Sign in to follow this  
Somalina

Mogadishu 2012

Recommended Posts

Somalina   

Booqasho_wasiiro_xeebta_jasiira_4.JPG

 

Booqasho_wasiiro_xeebta_jasiira_7.JPG

 

Booqasho_wasiiro_xeebta_jasiira_8.JPG

 

Booqasho_wasiiro_xeebta_jasiira_1.JPG

 

Wasiiradda Gaadiidka badda iyo dekadaha iyo kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda KMG ah Aadan C/llaahi Aadan, C/raxmaan Sheekh Ibraahim oo ay la socdaan Wasiiru Dowlayaasha Wasaaradda Dekedaha C/raxmaan Kulmiye Xersi iyo Saciid Jaamac (Saciid Qoorsheel), Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay degaano ay ka mid yihiin Abay Dhaxan, Baqal iyo Xawaalow iyo Dekedda Jasiira oo ka kala tirsan gobolada Sh/hoose iyo Banaadir.

 

Wasiirada oo u kuur gelayay xaaladaha ay ku sugan yihiin dekedaha macmalka ah eek u teedsan xeebta dheer iyo degaanada u dhow dhow iyo sidii looga hortegi lahaa waxyaabaha xumeynaya biyaha Badda ee wax u dhimi kara Bay’adda iyo nafleyda ku nool degaanadaasi.

Kormeerka Wasiirada oo si gaar ah u khuseeyay Dekedaha macmalka ah ee ku yaalla xeebta dheer ee gobolada Banaadir iyo Sh/hoose iyo sida looga manaafacaadsan karo gaar ahaan kalluumeysiga iyo sidii loogu abuuri lahaa iskaashatooyin dowladdu ku dhiirigeliso si kor loogu qaado horumarka dhaqaale ee dalka.

 

Kaddib markii uu soo dhammaaday kormeerkooda Wasiirada oo shir jaraa’id ku qabtay dekedda macmalka ah ee Baqal iyo Xawaalow ayaa sheegay in Wasaaradahaan ay ka mideysan yihiin horumarinta Dekedaha maadaama ay ka wada shaqeeyaan Badda, waxayna sharaxaad ka bixiyeen ujeedada kormeerkooda iyo waxa uu salka ku hayo, waxayna sheegeen in dekedaha macmalka ah si ay dowladda uga faa’iideysato laguna abuuro iskaashatooyinka ka xoogsada oo ay Dowladdu ku maal geliso si loga faa’iideysto waxsoosaarka ilaha dhaqaale ee dalka ayay sheegeen inay Dowladdu mudnaanta koowaad siin doonto.

Waxay xuseen Wasiiradu in mudnaanta koowaad ay tahay Dowladdu in la kobciyo horumarinta kheyraadka Badda si ay taasi u suuragashana waxay sheegeen inay Dowladdu wax ka qabaneyso ilaalinta Bey’adda iyo nadaafadda, dib u dhiska dekedda macmalka ah ee xeebahaasi ku yaala, si ay taasi u suuragashana waxaydowladdu marka hore xooga saareysaa nabadgelyada oo iyada asaas u ah horumarka dhaqaale ee dalka walba.

Wasiirada ayaa intii ay ku guda jireen kormeerkooda goob kasta oo ay tagaan warbixin kaga dhageysanayay dadweynaha ku dhaqan degaanadaasi kuwaasi oo si weyn u soo dhoweeyay kormeerka Wasiirada, waxaana gabagabadii kormeerkaas kaddib xeebta Jasiirada Wasiirada iyo xubnihii la socdayba qada sharaf ugu sameeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda adda iyo Dekedaha Md. Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Orphanage Complex

 

27_2.JPG

 

DSC_0276.jpg

 

DSC_0241.jpg

 

DSC_0253.jpg

 

DSC_0259.jpg

 

DSC_0270.jpg

 

DSC_0260.jpg

 

There will be two bedrooms [one for girls, one for boys], a school, a healthcare center, a Quran course, a deep water well, a supermarket and a mosque in the orphanage complex when it is completed. The construction of the complex is estimated to cost $2,5 million. A total of 1,400 children will receive education at the school in the orphanage complex which will provide accommodation to 200 orphans.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Abu-Salman;804940 wrote:
The Deputy mayor Sheikh Cali Qaari is fluent in the 7 Qiraa'as and a well-known veteran teacher even in pre-war Xamar;

I was impressed by his collection of Arabic & Islamic book when he was a local acquaintance and he used to lead prayers.

 

A very humble yet focused man of learning, exactely the kind of leader which is desperately needed...

Sheekha maanta riwayad muu tiyaatarka ku fiirsanooyaa?.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Caano_Geel;806758 wrote:
^^^

 

He is there of course next to PM
:D

No, he's not. I don't think you know who Maaddeey is referring to.

 

soo_dhaweyntii_gud_kux_gob5.jpg

 

soo_dhaweyntii_gud_kux_gob2.jpg

 

soo_dhaweyntii_gud_kux_gob1.jpg

 

soodhaweyntiigudkuxigeenkagobbanaadircal

 

soodhaweyntiigudkuxigeenkagobbanaadircal

 

soodhaweyntiigudkuxigeenkagobbanaadircal

 

March 19, 2012 - QOL - Xaflad si heersare loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa xalay taariiskhdu markay aheyd bishii March 18, 2012 lagu qabatay Hotelka Days Inn ee kuyaalda koofurta Magaalada Toronto.

 

Xafladaas oo lagu soo dhaqeynayay Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenka koowaad ee duqa Magalaada Muqdisho mudane Cali Axmad Guure, xafladaas oo goob joog ka ahaayeen Safiika - Qunsulka Turkiga u fadhiyo dalka Canada, Xildhibaan Cali Xareed oo kamid ah Xildhibaanada Dowlada Federaalka Kumeelgaarka ah, xildhibaan kasocota dowlada Canada MP for Etobicoke North Kirsty Duncan, Madaxa Somali Canadian Council Siciid Faarax iyo Qaar kamid ah hogaamiyayaasha Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Toronto.

 

Xafladaas ay kasoo qeyb galeen jaaliyada Toronto ayaa aheyd mid uu Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banadir iyo kuxigeenka duqa Magaalada Muqdisho uga warbixyay jaaliyada Horumarka Siyaasada, Amniga iyo Arimaha Bulshada ee maamulka Gobolka Banaadir gaaray mudadii ay hayeen xilka.

 

Wuxuu kaloo Gudoomiye ku xigeenka Mahad iyo Amaan usoo jeediyay waleeleheen Dowlada Turkey sida daacadnimada ay walalohooda Soomaaliyeed u garab istaageen mudadii lagu jiray abaarihii baahsanaa ee dalka Soomaray iyo dowlada Turkiga ay garab taagan tahay diyaarna u tahay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed sidii ay dib ugu soo noqon lahaayeen sharaftii iyo karaamadii ay ku lahaayeen caalamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waleh nimanka turkygu wa niman jira allow ajjar ka sii

 

Anyway teatreki ba la furay waleh wa hormar la gaadhay teaterka waan xasuusta xiliyadi berigi hore maxaan galay the future looks bright mashallah xamar so laabatay god bless.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xaaji Xunjuf;806773 wrote:
Waleh nimanka turkygu wa niman jira allow ajjar ka sii

 

Anyway teatreki ba la furay waleh wa hormar la gaadhay teaterka waan xasuusta xiliyadi berigi hore maxaan galay the future looks bright mashallah xamar so laabatay god bless.

Awoowe horta afartankii ma gaartey? lol.... ilama aha inaad sidaa u weyn tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this