Sign in to follow this  
Che -Guevara

Benadir Football Tournament

Recommended Posts

Madaxweynaha DFKMG oo furay ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir…

 

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Banaadir oo daaha looga qaadayay ciyaaraha degmooyinka ayaa waxaa xariga kajaray mudane Shariif Sheekh Axmed madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya.

 

Halkan ka daawo Sawirada….

 

Munaasabaddani oo aheyd mid caalami ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin fara badan oo katirsan dowladda kooxaha ciyaartooyda 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, kooxda baambeyda, haweenka iyo dhalinyarada degmooyinka gobolka oo dhan iyo marti sharaf kale.

 

Waxaana ugu horeynti munaasabaddaasi dhoola tus dadweynihii kasoo qeybgalay ay jecleysteen soo bandhigay kooxi ka kala socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir oo ay wehliyeen kooxda Baambeyda, waxaana socod dheer ay kusoo mareen gudaha garoonka Satdiom Koonis ee magaalada Muqdisho.

 

Xafladda ayaa waxaa furay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya mudane Shariif Sheekh Axmed oo kubaddii lagu ciyaari lahaa cirka utuuray kadibna waxaa sacab iyo sawaxan lagu soo dhoweynayay furitaanka ciyaaraha degmooyinka ee madaxweynuhu furay.

 

Intaa kadb waxaa bilowday qudbadihii madaxda oo uu ugu horeyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo ku dheeraaday baahida loo qabo is dhex galka bulshada iyo degmooyinka gobolka si amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho wax weyn looga baddalo.

 

Madaxweynaha Jamhuudiyadda Soomaliya mudane Shariif Sheekh Axmed oo munaasabaddaasi hadalo qiimo badan kasoo jeediyay ayaa dhankiisa tilmaamay baahida loo qabay ciyaaraha degmooyinka isagoona guul u rajeeyay ka qeyb galayaasha dhamaan 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.

 

Maamulka gobolka Banaadir ayaa wada barnaamijyo badan oo lagu horumarinayo adeegyadii bulshada ee ku burburay dagaaladii sokeeye.

 

 

Waxaa soo tebiyey:

 

Mohamed Yusuf

Press Officer office of the Mogadishu Mayor,

Tel: +252 699 407 191, +252 615 182 797.

Mogadishu-Somalia.

 

 

source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Viva Degmada Hodan. Always Reer Hodan baan ahaa, xaafadda reer magaalka u badnaa oo Soomaaliweyna wada deganayd equally, unlike other degmooyin.

 

Degmada Hodan in a nutshell:

 

Isbitaal Digfeer, barxadii iyo fagaarihii weyneyd ee Tarbuunka, iskooladii caanka ahaa ee Sh. Madar, Kowda Maajo, Iskool Hodan, Iskool Dhagaxtuur, Iskool Banaadir, Iskool Kaasabalbalaare. Shaneemooyinkii caanka ahaa Shaneemo Kaasabalbalaare [aka Shuun], Shaneemo Ekwatoore, Shaneemo Hodan. Xaafadihii caanka ahaa Afrikan Filaj [African Village], Taleex, Kaasabalbalaare, Bangaariyada, Sarihii Ruushka. Masaajidkii weynaa Sh. Cali Suufi, masaajidkii C/rashiid Cali Sharmaarke. Qabuurihii qaranka ku aasanyihiin madaxdii dalkeena u soo halgantay. Isbitaalkii Ciidamada Xoogga Dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa ka tagayba hoos ayaa lagu sharxay, waliba qariiradeeda iyadoo wadato.

 

37893_413391191637_610241637_5042472_711

 

1-Kuliyaddi Jalle Siyad

2-Isbitaal Digfeer

3-Tarabuunka

4-African Village

5-Wasaaradii Macdanta & Biyaha

6-Hotel Taleex

7-Carwadi caalamiga

8-Banaadir Sare

9-banaadir H/Dhexe

10-Xamar Sare

11-Warshaddi Coke Cola

12-Shaleemo KPP

13-KPP Secondry School

14-Masaajidka Sh. Cali Suufi

15-Saldhiggii Hodan

16-Degmadii Hodan

17- Kulliyaddi Caafimaadka

18-Taleex H/Dhexe

19-Warshaddi Caanaha

20-Wakaaladdi Biyaha

21-Albaraka Hotel

22-1da Majao H/Dhexe

23-Sh.Madar H/Dhere

24-Shaleemo Ekotore

25-Laanta Ahmed Gurey

26-Mowlaca Macallin Nuur

27-Masaajidka Cabdirashiid

28-Shaleemo Hodan

29-H/Dhexe Hodan

30-H/dhexe Dhagaxtuur

Source: Facebook

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

MMA list-tigisii aan anigana wax yar ku daraa:

 

31- Garoonka Naadiga Kubada Cagta Badda

32- Cisbitaalka Xooga

33- Garoonka Naadiga Kubada Cagta Horseed

34- Xanaanada Caruurta (Shaneemo KPP waaba sheegene, maxeey Xanaanadii Caruurta u ilaaween)

35- Safaarado badan oo ku yaalay ka soo horjeedkii sarta 6 biyaano ( Magacoodii aa ii gooyey ???)

36- Guriga Shaqaalaha

37- Amiin Caamir Studio

38- Hotel Dabka (Dabka iyo Holac Hotel)

39- Suuqa Siigale

 

Go Hodan Go

Inkasta oo aan H-wadaag ku dhashay, hadana Hodan ayaa wadnaheygii qaadatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Showqi, ileen Xanaanadda Caruurta waa taqaanaa. Tii u dhaxeysay ma'ahoo Shaneemo Kaasabalbalaare iyo Isteeshinka Hodan.

 

Safaaradda aad rabtid waa safaaradda Masar. Hoteelka Maka Almakurama waa iloowday meeshaasna.

 

Che, koox degmeed dooro ayaa na diray, waa dooranay, waana kuu sharxooynaa, see camal. Bring your Huriwaa xaafad nooh. Maxaa Huriwaa lagu yaqaanay? Hmm. Hoteel Guuleed iyo maxaa kale? Suuqa Xoolaha? SOS? 058.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;766121 wrote:
Showqi, ileen Xanaanadda Caruurta waa taqaanaa. Tii u dhaxeysay ma'ahoo Shaneemo Kaasabalbalaare iyo Isteeshinka Hodan.

Haa, taas waaye. Waxey ahayd xanaano qadiimi ah. Oo caruur badan oo Soomaali, Hindi iyo carab ahiba ay soo mareen.

 

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;766121 wrote:
Bring your Huriwaa xaafad nooh. Maxaa Huriwaa lagu yaqaanay? Hmm. Hoteel Guuleed iyo maxaa kale? Suuqa Xoolaha? SOS?

Ka dhaaf yakhee, miskiinka wax uu Xaafada Hodan kula tartamo meesha ma ku haayo. Che, Hodan gabar mageceed oo kaliya ma aha yaah! Hodan = Taajir = Prosper...:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this