Sign in to follow this  
FreshPrince

Khaatumo 2 Congress: The Reigniting of Great Minds, Great History, Great Nationalism

Recommended Posts

Liibaan   

buuhoodle-300x208.jpg

 

Horafadhi.com : Wafdi Miisaan Culusleh Oo uu Hogaaminayo Garaad C/laahi Garaad Soofe Maanta Kasoo Anbaxay Magaalada Buuhoodle Kuna Sii Wajahan Magaalada Taleex

 

Buuhoodle, SSC-Somalia

 

 

Waxaa saaka aroor nimadii kasoo anbaxay magaalada Buuhoodle ee Xarunta gobolka cayn Wafdi miisaan culus kuleh Guud ahaan Gobolka cayn kuwaasi oo kusii wajahan magaalada Taleex Ee uu kasocdo Shirka Khaatumo 2.

 

Wafdigan ayaaa waxaa hogaaminya Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo kamida Isimada Magaca wayn kuleh Deegaanada Sool Sanaag Iyo Cayn aya waxay isugu jireen Cuqaal, Culimaa’udiin , Waxgarad , Dhalinyaro , Qaarkamida saxafiyiinta shabakada Horufadhi.com Waxaana Ay wateen Ilaa 10 Gaadhi .

 

Waxaana kamida ahaa Wafdigaasi

 

Garaad Saleebaan Buraale

 

Sheekh Cumar Sheekh Cismaan

 

Caaqil Hindi Maxamed Aadan

 

Caaqil Cali (Dahable)

 

Sheekh Cumar Suudaani

 

Iyo wufuud aad ubadan oo aan Halkan lagu soo koobi karin, Waxaana lagu sii sagoontiyey meelka baxsan magaalada Buuhoodle markii ay kasoo anbaxayeen Halkaasi iyadoo ay ahayd Saacadu 8: Subaxnimo.

 

Goor dhawayd Oo aan khadka Taleefanka kula xidhiidhay wafdigaasi oo imika maraya Magaalada Widh widh ayaa waxa ay Sheegeen Inay wax dhibaata ah lakulmin intay kusii guda jireen Safarkaasi ayna rajaynayaan Hadii alle idmo Inay Galabta gaadhaan Magaalada Taleex.

 

Marka la iskusoo wadaduubo shirka Khaatumo2 ayaa la filayaa in dhowaan si rasmi ah loo guda galo ajandayaashiisa waxaana waftiga Buuhoodle ka tagey kusoo beegmayaan xili maalintii shalay ay degmada Taleex gaadheen waftigii gudiga sare ee G6 ee iyagu lahaa abaabulka guud ee shirkani Khaatumo2.

 

Sawirada wufuudaasi markay gaadhaam Magaalada Taleex waxaad Kaga bogon doontaan shabakada Caalamiga ah ee Horufadhi.com

 

Horufadhi News Online

 

_______________________________________

 

Buhodle_Soldiers1-300x224.jpg

 

SSCNEWS.COM

 

Cuqaal, Isimo, Culimo, Waxgarad, iyo Ciidamo Miisaan Culus leh Oo Kusii Wajahan Taleex Kana Kicitimay Magaalada Buuhoodle.

 

Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa saaka waxaa ka anba baxay wafti aad u balaadhan oo isugu jira, isimo cuqaal, aqoon yahano, culima awdiin iyo dhalinyaro kamid ah qaybaha bulshada ee gobolka Cayn , waftigan oo ay hogaaminayaan isimada deegaanka Buuhoodle gaar ahaana garaad C/laahi Garaad Soofe & garaad Saleebaan Buraalle Aw Aadan ayaa ku sii jeeda degmada Taleex ee gobolka Sool halkaasi oo uu ka socdo shiweynaha beelaha SSC ee Khaatumo||.

 

Watigani ayaa ah kuwo aad u miisaan culus islamarkaana ay kujiraan madax dhaqameed iyo waxgarad kale oo miisaan culus kuleh gobolka Cayn waxaana kamid ah waftigaasi.

 

Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe

Garaad Saleebaan Buraale Aadan

Sh Cumar Sh Cismaan

Sh Cumar Soodaani

Caaqil Hindi Maxamed Aadan

Caaqil Cali Cabdi Cali ( Cali Dahable)

wafdigan ayaa waxa ay ka kooban yihiin tobaneeyo gaadhi oo ay saaran isimo, cuqaal, culimo iyo dhalinyaro deeganka ah, “Saaka ayaanu ka anba baxnay magaalada Buuhoodle abaaro 8:00 subaxnimo waxaanuna ku wajahanahay degmada Taleex oo aanu filayno inaan galo ilaa galabta” ayuu yiri Garaad Saleebaan Buraale Aadan.

 

Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya degmada Taleex ee gobolka Sool oo xiligani ay ku qulqulayaan ergooyinka ka qaybgelaya shirka Khaatumo2 ayaa si weyn looga diyaar garoobayaa soo dhoweynta waftiga shirka Khaatumo2 ee ka tegey gobolka Cayn waxaana socda abaabul badan oo lagu soo dhoweynayo waftiga.

 

Marka la iskusoo wadaduubo shirka Khaatumo2 ayaa la filayaa in dhowaan si rasmi ah loo guda galo ajandayaashiisa waxaana waftiga Buuhoodle ka tagey kusoo beegmayaan xili maalintii shalay ay degmada Taleex gaadheen waftigii gudiga sare ee G6 ee iyagu lahaa abaabulka guud ee shirkani Khaatumo2.

 

Axmed C/qaadir Jabaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

gar.jpg

 

Garaad Abshir Saalax Oo Gaadhay Taleex

 

Nugaal media

 

Wararka naga soo gadhaya magaalada Taleex ee xarunta shirka Khaatumo labo ayaa waxay sheegayaan in saaka si diiran loogu soo dhaweeyey wefti uu horkacayo Garaad Abshir Saalax ….. Garaadka iyo weftidiisa ayaa ka soo kicitimay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaana garaadka weheliya wax garad iyo xubno kale oo rayid ah oo ka qayb galka shirka u yimid Taleex. Garaadka iyo weftidiisa ayaa waxaa soo dhaweeyey gudida soo dhawaynta waxaana la dejiyey Guriga isimada ee xarunta Taalex

 

Short URL: http://nugaalmedia.com/?p=8

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

War-Deg-Dega1.gif

kalshaale1.jpg

 

Waftigii G6, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Issimo, Cuqaal, iyo Waxgarad Reer SSC ah oo Taleex SiWeyn Lagu Soo Dhaweeyey.

 

Waxaaa Maanta Si diiran loogu soo dhaweeyey Xaruunta Taariiklhiga ah ee Taleex Ragii Hidisay Shirka Khaatumo 1-2 ee Loo yaqaano G6,Soo dhaweyn Balaadhan ayay kala kulmeen waftigani Xarunta Taariikhigaha ah taleex. Dadwayne aad u tiro badan ayaa waftidan kaga horbaxay meel qiyaastii 10 u jirta taleex oo dhanka koonfureed ka xigta magaaladda Taleex.

 

Soo dhawayn Diiran kadib waxa ay waftifani soo gaadheen afaafka hore ee Taleex halkaasi ay ku sugnaayeen baabuur fardo iyo dadwayne aad u tiro badan kuwaasi oo diyaar u ahaa sooo dhawaynta waftidan.

 

Waxaa sidoo kale soo dhawaynta waftidan ka qayb qaadanayey Isimadda Deeganadda SSC kuwaasi oo su wayn ugu faraxsanaa soo dhawaynta Masuuliyiintan, waftidan soo gaadhay Taleex waxaa kamid ahaa 3Xubnood oo qayb ka ah G6 oo ay kamid ahaayeen Cali Khaliif Galaydh,Cali Ciise Cabdi iyo Dr Maxamed Buraale Faarax waxaa kale oo waftidan kamid ahaa Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Xukuumadii Farmaajo Mudane C.kariix Xasan jaamac.

 

Waxaa isaguna wafidan kasoo Raacay Tuuladda Saaxdheer Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad jaamac, Soo dhawayn Diiran oo ay Shacabka Reer taleex kala Kulmeen Waftigani ayaa la Geeyey Qasrigii Loogu Talo Galay inay waftidiani ka dagaan Degmada Taleex.

 

Qaban Qaabada Soo dhawaynta Waftidan Ayaa si balaadhan maalmihii la soo dhaafay looga Dareemayey Xaruunta Taarikhiga ah ee Taleex, haatana waxaa Degmada Taleex ku sugan Dadwayne aad faro badan oo ka kala yimi Daafaha Dunida Haba u badnaadeen Goboladda SSC.

 

 

DAAWO SAWIRADA

 

c.kaliif%20&Cali%20ccise.jpg

DSC00082.jpg

DSC00030.jpg

 

DSC00059.jpg

DSC00054.jpg

DSC00070.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Wafdigii G-6 oo maanta soo gaadhay Madashii TALEEX

 

XARGAGA ONLINE xargaga.net

 

Halkan K a Dhageyso http://xargaga.net/images/file/A2011/Live_from_Boocame_Xargaga_Online.rm

 

 

 

 

Guddigii G-6 oo si habsami ah loogu soo dhaweeyay Magaalada TALEEX. daawo muuqaalka habkii loo soo dhaweeyay Guddida iyo Ergooyinkii la socday. (Daawo) (dhagayso).

 

Guddigiiqabanqaabada shirka Khaatumo 2 oo soo si habsami ah loogu soo dhaweeyay Magaalada TALEEX. daawo muuqaalka habkii loo soo dhaweeyay Guddida iyo Ergooyinkii la socday. (Daawo).

 

Wariyaha Xargaga Online Cadnaan Saalax ayaa si habsami ah usoo tabiyay Warbixintan:

 

Image%2011%20wity%20x_001.jpg

Image%202_001.jpg

Image%204%20wity%20x_001.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Dr. Cali Khaliif Galaydh, Dr. Cali Ciise Cabdi iyo Wafti Balaadhan Oo Soo Gaadhay Taleex

 

LASANOD.COM

 

Taleex,(Lasanod Online)- Wefti balaadhan oo uu ka mid yahay Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo dr. Cali Ciise Cabdi..

 

ayaa soo gaadhey degmada Taleex ee gobolka Sool ka dib markii ay maalinimadii shalay soo gaadheen dalka iyagoo ka soo kicitimay dalka Itoobiya.

 

weftigan oo ka koobnaa Aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo madaxdhaqameed ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaaladda Taleex oo shir beeleed dad degaano kala duwan ka imaanayaa uga ka furmi doono maalmaha soo socda.

 

Masuuliyiintani oo uu ka mid yahay C/kariin Xasan Jaamac oo dhowaan ahaan jirey wasiirka warfaafinta Dawlada Federaalka ee xukuumadii Farmaajo, mana jirto wax hadal ah oo ay imaanshahooda ka yidhaahdeen.

Masuuliyiintan ayaa ka soo kicitimay wadanka Itoobiya kana soo galay gobolka Sool tuuladda Saaxdheer oo 70Km dhinaca koonfureed kaga beegan laascaanood, taas oo lagu macneeyey inaanay labada mamaul ee Puntland iyo Somaliland aanay midina raali ka ahayn soo maridooda.

 

Degmada Taleex ayaanay jirin wax maamul ah oo ka arimiya balse haatan waxaa hawsha amaanka loo xilsaaray ciidamo dhowaan la`isaga keenay degaano kala duwan kuwaas oo loogu yeedho ciidamada Khaatumo2.

Shirkan oo wadatashi lagu macneeyey ayaa dad badani waxa ay saadaalinayaan maamul ka madaxbanaan Somaliland iyo Puntland in laga yagleelo kulankan la filayo degmada Taleex inuu ka furmo.

Xafiiska Wararka Laascaanood

 

Laascaanood Somalia

 

DSC03532.JPG

DSC03514.JPG

DSC03516.JPG

DSC03515.JPG

DSC00066.jpg

DSC03492.JPG

DSC03535.JPG

DSC03504.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

DSCN0244.jpg

IMG_0105-1024x768.jpg

 

Madaxda SSC ee G6 oo Shirar Kala Gedisan Laqaatay G15 iyo Bulshawaynta Reer Taleex Maanta.{Daawo Sawiro:}

 

Horafadhi.com

 

Waxaa maanta magaalada Taleex ka soconayey shirar kala gedisan oo ay xubnaha G6 laqaadanayaan Bulsha waynta Ku Dhaqan Magaalada Taleex,

Dhinaca kale G6 ayaa Maanta Usoo tacsiyeeyay Eheladii iyo Qaraabadaii ay dhawaan shaqaaqooyinkii halkaasi ka dhacay Ay dhibtu kasoo Gaadhay.

 

Sidoo kale G15 ayaa maanta waxay uga warameen xubnaha G 6 waxyaabihii uqabsoo may Mudadii ay wadeen Qaban qaabada Shirka Khaatumo2, iyo weliba waxyaabaha uqorshaysan Hada,

 

G6 ayaa si wayn ubooriyey shaqada hagar la,aanta ah ee ay qabteen Xubnaha G15 oo mudooyinkii danbaba waday ololaha qaban qaabinta shirkaasi.

 

Isku soo wada duuboo magaalada Taleex ayaa si wayn looga dareemaya farxad aad usaraysa, waxaana la adkeeyay amaanka magaaladan iyadoo ay weli halkaasi kusoo qul qulayaan wufuud kala gedisani.

 

Dhanka kale shirkadda Telefoonada ee Golis ayaa si weyn ugu fududeysay warbaahinta iyo weliba Macaamiisheeda , khadka Internertka, kaasoo hada asagoo Xadhig la’aan ah la isticmaalyo, Golis ayaa hada majaraha u haysa adeeg horumarsan oo ay la dhacsan yihiin bulshada Taleex.

 

Horufadhi News Online

 

 

IMG_0093-1024x768.jpg

IMG_0092-1024x768.jpg

IMG_0116-1024x768.jpg

IMG_0103-1024x768.jpg

taleex5-300x225.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

timthumb1-300x224.jpg

 

Madaxda SSC ee G6 iyo Gudida Qaban Qanqaabada G15 oo shir Xaas Xaasi ah uga socda Magalaada Taleex

 

XuddunNews.com

 

Gudiga G6 ayaa waxay saaka la kulmeen labadii beelood oo xurgufu ku dhex martay Taaleex waxayna u tacsiyeeyeen geeridi ku timid reer Cali shire…

 

Beesha Samakaab Cali ayaa aqbashay gebi ahaanba codsigii Gudida iyo sidii ay u dhameeyeen gudidii loo saaray xalinta labada ardaa.

 

Gudida G6 ayaa waxay kaloo la kulmeen qaybaha Bulshada Taleex, Ergooyinka, Suxufiyiinta iyo Ciidanka Amniga.

 

Gudida ayaa waxay soo indha indheeyeen Ansaartii hore ee xarumihii Daraawiishta iyo Qalcadii Sayidka ee Taaleex iyo meelo kale oo badan.

 

Ugu dambayntii waxaa hada shir albaabadu ay u xidhan yihiin ku jira Gudida G30 iyo G6 oo qorshaynaya sidii ay u samayn lahaayeen gudiyada shirka daadihin lahaa,waxaana la sheegay in ay ilaa caawa soo dhisi doonaan Gudiyo kala duwan oo sida Gudida Dhaqaalaha,Farsamada,Turxaan Bixinta, Saxafadda iyo qaybo kale .

 

kala soco Wararka Taleex www.xuddunnews.com

 

 

________________

 

R/wasaarihii Hore ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galaydh oo yimid Taleex, Kulamana la Qaatay Odoyaasha Dhaqanka iyo Guddiga Qabanqaabada Shirka Khaatumo II

 

Radio Daljir

 

Taleex, Dec 31 – Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Dr. Cali Khaliif Galaydh oo horay mar u ahaan jiray raysal-wasaarihii Soomaaliya xilligii dawladii Carta ayaa maalintii shalay ahayd si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Taleex, waxaana ay kulamo gaar gaar ah la qaateen waxgaradka deegaanka iyo sidoo kale guddiga qaban-qaabada shirka khaatumo 2.

 

Afhayeenka guddiga qaban-qaabada shirka khaatumo 2 C/fitaax Cismaan ‘Dhalac’ oo u warramay radio Daljir ayaa shaaca ka qaaday in 2 maal-mood kaddib uu si toos ah u furmi doono shirka looga arrinsanayo aayaha gobollada SSC, waxaana uu intaasi ku daray inay soo dhamaystirmeen dhammaan ergooyinkii la sugaayay ee shirka lagu casumay.

 

Md. Dhalac, ayaa shaaca ka qaaday in ajandayaasha looga hadli doono shirkaasi iyo go’aamada kasoo baxa looga danbayn doono siyaasiyiinta beesha, isla markaana Isimada dhaqanku ay yeelan doonaan ducada iyo ka warhaynta go’aamadaasi.

 

Diiwaanka Wararka

Daljir Garowe.

 

_____________

 

Waftdigii ugu cuslaa Khaatumo 2 ayaa manta si heersare ah loogo Soo dhaweeyay degmada Taariikhiga ah ee Taleex‏

 

Hadhwanaag News

 

Taleex(W) Wefti balaadhan oo uu ka mid yahay Prof. Cali Khaliif Galaydh oo horey u ahaan jirey raiisal wasaaraha Soomaaliya ayaa soo gaadhey degmada Taleex ee gobolka Sool ka dib markii ay maalinimadii shalay soo gaadheen dalka iyagoo ka soo kicitimay dalka Itoobiya.

 

Waftdigii ugu cuslaa Khaatumo 2 ayaa manta si heersare ah loogo Soo dhaweeyay degmada Taariikhiga ah ee Taleex‏

 

Wefti balaadhan oo uu ka mid yahay Prof. Cali Khaliif Galaydh oo horey u ahaan jirey raiisal wasaaraha Soomaaliya ayaa soo gaadhey degmada Taleex ee gobolka Sool ka dib markii ay maalinimadii shalay soo gaadheen dalka iyagoo ka soo kicitimay dalka Itoobiya.

 

Weftigan oo ka koobnaa Aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo madaxdhaqameed ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaaladda Taleex oo shir beeleed dad degaano kala duwan ka imaanayaa uga ka furmi doono maalmaha soo socda.

 

Masuuliyiintani oo uu ka mid yahay C/kariin Xasan Jaamac oo dhowaan ahaan jirey wasiirka warfaafinta Dawlada Federaalka ee xukuumadii Farmaajo, mana jirto wax hadal ah oo ay imaanshahooda ka yidhaahdeen.

Masuuliyiintan ayaa ka soo kicitimay wadanka Itoobiya kana soo galay gobolka Sool tuuladda Saaxdheer oo 70Km dhinaca koonfureed kaga beegan laascaanood, taas oo lagu macneeyey inaanay labada mamaul ee Puntland iyo Somaliland aanay midina raali ka ahayn soo maridooda.

 

Degmada Taleex ayaanay jirin wax maamul ah oo ka arimiya balse haatan waxaa hawsha amaanka loo xilsaaray ciidamo dhowaan la`isaga keenay degaano kala duwan kuwaas oo loogu yeedho ciidamada Khaatumo2.

 

Shirkan oo wadatashi lagu macneeyey ayaa dad badani waxa ay saadaalinayaan maamul ka madaxbanaan Somaliland iyo Puntland in laga yagleelo kulankan la filayo degmada Taleex inuu ka furmo.

 

 

Ciise Cabdisamed axmed Dabayl

 

 

__________________________

 

 

c.kaliif-Cali-ccise.jpg

Prof. Cali Khaliif Galaydh Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Degaanka Taleex Ee Shirka Beelaha SSC Ka Socdo+Sawiro

 

Boorama Online.com

 

Taleex-(BNO) Waxaaa maalinimadii shalay ahayd Si diiran loogu soo dhaweeyey Xaruunta Taariiklhiga ah ee Taleex Ragii Hidisay Shirka Khaatumo 1-2 ee Loo yaqaano G6,Soo dhaweyn Balaadhan ayay kala kulmeen waftigani Xarunta Taariikhigaha ah taleex. Dadwayne aad u tiro badan ayaa waftidan kaga horbaxay meel qiyaastii 10 u jirta taleex oo dhanka koonfureed ka xigta magaaladda Taleex.

 

Soo dhawayn Diiran kadib waxa ay waftigani soo gaadheen afaafka hore ee Taleex halkaasi ay ku sugnaayeen baabuur fardo iyo dadwayne aad u tiro badan kuwaasi oo diyaar u ahaa sooo dhawaynta waftidan.

 

Waxaa sidoo kale soo dhawaynta waftidan ka qayb qaadanayey Isimadda Deeganadda gobolka Sool kuwaasi oo su wayn ugu faraxsanaa soo dhawaynta Masuuliyiintan, waftigan soo gaadhay Taleex waxaa kamid ahaa 3Xubnood oo qayb ka ah G6 oo ay kamid ahaayeen Cali Khaliif Galaydh,Cali Ciise Cabdi iyo Dr Maxamed Buraale Faarax waxaa kale oo waftigan kamid ahaa Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Xukuumadii Farmaajo Mudane C.kariix Xasan jaamac.

 

Waxaa isaguna wafigan kasoo Raacay Tuuladda Saaxdheer Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad jaamac, Soo dhawayn Diiran oo ay Shacabka Reer taleex kala Kulmeen Waftigani ayaa la Geeyey Qasrigii Loogu Talo Galay inay waftidiani ka dagaan Degmada Taleex.

 

Qaban Qaabada Soo dhawaynta Waftidan Ayaa si balaadhan maalmihii la soo dhaafay looga Dareemayey Xaruunta Taarikhiga ah ee Taleex, haatana waxaa Degmada Taleex ku sugan Dadwayne aad faro badan oo ka kala yimi Daafaha Dunida Haba u badnaadeen Gobolka Sool.”

 

____________________________

 

Prof. Cali Galayr oo Gaaray Taleex, Sool "Dhageyso"

 

 

GAROWEONLINE

 

Wafdi uu hogaaminayo Dr.Cali Khaliif Galayr raysal wasaarihii hore ee Somalia kana kooban aqoonyahano kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafeyna ku sugnaa dalka Ethiopia ayaa shalay 29,12,2011 gaaray tuulada Saaxdheer oo 70-KM dhanka koofureed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

 

Xubnahan oo kasoo jeeda gobolka Sool uuna hogaaminayo dr,galayr oo raysal wasaare ka soo noqday mid ka mid ah dawladihii Somalia burburkii ka dib, ayaa waxaa ka mid ah xubnaha socdaalkiisa ku wehliyay ee la xusi karo Dr.Cali Ciise Cabdi oo 30-sanno ka badan u soo shaqaynayey hay'adda lacagta aduunka ee IMF.

 

Ujeedada safarka xubnahan oo la sheegayo maanta oo Jimce ah in ay ku wajahan yihiin degmada Taleex ay la xiriirto furitaanka shir loogu magac darey Khaatumo 2 oo labadii bilood ee ugu danbeyey qaban qaabadiisa ay ku howlanaayeen,iyadoona la filayo marka ay soo gaaraan Taleex in ay shaaciyaan ajandayaasha shirka iyo ujeedada qabashadiisu la xiriirto.

 

Ragan oo abaabuley shirkan mid kasii horeeyey oo lagu qabtey magaalada London ayaan horey looga baran ka qeyb galka shirarka ay qabsadaan beelaha *********** & dhexgalka maamulada Puntland iyo Somaliland oo siyaasiinta beeshan u dhashey badankoodu isaga talaabaan labada dhinac.

 

Halkan ka Dhageyso Warbixin Abshir C/lahi ka diyaariyey wafdiga tagey Sool

 

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Galayr_oo_gaarey_Sool.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Waxaa Wali Ku Soo Qulqulaya Magaalada Taariikhiga Ah ee Taleex, Gobolka Sool Wufuud Balaadhan oo ka imaanasaa Gobolada SSC , Somalia, iyo Dhamaan Wadamada iyo Qaaradaha Caalamka

 

Oo Ka Kala Imanaysa degaanadda SSC Iyo qurbaha iyadoo ergooyin tiro ay maanta kala yimaadeen Degaanadda Boocame iyo laascaanood kuwaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay degmadda taleex

 

Dadwaynaha ku dhaqan degmada Taleex,ayaa si balaadhan u soo dhaweeyey ergayda ka socota deegaanka Boocame iyagoo kaga hortagay meel ka baxsan magalada,

 

Hasan Food oo ah xubin ka tirsan gudida qaban qaabada shirka Khaatumo ayaa ka mahad celiyey sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen

 

____

 

 

Ergooyin ka socday Degmada Boocame oo Taleex Lagu Soo dhaweeyey+Sawiro

 

Ceegaag Online

 

Waxaaa Maanta Gelinkii Hore si diiran loogu soo dhaweeyey Halka ay taal Gogosha wada tashiga beelaha *********** ee Khaatumo2 ee taala Taleex wafti heer sare ah oo kaasoo kicintintay degmada boocame gobolka sool,waftidan ayaa iskugu jiray ururadda haweenka,kuwa dhalinyaradda iyo ergadda shirka uga qayb geli doonta beelaha daga degmada boocame.

 

soo dhawayn balaadhan ayaa waftidan loo sameeyey waxa ayna hoolka loogu talo galay in uu ka dhoco shirka khaatumo 2 ay kusoo bandhigeen ciyaaraha hidiyo dhaqanka ah ,buraanburo iyo gabayo kuwaaasi oo dhamaantood ay ku muujinayeen taageeradda ay u hayaan shirka khaatumo-2,sidoo kale waxaa degmada taleex haatan ku sugan dadkii abid ugu tiradda badnaa ee taleex iskugu yimada marka laga reebo xiligii daraawiishi daganayd oo qarni haatan laga joogo.

 

waxa taleex si badan ugu soo qulqulaya waftiyo kala gedisan oo kasoo kala kicitimaya daafaha caalamka iyo goboladda ssc, Qaar kamid ah Wufiidii soo gaadhay taleex ayaa mahad naq balaadhan usoo jeediyey shacabka reer taleex sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen waxa ayna ilaahay ka baryeen in shirka wada tashiga beelaha *********** uu ka yeelo mid guul ku dhamaado.

 

sidoo kale waxaa taleex haatan ku sugan G6-Kuwaasi oo dhawaanahanba Degmada Taleex laga sugayey inay soo gaadhan isla markaana maalintii shalay ahayd si diiran loogu soo dhaweeyey ,isku soo wada duubo shirka wada tashiga beelaha *********** ayaa la filayaa in uu la 1-sado Sanadda Cusub ee 2012 Hadii Rabi Raalo ka Noqdo.

 

Maxamed Cismaan C.nuur

 

Xaruunta Wada Tashiga Beelaha SSC, Taleex Sool Somalia

 

Daawo Sawirada

 

2.jpg

3.jpg

4.jpg

6.jpg

7.jpg

8.jpg

10.jpg

11.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Ergooyinkii Khaatumo II iyo ShacabWayne Ka Socda Gobolada SSC oo Taleex Lagu Soo Dhoweeyey+Sawiro

 

Realtaleex.com

 

Waxaa Maanta Degmada Taleex Soo gaadhay Ergadii Shirka Khaatumo2 ee Boocame Ergadan waxaa Safarkooda ku Weheliyey Xubno kamid ah G15 oo Deegaanbkaas u dhashay sidoo kale waxaa Ergooyinka ku wehelinayey Ururadda Haweenka,kuwa dhalinta iyo Dhalinyaro Yagu markaasi ku labisna Dharka hidaha iyo dhaqanka , waxaa xaflad balaadhan loogu sameeyey Hoolka Shirirka e degmada Taleex iyado markaasna ay halkaas kusoo bandhigeen ciyaaraha Somaliga ee Nugaashu Caanka ku tahay waxa ayna Qaar kamid ah ergadani ay gudaha Taleex kula Hadleen Shacabka reer Talex iyago markaasina si wayn ugu mahad celiyey soo dhawaynta ay shacabka reer taleex u sameeyeen.

 

Ma aha Markii u Horeysey ee Soo dhawayn sidan oo kale ah loo sameeyo Ergooyinka ka qayb qaadanaya Shirka Khaatumo 2.

 

 

14.jpg

22.jpg

4.jpg

31.jpg

5.jpg

72.jpg

8.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this