Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Awdal Community in the diaspora sends a strong message

Recommended Posts

Xaflad Balaadhan Oo Si Heer Hare Ah Loo Soo Agaasimay Soona Diyaariyeen Jaaliyada Gobolada Awdal, Salal Iyo Gabiley, Laguna Taageeraayay Midnimada,

 

Qaranimada iyo Nabada Somaliland Oo Xalay Lagu Qabtay Magaalada Ottawa

Nov 17, 2011 Ottawa(Cadceed) – Xalay waxaa magaalada Ottawa lagu qabtay Xaflad balaadhan oo ay soo qaban-qaabiyeen Jaaliyada ka soo jeeda Gobolada Awdal,Salal iyo Gabiley ee deggan Magaalada Ottawa. Xafladan oo ahayd mid aad u qurux badan loona soo agaasimay si caalamiya ayna ka soo qaybgaleen boqolaal dadweyne oo isugu jira noocyada kala duwan ee bulshada ayaa ahayd mid, farshaxan ahaana noqotay mid muuqaal iyo nidaamba ashqaraar ku riddey dadweynihii ka soo qayb galay.

 

Ujeedada xafladan oo ahayd adkaynta midnimada, qaranimada iyo nabada Somaliland waxaa ka hadlay madaxda Jahliyada reer Somaliland ee Ottawa gaar ahaan hormoodka Jahliyada reer Awdal/Salal/Gabiley.

Waxaa madasha hadalka daadihiinaayay wariye AbdiQani oo si habsami leh u kala horaayay wufuuda hadalka ku qornayd. Isagoo weriyuhu ku hadlaaya magaca qabanqaabayaasha ayuu hadalkiisa ku horaysiiyay arrintii dilkii foosha xumaa ee bishan shanteedii ka dhacdey tuulada Seemaal. Abdi Qani wuxuu tacsi iyo duco is barkan u direy qoysaskii iyo eheladii marxuumiinta. Falkaas foosha xuna wuxuu ku tilmaamay si aada looga naxay, dadka fuliyayna ay yihiin dad aan jeclayn magaca Somaliland.

 

Mudane Abdi Qani wuxuu dadka madasha fadhiyay ka codsadey in faataxada loo maro marxuumiintii dilkaas loo gaystey. Intaas kadib Cabdiqani wuxuu Makarafoonka ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Jahliyadda Somaaliland ee Ottawa Mudane ABSHIR NUUR. Mudane Abshir wuxuu xusay geedi-socodka Somaliland soo martay wuxuuna afka ku dhuftay in aan cidna loo joojin Karin geedi socodka Somaliland isagoo taabtay mahmiyada uu leeyahay dadaalkii badnaa ee loo soo galey xasiloonida, nabadayta iyo ka midho dhalinta midnimada ummada.

 

Intaa ka dib waxaa codbaahiyaha looga yeedhay Xaaji Cumar Cabdi Cige oo ah rug cadaa aqoonyahana kana mid odayada hormoodka ka ah magaalada Ottawa gaar ahaan Jaaliyada Somaliland. Xaaji Cumar oo ah shaqsi looga bartay ka dhawaajinta Xaqiiqooqinka jira ayaa hadalkiisa ku bilaabay qadiyadaha Somaliland iyo duruufaha maanta taagan isagoo xusay taariikhihii la soo maray siyaasad ahaan iyo bulsho ahaanba. Wuxuu ku horeeyay inuu dib u eego taariikhdii Somaliland isagoo xusay marxaladihii adkaa ee dawladeeda iyo shacbiga Somaliland soo mareen. Nabada la doortay kuma iman dhayal ee odayaashii reer Awdal waxay hormood ka ahaayeen tan aan maanta hadhsanayno ayaa ka mid ahayd weedhihii madasha uu ka yidhi.

 

Sidoo kale Xaaji Cumar wuxuu si adag u weerarey kooxda la magac baxdey “Awdal State”, wuxuuna ka dhawaajiyay su’aasha ah: Maxaa is badeley ee aan horey u jirin? Isagoo hadalkiisii sii wata wuxuu xaajigu iftiimiyay inaan la aqbali Karin fikirada khaldan ee dhawaanta lala soo baxay ee laga leeyahay ujeedooyin qarsoon. Xaajigu kama warwareegin inuu la yaabay dadka 20 sano Somaliland taageersanaa ee si kadis ah maanta huwadey shaadh mucaaradnimo ah. “ Ujeedadu hadday tahay haddaanan ahayn Madaxweyne ama ku xigeen, meesha waa laaqayaa, wax la yeeli karo maaha”, ayuu Xaaji Cumar Cabdi si cad u sheegay ereyadaa oo dadkii madasha joogay si weyn ugu bogeen. Lama dhayal san karo ninka maanta, labaatan sano ka dib la soo baxay waji cusub oo lagu khalkhal galinaayo Somaliland, ayaa ka mid ahaan weedhihii ugu muhiimsanaa ee Xaajigu carabka ku dhuftay.

 

Xaaji Cumar Cabdi wuxuu sheegay in shalay nin Reer Awdal ahi Joogay maantana ku kale joogo wax isbedelayna aysan jirin, taasoo uu Xaaji Cumar sheegay inaan marnaba loo dul qaadan Karin dadka qalalaasaha Somaliland ku abuuraaya, wuxuuna muujiyay inay mar walba ay ka hortagayaan meeshay doonaan ha joogeene.

Xaajigu ma seegin inuu, sidoo kale, farta ku godo waxqabad la’aantii maamulkii hore wuxuuna isku xidhiidhiyay dadka la dhacsanaa ama jeclaa maamul xumadii dawladii hore oo maanta u sacab tumayaan kuwa bulshada dhexdeeda ka wada khalkhalka ee dhalinaaya shikiyada maanta taagan.

Xaaji Cumar wuxuu hadalkiisii ku soo gabgabeeyey in laga foojignaado inta sida qaloocan wax u wada loona guntado sidii layskaga fogayn lahaa.

 

Marwo Fadumo Yuusuf Wadad ayaa hadalka qaadatay waxayna si geesinimo leh u weerartay raga oo ay ku tilmaantay qaar ragganimadii ula leexdey cay ay ku caytamaan mareegaha Internet ka. Waxay hoosta ka xariiqdey faa’idada aalada Internet ka oo mudan in dadweynaha looga faa’ideeyo halka lagaga caytamin lahaa. Ereyadaa Marwo Faadumo ayaa ahaa hadallo dadku aad u jeclaysteen madashana gaadhsiisay in sacab iyo sawaxan kala joogsan waayo. Dadka madasha ka Hadley waxaa kale oo ka mid ahaa Cali Barkhad ( Cali Diig), Xuseen Axmad iyo Saciid Farax Cabdi. Dhamaantood waxay soo jeediyeen ereyo guubaaba ah oo lagu xoojinaayo midnimada, nabada iyo qaranimada Somaliland.

Qudbada markii la soo afjaray waxaa bilaabmay doorkii fanaaniita oo soo bandhigay heeso ruxay jidhka iyo qalbiga rag iyo haweenba. Hubaal waxaa ah in reer Ottawa si deg deg ah u sugayaan cajalada laga duubay xafladan iyada ah.

Fanaanka Weyn ee Cabdilahi Boqol Oo Heesaya

Sawirada oo badan awgeed ayaan insha alllah ka kala dhigi doonaa laba qaybood

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

It appears that the roles are changing, it's now the secessionists that must rely on the diaspora's support rather then people on the ground.

 

Also, these women with their gold jewlery do not resemble the same economic status as the disenfranchised young adults who protested in Borama.

 

None of them are probably from Awdal!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thankful;765702 wrote:
It appears that the roles are changing, it's now the secessionists that must rely on the diaspora's support rather then people on the ground.

 

Also, these women with their gold jewlery do not resemble the same economic status as the disenfranchised young adults who protested in Borama.

 

None of them are probably from Awdal!

Boy stop being bitter.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AsadSL   

I use to live in South Ottawa and I can say all these people are gudaboursi and I see several familiar faces and few old family friends. Anyone can make parties and websites find disloyal people and start propaganda them pay family or sub sub clan members to protest. Compare boraama crowds on may to 25 people gathering. People choose want they like to believe but reality is important. What's funny is leader of the awdal Internet state went toa meeting where mahiiga wad meeting the Somali community in Toronto with his Internet state t shirt shaking his hand and claimed he had high level talks with the man how embracing. And now hes naming minsters of a state that can't even go to where they claim to represent.

Share this post


Link to post
Share on other sites

they know they much better off in every aspect than the moryaans in somalia.Long live somaliland.

Ignore bitter people cos nothing ain't going for thm.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

lol nonesense. I just dont get it. Why cant u accept that the awdal community want to create a state for themselves just like the somalilanders/puntlanders/ssc o ka madax bananadaan dadkale in ay u taliyaan. I fully support the awdal state ha isku tashadaan dhaafa..it is a shame that I just realized their party was today instead of tomorrow. Walahi I was planning to go tomorrw and now its too late for me to go..it is a welcoming party for their president. Ma wacna in la isxasidu..just move on ppl and be happy for the otha ppl!

 

my 2 cents

 

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Why can't you accept teh Awdal community want Somaliland ??

lool huha baad rabtiin in aad iska dhadhicisiin. The fact is they don't..so stop posting fake photos that ur trying to pass off as reer awdal..

 

here are two links u can enjoy ..

 

 

 

 

and I will update you on the toronto event that took place xalay, even thou I regret missing it...im sure it turned out great ....

 

reer awdal way duleen..ee waxba ha isdhibina sadexdiina magaalo ha ni deeqado

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Awdal/Selel/Gabiley diaspora rally for Somaliland Unity

 

Written by Mohamed Omar

Dec 17, 2011 at 01:51 PM

Several hundred members of the Awdal/Selel/Gabiley diaspora rallied Friday in Ottawa in a bid to showcase their support for Somaliland unity and peace. In his opening remarks during the ceremony billed “Together through tragedy”, Abdiqani led a moment of prayers for the victims of the savage killings in Semaal and Ceelbardaale. Abshir |Nur called on the Ottawa Somaliland community to bond together during this trying times. Afterwards, Haji Omar Abdi Cige, one of the most respected elders in the Ottawa Somaliland community, cautioned against the merchants of hatred trading on the recent tragedy in order to sow conflict in Gabiley in particular. ”Let me tell you fellow Somalilanders, peace is the best commodity of Somaliland and our enemies are hell bent on debasing it. And to a cheering audience, Haji Omar Abdi added that ”Somaliland peace and unity has been built in Borama and Awdal/Selel/Gabiley will on the vanguard of all the struggle to strengthen them” Haji Omar Abdi went on to question directly the goal of the Puntland sponsored Awdal State. Talking directly to the leaders of what is known as Qurbomeer State, Omar said : “We all know that your expenses are paid by Puntlanders. That you cannot rely on funding from fellow Awdalites because you have no legitimacy among them. But your Somaliweyn friends think that Awdalites are less worthy than Biyama, that we are not worthy of being at the cabinet table. Let me tell you dear friends, Awdalites are in a better place in Somaliland. A place where they are always at the cabinet table, a place where they have led for 8 years, a place that they will lead in the future. Ask your Somaliweyn friends, why we from Awdal/Selel and Gabiley, are less worthy than Biyama” Four other community leaders, Ali Barkhat (Ali Diig), Mohamoud Awad and Hussein Ahmed and Fadumo Yusuf Wadaad took to the podium. They talked about the importance of peace and how Somaliland was able to raise from the ashes with virtually no external help. Ali |Barkhat reminded the audience how Awdalites are in a better place now after years of neglect during the Somaliweyn area. With youth graduating in record numbers and infrastructure built at a record pace, ||Ali Barkhat cautioned against the Puntland puppet called Awdal |State. Hussein Ahmed talked lengthily about Awdalites history and about their smarts to know what is good for them. “Somaliland regions have signed a moral contract in Borama. And we are ripping the fruits of that contract today. Borama has tripled in size since 1991.

 

There is virtually no violence there and younger generation are fighting with the pen and not the gun” . Mohamoud Awad talked about how |Somaliland democracy is the pride of Africa, a place where freedom of speech is a reality and political debate welcome. Fadumo Yusuf used her the address to condemns the tribal name calling coming from Qurbomeer State cyber supporters. “ I thought that Somali men were better that this. “Keep the punches up, Somaliland government politicies can be debated but please leave aside the nasty tribal and personal attacks. You are more that welcome to join the political arena but again, are insults all you got? After refreshment were served, renowned singers Abdillahi Boqol and Ibrahim |Wajaale took the audience well into the night in a frenzy of cheers.

Mohamed Omar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this