Sign in to follow this  
Saalax

Madaxweynaha Galmudug oo ka soo horjeestay in Garoonka Gaalkacyo Loogu Magacdaro Cabdulaahi Yuusuf

Recommended Posts

Saalax   

Madaxweynaha Galmudug oo Diiday in Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo Loogu Magacdaro Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed Eedna Dusha Uga Tuuray Madaxweyne shariif.

 

 

(Hadhwanaagnews) Monday, March 26, 2012

Gaalkacyo(HWN)madaxweynaha Maamul Goboleedka galmudug maxamed axmed caalin ayaa maanta ka soo horjeestay

 

Gaalkacyo(HWN)madaxweynaha Maamul Goboleedka galmudug maxamed axmed caalin ayaa maanta ka soo horjeestay in garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo Loogu magacdaro Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cornel cabdulaahi yuusuf axmed Ee Geeriyoday.

 

Waxaa uu sheegay Caalin in Maamulkiisa iyo kan Puntland uu usocday wada hadal ku aadan awood qeybsiga garoonka Magaalada Gaalkacyo uuna yahay mid udhaxeeya labada maamul ee ka dhisan Magaalada Gaalkacyo.

 

sheekh shariif waxaa uu wadaa isku dirka beelaha wada daga Koonfurta iyo waqooyiga Magalada gaalkacyo garoon aan cidna gooni ulahayn ayuu doonayaa in uu siiyo puntland waana qalad in garoonka loogu magac daro cabdulaahi yuusuf oo ka soo jeeda deegaanada puntland maadaama garoonka uu puntalnad kala dhaxeeyo maamulkiisa.

 

Madaxweynaha maamul goboleedka galmudug ayaa ku maqnaa Magaalada Nairobi maalinkii allaah unaxariistee Magaalada Gaalkacyo lagu aasayay madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf axmed iyo markii garoonka loogu magac darayayba.

 

Geesta kale waxaa uu Caalin ka hadlay hadal maanta ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya shariif sheekh axmed ee ahaa in la isku dhex faro koonfurta iyo waqooyiga Gaalkacyo oo mudooyinkii ugu dambeysay aheyd mid labada maamul aysan isku gudbi karin.

 

shariif waxaa uu ka shaqeynaya wax yaabo aan shaqadiisa aheyn loomana baahno in la isku furo labada dhinac ee ukala qeybsan koonfurta iyo waqooyiga gaalkacyo madaxweyne shariifna waxaan leeyahay faraha kala baxa wayaabaha ka dhaxeyo Puntland iyo galmudug.

 

Si kastaba ha ahaatee maalin ka hor ayay aheyd markii Magaalada Gaalkacyo lagu aasay allaah unaxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya cabdulaahi yuusuf isla markaana madaxweyne shariif uu garoonka ugu magac daray marxuum cabdulaahi Yuusuf axmed.

 

Xasan maxed ismaaciil

 

Hadhwanaagnews/office Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Agree with galmudug president, Shariif his out his mind sometimes. He goes to

different regions and says something to start attention. Shariif has stop this

madness. He could have said name abdulaahi yusuf airports in bosaso or garowe.

his politics sometimes lacks intelligent thinking.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

b-boy;809727 wrote:
Galmudug is looking for war!

They are looking to be humiliated not war, it has been named Abdullahi Yusuf International Airport :D

 

Our airport, our business.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indeed wuu is ceebaynayaa.

 

The TFG president has named this, also Puntland controls the airport and will keep the name and label it. What can he do about it? Is he going to attack? let him go for it, let's see if words can stop this from happening it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Shiriif oo ku baaqay in Gaalkacayo laysu furo iyo Caalim oo kasoo horjeestey in Garoonka Cabdilaahi Yuusuf logu magac daro

 

 

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo xiligan ku sugan koonfurta magaalada Gaalkacayo dhinaca uu ka arimiyo maamulka Gal-mudug ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la helo isdhexgal buuxa oo ay sameeyaan shacabka maamulada Puntland iyo Gal-mudug.

 

Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay madaxda labada maamul inay xil iska saaraan sidii la isugu furi lahaa labada dhinac arintaas oo uu ku tilmaamay inay tahay mid muhiim ah taas oo loo baahnaa inay timaado mar hore.

 

Mudane Shiriif iyo wefdigiisa oo shalay magaalada Gaalkacayo gaarey si ay uga qayb qaataan aaskii qaran ee loo sameeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa maanta ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen saxiixeyaashii heshiiska Road map-ka.

 

Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa kasoo horjeestey go’aankii garoonka magaalada Gaalkacayo loogu magac daray madaxweynihii hore ee Soomaaliya AHN Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

 

Wuxuuna sheegay in arintaasi aysan ahayn mid sharci ah madaama aan lagala tashan maamulkiisa isagoo tilmaamay in madaxweyne Shiriif uusan arintaas u madax banaaneyn waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Si kastaba ha ahaatee hadalka soo yeeray Gal-mudug ayaa kusoo beegmaya xilli shalay magaalada Gaalkacacyo aas qaran loogu sameeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyadoo madaxda Puntaland iyo DKG ay isku raaceen aaskaas kadib in garoonka Gaalkacayo AHN Cabdilaahi Yuusuf Axmed loogu magic daro.

 

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

I can understand that the people of galmudug don't consider the late Abdilahi Yusuf AUN a hero and since the airport is located in their part of the city they have a say what its going to be called.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

The airport is part of Puntland and they should be grateful to even be in the city since he was the one who brought them back.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

b-boy;809779 wrote:
What's wrong with these people always claiming other peoples properties from xamar to Galkayo?

Soon they'll be claiming you. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Galkacyo airport is national property and both regional states pl and galmudug use the airport and the galmudug admin have a say when it comes to naming the airport after some one. I think the TFG parliament should vote for a name and approve it whether to name it after Abdilahi Yusuf or some else or just leave it how it is.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this