Sign in to follow this  
Che -Guevara

Pilgrimage to Addis

Recommended Posts

Madaxweyne Sheekh Shariif oo kulan looga hadlayo ammaanka Soomaaliya ugu ambabaxay Addis Ababa

 

Talaado, Maarso 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo ay ku tageen booqasho hal maalin qaadanaysa.

 

Wasiir u dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Cabdiraxiim Cabdi Abiikar oo safarkan ka warbixinayay ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu casuumaad rasmi ah ka helay ra'iisul wasaaraha Itoobiya.

 

"Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay kawada hadli doonaan xaaladda ammaan ee dalka iyo sidii loo xaqiijin lahaa in ciidamada AMISOM ay ka howlgalaan gobollada dalka ee laga saaray Al-shabaab," ayuu yiri wasiir u dowlaha oo warbaahinta la hadlay.

 

Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigiisa ayaa waxay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha Muqdisho baqonimadii maanta iyagoo saacad kaddibna tagay Addis Ababa, balse ma jirto madaxweynaha hadal uu siiyay saxaafadda markii uu ka dhoofayay Muqdisho iyo markii uu gaaray Addis Ababa.

 

Gobollada dalka Soomaaliya qaarkood ayaa waxaa ku sugan ciidamada Itoobiya oo gacan ku siinaya kuwa DKMG ah dagaal lagula jiro Al-shabaab, waxaana ciidamadan ay qabsadeen degmooyinka Baydhabo iyo Baladweyne oo ahaa goobo ay gacanta ku haysay Al-shabaab.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marar badan safarro ku tagay dalka Itoobiya tan iyo markii xilkan loo doortay horraantii sannadkii 2009, waxaana xilligaas ka hor uu hoggaaminayay xoogaggii maxkamadaha oo dagaal kula jiray ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa Muqdisho.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its sad that the president is discussing the national security of his country in Addis ababa. But than again there are Ethiopians in Somalia so its understandable.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Xaaji Xunjuf;803418 wrote:
Its sad that the president is discussing the national security of his country in Addis ababa. But than again there are Ethiopians in Somalia so its understandable.

Xaajiyow ... marka sheekadu kululaato reer SL cid Ethiopia ka jecel ma jirto ee naga daaya bahasha? haddii aydaan iska deyn karayn dhar u geliya....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taleexi anigu Somaliland oo dhan uma hadlo anigu xaajigaas baan ahay cumamaydasan xabashida aragooda noloshooda naftodooda hadalkooda cuntadooda xita ciyaar garboodkooda inta ba waan ka wis wisa. Taleexi if it was up to Xaajiga saafiir ku sheega hargeysa jooga waan tarxiili laha Sabab wax u so kordhiyaan jirin laakin arimo yar yar oo siyasad ba kagaga xiidhan wa fahmi kara. Kuwan Xabashida eeh Somalia dhex mushaaxayna iyagana arlada waan ka siifeyn laha. Taa aniga iga qaado Xaaji Xunjuf ba ku saxeexaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

President Shariif is right to maintain good relations with neighbour Ethiopia, while at the same time reaching out to new int players in Somalia. UK, Kenya, Turkey are only some of the new players. Zenawi's dominant role in Somalia has diminished permanently thanks to Shariif's diplomatic skills and foreign policy.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Taleexi;803426 wrote:
Xaajiyow ... marka sheekadu kululaato reer SL cid Ethiopia ka jecel ma jirto ee naga daaya bahasha? haddii aydaan iska deyn karayn dhar u geliya....

Taleexi, Xaajiga sheekadiisu waa xaaraanta ma cunno ee fuudkeeda ayaan cabaa. Hadii uu helayo wax uu Soomaaliya ku dhaliilo ka fillo in uu illow iyo ilaa golaha keenayo xitaa hadii ay isaga ceeb u keeneyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taleexi anigu Somaliland oo dhan uma hadlo anigu xaajigaas baan ahay cumamaydasan xabashida aragooda noloshooda naftodooda hadalkooda cuntadooda xita ciyaar garboodkooda inta ba waan ka wis wisa.

What a racist ..... :D

 

Xabashidu waa dad Ilaahay abuurtay sidaada oo kele ,,,, siyaasad waad isku diidi kartaan laakiin bani'aadam ma nici kartid iyagaana inaga muslim badan ee hadda la soco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I never thought that i will see the day that this kind of crap was gonna happen!! If u had asked me this like 10 yrs ago...i would say, gfofh...that aint gonna happen.

 

I think the reciprocity for this morons should a bullet launch in their skills. I cant phantom this. Its utter disgust to our nation as somalis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Keep your friends close and your enemies closer. I think Shariif is doing that :D

 

But the reality on the ground in Somalia is that, the real, barbaric and direct enemies of Somalia are Alshabaab. Ethiopia is a secondary problem and somewhat indirect enemy if we must say, we can deal with that later.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;803679 wrote:
Taleexi anigu Somaliland oo dhan uma hadlo anigu xaajigaas baan ahay cumamaydasan xabashida aragooda noloshooda naftodooda hadalkooda cuntadooda xita ciyaar garboodkooda inta ba waan ka wis wisa.

What a racist .....
:D

 

Xabashidu waa dad Ilaahay abuurtay sidaada oo kele ,,,, siyaasad waad isku diidi kartaan laakiin bani'aadam ma nici kartid iyagaana inaga muslim badan ee hadda la soco.

Haha... JB, saaxiib dadku Xabashi necebaa horta? Dadku waa is dagaalaa, deedna heshiiyaa, laakiin in aad dadka absaxankiisa dartiis u sii nacdaa waa ISIRTAKOOR.

 

Haters will never succeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this