Sign in to follow this  
FreshPrince

Khaatumo 2 Congress: The Reigniting of Great Minds, Great History, Great Nationalism

Recommended Posts

Odey Maxamud Xaji Cumar Camay warns the Hergeisa-Based militia of attacking Taleex, in any way, shape or form.

 

 

Maxamuud X. Cumar Camay:- Hargeysa Way Heli Jawaabteeda Hadday Isku Daydo In Ay Soo Weerarto Taleex.

 

 

Buuhoodle(Jidbaale.com):-Oday Maxamuud Xaaji Cumar Camay ayaa ku tilmaamay hadalkii shalay ka soo yeedhay ninka maamulka Hargeysa u qaabilsan arrimaha gudaha mid aan ku qotomin xaqiiqada dhabta ah ee jirta. Wuxuuna sheegay Xaaji Maxmuud Xaaji Cumar Camay in maamulka Hargeysa heli doono jawaabtii uu horeba u heli jiray, hadduu isku dayo in uu weerar ku qaado xarunta shirka ee Taleex.

 

 

Xaaji Maxamuud ayaa hadalkan ka jeediyey xilli ay maanta galinkii danbe ka anbabaxayeen magaalada Buuhoodle, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Taleex oo shirku uga socdo beelaha ***********.

 

Hadalka Oday Maxamuud Xaaji Cumar Camay ayaa jawaab u ah hadal uu shalay warbaahinta ka jeediyey maamulka Hargeysa, isaga oo ku hanjabay maamulkaasi in ay weerarayaan goobta shirku ka socde ee Taleex.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A young teenage almost commits suicide by slaughtering himself when his Father denied him permission to allow him to go to Taleex and take part in the Khaatumo 2 Congress.

 

 

People of SSC are saying loud and clear, "GIVE ME LIBERTY OR GIVE ME DEATH".

 

 

 

Wiil aabihii u Diiday inuu Shirka Khaatumo aado oo Mindi Isku Bireeyey Iyo Xaaladiisa Caafimad oo Wanaagsan.

 

laascaanood11-Copy.jpg

 

Saleebaan faarax jaamac oo Da’diisa lagu sheegay 22jir ayaa Aabihii u Diiday inuu aado magaalada Taleex ee ah Halka ay taalo Gogosha Wada Tashiga beelaha SSC, Wiilkan ayaa aabihii ka codsaday in uu Siiyo Kharash uu ku aado Taleex, Balse aabihiis ayaa ku amray in uusan Ka tagin deegaanka uu joogo oo aha Dandan.

 

Arintan ayaa Shacabka Deeganadda SSC naxdin ku abuurtay kadib markii ay Arintan Foosha Xun maqleen, inta badan Shacabka deeganadda SSC ayaa haatan ku sugan Taleex kuwaas oo intooda Badani ay u soo aadeen in ay indhohooda ku arkaan Fantasiyaha iyo Damaashaadka Horu Dhaca u ah Damaashadka Shirka Khaatumo 2.

 

Xaalada Wiilkan ayaanu wax ka waydiinay Dhakhtaradda Isbitalka laascaaanod kuwaas oo Warbaahinta Real-Taleex u xaqiijiyey in Xaalka Wiilkani ay Hada Wanaagsantahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

Degmada Taleex oo Lagu Soo Qulqulayo

 

Raxanreeb

 

 

Wufuud aad utirabadan oo ka soo amba baxay magaalada buuhodle xarunta gobalka Cayn a ayaa waxa ay iskugu jiraan isimo, cuqaal, siyaasiyiin, ururada haweenka, kuwa dhalinyarada, iyo hogaanka SSC waxan bulshada reer Buuhodle ku sii jeedan magaalada Taleex ee qadiimiga ah.

 

Munaasibad balaadhan oo lagu sagootinayey waftiga ayaa ka dhacday garoonka kubada cagta ee magaalada Buuhoodle halkaasoo ay kasoo qayb galeen bulshada ku dhaqan gobolka Cayn,halkaasi waxaa warbaahinta kula hadlay xubnaha ugu sareysa wafdigan.

 

Khudbadii Suldaan Siciid Halkaan hoose ka Dhageyso

 

Ugu horayn waxaa faah faahin ka bixiyey waftiga iyo tiradooda Suldaan Siciid Cismaan Cali oo isagu hogaaminayey waftiga, suldaanku wuxuu sheegay in waftigani yahay wafti aad u miisaan culus islamarkaana ay yihiin ku dhowaad 80 xubnood oo isugu jira qaybaha bulshada Buuhoodle.

 

Khudbadii Xaaji Maxamuud Xaaji Cumar Camey Halkaan hoose ka Dhageyso

 

 

Xaaji Maxamuud X Cumar Camey oo isna waftiga kamid ahaa islamarkaana madasha ka hadlay ayaa sheegay in waftiga maanta ka baxay magaalada Buuhoodle uu yahay waftigii ugu miisaanka cuslaa ee aada shirka Khaatumo2, sidoo kale wuxuu tilmaamay in waftigani yahay waftigii ugu danbeeyey oo aada degmada Taleex ee gobolka Sool.

 

Khudbadii Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye Halkaan hoose ka Dhageyso

 

 

Hogaamiyaha hogaanka SSC Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye oo isna madasha ka hadlay ayaa ka hadlay qaabka ay u tegayaan shirka hadii ay yihiin hogaanka SSC, Saleebaan Ciise Axmed wuxuu sheegay in shirka ay kaga qayb gelayaan iyagoo ah maamulka SSC, ” anagu waxaan ka qayb gelaynaa shirka anagoo ah maamulka SSC odayaasha Buuhoodle ee hada aan wada socono waan isku raacsanahay arintaas waxaana kuwada soconaa inaan isasii weheshano” ayuu yiri Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) hogaamiyaha hogaanka SSC.

 

Sidoo kale masuuliyiinta waftigani ayaa si kulul uga hadlay hadal shalay kasoo yeeray wasiir katirsan maamulka Somaliland, kaasi oo ay ku tilmaameen hadal aan laga fiirsan islamrkaana gef ku ah umada SSC,” hadalkaasi wuxuu ahaa gef logeystey umada SSC awoodna umalaha mana soo fara gashan karaan shirka iyo arimihiisa” sidaas waxaa yiri Xaglatoosiye.

 

“Anigu waxaan u arkaa hadal caga jugleyn ah umalaynmaayo in hada cidina weerar soo qaadi karto hadii ay soo qaadaana jawaabtay naga heli jireen ayay helayaan” sidaas waxaa yidhi X Maxamuud X Cumar Camey.

 

Si kastaba ha ahaatee waftigan maanta ka baxay magaalada Buuhoodle ayaa ahaa waftigii ugu balaadhnaa oo ka baxa gobolka Cayn kuwaasoo ka qayb gelaya shirka Khaatumo2, waftigan ayaa waxaa ka horeeyey wufuuf kale oo iyaguna isla gobolka Cayn uga qayb gelaya shirka Khaatumo2.

 

Mahad Cabdi Cali

 

Raxanreeb.Buuhodle

 

 

__________________________

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

KismaayoNews.com

 

Dr. Khalif Galeyr oo Ka soo Muuqday Magaalada Taleex

 

Shirweynaha Khaatumo II Waa Shirkii Ugu Balaarnaa Abid oo Beesha SSC Usugu Timaado Kaasi oo Ay u Kuwada Dhanyihiin Dhamaanba Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada iyo Waliba Hogaanka Maamulka SSC, Aqoonyahannada, Culamada, Siyaasiyiinta, Garaadada, Issimo, Cugaal, Dhalinyaro, Hooyooyin, Gabdho, iyo Ciidamo.

 

Ra’iisul wasaarihii hore ee dawladdii Carta, Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa kasoo muuqday magaalada taariikhiga ah ee Taleex, taasi oo uu ka socda shir balaaran oo ay u dhantahay beesha uu ka soo jeedo.

 

Aqoonyahano, Salaadiin, Cuqaal, Dhalinyaro, Hooyooyin, Siyaasiyiin, Masuuliyiinta maamulka SSC iyo waliba masuuliyiin kala taageersan maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa kulan uga socdaa Taleex.

 

Aqoonyahano uu Dr. Galeyr kamidyahay iyo Salaadiinta oo kadanbeeyay jamcinta iyo kulansiinta maqaawiirta Beesha ayaa qorshahoodu wuxuu yahay sidii mawqifka iyo siyaasadda Beesha loo midayn lahaa kahor inta aan la gaarin in cid kale wax lala qaybsado ama lala qabsado.

 

Kani waa shirkii ugu balaarnaa abid oo Beeshu isugu timaado kaasi oo ay u wada dhanyihiin dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada iyo waliba aqoonyahannada, siyaasiyiinta iyo salaadiinta Beesha.

 

Geel aad u badan ayaa loo loogay marti sharafta, waxaana geedo ka ciyaar ku soo dhawaynaya wafuudda iyo ergooyinka oo wali iska soo daba dhacaysa barbaar ku joogta Fardo si fiican loo jare baray.

 

Shirka oo la filayo inuu socdo mudo ayaan idiin soo gudbin doonaa maxsuulka ka soo baxa, hadii Allaha awooddalihi noo ogolaado.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Garaadka-Guud2.jpg

 

The Greatest SSC Letter of The 21st Century

 

From: A member of G6, The supreme Council of SSC Regions, Hero Sulieman Abdi Madoobe, one of the founding fathers of all SSC Movements including NSUM, SSC, and G6/G15

 

To: SSC People Everywhere

 

 

"Today, I am Extremely Happy"

 

‘Wejiga Labaad ee Khaatumo 2 iyo Ka Midha Dhalinta Shirka’

Qore: Saleebaan Cabdi Madoobe, 1da January 2012

 

Waxay ka yimaadeen guryahoodii. Waxay soo qaateen sahaydoodii. Waxay soo mareen cir iyo dhul. Waxay soo gaadheen xaruntoodii. Waxay dugsanayaan taariikhdoodii. SSC, shacab iyo madax, waxay maanta gabran yihiin duleedada xarunta taariikhiga ah ee Taleex. Waxayna marti u yihiin talo, midnimo iyo xornimo.

 

Shirka khaatumo ee ka furmay Taleex waa fursad kama danbays ah. Wuxuu ka dhashay xanuunkii tala la’aanta reerka aafayeeysay 21 sanno oo ka danbaysay burburkii dawladdii dhexe ee Somalia. Tani waa fursadii u danbaysay ee reer SSC aay kaga bixi lahaayeen dulliga, oo aay ummadda somaliyeed dhinac ka raaci lahaayeen amaba aay hogaamin lahaayeen. Waa fursaddii aay kaga bixi lahaayeen in reero kale tirada ku buuxsadaan, hawsha iyo eeduna u dheer tahay. Waa fursadii aay ku yeelan lahaayeen talo iyo maamul aay kaga baxaan horumar la’aanta ka jirta dhulka aay degaan. Waa tii aay ku hanan lahaayeen talada dhulkooda iyo dadkooda.

 

Waxaa kalsooni iyo yididiilo leh miisaanka iyo martabada aay leeyihiin ragga iyo dumarka maanta ku diyaar garoobay xarunti Taleex, kuwaas oo isugu jira isim iyo caaqil, wadaad iyo aqoon yahan, wax garad iyo nin garbeed, siyaasi iyo sarkaal, urur iyo hogaan. Waxaa farxad iyo reeyreeyn igaga filan boqolaalka kun ee kale ee aan xarunta imman karin laakiin la diyaar ah taakulada iyo talada, oo habeen walba talefoonka dhegta ku haya, oo wixii looga baahdo dhiibaya.

 

Haddaba maanta waxaa naga soo dhammaaday wejigii hore ee ahaa qabanqaabada shirka, waxaana la galay wejigii labaad ee ka midha dhalinta shirka, waxaana xigi doona wejiga saddexaad ee ah fulinta go’aannada shirka. Talada shirka ka soo bixi doonta waxay u taal dadweeynaha, madaxda iyo cumaamadleeyda shiraya, mana aan rabo in aan ka hordhaco. Haseyeeshee waxaan is leeyahay waxa maanta laabtayda miranaya waa ku jiraan qof kasta oo SSC u dhashay oo dadnimo ku jirto. Haddana ma aha hawsha G6 iyo guddiyada kaleba u taal inay iyaku go’aamiyaan wixii reerku rabo, laakiin hawshoodu waa inay abuuraan jawi wada tashi oo ka dhaca xarunta Taleex kaasoo fududaynaya in go’aanno caafimaad qabaa soo baxaan. Sida darteed waxaan talooyin kooban oo shan qodob ah aan ka dhiibanayaa sidii jawigaa lagu abuuri lahaa, oo aasaas u noqon kara sidii looga midha dhalin wejiga labaad ee geedi socodka Khatumo:

 

Kow, waxaan maanta innaku tilmaami karaa rag geeloodii la dhacay oo nin kastaa hashiisii maqan tahay. Talada taal waxaa weeye in geelii la soo dhiciyo hadhowna la qeeybsado, laakiin hadda ma aha in lagu mashquulo sidii loo qeeybsan lahaa isagoo maqan. Haddii maamul iyo talo loo baahan yahay xilli aan colaadi jirin, waxaa maamul iyo talo loogasii baahi badan yahay xilligan oo kale oo aaynu dhacannahay. Waayo mar kasta, talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola, iyadaana maanta loo fadhiyaa. Keliya waxaa habboon in la saxo waxa laga tashanayo. Maanta xoolo iyo derejo la qeeybsan maayo, ee waxaa la qeeybsan doonaa dhib iyo hawl. Ninkii hawshaa u diyaar ahina waa inuu diyaar garoobo, kii wax kale u fadhiyeyna waa inuu candhuuftiisa dib u laqaa. Geela waxaa maanta ka dhigan dhulkeennii, sharafteennii, cirdigeenii, iyo taariikhdeennii, oo intuba gacateenna ka baxay. Waxaa jirta maahmaah xikmad weeyn ku fadhida hadana si khaldan loo isticmaalo oo odhanaysa ‘geeljiruhu geela waa wada jirtaa waana kala jirtaa’ ogaadaa weedha waxaa horaysa ‘waa wada jirtaa’, laakiin dadku waxay u isticmaalaan qeeybta danbe ee ah ‘waa kala jirtaa’. Muddo dheer ayaa nin kastaa hashiisa uun ilaashanayey, una haystay in geela wadartiisa ciidamo malaa’igeed u ilaalinayaan, waana ta lagu jabay. War aaynu geela wada ilaashanno waxba kala waayi meeynee.

 

Labo, nin walbaa waa jecel yahay in taariikh fiicani u qoranto haddana inta badan waxaaynu taariikhda ka raadinaa meel khaldan. Walaalayaal taariikhda qormaysa ma aha ta dhexdeenna taal, ee shhegaysa sida aaynu u kala xoolo badannahay, ama u kala tira badannahay, ama u kala cilmi badanahay, ama u kala aftahansannahay. Taariikhda micnaha lihi waa ta sheegi doonta waxa aaynu ka nahay somali dhexdeeda. Waa taarikkhdaa ta carrurteennu akhrisan doontaa oo aay madhaxeeda heli doonaan. Tusaale, waxaa isweeydiin leh ‘Ma waxaynu ku sifawnnaa reer reera la yaal, mise reer gurigiisa deggan oo ku sharfan’. Maanta dadkeennii ayaa inna sugaya, oo talo innaka sugaya sidii aaynu masiirkooda meel ugu ogaan lahayn. Haddana Somali oo dhan ayaa innaka sugaysa talo iyo ficil ku aadan sidii loo furdaamin lahaa qarannimada iyo midnimada dalka oo dhan. Taariikhda dhabta ah ee innoo qormaysaana waa waxa aaynu ku darsanno talada ummadda iyo sida aaynu u hagaajinno nolosha iyo horumarka goboladeenna oo la innakaga dayan karo. Ma aha inaynu ka aradnaanno taariikhdaas.

 

Saddex, kuma noolin jasiirad cidla’ ah ee waxaynu ku dhex nool nahay oo innaku gaadaaman dad somaliyeed oo dhalasho, qaraabo iyo derisnnimoba naga dhexayso. Haddana dekemo iyo isfahan la’aani qaarkood inna dhex taal. Distoorka deris wanaagga innoo yaal innaka iyo deriskeenna waxaan ku soo koobi lahaa tix uu qarni hore tiriyey abwaan somaliyeed oo ahayd ‘rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi, masa inaanu nahay oo tolnimmo meerta noo tahaye, ninkii aniga iga maarmaya uma muraad yeesho ….’. Nin walba oo walaakay ah oo somalinnimo naga dhexayso wuxuu iga mudan yahay sharaf, wuxuuna iga helayaa ammaan, naftiisa, maalkiisa, dhulkiisa iyo cirdigiisaba, inta uu isaguna intaa in le’eg ii ogol yahay. Haddii aan ka waayo intaas, aniguna kuma khasbani inaan keligay sido wadaan ceel taal, oo marka aan wadhfiyo aan la iga qabanayn. Si kastaba ha ahaatee anigaa ogol inaan wanaaga ku horeeyo laakiin kuma khasabani inaan sii wado haddii aan la ila garanayn, waayo taasi isaga iyo aniga toonna dan uma aha.

 

Afar, kala danbaynta ogaada. Ninkii diida talada iyo amarka walaakii wuxuu u qarqarsanaan doona amar nin ka fog oo aan u naxayn. Iska joojiya xuma ka sheegga mas’uuliinta idinla dhalatay ee naftooda iyo maalkooda u huray sidii aay danta guud uga midha dhalin lahaayeen. Haddii aaydaan yeelaayn, feker ka qaata sida uu ILAAHAY SWT uu u xisaabo adoomihiisa; nin walba waxaa lagu daray laba malag oo midna qoro khaladka, midna qoro camalka wanaagsan. Sidoo kale waxaa idiin habboon inaydaan had iyo jeer qorin khaladka oo keliya ee, oo haddii waxa la miisaamayo qofka wanaagiisana la qoro, oo aaydaan noqon sida malaga denbiga qora oo kale, malaa’igtu waa badan tahaye.

 

Shan, haddii talo la isagu yimaado, kolba afkaaro kala jaad ah ayaa miiska imman doonta. Go’aankuna mid ayuu moqdaa. Waa inaad fahantaan go’aanka la qaatay ma ahaan doono go’aan uu leeyahay kii markii hore keenay, ee wuxuu noqon doonaa go’aan la wada leeyahay, qofkastaana ku khasban yahay inuu si daacad ah u fuliyo. Ceebna ma aha in talo nin keenay la qaato, ee waxaa ceeb ah inaan go’aanka la fulin. Marka shirku dhammado ma jiri doono tartan afkaareed ee inna dhex ooli doona, ee waxaa ooli doona qorshe fulineed. Waqti looma hayo qof hadhow yidhaahda ‘waa igama qudhunto, oo halkaygii ayaa salaadu iigu xidhan tahay’. Ninka aan intaa garnayn ma aha inuu mas’uuliyad qaado.

 

Haddii aan intaa ku dhaafo talooyinkayga guud, sida aad la socotaan waxaan anigu ka mid ahay Guddiga G6 ee lahayd fekerka iyo qaban qaabada shirka. Hawshan hadalhaynteedu waxay bilaabantay bishii December 1910, waxaana shirka Taleex innoo furmay December 2011, waa hawl soo socotay sannad kaamil ah, oo marba meel joogtay. Waa hawl la gaadhsiiyey tuulo kasta oo degaankii ahaa, iyo magaalo kasta oo qurbajoogtu deggan tahay. Waxaana galay waqti iyo maal badan. Hawshaa laxaadkeeda waxaa fuliyey guddiyo kala duwan oo debed iyo gudoba ka hawl galay iyo kumanyaal qurba joog iyo dal joog ah oo maalgeliyey. Maanta oo aaynu bilownay sannad cusub, 2012, waxaan dareemayaa guul iyo reeyreeyn iyo mustaqbal fiican. Waxaana sharaf iyo maamuus iigu filan sida tolweeynaha SSC aay noo qadiriyeen, oo dhawaaqayagii u soo ajiibeen, oo maanta waxgaradkoodii u joogo Taleex ama u taageerayo.

 

Ugu danbayntii, dadku jinnac duulaan ma aha oo meel iskuma raaco. Inkastoo la odhan 95% dadweynaha SSC maanta waa taageersan yahiin shirka, haddana waxaa jira dad far ku tiris ah oo weli ka biyadiidan mabda’a isku tashiga ee khaatumo. Raggaas waxaan leeyahay ‘waar idinakama maarano, ee nala garta danta, dawga iyo dirirta jirta maanta’. Nala qaada waddada toosan.

 

Toddoba casho ka hor ayaanu haddanu nahay Guddigayaga G6 shir ku yeelanay magaalada Addis Ababa, oo aanu halkaa qorshihii shirka iyo wixii talo ah ku gorfaynay kuna dhammays tirnay. Marka qorshaha maanta la keenay Taleex waa mid aanu ka wada tashanay oo kalsoonidayada wata. Qaar naga mid ah waxaa u suurtagashay inay markiiba tagaan magaalada Taleex oo aay shirka hogaamiyaan, waxayna muujiyeen isbedel lagu diirsado ayaamaha kooban oo aay meesha joogeen. Xubno G6 ah oo aan ku jiro ayaan weli imman shirka waayo waxaay ku xanibanahiin mas’uuliyado kale oo inshallah iska soo dhammaanaya, laakiin waxaanu haynaa hawlo shirku leeyahay oo debedda ka socda, waana la soconnaa sida shirku u socdo. Maanta cidi uma maqna, ceelna uma qodno, ee yaan loo kala hadhin. Hawl nin kaa xigo laguma ordo, ragga meesha maraya ee G6 waa ku filan yihiin hawsha taal, waana u imman doonnaa haddii naloo baahdo.

 

Sidaas iyo guul iyo talo saarasho rabbi.

 

Saleebaan Cabdi Madoobe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

I have missed a lot in the last two weeks that I was offline.. Thanks Libaan and FreshPrince updating us and keeping the khatumo2 news alive. I am very optimistic the outcomes of this conference and insha'alah it will be a success for all all somalis...

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

If KH2 produces success, it could be a model for somalis to come under tree to reconcile and sort out their differences.. Guul for KH2 insha'alah..

 

Happy New Year Val..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Happy New Year, Khadar. Ilaahay 2012 ha inooga wada dhigo sanad khayr qaba.

 

PS: Yes, this traditional formula certainly beats utilising hotels and conference centres in foreign lands.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Great pics indeed, good luck to the locals. However one has to disagree with the notion that this is a unique one of a kind meeting in Somalia. Clans have held meetings before on many levels and whole regional admins were created inside Somalia.

 

The SSC clan need to unify themselves and chart their own course. The good thing for us unionists is the waving of the blue flag and the total

lack of scessionist symbols in Talex. Insha Allah Khair.

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;769997 wrote:
Great pics indeed, good luck to the locals. However one has to disagree with the notion that this is a unique one of a kind meeting in Somalia. Clans have held meetings before on many levels and whole regional admins were created inside Somalia.

 

The SSC clan need to unify themselves and chart their own course. The good thing for us unionists is the waving of the blue flag and the total

lack of scessionist symbols in Talex. Insha Allah Khair.

Well said, General. The likes of you from Mudug, Nugaal and Bari have to understand to tie up the jokers amongst you like that self-proclaiming Puntlander named "Somalia", who's tarnishing your name and tolnimo. He's dragging it on the mud. Personally, I don't think he's one of you guys, perhaps his mother might be from Puntland, but he surely sounds like he's from Hergeisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

A_Khadar;769955 wrote:
I have missed a lot in the last two weeks that I was offline.. Thanks Libaan and FreshPrince updating us and keeping the khatumo2 news alive. I am very optimistic the outcomes of this conference and insha'alah it will be a success for all all somalis...

You are most Welcome Brother Khadar, Insha Allah Khaatuma II will be a huge success, and soon SSC People will liberate their Regional Capital Las Anos, already 70 % of SSCLand is free ( like Buhoodle, Widhwidh, Kalabaydh, Saxdheer, Dharkeyn, Dabataag, Karin Dabaylweyn, Karingorfood, Taleex, Boocame, Tukaraq, Xalin, Xudun, etc)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beautiful pictures there. Love Taleex's landscape. Intaa ka bacdi, shirkan Insha Allah wuxuu ku dhamaan guul iyo mowqif ku salaysan israacid beesha SSC. Allaah ha la garab galo howshan culus ee hor taal reer SSC.

 

As for PL and SL admins, I think they should stay out of this gathering and must not try to intervene and have any influence in any kind or shape. Failure to do that will only exacerbate the already complicated issues of SSC and may even ignite unnecessary wars. Guul reer Sool, Sanaag, and Ceyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

breakingnews.jpg

 

 

Soodhawayntii Wafdigii Hoogaamiyaha SSC Sayid Sulieman Xaglo-Tosiye iyo Hogaamiye Kuxigeenka SSC CAli Sabarey Ee Degmada Taleex

 

Xargaga Online

 

 

Soo dhawayn Balaadhan ayaa Loo sameeyey Wafti balaadhan oo kasoo Kicitimay Magaaladda buuhoodle ee Xaruunta Gobolka Cayn,waftidan ayaa ka koobnayd Siyaasiyiin Cuqaal iyo ururadda Haweenka iyo Kuwa Dhalinta, sidoo kale waxaa waftidan Hormuud ka ahaa Gudoomiyaha Hogaanka SSC saleebaan Ciise Axmed *Xaglo-Toosiye*. iyo ku xigeenkiisa Cali Sabareey.

waxaana Waftidan ay Shacabka reer Taleex kaga Hortageen Meel ka baxsan Magaalada Iyado Laguna Soo gelbiyey Gaadiid aad u tiro Badan Fardo iyo Weliba Caleemo Qoyan, soo dhawayn diiran kadib waxa ay waftidani soo gaadheen Gudaha Taleex iyago markaana xaflad Balaadhan oo ay kasoo qayb Galeen Isimadda deeganadan SSC,kooxda G6 iyo Dad waynaha reer taleexna loogu qabtay hoolka uu ka furmi doono shirka wada tashiga Beelaha SSC,

Waftidan waxaa kamid ahaa Caaqiil Maxamuud X.Cumar Camey, oo kamid ah cuqaasha Magaca iyo Maamuuskaba ku leh deegaanada SSC, Suldaan Siciid Cismaan Cali, iyo Cuqaal Caan ka ah Gobolka Cayn, waxaana Xafladan Balaadhan ee loogu Qabtay Hoolka shirka Khaatumo 2 ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga Qaban Qaabada Shirka Khaatumi Xasan Cali Aw-yuusuf oo Waftidan Kasoo kcitintay Gobolka Cayn hadalo Soo dhawayn ah usoo jeediyey, sidoo kale Afhayeen Dastuurka iyo xidhiidhka Fadaraalka ee Hogaanka SSC Ibraahim maxamuud Guure ayaa ka warbxiyey Wax qabadkii Hogaanka SSC

Hogaamiye Ku xigeenka SSC Col Cali Sabarey ayaa sidoo kale Shacabka Reer Taleex uga Mahad Celiyey Soo dhawyanta Diiran ee Loo Sameeyey waxa uuna sheegay in abid intii uu Noola Aanu arag Soo dhawayn Tan lamdi ah waxaana Hadalkiisa kamid ahaa,

 

Dhanka kalena Hogaamiyaha SSC Dr Xaglo Toosiye ayaa Shacabka Reer Taleex Uga Mahad Celiyey Soo dhawaynta Diiran ee Loo Sameeyey waxa uuna ka warbixiyey Hindisaha Shirka Khaatumo 1-2 iyo Ururaddii ku midoobay Waxa uuna Hogaanku ka hadlay Hadal Dhawaantan kasoo yeedhay Somaliland waxa uuna sheegay in hadii Somaliland ay soo faro geliso Shirka ay la kulmi doonto Kacdoon Shacab.

 

Ka hor intii aanay Waftidan Heerka Sare ah soo gaadhin Taleex ayaa waxaa uu Hogaanka SSC uu Salaan Sharaf kaga Qaatay Duleedka taleex qaar kamid ah Ciidamada Shirka Khaatumo waxa uuna aad ugu Hanbalyeeyey dhamaanba Shacabka SSC isku Duubnida iyo Midnimada Haatan ka hana qaaday Degmada Taleex.

 

isku soo wada duuboo Soodhoweyntan loo sameeyey Hogaanka SSC iyo CUqaasha iyo waxgaradka Deegaanka GObolka Cayn ayaa soo afjaraysa Shaki dadka qaarkii ay ka qabeen in Hogaanka sare ee SSc ay ka qaybqaadan doonan Gogosha lagaga tashanayo Aayaga Shacabka Deegaanada Sool ,cayn iyo Sanaag ee xiligan Taala Xarunta Halgankii Daraawiisheed ee Taleex.

 

xar2.jpg

xar1.jpg

xar6.jpg

xar5.jpg

 

xar3.jpg

xar4.jpg

xar7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this