Sign in to follow this  
Saalax

Somaliland: Taallo la Dhagax-dhigay oo Lagu Xusaayo Mujahiid Suldaan Maxamed Suldaan Faarax

Recommended Posts

Saalax   

Mujaahid Maxamed Xuseen Jagac Oo Dhagax-dhigay Taallo Lagu Xusaayo Alle Ha U Naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax

 

di-U94P.jpg

 

(Hadhwanaagnews) Tuesday, January 31, 2012

Hargeysa(HWN):-Mujaahid Maxamed Xuseen Muxumed (Jagac), ayaa maanta dhagax dhigay taallo lagu Xusaayo Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo mid ahaa Sandaladaha ugu faca-weyn Somaliland.

 

di-RW16.jpg

 

Hargeysa(HWN):-Mujaahid Maxamed Xuseen Muxumed (Jagac), ayaa maanta dhagax dhigay taallo lagu Xusaayo Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo mid ahaa Sandaladaha ugu faca-weyn Somaliland.

 

Alle ha naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo taalladan loogu magac-baxay waxa uu hormuud u ahaa, isla markaana ahaa Suldaankii ugu horeeyey ee ka dhiidhiyey tacadiyadii ay Xukuumadii Kalitaliska ahayd ee Siyaad Barre ku haysay Shacabka reer Somaliland, waxaanu wakhtigaas noqday Suldaankii ugu horeeyey ee ka mid noqda Ururkii dhaqdhaqaaqa halgankii lagu xoreeyey Somaliland ee SNM.

 

Sidoo kale, Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa uu ka mid ahaa Guurtidii Somaliland wakhtigii halganka lagu jirey, waxaanu ka qayb-qaatay, isla markaana uu kaalin weyn kaga jirey bundhigii Qarannimada Somaliland, isagoo ahaa Suldaankii ugu horeeyey ee beeshiisu wareejiso hubka, wakhtigaas oo uu dalka Madaxweyne ka ahaa Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, iyadoo talaabadaas uu Suldaanku beeshiisa hubka kaga dhigay-na ay hormuud u noqotay in Somaliland qoto qaran jira 21aad Sanadood.

 

Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa kale oo xusid mudan waxyaabaha lagu xasuusto inuu ahaa Weeyeel jecel nabadgelyada iyo Wada noolaanshaha ummadda reer Somaliland, isagoo waayo-aragnimo buuxda u lahaa dhaqannada iyo deegaanada ay ku nool yihiin Ummada Reer Somaliland, waxaanu tiir dhexaad u ahaa bahda Dhaqanka ee Somaliland.

 

Cabdiqani Asporo

 

Hadhwanaagnews/Office

 

Hargeysa/Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;783110 wrote:
Kuwa Ingiriiska la dagaalamey taallo lagu xusaayo maloo sameeyey?
:D

Kuwa schoolada loogu magac daray Sheikh bashiir haji Adan af qalooc Farax omaar Suldaan timma cade university in Gabiley:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xaaji Xunjuf;783115 wrote:
Kuwa schoolada loogu magac daray Sheikh bashiir haji Adan af qalooc Farax omaar Suldaan timma cade university in Gabiley:D

Awoowe, taallo ayaan ka hadlaayey. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina dee wa in wax la kala qeybiya SNMta taalooyinka u qaabilsan yihin iyo wadooyinka iyo xaafadaha

Schoolada iyo jamacadaha iyo airpodhada na waxa loogu magac dara kuwi Ingriiska xoriyada ka keeney lixdanki:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Somalina in due time there should be a taallo in Mogadishu honouring Mujahiid Cali Wardhiigley and other USC liberty fighters who liberated Koonfuria from the talons of totalitarianism.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa sheeko fiican waa in ummad kastaa xasuusataa dadka qaderinta ka mudan.

Taleexi oo ma waxaad leedahay there will soon be a taalo for Morgan in Qardho.;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

MoonLight1;783150 wrote:
Taleexi oo ma waxaad leedahay there will soon be a taalo for Morgan in Qardho.
;)

You are paying attention. Smart man.

Share this post


Link to post
Share on other sites

But Moorgan Budhlayn dhisitanki waxba kamuse ahayn odaygi Sri lankiga gartay Abdilahi Yusuf

Xaaji taas looguma dhisayo, dee waa "Mujaahid" usoo halgamay dowladii hore ma aha? Wax faham sxb.;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this