Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

TFG prime Minister welcomes Ethiopian troops inside Somalia

Recommended Posts

Gaas: “ Waxaa bilowday howlgal Shabaab looga saarayo dalka”

 

Muqdisho: (Sh. M. Network)Dowladda Federalka KMG ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inuu bilowday “Howlgalka soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya” iyadoo lala kaashanayo saacidaada beesha caalamka iyo waddamada deriska ah.

 

Warsaxaafadeed

 

“Maanta, shacabka iyo Dowladda Soomaaliya waxey u istaageen la dagaalanka kooxaha Al-Qaeda iyo Al-Shabaab oo in muddo ah hayey argagaxisnimo iyo dil ay u geysteen Soomaali fara badan. Shacabkayagu in muddo ah bey kala kulmayeen silac iyo dhibaato kaga imaneysey Xarakada Al Shabaab.

 

Maanta waxaan bilownay howlgalladii shacabka Soomaaliyeed looga xorreynayey gumeysiga e Al-Shabaab.” Sidaas waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali.

 

Shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyin fara badan baa ka soo gaaray ku hoos noolaashada Al Shabaab oo in muddo ah si waxushnimo ah ula dhaqmayey shacabka. Al-Shabaab waxey ka mid yihiin golaha argagaxisada caalamiga ah ee uu hoggaamiyo kooxda Al-Qaeda.

 

“Howlgalkan soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya waxuu u socdaa si wanaagsan oo qorsheysan. Saakay, Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed waxey goobo muhiim ah ka qabsadeen kooxihii Al-Shabaab ka dib dagaal ku dhexmaray gobolka Hiiraan. Waxaan si rasmi ah u codsaneynaa kaalmada iyo is-garab istaaga beesha caalamka guud ahaan iyo dowladaha deriska ah sida Ethiopia si loo saacido shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed laguna saacido howlgalkan taariikhiga ah. “ Sidaas waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali.

 

Ujeedada howlgalkan ayaa ah in laga xorreeyo shacabka Soomaaliyeed kooxahan arxan laawayaasha ah. Howlgalkan waxuu sii kordhinayaa goobaha nabadda ee Soomaalida si ay u helaan kaalmada ama gurmadka caalamiga ah oo ay si aad ah ugu baahanyihiin.

 

Dowladda Federalka Soomaaliya waxey si deg deg ah uga dalbaneysaa beesha caalamka iyo hay’adaha gar-gaarka bani’aadanimo inay gar-gaar bani’aadanimo la soo gaaraan goobaha laga xorreeyo kooxaha Al-Shabaab.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ The Amiir is not worried at all Peace Action this will actually get more supporters for the Alshabaab cause since there are both Ethiopians and Kenyans on the ground.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Wasiirka Qorshaynta, cidda miyaa? :D

 

On a serious note: Ceeb calayki yaa Somalina!!!, magaaladaadii ma Xabashi qurunley baa ku dakeeneysa caawa!!, adna waad ku faraxsan tahay!!. 2006-dii markay soo galeen -siaan filaayo- dhiiggaa ku kacay!, hadda maxaa ku beddelay, Ilaaheey Baarri waayeee?.

 

Insha Allah, Geesiyaasha Tawxiidka oo shacabkooda kaashanaaya and above all Allah Tabaaraka wa tacaalaa, waa jebin doonaan Gumeystaha soo jireenka ah!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maaddeey;769130 wrote:
^Wasiirka Qorshaynta, cidda miyaa?
:D

 

On a serious note: Ceeb calayk
i
yaa Somalina!!!, magaaladaadii ma Xabashi qurunley baa ku dakeeneysa caawa!!, adna waad ku faraxsan tahay!!. 2006-dii markay soo galeen -siaan filaayo- dhiiggaa ku kacay!, hadda maxaa ku beddelay, Ilaaheey Baarri waayeee?.

 

Insha Allah, Geesiyaasha Tawxiidka oo shacabkooda kaashanaaya and above all Allah Tabaaraka wa tacaalaa, waa jebin doonaan Gumeystaha soo jireenka ah!.

Wasiirka Buundoweyn ayuu ka quraacan doonaa soon. :D

 

Reerka waxay rabaan kama hor istaagi kari, magaalada maal badan ayaa la geliyey, muruqna waa la soo ijaartey hadda. Ugaaska hadduu raalli ka yahay war maa yaalo.

 

Plus, warka magaalada si fiican ayaan u la soconaa, IA Kheyr.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Abaayadiis, Dabageed & M.O.o.r.yaantiisa reerka waxba uma hayaan!, reerka waxaa wax teraaya kuwa cadawga ka difaacaaya, shacabka magaalada (labada geddi'ba) dagaal ayay xabashida & xulafadooda kula jiraan!. Somalimemo waxay qortay in laba Haween ah maleeshiyada Dabageed ku dileen magaalada, taas waxa aad sida fiican ula socoto ma ka mid baa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ma maqlin aqbaartaas. Somalimemo wax ay Bledweyne ka ogtahay ma leh. Dadka meeshaas jooga ayaa warkooda la soconaa.

 

Banaanbax AS looga soo horjeedo inuu dhacay ma kuu sheegeen Somalimemo? waa maya soo ma ahan.

 

Dabageed warkiisa waa mid reerka u yaala.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Sidaada oo kale source-ga ma qariyo!, Dhacdo.com oo beenteeda & nacaybka ay AS u qabto la ogyahay ayaad wax ka soo xigataa!.

 

Somalina, Adiga & Aniguba, waan ognahay in Xabashi danta reerka gaar ahaan, & Soomaali guud ahaan aysan wadin!. Sax maaha inaad nacaybka aad Shabaab u qabto Soomaalinimadaada wax u dhinto!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this