Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

Wareegto xilka looga qaaday Wasiirkii Beeraha

Recommended Posts

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Beeraha,Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa.

 

Wareegtadan oo Lambarkeedu ahaa 086 kuna taariikheysneyd 28/03/2012 cinwaankeeduna ahaa Xil Ka Qaadis Wasiir ayaa lagu yiri:-

 

Markuu arkay:- Qodobka 44aad,xubintiisa 3aad ee Axdiga kumeel gaarka ah.

 

Markuu arkay:- Qodobka 2aad sharci lam.14 ee 3di juun 1962kii iyo wax ka baddalkii ka danbeeyey ee Nidaamka Dowladda (Ordinamento del Governo).

 

Markuu tixgeliyey:- Soo jeedintii Ra’isulwasaaraha, Sumad XRW/412/03/2012 kuna taariikheysan 20ka Maarso 2012ka oo ku saabsan xil gudasho la’aanta Wasiirka Wasaaradda Beeraha,Xannaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa

 

Asagoo Aqoonsaday:- in ay waajib tahay in shaqada Qaran loo guto si hufnaan,Amaano iyo karti ku dheehanyihiin.

 

Wuxuu Soo Saarayaa Xeerkan:-

 

Qodobka 1aad

 

Waxaa xilkii Wasiirnimo ee uu hayey laga qaaday: Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Beeraha,Xannaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa.

 

Qodobka 2aad

 

Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa isla marka uu saxiixo Madaxweynaha, waxaana lagu soo saarayaa faafinta Rasmiga ah ee Dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirkaan waxaa laga badalay xilkii Wasaarada Arimaha Dibadda, haddana waxaa laga qaaday xilkii Wasaarada Beeraha. Wuxuu hadda ka hor si qaldan kusoo saaray wareegto aqoonsigi loogala laabanay Maamulka Goboleedka Khaatumo.

 

Lama oga sababaha keenay in xilka laga qaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this