Sign in to follow this  
Somalina

Beledweyn and environs (pics)

Recommended Posts

BOB   

Showqi;795843 wrote:
BOB, horta Kismayo hees caan ah ma leedahay sida Beledweyn?

Ma aqaan brother, dabcan waxaa laga yaabaa iney jirto laakiin aniga war kama hayo sababtoo ah aniga iyo heesaha af soomaaliga iskuma fiicneyn xittaa waagaan balaayada dhageesan jiray af soomaaliga ma dhageysan jirin.

 

Somalina will be mightily amused when she finds out how we're trolling on this magnificent thread of hers.

 

 

 

 

 

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

BOB;795848 wrote:

Somalina will be mightily amused when she finds out how we're trolling on this magnificent thread of hers.

 

Peace, Love & Unity.

Waliba waxay sii farxi doontaa markay akhrisato BOB iyo Showqi oo Beledweyn u heesaya......Bes, bes mar hadii aad ka dacwootay reer SOL waa in ay Kismayo cunaqabatynta ay ku hayaan ka daayaan. Hadii kale BOB oo xanaaqsan ayaa geeskaas ka soo boodi doona.....:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Kismayo macaa wa laga niikiyaa. kolay heeso fiican oo Niiko wee leedahay. waan so galin doona threadka Kismaayo, marke Abaayo no furto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

What it do and ....what it does peepz! :D

 

BOB labo sawir ayaan soo helay, ha i weydiinin sidaan ku soo helay, waa nala eegayaa hee!

Waa dhir iyo biyo laakin, ooopz!

 

Showqi, iima aadan duceyn sida BOB marka nagu kala wad. lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

^^^Marka hada xoolo aa tahay aa ii qarinee miyaa? dhir iyo biyo intee geenaa? saas maa ii nacday? Mama Mia.

 

 

 

 

 

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

CIYAARO5.jpg

 

CIYAARO4.jpg

 

CIYAARO3.jpg

 

CIYAARO2.jpg

 

CIYAARO.jpg

 

Talaado, March 06, 2012(HOL) - Tartankan oo ahaa mid xiiso badan ayaa SYAO waxa ay u qabatay dhalinyarada gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa Baladweyne waxa uuna u jeedkiisa ahaa Nabada iyo isdhexgalka dhalinyarada Gobolka Hiiraan.

 

Tartankan ayaa bilowday maalinnimadii jimcaha waxaana ku tartamayay ilaa iyo 16 kooxood kuwaasi oo ka kala socday deegaanada uu gobolka hiiraan ka kooban yahay ee dhawaan laga xoreeyay xarakada Alshabaab.

 

Ciyaaraha ayaa ku bilowday qaabka knackout-ka oo ay kooxuhu hal mar is arkayeen, kooxdii laga badiyo halmar ay ka hareysay tartanka.

 

Intii uu tartanka socday ayaa waxaa laga dareemayay dhalinyaradii ka qeybgalayay iyo kuwii usoo daawasho tagayay farxad iyo sida ay ugu faraxsanyihiin cayaaraha oo dib uga furma Baladweyne.

 

Galabwaliba waxaa garoonka uu koobka nabada iyo isdhexgalka dhalinyarada goloka hiiraan ka soconayay u soo daawasho tagi jiray bulshada qeybaheeda kala duwan haba ugu badnaadaan dhalinyarada, kuwaasi oo uga mahadcelinayay SYAO sida ay ugu qabatay tartanka.

 

Waxaa ku sharaxnaa garoonka uu tartanka ka soconayay hal ku dhigyo katurjimayay nabada iyo is dhexgalka dhalinyarada taasi oo ay howlwadeenada SYAO ugu tala galeen in dhalinyarada lagu wacyi galiyo.

 

Gabogabadii tartanka ayaa waxaa isugu soobaxay isbartiibo united iyo isbartiibo city waxaana dhexmaray ciyaar aad u adkeyd,taasi oo sababtay in la isla gaaro gool kulaad kadib markii ay 1-1 isla dhaafi waayeen mudadii loogu talagalay ayna guushu ku raacday kooxdii kucayaareysay magaca isbartiibo city.

 

Waa tartankii ugu horeeyay ee noocaan ah oo lagu qabto gobolka Hiiraan tan iyo laga saaray magaalada Baladweyne xarakada Alshabaab oo gacanta ku haysay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this