Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Another Unfortunate Killing in Ceel-Bardaale

Recommended Posts

Hargeysa(Waaheen) warar aanu ka helnay ilo xogogaal ah oo ku dhaw dhaw Ciidanka Baadhista Danbiyadda ee CID-da ayaa shaaca aka qaaday in ay Xukuumaddu Amar ku bixisay in la baadho Lataliyha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda Abiib Diiriye Nuur Tima-cade, waxaana goor dhaweyd looga yeedhay xarunta CID-da.

 

Sida ay ilahaasi waaheen u xaqiijiyeena Abiib Diiriye Nuur waxa uu saaka yimi Xarunta CID-da si uu uga jawaabo su’aalaha la weydiinayo hase yeeshee Ciidank isla markiiba way qabteen oo waxay ku xidheen xarunta CID-da saldhig dhexdeeda ku yaala.

 

Ilaa hada lama garanayo danbiga loo haysto hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in xadhigiisu ka danbeeyo Dilkii ka dhacay Deegaanka SEEMAAL ee Ceel-berdaale, halkaas oo ay degto beesha uu ka soo jeedo ee lagu Eedaynayo inay Mirtay sadex qof oo halkaas lagu Dillay.

 

Warar kale oo dheeraad ah ayaa sheegaya Madaxtooyadda Somaliland inay qorshaynayso inay xilka uu hayay Abiib Diiriye Nuur oo ah la Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda Xilka ka qaado

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ceel-berdaale(Waaheen) Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad oo isaga iyo Ciidan uu wataa ku sugan yihiin Deegaanka Ceel-berdaale ayaa sheegay inay xaalada jiidaasi degan tahay isla markaana Ciidanka Booliiska oo kali ahi ay hawshooda wataan.

 

Saqadhi waxa uu cadeeyay in isla saakaba la sii daayay laba nin oo Ganacsato reer Gabilay ah oo lagu xidhay magaaladda Oodweyne ee Gobolka Daad-madheedh kuwaasoo looga shakiyay inay yihiin dadkii Falka geysaty balse isla markiiba la sii daayay kadib markii la ogaaday inay yihiin Gnacsato ka baayac mushraysa Dibeda iyo Lo’da.

 

Mar aanu weydiinay xadhiga Abiib Diiriye Nuur Taliyaha Booliiska waxa uu ku jawaabay Hargeysaad joogtaane halkaa ka doon doonta warkaas

Share this post


Link to post
Share on other sites

La taliyaha madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Siyaasadda abiib diiriye Nuur (Abiib Timacad) ayaa loo xidhay dilkii habeen hore ka dhacay Tuuladda saameel ee u dhaxaysa Magaalooyinka Gabiley iyo Baki.

 

La taliyaha madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Siyaasadda abiib diiriye Nuur (Abiib Timacad) ayaa loo xidhay dilkii habeen hore ka dhacay Tuuladda saameel ee u dhaxaysa Magaalooyinka Gabiley iyo Baki.

 

Xadhiga la taliyaha arrimaha siyaasadda ee madaxweynaha Somaliland oo uu warbaahinta u xaqiijiyay Wasiirka arrimaha Gudaha ayaa daba socda ka dib markii goor habeenimo ah saddex nin oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Awdal Lagu dilay tuuladda sameel.

 

Dilka saddexdan nin ayaa waxa si xun u cambaareeyay madaxweynaha Somaliland, qaar ka mid ah xisbiyadda dalka, aqoon yahanka iyo waliba shacabka reer Somaliland.

 

Ma jiro war intaas dhaafsan oo ku saabsan xadhiga loo geystay La taliyaha arrimaha siyaasadda ee madaxweynaha Somaliland.

 

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha Somaliland ayaa ka dib dhacdadaasi kulan uu la yeeshay taliyeyaasha ciidamadda Booliska, qaranka iyo waliba masuuliyiinta arrimaha gudaha ku amray in ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl galaan sidii loo soo qaban lahaa gacan ku dhiiglayaashii falkan ka dambeeyay.

 

Labadda taliye ee ciidamada booliska iyo Qaranka ayaa iyaguna kulankaasi ay la yeesheen madaxweynaha ka dib u jarmaaday dhinaca magaaladda Gabiley halkaas oo ay kulamo ku yeesheen masuuliyiinta, gobolkaasi iyo waliba madax dhaqameedka.

 

Taliyahaa ciidamada Booliska Gen. Maxamed Saqadhi Dubad ayaa shir uu la yeeshay odayadda iyo maamulka gobolka Ka dib amray in la soo qabto sheekh Bardaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

the mastermind behind killing in Seemaal still a large if Siilaanyo want to bring back the situation normal he must act now before it's too late..suspected criminals should be arrested such as Nuux taani,Aden Siiro,Ina Aw Saciid and Muuse biix.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa(Waahee) Baaqa Nabadeed ee ay Gudidu soo saartay oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Gudidaasi Muxumed Aw Axmed Aadan waxa lagu sheegay inay Gudiduu Canbaaraynta Arrintaasi kulan ka yeelatay isla markaana talaabooyinkii Madaxweynuhu soo jeediyay ay aku Ayidsan yihiin waxaanu Baaqaasi u dhignaa sidan:-

 

Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtiddu fadhi uu yeeshay maanta oo ah salaasa bishuna tahay 6/12/2011. Waxay baaq nabadgelyo u dirayaan arrintii foosha xumayd ee ka dhacday deegaanka Seemaal ee lagu dillay sadexda Ruux

 

Marka hore Guddidu iyadoo ka xun waxay Tacsi u dirayaan qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen marxuumiintaasi ilaahayna uga baryayaan in uu samir iyo Iimaan ka siiyo.

Marka xiga waxaanu Cambaaraynaynaa cidii geysatay falkaas foosha xun ee aan ku wanaagsanayn dhaqanka iyo Diinta toona

Waxaanu taageeraynaa Go’aankii Madaxweynaha ee uu dhacdadaasi kaga jawaabay iyo mawqifka adage e uu iska taagay iyo sidii wax looga qaban lahaa.

 

Waxa iyana aanu ku adkaynaynaa Hay’addaha Nabadgelyada ee ay wax ka qabashadeedu khusayso inay amarkaas madaxweynaha sidiisa u fuliyaan.

 

Gebo-gebadii waxaanu u soo jeedinaynaa dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi in ay la shaqeeyaan Ciidamadda Nabadgelyada ee arrintaasi loo xilsaaray gacana ka siiyaan dedaalka ay ugu jiraan soo qabashada dadkii falkaas foosha xun geystay ilaashadaana Nabadgelyadooda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Akash;763505 wrote:
the mastermind behind killing in Seemaal still a large if Siilaanyo want to bring back the situation normal he must act now before it's too late..suspected criminals should be arrested such as Nuux taani,Aden Siiro,Ina Aw Saciid and Muuse biix.

Do we need to arrest JB as well...lool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabiley (Gabiley News):- Maleeshiyo beeleedka Dilla ayaa saaka subaxdii hore weerar gaadmo ah oo ay kusoo qaadeen reero dagan deegaanada aanu muranku ka taagnayn ee Goroyo-ku-dhalka, waxa ku naf waayey ALLE ha u naxariistee Marxuum Iid Muuse Kaamil oo Galabta maydkiisii la keenay Magaalada Gabiley iyada oo laba nin oo kale oo mid dhaawac qabay la la'a yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

 

 

Marxuumka oo da'adiisu ahayd labaatan jir ayaa caawa lagu aasi doonaa Magaalada Gabiley, dilka marxuumka ayaa daba socda weeraro ay maleeshiyada beesha deegaanka Dilla soo qaadeen shalay ilaa iyo xalay oo ay ku ugaadhsanayeen reerihii nimanka lagu tuhunsan yahay in ay dileen sadexda nin ee habeen hore lagu laayey deegaanka Seemaal, kuwaasi oo shalayna Gubay dhamaan meheradihii Buqdhada.

 

 

Laba nin oo ay marxuumka wada daganaayeen ayaan ilaa iyo hadda lahayn meel ay ku danbeeyeen, iyadoo wararka qaarna sheegayaan in nimankaasi mid ka mid ahi ku fakaday dhaawac, nolol iyo geeri meel uu hadda joogana la la'ayahay.

 

 

Dagaalada aargoosiga ah ayaa Shalay ilaa iyo Maanta ku soo badanaya deegaanadii muranka dhulku ka taagnaa kuwaasi oo u soo talaabay deegaano aan hore ugu jirin dhulka la isku haystay, Ciidamada Booliiska iyo Qaranka Somaliland ee dhexdhexaadinta loo keenay ayaa la sheegayaa in lagu amray in aanay dhaafin guddaha magaalada Gabiley.

 

Dagaalada ayaa laga cabsi qabaa in ay intaasi kasii balaadhaan kuna sii fidaan deegaanada aanu hore muranku uga taagnayn ee ka tirsan gobolada Gabiley iyo Awdal, maadaama aanay ilaa iyo hadda jirin cid ku dhex jirta, ugaadhsiga iyo dilalka aan la ogayn sii kordhayaan.

 

Oday ka mid ah Dadka Deegaankaasi oo Gabiley News u waramayay ayaa sheegay in Deegaanadaasi aanay joogin wax ciidan ah oo somaliland leedahay kuwaasi oo kala dhex gala Dadka walaalaha ee Shaqaaqadu dhextaalo oo laga Cabsi qabo in Mushkilad tan ka balaadhan dhex marto.

 

Waftigii Xukuumadu u dirtay Daminta Shaqaaqadan ayaa xalay la kulmay Waxgaradka labada Beelood ee Mushkiladu dhextaalo iyaga oo dhinac Duqayda Gobolka Awdal ka balan qaadeen in aanay Samaynin wax Aar gudasho ah inta xukuumadu Gacanta ku hayso Arintan, halka duqaydii Sexeexday Heshiiskii Ceelbardaale ee Dhinaca Gabiley Xabsiga loo Taxaabay, balse Dagaalka danbe ayaa Keenaya Dhibaato kale oo horle oo dhaawici karta Waanwaanta Xukuumaddu waddo iyo Dadaalada loogu jiro sidii nabad waarto loogu soo celin lahaa Deegaanaddaasi, dadkii gacan ku dhiiglayaasha ahaana sharciga loo horkeeni lahaa.

 

Qaar ka mid ciidamada Booliiska ayaa sheegaya inay Maydka hal nin oo kale ka heleen meel aan ka fogayn Goroyo-ku-dhalka, taasi oo aanay wali cid garan maydka ninkaasi oo booliis diiday magacooda la xuso sheegeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Suldaan Cilmi Rooble Furre oo Tacsi iyo Baaq nabadeed ka soo saaray dhacdadii SEEMAAL Muuse Biixina ka difaacay Eedaha Reer Awdal u soo jeedinayaan

 

 

Hargeysa(Waaheen)Suldaan cilmi rooble furre ahaana taliyihii hore ee ciidanka poliska s/land Ayaa dhanbaaal tacsi ah u diray ehelkii qaraabadii iyo qoyskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday Falkii foosha xumaa ee dhowaanta ka dhacay deegaanka seemaal Waxaanu ilaahay uga baryay inuu dadkaasi oo gacan ka xaq darani dishay naxariistii janno Ka waraabiyo dadkii ay ka tageenna samir iyo iimaan ka siiyo.

 

suldaanku waxa uu geesta kale Baaaq nabadeed u diray deegaanka ay kazoo jeedeeen dadkaasi la laayay,waxaanu sheegay in looga baahan yahay inayna ku degdegin dhibaatada dhacday,,kana muujiyaan samir iyo dulqaad, maadaama Hawsha baadhitaanka falkaasi lagu guda jiro ,taasoo u dan ah ayuu yidhi suldaanku,walaalnimada ,wadajirka,iyo wada noolaaanshaha bulshada s/land. lagana fogaado wax kasta oo wiiqi kara qaran-nimadeenna.

 

Sidaan wada ognahay m/waynaha jsl axmed mxamed siilaanyo, isagoo aad uga tiiraanyaysan Dhacdadaasi xun ee lama filaanka ah,waxa uu ka soo saaray amar ciidan la siiyo kii sida aan aaminsanahay ugu cuslaa,taasoo salka ku haysay,in hawlkasta oo ay ku kacayso, gacanta lagu soo dhigo, dhagarqabayaashi dikaasi geystay, caddaaladdana la horkeenno.

 

Suldaan cilmi rooble furreh waxa sidoo kale ugu baaqay dhinaca loo tirinayo eedaha falkaasi inay gacan buuxda ku siiyaan ciidamada baadhista wada,si xal dhakhso ah loo helo.

 

Suldaan fure waxa uu geesta kale hadal aan meesha le’ekeyn ku tilmaaamay hadal ka soo yeedhay suldaan saleebaan cali, kuna soo baxay wargeyska waaheen cadadkiisii(714) soona baxay 06dii December 2011,kaasi oo uu ku sheegayo in dhibaatada dhacday uu qayb ku leeyahay muuse biixi cabdi, oo ah gudomiyaha xisbul xaakimka talada dalka haya,oo ka soo saaray dhacdadaasi foosha xumayd, baaqii ugu horreeyay ee lagu canbaaraynayo, isla markaana ku guubaabinayay inay dhakhso wax uga qabato cid kasta oo ay khusayso arritaasi.

 

Sidaasi awgeed waxaan suldaanka odhan lahaa walaal suldaan waxaa fiican in madaxda dalka Laga dhawro weedhaha xanafta leh ee aanay waxba ka jirin, maadaama aan nahay odayaashii iyo madax dhaqameedkii bulshada,kana fogaanno waayo?waxaaan ka war qabnaa inuu hore iyo danbaysaba muuse biixi qayb weyn ku lahaa nabad ka aslaaxinta ,beelaha walaalaha ah ee deeegaanadaasi, wax badan-na kaas oo shaqeeyay. waa shakhsi aan runtii aaminsanahay inaanu jirin albaab aan wanaaag ahayn oo uu ka soo gali karo. waxayna tahay in la ilaaliyo xushmadda iyo karaamada madaxda dalka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa-(HWN)-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa *****lka ka qaaday inay qabteen dad lagu tuhmay inay wax ka ogaayeen dilkii habeen hore deegaanka Seemaal ee jiidda Ceelbardaale loogu gaystaty saddex muwaadin oo aan waxba galabsan.

 

Wasiir Duur, oo goor dambe oo xalay ah u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inay wefti wasiiro ah oo uu ka mid yahay shalay ku baxeen jiiddii dilku ka dhacay islamarkaana ay ku guulaysteen in la aaso maydka saddexdii marxuum iyagoo sidoo kale dejiyay dareen xaasaasi ah oo ka dhashay dilkaas. Wefti wasiiro ah ayaanu ku gaadhnay deegaankii dhibtu ka dhacday oo wasiirka madaxtooyada, Aniga, wasiirka hawlaha guud iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo xildhibaano ka soo jeeda deegaankaas dadka wax lagu laayay ah. Ayuu yidhi Wasiir Duur, waxaanu intaas raaciyay Runtii saddex qof ayaa geeriyooday saddexdii qof waa la aasay, waxa kale oo aan la kulanay dadkii dhibaatadu gaadhay oo runtii aad u cadhaysan, dadkaas waanu dajinay oo waanu wada hadalnay.

 

Isagoo ka hadlaya arrimaha ay isla qaateen dadkii deegaanka ay u tageen, wuxuu Wasiirku yidhi Waxaanuna ku balanay in waxaas dhacay ay ka sugaan xukumada talaabaday ka qaado oo iyaga xagooda wax ficila aanu ka iman, jawigiina jawi nabadgalyo ayaan isla qaadanay waayeelkii iyo ciidan halkaas lagu soo ururiyayba waanu dajinay, waxaanu markaa gabogabadiiba isla qaadanay in la sugo danbiilayaashaa falkaa foosha xun gaystay wixii xukumadu talaabo ay ka qaadayso.

 

Isagoo ka hadlaya dadka falkan loo qabtay wuxuu wasiirku yidhi Runtii hawshaas wanaag ayaan ku soo dabaalnay, waxaan qabanay dad badan oo la tuhunsanyahay inay falkaas gacan ka gaysteen oo dad aad u badana, waanan haynaa oo magaalada iyo miyiga laga qabtay, waxa kale oo aan qabanay dad hubaysan oo rasaas iyo qoryaba sita. Markaas insha allaah baadhistiina waa ay socotaa, xagayagana dedaal xooga baanu muujinaynaa in dadka falkaas foosha xun gaystay sharciga la hor keeno.

 

Wasiirka oo la weydiiyay inuu sii faahfaahiyo dadka ay xukuumadu qabatay wuxuu yidhi Waxaanu haynaa waayeelkii reerka oo cuqaal iyo odayaalba ah si aanu xaalada u muujino xumaanta ay leedahay dad cuqaala iyo sheekhii meesha deganaa iyo niman fidna walayaala oo la yaqaano oo uu ka mid yahay nin Daahir-yare la yidhaahdo iyo niman kale oo reer miyi ahba waanu haynaa, sidoo kale waxa aanu doondoonaynaa dad fidnada caan ku ah oo fidnada meeshaas caan ku ah in aan iyana qabano ilaa caawa [xalay] insha allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ILaahay ha u naxariisto dhamaan inta qacanta ka xaq daran ku dhimatay.

 

The killers need to be brought to justice.

 

 

Btw, where is DjibSomali? I taught he would be wanking on this type of bad news.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this