Sign in to follow this  
Che -Guevara

Benadir Football Tournament

Recommended Posts

Cawaale   

DEG DEG: Gaari ay saarnaayeen Taageerayaasha Degmada Wada Jir oo goor dhow ku rogmada agagaarka Isgoyska Dabka

 

 

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Shir gaari qasaare baaxad leh geystay uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Dabka, kadib markii gaari kuwa xamuulka oo ay ka buuxeen taageerayaasha degmada Wada Jir uu kula rogmaday halkaas.

 

Qasaaraha oo aan wali la heyn tiradooda ayaa goob joogayaal ay sheegeen in dhimasho iyo dhaawac fara badan uu ka dhashay shilka oo ahaa mid aad u xumaa.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaariga rogmaday uu hada ku dul jiifo qaar ka mid ah dadkii saarnaa, iyadoo ay socdaan gurmad la doonayo in dadka laga soo dhex saaro gaariga.

 

Mar aan la xiriirnay Gudoomiyaha degmada Wada jir Axmed Daaci ayaa inoo sheegay inuu ku mashquulsan yahay tirakoobka iyo qasaaraha uu geystay shilka, isagoo sheegay inuu aad uga xun yahay.

 

Ciyaartii Sema Finalka ee Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo galabta ay isaga hor-yimaadeen degmooyinka Wada Jir iyo Yaaqshiid ayaa bar bar dhac gool iyo gool ku dhamaatay, iyadoo degmada Yaaqshiid ay markii dambe ku badisay rigoorayaal la dhigay oo ay ugu soo baxday Finalka.

 

Tartanka ciyaaraha degmooyinka oo ah mid xiiso gaar ah leh ayaa waxaa u soo daawasho taga boqolaal dadweyne ka kala yimaada 16-ka degmo, iyadoo Maamulada degmooyinka ay u sahlaan dadweynaha gaadiid ay ku tagaan garoonka, si ay taageero ugu noqdaan Ciyaartoyda degmooyinka.

 

Wixii ku soo kordha qasaaraha shilka kala soco wararkeena dambe

 

Source: jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Waxaa la igu dhahay the lack of proper street lighting is hindering rescue workers trying to help the victims. Pray for them in uu Ilaahay nabad yeelo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Maasha Allah walaahi this is such a good feeling! Just look at the fans, there faces! dadkaan dhibka ee ku jireen mar dhaweed iyo hada ma islaha...

 

ilaahoo wadankeena nabad noogaga dhig.. Walaahi I wish I was watching these games....

 

 

MMA, labo jir xaafada Hodan soc soconjiray oo shaxaari ahaa waa laga sheekeen jiray.. Ani sheeko caruureed aan u qabi jiray..Ninkoo cilan ahaa oo kabo ku luujiteen jiray ikwatoore ayaa kabacdi lagu sheegay....

 

Showqi loool abaa MMA naga qabo nooh.... abo jir anoo ah aan teerabuunka lug ku tagi jiray oktoobar kaste kulahaa!!!!

 

 

Yaaqshiid ayaa leh koobkaan...

 

 

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Tuujiye;768090 wrote:
Maasha Allah walaahi this is such a good feeling! Just look at the fans, there faces! dadkaan dhibka ee ku jireen mar dhaweed iyo hada ma islaha...

 

ilaahoo wadankeena nabad noogaga dhig.. Walaahi I wish I was watching these games....

Tuujiye, runtaa waaye the crowd looks like they are watching the World Cup. Xamaasada wajigooda ka muuqata fiiri.....

 

Che, is Hodan out already?............Ooh No:mad:

 

Alinoor.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yaaqshiid Oo Dirqi Isaga Reebtay Wadajir”DAAWO SAWIRRADA”

Published on December 27, 2011 by Jayte · 46 Comments · 6,360 views

Tartanka degmooyinka gobolka Banaadir oo maraya marxaladihii ugu dambeeyey ayaa waxaa galabta garoonka Coonis Stadium degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ciyaar kulul ay ku dhexmartay degmooyinka Wadajir VS Yaaqshiid ayadoo kulankaasina uu ahaa Semi finalka tartanka degmooyinka.

 

Garoonka oo maalinba maalinta ka dambeysa taageerayaasha,mas’uuliyiinta iyo dadweynaha usoo daawasha taga ay sii kordhayaan ayaa waxaa maanta uu ahaa jawigiisu mid ka duwan sidii hore marka loo eego xaga xamaasada kulanka iyo xifaaltanka ay muujiyeen taageerayaasha labada degmo waa Wadajir iyo Yaaqshiid.

 

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay weerar iyo weerar celis waxaana qeybta koobaad lagu kala nastay gool iyo eber oo ay ku hogaamineysay degmada Yaaqshiid balse markii qeybta Labaad la isku soo laabtay ayaa waxaa degmada Wadajir usuurto gashay ciyaartooydeeda iney keensadaan gool taasi oo ciyaarta ka dhigay bar baro.

 

Waqtigii loogu talagalay ciyaarta iyo daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu darayba waxaa ay isla dhaafi waayeen bar bar dhac oo min hal gool ah waxaana markii dambe lagu kala saaray rigoorayaal taasi oo degmada Yaaqshiid ay ku badisay.

 

Degmada Wadajir waxay kaalinta Seddexaad la ciyaari doonaan degmada Hodan oo shalay laga adkaaday halka ay degmada Yaaqshiidna maalinta jimcaha la ciyaari doonto degmada Dharkenley ciyaarta Finalka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this