Sign in to follow this  
Maaddeey

Al Shabab are still fighting in Mogadishu!

Recommended Posts

Maaddeey   

^Thats the reality in Xamar, Generale!, whether you like it or not.

 

Sxb, ha sugi waayin. One day IA one day the brave boys will land in Galkacyo like a hurricane!. Cimaamad sii diyaarso!. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Are you still making those silly threats? The Al Shabaab clowns will have no refugee inside Somalia.Mogadishu is already gone. Beledweyne is gone and he rest will fall soon. The assassins of elders and civilians will be assassinated themselves. I know you are angry, tired and desperate and deep down fearful.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

I promise you...you will see...bla blah...booto badanaa. Xamar waa tagtee, Ceelayasha Biyaha ku xigee is diyaariya, how is that for booto?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Dagaallo lagu miray Ciidamada Gaalada Amisom ee Saldhigyada ku leh degmooyinka Kaaran iyo Huriwaa.

Monday, 06 February 2012 06:45 Caanogeel Hits: 269

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa habeenkii xalay dagaallo ku miray saldhigyo Ciidamada Gaalada Amisom ay ku leeyihiin degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho.

 

 

Saqdii dhexe ayay Ciidamada Mujaahidiinta weerareen difaacyada hore ee Saldhigyada ay degenyihiin Ciidamada Gaalada ee soo duulay, waxaana dhacay dagaal culus oo waqti badan socday.

 

 

Dadka ku dhaqan gudaha iyo duleedka Muqdisho ayaa waxay maqlayeen dhawaqa Madaafiicda iyo hubka la isku adeegsanayo, waxaana mararka qaarkood la maqlayay Madaafiicda waaweyn oo ay tuurayaan Ciidamada Shisheeyaha.

 

 

Taliska Melliteriga ee Mujaahidinta Soomaaliya weli wax hadal ah kama soo saarin dagaalladii Xalay ka dhacay Muqdisho, hase ahaatee waxay dagaalladani qeyb ka yihiin dagaallo si joogto ah uga dhaca magaalada Muqdisho xilliyada habeenadii ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Dagaalo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir

 

 

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.

 

Dagaalada oo ahaa kuwo faraha looga gubtay ayaa ka kala dhacay degmooyinka Huriwaa iyo Kaaraan, halkaasoo fariisimo ay ku leeyihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

 

Xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro ku ekeeyay difaacyada iyo aagaga Ciidamada ku sugnaayeen, iyadoo kadib labada dhinac dagaal muddo saacad qaatay dhex maray.

 

Dagaalada oo xalay saqdii dhexe dhacay ayaa ahaa mid Xoogaga Shabaab si dhuumaaleysi ugu soo qaadeen fariisimaha Ciidamada fadhiyeen, ha yeeshee ma cada qasaaraha ka dhashay.

 

Inkastoo goobaha lagu dagaalamay ka barakaceen dadkii degenaa ayaa hadana waxaa suura gal ah in madaafiicda iyo rasaasta la is dhaafsanayay ay gaaraan goobaha dadka rayidka ah.

 

Dagaalkii xalay ayaa ku soo beegmaya xilli habeenadan magaalada inteeda kale ay aheyd mid degan, iyadoo wali Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM abaabulo dagaal ay wadaan.

 

Dhinaca kale Taliyaha Guutada 1aad ee ciidamada xooga dalka Col. C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in dhowaan Al-Shabaab ka saarayaan inta ka hartay magaalada Muqdisho.

 

Col. Caanood ayaa tibaaxay inay wadaan diyaar garowgii u dambeeyay, isagoo ka gaabsaday waqtiga duulaanka ku yihiin, waxaana uu cadeeyay Al-Shabaab xilligan awoodooda ay daciiftay.

 

Dhowaan ayay aheyd markii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM dagaal ay qaadeen kula wareegeen Qabuurihii Barakaat iyo Jaamacadii Muqdisho, halkaasoo ay fariisimo ka sameysteen.

 

 

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

jowharcom@gmail.com

jowharnews@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

War deg deg ah: Dagaal Culus oo Muqdisho ka Bilaawday.

Monday, 06 February 2012 19:45 Editor Hits: 77

Dagaallo qaraar ayaa ayaa goordhaw ka bilaawday magaalada Muqdisho oo ay ka socdaan Howlgallo ka dhan ah cadawga.

Dhawaqa Madaafiicda iyo rasaasta ayaa laga maqlayaa xaafado badan oo katirsan magaalada muqdisho, dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Mujaahidiinta ay weeraro saf ballaaran ah ku qaadeen fariisimada cadawga.

 

Dagaalka ugu culus ayaa ka socda degmada Dayniile iyo Wadajir oo ay ciidamada mujaahidiintu kula dagaalamayaan ciidanka Shisheeye iyo maleeshiyaadka Soomaalida ah.

 

Holca Madaafiicda iyo rasaasta Iftiinkeeda ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho, dagaaladan ayaa qeyb ka ah Howlgallo ay mujaahidiintu ku doonayaan in ay cadawga ku naafeeyaan.

 

Lasoco Wixii soo kordha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

lol...waa in lagu qoslaa marwalba. Heer waxaa la gaarey in been la qoro si niyada laysugu dhiso. Been ayaa la xalaalaystey iminka, sidaa awgeedna waana in lagu qoslaa.

 

Car waakaasee sawir hasoo dhejiyaan. lol....wax kale la imaadaa, tani wey duushey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Hope,inaad kan rumaysan doontid! ;)

 

Dagaal Xalay Leysku Farasaaray Demooyin Ka Tirsan Gobollka Banaadir

 

 

Muqdisho : HN : Dagaal leysku adeegsaday hub-ka noocayadiisa kala duwan ayaa xalay ku dhaxmaray qeybo ka mid ah gobollka Banaadir xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo ay gacan militari siinayaan kuwa AMISOM.

 

Dagaalada ayaa bilaawday kadib weerar xoogan oo ay dagaalyahannada Al-shabaab ku soo qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Kaaraan iyo Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

 

Waxaa la maqlayay hub-ka culus oo ay is weydaarsanayeen dhinacyada iska soo horjeeda iyo waliba iyo madaafiic ay tuurayeen ciidamada AMISOM ee lagu weeraray dhufeysyadii ay kaga sugnaayeen labada degmo.

 

‘’Dagaalka xalay waxaa uu ahaa mid culus oo aan habeenadan soo marin degmada, madaafiicduna mar marka qaar waxaa ay ku dhacayeen xaafaddo ay dad shacab ah ku nool yihiin, mana garan karno khasaaraha ka dhashay ayuu yiri,’’ qof ku sugan degmada Huriwaa oo warbaahinta la hadllay.

 

Dowladda KMG oo maalmo ka hor waxaa u suurtagashay in ay kala wareegto Al-shabaab xaafaddihii ay kaga sugnaayeen magaalada Muqdisho, waxaa ay saraakiisha dowladda ku hajabanayaan in ay u sii gudbi doonaan dhinaca gobollada dariska la ah gobollka Banaadir, laakiin haddana iyada oo ay taa jirto ayaa dhinaca kale waxaa muuqda in Shabaab-ku wali ka samrin deegannadii lagala wareegay iyaga oo soo qaadaya weeraro rogaal celin ah oo aad u culus.

 

Hiiraan Net.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina waxankalo la yaabay markay is leedahay shabaabtu kheyr sheeg , waxay tidha dagaal ba halka ka bilawday dagaal ba halka ka bilawday, Qofka ma fiicna inu khiyaali ku noolado waxbay maskaxdisa u dhimaysa marka dambe qofku khiyaaligisa wu iska rumeysta wa dhibaato marka dunida caadiga marka laa jaan qaadi kari meysid:D Shabaab Xamar waxa ugu danbeysey maalinti suuqaa bakaraha laga qabsaday maalinta wixi ka dambeysey meel aay jaan iyo cidhib dhigeen lama hayo. Walaalkeen maaday wa inaynu runta u sheegno oo indhahno war adeer meesha ka toos shabaab meesha walaga cadheyiye warar la qora nimanku ku so noqon mayaan eeh wa just words on a screen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...Mar dhowna waxaan sugeynaa doomo dagaal ayaa Xamar lagu soo weeraray inay dhahaan iyo maraakiibta quusta!....Wixii la rabo ayaa la isku sheegayaa....maba xumo oo meel waa la soo weerari as an ambush laakiin xaggee Xamar ka taliyaan Al-Habaab waa su'aale?!:)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this