Sign in to follow this  
Maaddeey

Al Shabab are still fighting in Mogadishu!

Recommended Posts

Somalina   

No apology necessary, your terrorist organization has lost the war against the TFG and its allied forces.

 

Mogadishu - check

 

Baidoba - check

 

Beledweyne and Matabaan- check

 

The entire Gedo region - almost there so check

 

Ciao.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

March 14, 2012 - QOL - Tan iyo markii Xarakada Al Shabaab ay ku beertay Ururweynaha Al Qaacida, ayaa waxay Saraakiisha Al Shabaab ay qaarkood bilaabeen inay iskaga goystaan Xarakada Al Shabaab, iyagoo markaasi ku biiraaya dhincyada kale ee siyaasadda ka jirta dalka.

 

Sheekh Xasan Cali Afrax oo ka mid ah Saraakiisha Xarakada Al Shabaab ee Gobolka Galgaduud, ayaa wuxuu si rasmi ah uu uga goystay Xarakada Al Shabaab, wuxuuna ku biiray Culima’udiinka Ahlu Sunna Wal Jameeca.

 

Sheekh Xasan Cali Afrax oo ku wanaagsanaa dagaal-gelinta dagaal-yahanada Xarakada Al Shabaab iyo u ololeynta dagaalada, ayaa wuxuu si toos ah uu ugu biiray Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, oo Axadii ku dhawaaqday dagaalo ka dhan ah Al Shabaab.

 

Sheekha oo Saxaafadda kula hadlay Magaaladda Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa wuxuu si weyn uu u cambaareeyay Xarakada Al Shabaab, isagoona ku eedeeyay mid dhibaato ka wado dalka Somaliya.

 

Wuxuu qeexay inuu u adkeysan waayay dhibaato xoogan oo uu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay ku heyso shacabka Somaliyeed, taasoo uu sheegay inay ka dambeysay in uu isku soo dhiibo Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

 

Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa waxay si weyn u soo dhaweysay in Sheekh Xasan Cali Afrax uu ka soo goysto Al Shabaab, uuna isku soo dhiibo Culima’udiinka Ahlu Sunna Wal Jameeca, gaar ahaan Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

 

Iskusoo wada-duuboo Xarakada Al Shabaab ayaan weli ka hadin in Sheekh Xasan Cali Afrax uu iskaga goystay, uuna ku biiray Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, oo ku dhawaaqday in goor dhaw ay soo afjari doonto Al Shabaab.

 

http://www.markacadey.net/news/35113/sarkaal-sare-oo-muhiim-u-ahaa-xarakada-al-shabaab-oo-iskaga-baxsaday.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^ Nin daad qaaday, waa ku deeyay.

 

Ayaantaan 'hal ku dhig' cusub ma soo baranin?, weli 'habaraa haw haw le' lee mey kuu maroosaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wixii haw haw leh waa la arkaa; Cali Ordaaye, Rooblaawe, Maxbuus iyo IndhaShareera xaggee ka dhaceen ayaantaan, Nairobi miyey kula joogaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Amirka markaad wareysigiisa dhegeysatay, sowtaad i tiri waan ka helay!, Rooboowna waa Libaax ma dheheyninoo, xaa ku helay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Hahaaa, ani ha igu qaldin dadkaad hadalada u bedasho oo kaa ogolaada.

 

Waxaan irina sidaan ku iri u sheeg, ha ii wareejin hadalkeyga yaah. Qaraxa Nairobi maalin hore miyaad ka shirteen? waxaad meeshaas u joogto holiday ineysan ahayn ayaan u maleynaa, meelaha la qarxinaayo miyaa sawiro ka qaad lagu yiri?. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

You will probably enjoy the following news.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo si weyn uga hadlay Amaanka Magaalada Muqdisho

 

Sequence-31..jpg

 

 

“Rajadeyda hada ma xuma aadbeyna u wanaagsantahay fikirkii aan horey u aaminsanaana way ka duwantahay waxa aan indhaheyga ku arkay waxeyse rajadu sii wanaagsanaaneysaa marka mashaariic kala duwan dalka laga abuuro”ayuu ku yiri shirkiisa Jaraa’id Prof Cabdi Samatar.

http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2012/03/Riix-Halkaan-Si-Aad-U-Dhageysato-Shirka-Jaraaid-Ee-Prof-Cabdi-Ismaaciil-Samatar-.mp3

 

Waa ku soo lugooyey, gaari baan ku marey ayuu yiri, waqooyi, koonfur, bari iyo galbeed ba. Ka sheekey bal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somali government troops, backed by the African Union, have for the first time seized an area outside the capital from the Islamist group al-Shabab.

 

The BBC's Mohamed Dhoore, who travelled to the area of Galgalato, 30km (20 miles) north-east of Mogadishu, said it appeared to have been used as a military camp.

 

Most al-Shabab fighters seemed to have withdrawn without much resistance.

BBC news.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Maadeey i really think inaad u baahan tahay inaad isbaarto, qof caqli leh oo dugaagaan la jira wali ma arag. hadaad caruur aad laysaan janno ku galaysaan idinkaa cirka roob ku og, laakiin Cali dheere iyo rooboow haday jidkaan ku sii socdaan, they are probably going to hell waliba iyadoo express ah. marka is daba qabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Iska hor imaad hubeysan oo xalay ka dhacay Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

 

Kooxo Hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin Ciidamada dowladda ku lahaayeen Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

 

Sida ay sheegayaan wararka Iska hor imaadka oo ahaa mid cabsi geliyay dadka deegaanka ayaa waxaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

 

Wararka ayaa sheegaya in ilaa labo ruux ku dhinteen halka saddex kale ku dhaawacmeen, kuwaasoo dad rayid ahaa.

 

Mid ka mid ah dadka degan Xaafada Towfiiq ayaa sheegay in Iska hor imaadka ay ku dhinteen dad uu yaqaano oo dhalinyarada xaafada ka mid ahaa.

 

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howl galo ka wada Xaafada Towfiiq, iyagoo ku baadigoobaya kooxihii xalay ka dambeeyay weerarka.

 

Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay weerarka xalay ka dhacay Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxaana uu ku soo beegmayaa, iyadoo Afhayeenka Shabaab sheegay in bartamaha magaalada Muqdisho ku sugan yihiin, weerarana ka fuliyaan.

3,320 Aya aqrisatay warkan

3

 

Halkan ka dalaco wararka dhan Halkan Riix

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

jowharcom@gmail.com

jowharnews@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Dagaalo xalay ka dhacay duleedka degmada Dhareenley

 

Dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo dagaalyahanada Shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka Galbeed Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalada ay bar bar socdeen duqeymo xoogan.

 

Sida ay sheegayaan wararka dagaalada ayaa ka dhacay Xaafado ku dhow dhow degmada Dharkeenley, gaar ahaan fariisimo Ciidamada AMISOM kaga sugan yihiin.

 

Madaafiic habow ah iyo rasaas wiifto ah oo ku soo dhacday goobo dad barakacayaal degan yihiin ayaa ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawacyo ah oo dad rayid soo gaaray, waxaana la sheegay in ilaa 2-ruux ku dhinteen halka 3-ruux ay dhaawacmeen.

 

Sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa madaafiic culus ku garaacay qeybaha laga soo weeraray ee duleedyada Muqdisho.

 

Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa habeenadii la soo dhaafay weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka waday duleedyada magaalada oo Ciidamada AMISOM kuwa dowladda ay saldhigyo ku leeyihiin.

 

Maalintii shalay ayay aheyd markii Ciidamada ay qabsadeen deegaano dhaca duleedka waqooyi bari Muqdisho, oo ah goobo istaartiiji ah oo ku yaala jidka dheer ee xeebta, halkaas oo Al-Shabaab weeraro ka soo qaadayeen.

957 Aya aqrisatay warkan

3

 

Halkan ka dalaco wararka dhan Halkan Riix

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this