Sign in to follow this  
Cambuulo iyo bun

Breaking news: TFG declared that they will capture Baydhabo this friday

Recommended Posts

Barakac balaaran ayaa wuxuu ka soconayaa Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay, kadib markii Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya ay si weyn ugu soo dhawaadeen Magaaladda Baydhabo.

 

Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya oo ay hareer socdaan Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxay soo buuxiyeen ilaa afar ka mid ah daafaha Degmada Bardaale, waxayna cagaha kula jiraan inta badan Degmada Bardaale.

 

Waxay taasi dhalisay in Xoogaga Shabaab ay isaga baxaan qeybaha kala duwan ee Degmada Bardaale, isla-markaana waxaa laga cabsi qabaa in Xoogaga Shabaab ay miinooyin ku aaseyn qeybo ka mid ah Degmada Bardaale.

 

Saraakiisha Dowladda ayaa waxay sheegeen inaysan gacanta ku dhigi doonin Xaruunta Degmada Bardaale, ilaama sida ay sheegeen ay ku sameynayaan baaritaano ka dhan ah, in walxaha qarxa, haddii ay Shabaabku ku aaseyn Degmada Bardaale.

 

Waxaa soconeysa dadaalo balaaran oo ay Ciidamadda Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya ay ku doonayaan, inay kula wareegaan Xaruunta Degmada Bardaale, waxaana jira ciidamo gaar ah oo la-sheegay in loo-diray.

 

Dhanka kale barakac balaaran ayaa wuxuu ka soconayaan Magaaladda Baydhabo, halkaasoo qaar ka mid ah dadkii ku dhaqnayaa ay u kala hayaamayaan qeybaha kala duwan ee Gobolka Baay, kadib markii dareen xoog leh ay ka muujiyeen Ciidamadda Milatariga ee Itoobiya.

 

Majirto wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan ka bixistooda Degmada Bardaale, hase yeeshee waxaa laga cabsi qabaa in Xoogaga Shabaab ay soo qaadaan dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo la wareegay Degmada Bardaale ee Gobolka Bay iyo Baydhabo oo laga baxayo

 

Arbaco, Feberaayo 22, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG ah oo ay kaabayaan kuwa Itoobiya ayaa saakay la wareegay gacan ku haynta degmada Bardaale ee gobolka Bay, kaddib dagaallo ka shalay gallinkii dambe ka dhacay duleedka degmadaas.

 

Xoogaggii Al-shabaab ee ku sugnaa degmadaas ayaa la sheegay inay xalay isaga baxeen, iyadoo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen saakay iyagoo aan wax iska-caabin ah la kulmin.

 

Goobjoogayaal fara ku tiris ah oo ku sugan degmada Bardaale ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo wata gaadiid ay taangiyo ka mid yihiin ay soo galeen saakay degmada iyadoo aanay wax dagaallo ah dhicin.

 

"Degmada Bardaale waxaa si buuxda gacanta ugu haya ciidamada huwanta ah ee ka yimid dhinaca gobolka Gedo, xaaladduna waa mid daggan," ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku haray degmada Bardaale oo sababo dhinaca ammaanka ah u qariyay magaciisa.

 

Xildhibaanno ka mid ah saraakiisha hoggaamiyaha ciidamada DKMG ah ayaa iyaguna sheegay in qorshahoodu yahay inay Al-shabaab ka saaraan toddobaadkan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

 

Wararka laga helayo degmada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamadii iyo saraakiishii Al-shabaab ay halkaas isaga baxayaan, waxayna dadka qaarkood sheegayaan inaysan garanayn halka ay u socdaan.

 

"Baydhabo waxaa saakay ka baxaya ciidamadii iyo saraakiishii Al-shabaab, sidoo kale waxaa hawada laga saaray 7:00 aroornimo ee saakay idaacaddii Andulus oo ku hadlaysay afka Al-shabaab," ayuu yiri goobjooge ku sugan Baydhabo.

 

Wasiirro iyo saraakiisha ciidamada DKMG ah oo Muqdisho kulan ku yeeshay gallinkii dambe ee shalay ayaa sheegay in qorshah dowladduu uu yahay in Baydhabo laga qabsado Al-shabaab maalinta Jimcaha ah ee soo socda.

 

Dowladda KMG ah iyo ciidamada ay kaashanayso ayaa waxay tan iyo sannadkii hore wadeen dadaallo ay ku doonayaan inay xoogagga Al-shabaab uga saaraan gobollada ay ka taliso gaar ahaan kuwa ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha dalka.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

It seems Ethiopia is still playing the spoiler's role. A much wiser move would have been to go after Kismayo and dismantling the support infrastructure of the extreme Arabists within Al Shabab like Godane and his foreign fighters while politically pressuring the Baydabo group led by Abu Mansur and Aweys to the negotiating table. This would have gone a very long way in curtailing the spread of radical ideology in Somalia and disrupting the terrorist infrastructure that oppresses the Somali people. With Baydabo gone, Abu Mansur and his group will become more beholden to Godane and the Arabists and the chances of bringing this bloody war to a more positive conclusion ever more elusive.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The whole thing is a sham, the Al Qaeda in Somalia is a bunch of militias who have the capacity only to kill weak Somali;s. Baidoa will fall easily and so will Kismayu when its attacked..

Share this post


Link to post
Share on other sites
faarah22   

shut up you pointless troll, support your government or go back to listening baboon rap. smh why are you always negative. what du support horta, i wanna know

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Recovering-Romantics;792417 wrote:
It seems Ethiopia is still playing the spoiler's role. A much wiser move would have been to go after Kismayo and dismantling the support infrastructure of the extreme Arabists within Al Shabab like Godane and his foreign fighters while politically pressuring the Baydabo group led by Abu Mansur and Aweys to the negotiating table. This would have gone a very long way in curtailing the spread of radical ideology in Somalia and disrupting the terrorist infrastructure that oppresses the Somali people. With Baydabo gone, Abu Mansur and his group will become more beholden to Godane and the Arabists and the chances of bringing this bloody war to a more positive conclusion ever more elusive.

Well said there. Gven Abu mansur was the only sane person in Alshabab leadership, this will further harden his stance.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this