Sign in to follow this  
Liibaan

WarDegDegAh: PM AbdiweliGaas Ayaa Qalinka KuDuugay Aqoonsiga MamulGoboleedka KhatumoState Of Somalia

Recommended Posts

Liibaan   

Xafladii_Magacaabista_Cabdiwali_Raisalwa

 

 

RealTaleex.com

 

War Deg-Deg Ah: Raysulwasaaraha Somaliya Abdiweli Gas Ayaa Qalinka Ku Duugay Aqoonsiga Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia

 

 

March 22, 2012 Mo-Hashi Production

 

http://www.realtaleex.com/2012/03/22/war-deg-deg-ah-raysulwasaaraha-somaliya-abdiweli-gas-ayaa-qalinka-ku-duugay-aqoonsiga-maamul-goboleedka-khaatumo-state-of-somali/

 

 

 

Wefti Ballaadhan oo uu hogaaminayay Madaxweyne Abdinur Elmi Qaaje(Biindhe) oo ka tirsan Golaha Madaxtooyada Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia, Ayaa muddooyinkanba ku sugnaa Caasimada Somalia ee Muqdisho, halkaasoo ay kulamo kula yeelanayeen Madaxda kala duwan ee TFG iyo Barlamaanka, si ay uga dhaadhiciyaan qadiyada khaatumo State, ugana helaan taageerada ku aaddan degaanada Khaatumo State Of Somalia ee caalamku soo mariyo dowlada federaalka iyo sidii loo soo wareejin lahaa ta ay leexsadan labada maamul ee ka xiga labada dhinac.

 

Dhanka kale waxaa iyana kulamo gaar gaara ah iyo taageero u fidinayay Maamulka Khaatumo State Dhamaan Beelaha soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaala madaxda Somaliya ee Muqdhisho iyadoo ay la kulmeen odoyaasha Dhaqanka iyo iyo siyaasiin kala duwan oo ka soo kala jeeda Beelaha Somaliyeed.

 

Heshiiskan ayaa ahaa mid ay Madaxda labada Dhinac kala sexeexdeen heshiis rasmi ah oo dhex mara Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia Iyo Dowlada Federaalka Somalia ee TFG.waxaana la filayaa Maalinta Sabtidda Labada Dhinac si wada jir ah warbaahinta Ula Hadlaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

de-deg2.jpg

 

 

 

KhaatumoOnline.com

 

http://www.khaatumo.com/?p=26062

 

War Deg Deg Ah – Xukuumadda Raysul Wasaare Abdiweli Gas Iyo Dowlada MaamulGobaleedka Khaatumo State Of Somalia oo Heshiish Rasmi Ah Kala Saxeexday

 

 

Khaatumo Online

 

 

 

Xukuumadda Soomaaliya iyo Dawlad Gobaleedka Khaatumo ayaa galabta kala saxeexday heshiis rasmi ah ka dib kulan saacado qaatay oo ka dhacay xafiiska R/waasaraha Soomaaliya kaas oo ay ka soo qayb galeen Raxan Wasiiradda Xukuumadda Gaas ah iyo waftida Khaatumo ee ku sugan Muqdisho

 

ma jiro Warar faahfaahsan oo ilaa hadda ka soo baxay labadda dhinac balse Ilo Wareedyo Muhiim ah ayaa Allssc u xaqiijiyey in Sabtida kulan saxaafadeed ay wada qabanayaan R/wasaare Gaas iyo Madaxweyne Cabdinuur Cilmi Qaaje ( Biindhe) kaas oo ay ku faahfaahinayaan Heshiiskan ay wada gaadheen

 

Todobaadkan ayaa waxa socday Kulamo wada shaqayn ah oo Wasaaradaha DFKM iyo Wasiiradda Khaatumo ee ku sugan Muqdisho ay wada yeelanayeen kuwaas oo looga hadlayey habkii iyo hanankii shaqo ee ay wada yeelan lahaayeen, waxa jirta kulamo kale oo waftida Khaatumo la qaateen bulshadda Muqdisho

 

Khaatumo Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

aad ayaan ugu faraxsanahay in uu R/wasaaraha Abdiwali gartay shaqadiisu inay tahay danta somaliyeed eena aheen dantiisa shakhsiga ah. Mashallah.

 

Khaatumo State horumar ayaan u rajaynaya iyo guul

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kilwe   

Mr Aweli waxaa lagu kiciyey oo runtii gilgilay Xildhibaanada iyo umadda uu magacooda ku fadhiyo meesha. Haddii uusan wadashaqaynta saxeexi lahaynna Qiyaamihiisa ayaa kici lahaa. Meesha kumuusan tegin aqoon iyo karti uu dadka dheeryahay, Kumuusan tegin dhaqaale iyo cudud ciidan toonna ee meesha magac beeleed ayuu ku joogaa inkastoo howshiisu tahay mid qaran hadana wuu ku khasban yahay inuu cadaalad sameeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Xaaji Xunjuf;808061 wrote:
Liibaan i thought wasiirka beeraha from baydhabo already recognized khaatuumo aqoosniga khaatumo badana

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Ka leexo yuusan ku marin gaariga Khaatumo...lol....Haddii la idinka farxiyey oo la idin taageeray idinkuna shaqadiinna qabsada oo Khaatumo keliya haku dikrinina ee danta Soomaali wax ka qabta.

 

Xaaji Xunjuf;808061 wrote:
Liibaan i thought wasiirka beeraha from baydhabo already recognized khaatuumo aqoosniga khaatumo badana

Warkii wasiirka dhaaf ee kan ra'iisal-wasaaraha la qabso: haddii sheekadu jirto. Adiguba meeqa sano ayaad lahayd maantaa la i ictiraafay...Meeqa jeerbaa la is ictiraafaa horta?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Abwaan;808272 wrote:
Ka leexo yuusan ku marin gaariga Khaatumo...lol....Haddii la idinka farxiyey oo la idin taageeray idinkuna shaqadiinna qabsada oo Khaatumo keliya haku dikrinina ee danta Soomaali wax ka qabta.

Walaal Abwaan, Waan kugu raacsanahay 100%, Waa in danta guud ee Qaranka Soomaaliyeed iyo midnimada ummada Soomaaliyeed wax kasta laga hormariyaa. Khaatumo State waa Xudunta Midnimada Dalkeena Soomaaliya, waana Xuruntii halgankii Somaliweyn wakhtigii Isticmaarka.

 

Shacabka Soomaaliyeed ee Deegaanada Khaatumo si weyn ayee u taageersanyihiin Qaranka Iyo Dowlada Dhexe ee Somalia ee uu Hogaaminayo MadaxWeyn Shaikh Shariif Sheikh Ahmed.

 

 

loool @ Ka leexo yuusan ku marin gaariga Khaatumo State

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

breaking-news7.gif

 

War Culus- Raysal Wasaaraha Soomaaliya CabdiWali Gaas Oo Saxeexay Wada Shaqaynta Dowlada Dhexe ee Federaalka Soomaaliya Iyo Dowlada Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia

 

Horufadhi.com

 

Raysal wasaaaraha dalka Soomaaliya cabdi weli maxamed Cali gaas ayaa goor dhawayd si rasmi ah usaxeexay wadashaqayn buuxda oo ay yeeshaan Dalwada Dalka Soomaaliya iyo maamulka Khaatumo State iyadoo dhawaan uu aqoonsiga maamulkan qalinka ku duugay madaxwaynaha dalka Soomaaliya.

 

Magaalada Muqdhisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa kugan wafdi balaadhan oo uu hogaaminyo C/nuu Cilmi Qaaje biindhe oo kamida golaha madaxtooyada Maamulka Khaatumo State waxayna maal mahanba kulamo gaar gaar ah layeelanayeen Madaxda Sare ee dawlada KMG iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshawaynta soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.

 

Wafdiga culus ee kasocda maamul Goboleedka soomaaliyeed ee Khaatumo State ayaa waxay Raysalwasaaraha Kala saxeedeen Arimo dhowr ah waxaana Raysalwasaare cabdi weli uu si buuxda ugu nuux nuuxsaday in dawladu la shaqaynayso Maamulka Khaatumo State.

 

Wada shaqaynta buuxda ee Dawladu maanta ku dhawaaqday ayaa waxay kusoo beeg maysaa xili maamulada Hareeruhu ay u hanqaltaaagayeen in aqoonsigii hore loosiiyey maamulka Khaatumo dibloogala laabto.

 

Goor dhow waxaan idiin soo gudbindoonaa Heshiiskaas maanta oo qoraal ah iyo habka uu uqoran yahay

 

Isha ku hay Horufadhi.com

 

_________________________________

 

 

dd1.jpg

 

 

War DegDeg: Xukuumadda CabdiWali Gaas Iyo Dowlada Goboleedka Khaatumo State oo Heshiish Rasmi Ah Kala Saxeexday

 

Nugaal Media

 

 

 

 

 

 

Xukuumadda Soomaaliya iyo Dawlad Gobaleedka Khaatumo ayaa galabta kala saxeexday heshiis rasmi ah ka dib kulan saacado qaatay oo ka dhacay xafiiska R/waasaraha Soomaaliya kaas oo ay ka soo qayb galeen Raxan Wasiiradda Xukuumadda Gaas ah iyo waftida Khaatumo ee ku sugan Muqdisho

 

ma jiro Warar faahfaahsan oo ilaa hadda ka soo baxay labadda dhinac balse Ilo Wareedyo Muhiim ah ayaa nugaal media u xaqiijiyey waxii waree kasoo kordha kala soco nugaalmedia.com

 

NugaalMedia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this