Sign in to follow this  
Somalina

Godane speaks

Recommended Posts

Maaddeey   

Sxb. isma fahmeynee nagu kala wad!. Hore ayan kuugu sheegay in xukun maxkamadeed uun lagu dilo dad, halka meesha TFG ka taliso dadka si maalaa yacni ah loogu dilo: Weriyihii Horn Cable, Xildhibaankii Madiina lagu dilay bil ka hor, kii usbuucan gudahiisa lagu dhaawacay Xamar, qaxootiga xabadaha la isaga furo IWM.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ TFG aniga ma taageersani kow dheh mana dhihin qalad ma sameeyaan, laakin adi maxkamad ee shabaab sameeyan aa tiri maahino aniya sawiro badan aa haaya oo muujinayo dad lagu gowracay goobihi shabaab ka talinayeen oo maxkamad so marin marka igaartaas qiil ha uu raadin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Shabaab oo galabta fagaare ku yaal Magaalada Marka ku qisaasay Askari ka tirsanaa oo dil horay u geystay

 

 

Xarakada Al-Shabaab ayaa galabta ku toogtay Fagaara ku yaal Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ku toogtay askari ka tirsanaa oo dil horay u geystay, iyadoo falkan qisaasta ka qeyb galeen dadweyne fara badan

 

Falkan qisaasta ayaa lagu fuliyay gacan ku dhiigle Nuur Jeylaani Aadan oo la sheegay inuu horay u dilay qof rayid ah, iyadoo dacwadiisa ay aheyd mid muddo soo jiitameysay.

 

Qaadiga Maxkamada Shabaab ee Magaalada Marka oo xukunkan riday ayaa sheegay in marqaatiyeyaal, qirashada ninkan iyo marxuumkii la dilay qoyskiisa kadib ay timid in xukunka qisaasta ah la rido.

 

Xukunkan ayaa qeyb ka noqonaya xukuno Shabaab horay ugu riday Ciidamo ka tirsan, iyo dad caadi ah, iyadoo bishii la soo dhaafay ay xukun gacan iyo lug is-dhaaf ah uga jareen deegaanada loo barakacay Ragg ka tirsanaa oo dhac u geystay Ganacsato Xoolaley ah.

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

jowharcom@gmail.com

jowharnews@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Askari katirsanaa Ciidanka Xisbada oo magaalada Marka lagu qisaasay.

 

Tuesday, 27 December 2011 16:51

Wilaayada Islaamiga Shabeelaha Hoose ayaa maanta xukun qisaas ah ku fulisay Nin gacan ku dhiigle ahaa oo horay u dilay qof aan waxba galabsan.

 

Fagaara weyn oo ku yaal magaalada Marka waxaa maanta gelinkii dambe isugusoo baxay boqolaal shacab ah si ay u dawadaan Xukunka qisaaska ah oo ay wilaayada fulineysay.

 

Waaliga Shabeelaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa goob joog ka ahaa madashii lagu fulinayay xadkan islaamiga ah, wuxuuna goobta ka sheegay in sharciga islaamku uusan cidna dhowreyn oo xataa Mujaahidiinta dhaxdooda isku maamulayaan.

 

Ninka xukunka qisaasta ah lagu fuliyay waxaa lagu magacaabi jiray Nuur Jeylaani Aden oo kamid ahaa ciidamada xisbada wilaayada Islaamiga degmada Kunturwaarey, Nuur ayaa si bareer ah u dilay qof rayid ah oo kamid ah dadka deegaanka.

 

Markii falkaasi dhacay ayay Eheladii qofka laga dilay usoo dacwoodeen Maxkamadda degmada Kadibna waxaa loosoo qabtay Gacan ku dhiiglaha maalmo kadib ayaa Ehelada looso bandhigay Sedax Khiyaar oo ay leeyihiin dadka wax laga dilay sida sharciga Islaamku qabo kuwaasi oo kala ah in ay qisaastaan in ay cafiyaan ama in ay Diya qaataan waxayna doorteen xukunka qisaasta.

 

AmiirNuur Media

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

religion is a set of rules for the middle ages,has nothing to do with modern times...majority of people will follow liberally as has been the case for somalis for millenia,those few who running with the sword verbally or practically are only working againest the very thing they want us to believe they working for!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hardcore la yahay when it comes to qabiilkiisa, but diintiisa dhaqsaba waa laga baxay. Maxee ahayd maahmaahdii? Haa, fiqi tolkiisa kama jano tago. Only in this case, there is no fiqi.

 

If diinta lagu dhaqmo is for 'middle ages,' then the qabyaalad qurun aad ku dhagantahay is from Xaawo's and Aaden's era, nothing to do with waayadaan cusub.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^as I expected once you say something true about religion.How you gona defend cutting limbs for theft & stoning to death for sex.....you believe it should be done,I don't believe it should be done.And why always the one stoned for sex is woman,as this case yesterday in Iran that stunned the world!

and if you not qabiilist why don't you delete that thread(as moderator) oo lahayd carrurta somaliland baa waxa lagu sameeya.

 

 

http://bielbienne.files.wordpress.com/2009/12/xisbuldhagax2.jpg?w=251&h=270...and who is doing this, in the name of what?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maadaay you cannot justify the killings of the innocent civilians the terror attacks daily the mogadisho local mothers who were cleaning xamar do you think they were infidels and deserved to be killed you tell me. What about the innocent students blown up few moths ago. People are raising questions since when is it allowed to spill the blood of the muslims who are the islamic scholars alshabaab uses as example.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xarakada Al Shabaab oo qorshayaal kala duwan u adeegsatay dilalka ay u geysaneyso bulshada Somaliyeed, ayaa waxay xalay Magaaladda Jowhar ay ku dishay wiil dhalinyaro ah.

 

Xaruunta Unicef ee Magaaladda Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxay Xarakada Al Shabaab ay ku dishay ruux rayid ah, iyadoo aanu si sax ah loo-ogeyn ujeedadii ka dambeysay dilka ninkaasi.

 

Meydka wiilkani dhalinyaro ah ayaa waxaa saakaydii hore la-soo dhigay meel aanu sidaasi uga durugsaneyn Cisbitaalka Gobolka, oo kaabiga ku haaya Xaruunta Unicef ee Magaaladda Jowhar.

 

Goobta meydka la-soo dhigay ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u fara-badan, iyadoo meydku uu weli dhex yaallo goobtii la-soo dhigay, isla-markaana majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Shabaab.

 

Dilka wiilkani oo loo-adeegsay rasaasta hubka fud fudud, ayaa waxaa muuqaneysa in rasaasta lagala dhacay dhinaca Killida midigta, isla-markaana dilkiisa ayaa waxaa siyaabooyin kala duwan u hadal-haaya dadka deegaanka.

 

Ruuxaan ayay dadka reer Jowhar aqoonsan kari waayeen muuqaalkaasi, inkastoo aysan wax nabaro ah uga oolin dhinaca wejiga, waxaynu dadka isla dhex marayaan in uu ka yimid amaba laga keenay goobo ka baxsan Magaaladda Jowhar.

 

Dilkaan inay ka dambeysay Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa loo-aaneynayaa laba arrimood, iyadoo marka ugu horeyso ay Shabaabku ka taliyaan Magaaladda Jowhar iyo iyagoo aanu weli ka hadal dilka ruuxaani.

Share this post


Link to post
Share on other sites

arakada Al Shabaab ayaa waxay weeraro dhuumaaleysi leh ay ku qaadeen guryo ay deggan yihiin dad rayid ah, iyadoo aanu waxba laga ogeyn sababta keentay in xilligaan ay Shabaabku weeraraan dad maati ah.

 

Rag ka tirsan Xoogaga Shabaab ayaa waxay xalay u dhaceen guryo ku yaalla Degmada Ceel Dheer ee Gobolka Galgaduud, isla-markaana waxay kala soo baxeyn dad shacab ah, oo isugu jira odayaal iyo dhalinyaro.

 

Dadkaan oo si weyn looga garanaayo Degmada Ceel Dheer, ahna Dadka Deegaanka ayaa waxay Xoogaga Shabaab dhigeen xabsi ku yaalla Degmada Ceel Dheer, oo ay iyagu maamulaan.

 

Waxaa aad u adag in faah faahin balaaran laga hello baahida keentay in Xarakada Al Shabaab ay weeraro ku qaado raggaan, deetana ay afka u darto xabsi, laakiin tani ayaa waxay walaac ku beertay dadka ku dhaqan Degmada Ceel Dheer ee Gobolka Galgaduud.

 

Qaar ka tirsan Dadka Deegaanka oo goor dhaw warbaahinta Magaaladda Muqdisho u waramay, iyagoo ka gaabsanaaya magacyadooda, ayaa waxay sheegeen in Shabaabku ay xireyn odayaal iyo dhalinyaro laga garanaayo Degmada Ceel Dheer.

 

Odayaasha la-xiray ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Cumar, oo ka mid ah odayaasha sida weyn leh looga garanaayo Degmada Ceel Dheere, lamana garanaayo ujeedada dhabta ah ee ka dambeysay xarigiisa.

 

Si kastaba ha-ahaatee tani ayaa waxay qeyb ka tahay caburinta ay Shabaabku ku hayaan bulshada Somaliyeed, mana jirto cid si gaar ah ugala hadasha Xoogaga Shabaab dhibaatada ay ku hayaan bulshada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this