Sign in to follow this  
Maaddeey

Second night, The Villa Somalia shelled!.

Recommended Posts

Maaddeey   

Madaafiic xalay mar kale lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada

 

Madaafiic ayaa xalay mar kale lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo madaafiic tiro ah ay ku dhaceen xaafado ku dhow dhow Madaxtooyada.

 

Madaafiicdan Hoobiyeyaasha oo gaareysay ilaa tobaneeyo ayaa labo ka mid ku soo dhacday Gudaha Madaxtooyada.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid ah madaafiicda ku dhacay Aqalka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Aqalka Madaxweynaha ka degan yihiin Madaxtooyada.

 

Lama oga qasaaraha ay geysteen duqemihii xalay, hase ahaatee duqeyntii habeen hore ayaa waxaa ku dhintay ilaa lix ruux.

 

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkii xalay, lama oga halka xalay laga soo tuuray Madaafiicda.

 

Ha yeeshee Madaafiicdii habeen hore ayaa laga soo ganay Xaafada Xamar jadiid, halkaasoo shalay Ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen.

 

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii xalay madaafiicda ay ku dileen Saraakiil ka tirsan AMISOM iyo kuwa Dowladda, ma jirto faah faahin kale ay bixiyeen, iyadoo warkaas laga sii daayay Idaacada afka Shabaab ku hadasha.

 

Waa habeenkii labaad oo dadka Muqdisho ay maqlaan madaafiic lagu soo tuuro Xaafadaha ku dhow dhow Madaxtooyada, waana is weydiinteeda leh in xilligan oo dowladda gacanta ku heyso Magaalada oo dhan in madaafiic lagu garaaco Xaruntii Madaxtooyada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Madaafiic Mar kale Xalay lagu Duqeeyay Madaxtooyada Somalia iyo Iskahorimaadyo ka dhacay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Dharkeynley

 

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa mar kale xalay ku weeraray madaafiic xarunta madaxatooyada Soomaaliya, sidoo kale xoogag Al-shabaab ay xalay weerarro ku qaaday degmooyinka Yaaqshiid iyo Dharkeynley.

 

Madaafiicda lagu weeraray madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay qaarkood ku dhaceen gudaha xarunta lamana oga khasaaraha ay geysteen, iyadoo ay noqonayso habeenkii labaad oo madaafiic lagu weeraro Villa Somalia.

 

Weerarkan madaafiicda ah ayaa waxaa mas'uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab oo horay u shaacisay inay ka dagaalamayso gudaha Muqdisho. Iyadoo madaafiicda midkood la sheegay inuu ku dhacay xarun ay daggan yihiin ciidamada nabadsugidda oo ku dhow madaxtooyada.

 

Sidoo kale, saddex qof oo dhinacyadii hardamay ka mid ah ayaa ku dhintay weerar ay xalay Al-shabaab ku qaadeen saldhigga iyo kuga guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muxyadiin Xasan Jurrus.

 

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa xaqiijiyay weerarka, isagoo sheegay inay ku dileen laba ka mid ah dagaalyahannadii Al-shabaab, dhankoodana uu soo gaaray dhaawaca hal askari oo kaliya.

 

Dhanka kale, lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku uu xalay ahaa mid aad u culus, rasaas badanna ay ku soo daadatay xaafadahooda.

 

Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa iyaguna sheegay in weeraradaas ku dileen askar badan oo ka tirsan kuwa dowladda, waxaana weerarradan ay imaanayaan iyadoo dowladda KMG ah ay shaacisay inay gacanta ku hayso Muqdisho oo dhan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

12 Madfac oo Madaxtooyada Shariif lala dhacay iyo Bakhaarro Hub oo gubtay.

 

Tuesday, 20 March 2012 07:27

Editor

Hits: 232

 

E-mail

Print

PDF

 

amiirnuur.comFaah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro qorshaysan oo xalay ka dhacay xaafado badan oo katirsan magaalada Muqdisho.

Habeenkii 2-aad Villa Somaliya waxay lakulantay duqeyn culus oo uga timid dhanka mujaahidiinta Soomaaliya, ugu yaraan 12 madfac ayaa lala helay xafiiska shariif Xasan iyo saldhig ay hubka ku keysadaan ciidanka AMISOM oo tuulada Villa Somaliya ku dhaxyaal.

 

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in khasaaraha cadawga gaaray uu aad ubadanyahay warbaahinta cadawga ayaa ka xishootay in ciidankii lagu laayay Villa Somaliya ay shacab ku tilmaamaan kadib markii ay waji gabax kala kulmeen wararkii ay shalay ku sheegeen in shacab rayid ah ku dhinteen duqeyntii madaxtooyo.

 

Muqdisho ayaa ah magaalo dagaal waxaana dib ubilaabanaya weeraradii halyeynimo oo ay ciidanka Islaamka ku bartilmaameedsanayeen xarumaha cadawga.

 

AmiirNuur Media

kala soco wararka Xaqiida ah

Share this post


Link to post
Share on other sites
xiimaaya   

Then again i knew the International community was never serious about Somalia.. Brit wanted to attention for the sake of atten..

I never heard countries fighting on behalf of country..I mean why would a foreign solider die for a foreign land?

 

The world doesnt want to see Somalia have peace atlast, if thats what they wanted the would have built their national defence force.

 

 

 

If i was sheik shariff why would not rely so much on African Union and the west.. ONLY TURKEY ONLY TURKEY ONLY TURKEY..

Share this post


Link to post
Share on other sites
faarah22   

alot of effort was made but the quality of the people is bad to say the least. moryaan, iyo wax hub kooda isu diiba al shabaab bay ubateen. just like afghanistan, its a hard slog but it will work in the end. what has turkey done though other saber rattling for you to cry like that.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maaddeey;807208 wrote:
Who is talking about killing innocent people?

You are. Shaley dadkaad madfaca ku disheen AUN ma u tacsiyeeyseen horta?

Share this post


Link to post
Share on other sites

More civilians are getting killed. OP is happier than ever! Takbir takbir takbir, lets kill more civilians and sell the country to cowards hiding in Tora Bora!

 

Nabaddiidka ilaahay ha naga qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Waxaan ka yaabaa, ragan qurbaha ku raaxaysta oo hadana dilka iyo hooga dhulka hooyo ka socda ku riyaaqa. Waa ayaan daro. Illahay ha u naxariisto intii dhimatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this