Sign in to follow this  
Maaddeey

Al Shabab are still fighting in Mogadishu!

Recommended Posts

Somalina   

Xaaji Xunjuf;785992 wrote:
Somalina waxankalo la yaabay markay is leedahay shabaabtu kheyr sheeg , waxay tidha dagaal ba halka ka bilawday dagaal ba halka ka bilawday, Qofka ma fiicna inu khiyaali ku noolado waxbay maskaxdisa u dhimaysa marka dambe qofku khiyaaligisa wu iska rumeysta wa dhibaato marka dunida caadiga marka laa jaan qaadi kari meysid:D Shabaab Xamar waxa ugu danbeysey maalinti suuqaa bakaraha laga qabsaday maalinta wixi ka dambeysey meel aay jaan iyo cidhib dhigeen lama hayo. Walaalkeen maaday wa inaynu runta u sheegno oo indhahno war adeer meesha ka toos shabaab meesha walaga cadheyiye warar la qora nimanku ku so noqon mayaan eeh wa just words on a screen.

lol@Hiiraannet....

 

How about straight from Mogadishu? a quick phone call will do the job.

 

XX.... sidaan baa ka run ah qofkaan. Ciil iyo niyad jab ayaa meel xun geysey sidaad aragto. Waan ku qosli doonaa koley.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

I don't need a website waxay soo qorto. hahaaa

 

Ceelayasha ayaa lagu naadiyaa, "waan jebiney, Villa Soomaliya ayaa 5km u jirnaa" lol....

 

Sawir soo dheji haddaad wax haysaan. Haddii kale beenta isku maawliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^This time its jowhar.com, enjoy ;)

 

 

Dagaalo faraha looga gubtay oo xalay mar kale ka dhacay Muqdisho

 

 

Dagaalo culus ayaa xalay saqdii dhexe la isku miray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kadib markii Xoogaga Al-Shabaab ay soo qaadeen weeraro ballaaran.

 

Sida ay sheegayaan wararka dagaalada ayaa xoogooda ka dhacay Xaafada Bagala ee degmada Dayniile iyo nawaaxiga Xaruntii Asluubta ee Ex Koontarool Afgooye.

 

Dagaalada oo dhowr jeer ka dhacay aagagaas ayaa ahaa kii ugu xooganaa habeenadan dhaca, iyadoo xalay dad fara badan ay hurdada kaga salaleen madaafiicda iyo hubkii la is weydaarsanayay.

 

Saraakiisha Dowladda oo saaka warbaahinta Muqdisho qaarkeed la hadlay ayaa sheegay in dagaalada lagu soo qaaday, hase ahaatee ay iska difaaceen.

 

Ciidamada AMISOM ayaa fariisimaha ay ku leeyihiin wadada Warshadaha ka ridayay madaafiic culus oo magaalada badankeed laga maqlayay.

 

Dagaalkii xalay ayaa qeyb ka ah dagaalo xilliyada habeenkii ka dhaca, goobaha la isku hor fadhiyo, oo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ku soo qaadaan Shabaab.

 

3,782 Ayaa aqrisatay

2

Halkan ka dalaco wararka dhan Halkan Riix

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

jowharcom@gmail.com

jowharnews@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Faah Faahin kasoo baxday Dagaal Xalay Muqdisho ka dhacay.

Tuesday, 07 February 2012 08:00 Editor Hits: 84

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaasi oo u dhexeeyay ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa shisheeye.

 

 

 

 

Xalay Fiidkii iyo saqdii dhexe ayay ciidamada Mujaahidiinta weeraro culus ku qaadeen dhowr saldhig oo ay cadawga shisheeye uga sugnaayeen magaalada Muqdisho.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidanka shisheeye khasaara culus lagu gaarsiiyay dagaaladii xalay oo xoogoodu ka dhacay Jaalle Siyaad Bangala iyo wadada Warshahada ee magaalada Muqdisho.

 

Dagaalkii xalay wuxuu gilgilay magaalada waxaana lamaqlay madaafiicda garbaha laga gemo oo ay mujaahidiintu ku garaacayeenb xarumaha cadawga.

 

Saraakiil katirsan taliska mujaahidiinta oo lahadlay warbaahinta islaamiga ah ayaa sheegay in khasaara xoogan ay cadawga gaasiiyeen ayna sii wedi doonaan dagaalka.

 

Dagaalkii xalay ayaa qeyb ka ah howgallo baaxad leh oo ay ciidamada mujaahidiinta wilaayada Banaadir ku doonayaan in ay cadawga ku wiiqaan awoodiisa.

 

 

 

AmiirNuur Media Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

hahaha sxb hadda dhow aan soomaliya ehelkey ila so hadleen waaxana weydiiyay dagaaladan la sheegaye dayniile iyo xerada asluubta aay yiraahdeen gaar ahan bangala iyo tiida lamadeena neh waa isla ognahay iney beled aheen meeshaas

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al-Shabab days are numbered. With no population support, no money, high numbers of desertion and very low morale they are really in deeep sh1t. Dhibkooda Allow na dhaafi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Congratulations Maaddeey! 10 + Somali oo aan waxba galabsan ayaa la isku qarxiyey maanta at bar fatxi. Is qarxis kan ka daran waa la soo arkey, cid u joojisey hawshoodana ma jirto, infact dadaalkooda ayey sii laba jibaareen.

 

Maanta dad Soomaaliyeed ayaad leyseen, maysan hubeysneen, hantidooda ayaad burburiseen; ninkii tima jaraha ahaa ee familkiisa biilaayey, barbershopkiisa waad burburiseen, ninkii taksiilaha shaqeysanaayey waad gowracdeen, ilmihiisa waa agoon, kii maqaayada lahaana hantidiisa ayaad burburiseen.

 

Ilaahay ha u naxariisto, marxuumiintii ku shahiidey arxandarandaan is qarxinta ah ee sheydaanka khawaarijta kula beegsadeen. Janatul Firdowsa kuligood Ilaahay haka wada waraabiyo.

 

Inaa Lilaahi wa inaa Ilayhi Raajicuun.

 

http://www.jowhar.com/?p=13504

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Masaakiinta Hosingo, Jilib & Gedo sanweynta gaalada caddeystay ah ay ku laayeen adoo ka naxaayo oo 'Alle ha u naxariisto' dhahaayo haddaan arki lahaa baroortaada waan u garaabi lahaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this