) – The TFG prime minister has been informed that re-unification with Somalia was an untenable dream.

This was said by the minister of information Hon Abdirahman Yusuf Duale "Boobe" during a press briefing in his office in Hargeisa where he stressed on the irrevocable sovereignty of Somaliland.

The information minister who also doubles as the official government spokesperson told TFG prime minister Abdiweli Mohamed Ali Gaas, to desist from continued insinuations that the main agenda of the proposed talks with Somalia was reconciliation as a prelude to re-unification of the two states.

"I presume that the TFG prime minister is among the post-unification generation thus imperative for me to inform him that the Sovereignty of Somaliland is irrevocable" said Hon Boobe.

The government spokesperson also revealed that the 5 member talks technical committee has been reconstituted thus the inclusion of an opposition political party leader as well as members of parliament. The early committee appointed by president Silanyo in March, also composed of 5 members who were all from the council of ministers.

The full government statement read as follows:

Press Release 14th June 14, 2012

Ref: www/WS/3/2012

In the course of one week, the prime minister of the Transitional Federal Government-TFG, Abdiweli Mohamed Ali Gaas has dwelt on the proposed talks between Somaliland and Somalia, with frequent insinuations that the foundation of the talks is reunification of the two countries.

I presume that the TFG prime minister is among the post-unification generation thus imperative for me to inform him that the Sovereignty of Somaliland is irrevocable.

If his fixation is unification as it prevailed in the 60's when all Somalis were eager for a greater Somalia composed of the five Somali speaking regions (British Somaliland, French Somaliland, Italian Somaliland, NFD in Kenya and Somali Ethiopia), be informed that this are the 2000's when the dream for a greater Somalia is dead.

Nobody can be forced into reunification or any union, and as it pertains to Somaliland it is not worthy of mention it for Somalilanders decision is final, since the current generation of Somalilanders is not interested in unification as their forefathers were in the 60's.

After it's withdrawn from its fateful union, Somaliland has been a sovereign nation for 21 years with all the necessary trappings of a state. Further This union of the 60's would not have occurred without Somalilanders who were then mindful of the welfare of all Somali speakers, pushing and shoving thus forcing the Italian Somalia to unite.

As of today and henceforth the gap between Somaliland and Somalia is like the sky and earth thus no ground for neither unification nor discussions of re-unification.

As pertains to the 6th article of the London conference and after major consultations in Somaliland between the government, parliament, intellectuals, political parties, civil societies, Diaspora, Traditional and religious leaders and ordinary citizens it was agreed that the nation enter into talks with Somalia.

The nation agreed that Since unification went with the wind this un-returnable and Because Somalilanders are not prepared to lose their independence again as they did in the 1960's as well as in respect to their unanimous decision for self-rule which is irrevocable, the government of Somaliland hereby informs that the only agenda of the proposed talks will be

I. To bless each other for a prosperous nationhood

II. To establish brotherly relations of two neighbouring countries and

III. To discuss future cooperation as two sovereign countries.

To this effect, the government of Somaliland has appointed a technical committee with the mandate to prepare and lay down the guidelines for the talks with Somalia.

The talk's technical committee is composed of:

1. Dr Mohamed Abdilahi Omar Foreign Minister – Committee chair

2. Hon Bashe Mohamed Farah- 1st Deputy speaker of parliament (House of representative)

3. Hon Feisal Ali Warabe - Chairman of UCID Political party (Opposition)

4. Hon Hirsi H Ali Hasan – Presidency minister

5. Hon Mahmoud Ahmed Barre (Garaad) – Minister of Labour & Social Affairs

Therefore, we ask our Somali brothers to stop thinking and talking about any other agenda that is opposite what Somalilanders have decided and made clear to all.

We also urge you, to embrace neighbourly brotherhood thus prosperity of our people and the demise of our enemies.

Abdirahman Yusuf Duale "Boobe"

Minister of Information and Official Government spokesperson

Share this post


Link to post
Share on other sites

GUDOOMIYAHA XISBIGA UCID OO CAYNABANEWS UGA WARAMAY ARAGTIDIISA GUDDIGA WADA HADALKA EE LAGU DARAY

 

Thursday June 14, 2012

 

Hargeysa (CNN) Gudoomiyaha xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID Eng Faysal Cali Xuseen (Cali Waraabe) oo goor dhawayd shabakada caalamiga ah ee Caynabanews ugu waramaayey khadka Telephone ayaa ka hadlay aragtiidiisa xubnaha lagu daray ee wada hadalka Somaliland iyo Somalia

Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu hambalyeeyey madaxweynaha Somaliland, isaga oo ku bogaadiyey sida uu u gartay in talada qaranka mucaarida iyo muxaafid la wada leeyahay, isla markaana aan la isku xinin oo kaliya waa mucaarid iyo waa muxaafid.

 

Geesta kale waxaanu wax ka waydiinay gudoomiyaha siyaasada arrimaha dibada Somaliland ee wakhti xaadirkan. Ugu horayn isaga oo ka hadlay aragtiida guddiga wada hadalka ee lagu daray waxa uu yidhi:

 

“waa guddi Somaliland oo si fiican isugu dheeli tirsan xagii beelaha, muxaafid iyo mucaaridna isugu jirta. Ana saddexda xisbi qaran ayaan ka soo jeedaa, waanan ku hambalyeynaa madaxweynaha Somaliland inuu gartay in arrinta la wada leeyahay, sidii shirkii London oo kale. Qadiyada Somaliland marka laga hadlaayo waa qadiyad guud oo la wada leeyahay, waana wax loo siman yahay”

 

Sidoo kale Md Faysal Cali Waraabe waxanu waydiinay waxyaabaha la filaayo in laga wada hadlo iyo shaqsiyan arragtiidiisa wada wadalka, waxaanu noogu jawaabay:

 

“Horta ilaahaybaa oga wixii ka soo bixi doona. Waxaanu rajaynayaa in ilaahay dadka caqli siiyo, waxaanu rabnaa wax cadaalada oo wax duudsiya kama hadlayno, cidna wax kama sidano, cidna wax kamaanu xumayn, waxa kaliya ee aanu isku haynaa waxa weeyaan adeer anaaga gurigayga ka talinayna iyo mayee gurigaaga ka talin maysid. Anaagaa ubaadkayga ayaahooda ka talinayna iyo ka talin maysid”

 

Ugu danbayntii waxaanu gudoomiyaha xisbiga Ucid wax ka waydiinay sida uu arko siyaasada arrimaha dibada ee wakhtigan, waxaanu yidhi:

 

“Tan (Xukumada) imika iyo tu kaleba waxaan jeclahay in siyaadda arrimaha dibada laga dhigo mid balaadhan oo qorshe (Strategy) leh oo aan noqon mid gacan shisheeye ku timaada oo aan kolba wax laynagu soo tuurin. Waxaana ku talinayaa inay siyaasada arrimaha dibadu noqoto mid leh roadmap”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.